وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلْبُرُوجِ
Alle wuxuu ku dhaartay samada xiddigaha leh (iyo jidadkooda).
Waa la furayaa…
22 aayadood.
Akhri aayad kasta si tartiib ah, ku dhawaaji xarfaha iyo xarakaadka, kadib eeg macnaha. Dhageyso oo akhri suuradda dhan →
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلْبُرُوجِ
Alle wuxuu ku dhaartay samada xiddigaha leh (iyo jidadkooda).
وَٱلْيَوْمِ ٱلْمَوْعُودِ
Iyo maalinta laysu yaboohay (qiyaamada).
وَشَاهِدٍ وَمَشْهُودٍ
Iyo dadka joogsan maalintaas iyo waxyaalaha iman maalintaas.
قُتِلَ أَصْحَٰبُ ٱلْأُخْدُودِ
Ee lacnadi ha ku dhacdo kuwii godka lahaa (mu’miniinta lagu caddibo).
ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلْوَقُودِ
Ee ahaa naar olal (iyo shidaal) leh.
إِذْ هُمْ عَلَيْهَا قُعُودٌ
Gaaladiina ay kor fadhiyeen godka.
وَهُمْ عَلَىٰ مَا يَفْعَلُونَ بِٱلْمُؤْمِنِينَ شُهُودٌ
Iyagoo daawan waxa lagu fali mu’miniinta «oo jirrabaad ah».
وَمَا نَقَمُوا۟ مِنْهُمْ إِلَّآ أَن يُؤْمِنُوا۟ بِٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَمِيدِ
Waxay ku neceen dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Allaha adkaada ee la mahadiyo.
ٱلَّذِى لَهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ شَهِيدٌ
Ee leh samada iyo dhulka xukunkooda, Alle na wax walba wuu ujeedaa.
إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُوا۟ ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَٰتِ ثُمَّ لَمْ يَتُوبُوا۟ فَلَهُمْ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمْ عَذَابُ ٱلْحَرِيقِ
Kuwa mu’miniinta rag iyo haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan caddibaadda jahannamo iyo caddibaad gubi.
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمْ جَنَّٰتٌ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ ذَٰلِكَ ٱلْفَوْزُ ٱلْكَبِيرُ
Kuwa xaqa rumeeyey camal fiicanna falay waxay mudan jannooyin ay dureeri dhexdeeda wabiyaal, taasina waa liibaan wayn.
إِنَّ بَطْشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ
Qabashada Alle na (ciqaabtiisu) way daran tahay.
إِنَّهُۥ هُوَ يُبْدِئُ وَيُعِيدُ
Alle isagaa khalqiga ahaysiiyay soona celin.
وَهُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلْوَدُودُ
Waana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca).
ذُو ٱلْعَرْشِ ٱلْمَجِيدُ
Carshiga sharafta lehna isagaa iska leh.
فَعَّالٌ لِّمَا يُرِيدُ
Wuuna falaa wuxuu doono.
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلْجُنُودِ
Ma ku soo gaadhay warkii junuuddii (gaaladii).
فِرْعَوْنَ وَثَمُودَ
Fircoon iyo Thamuud.
بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فِى تَكْذِيبٍ
Hase yeeshee kuwii gaaloobay waxay ku sugan yihiin beenin la beeniyo (xaqa).
وَٱللَّهُ مِن وَرَآئِهِم مُّحِيطٌۢ
Alle na waa koobay (kamana baxsadaan).
بَلْ هُوَ قُرْءَانٌ مَّجِيدٌ
Waase quraan sharaf leh.
فِى لَوْحٍ مَّحْفُوظٍۭ
Oo ku qoran loox la dhawray (looxulmaxfuudka).