الٓر تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْكِتَٰبِ ٱلْحَكِيمِ
Kalimada hore waxay ku tusin mucjisada quraanka, taasina waa aayaadka kitaabka falkasan.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
الٓر تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْكِتَٰبِ ٱلْحَكِيمِ
Kalimada hore waxay ku tusin mucjisada quraanka, taasina waa aayaadka kitaabka falkasan.
أَكَانَ لِلنَّاسِ عَجَبًا أَنْ أَوْحَيْنَآ إِلَىٰ رَجُلٍ مِّنْهُمْ أَنْ أَنذِرِ ٱلنَّاسَ وَبَشِّرِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَنَّ لَهُمْ قَدَمَ صِدْقٍ عِندَ رَبِّهِمْ قَالَ ٱلْكَٰفِرُونَ إِنَّ هَٰذَا لَسَٰحِرٌ مُّبِينٌ
Dadka ma waxaa la yaab ku noqotay inaan u waxyoon nin ka mida u dig dadka, uguna bishaaree kuwa rumeeyey inay ku leeyihiin abaalmarin fiican Rabbigood agtiisa (camalkoodii dartiis), waxay dheheen gaaladiina kani waa sixirrow cad.
إِنَّ رَبَّكُمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ فِى سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ ٱسْتَوَىٰ عَلَى ٱلْعَرْشِ يُدَبِّرُ ٱلْأَمْرَ مَا مِن شَفِيعٍ إِلَّا مِنۢ بَعْدِ إِذْنِهِۦ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمْ فَٱعْبُدُوهُ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
Allihiin waa ka ku abuuray samooyinka iyo dhulka lix maalmood markaas ka kor noqday carshiga, isagaana maamula amarka, wax shafeecina idinkiisa la’aantiisa ma jiro, kaasi waa Rabbigiinna idin barbaariya ee caabuda, miyeydaan wax xusuusanayn.
Quraanka waxaa ku dhan xigmo iyo sharaf, gaaladuna waxay la yaabeen in ruux ka mida lagu soo dejiyo waxyi inuu u digo dadka una bishaareeyo kuwa xaqa rumeeyey ee wanaag ku leh Alle agtiisa, gaaladuna waxay ku sheegeen Nabiga in uu saaxir yahay, Rabbiga xaqa ahna waa kan abuuray cirka iyo dhulka isagoo awood, sharaf iyo qudraba u dhammeystiran yihiin, isagaa wax maamula, wax shafeeci kara idinkiisa la’antiisna ma jiro, isagaana mudan in la caabudo. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi: markuu Alle bixiyey Nabiga Muxamada (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) yey beeniyeen carabtu iyagoo sheegi in Alle ka wayn yahay inuu soo diro Nabi dada, markaasaa Alle soo dejiyey aayadda. Taasina waa doqonnimadii iyo madax adaygoodii, maxaa yeelay dad waa in uun dad loo soo diro si uu u toosiyo.
إِلَيْهِ مَرْجِعُكُمْ جَمِيعًا وَعْدَ ٱللَّهِ حَقًّا إِنَّهُۥ يَبْدَؤُا۟ ٱلْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ لِيَجْزِىَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ بِٱلْقِسْطِ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَهُمْ شَرَابٌ مِّنْ حَمِيمٍ وَعَذَابٌ أَلِيمٌۢ بِمَا كَانُوا۟ يَكْفُرُونَ
Xaggiisaa laydiin celin dhammaan, yabooha Alle na waa xaq, Alle ayaa billaaba abuurka haddana soo celin inuu ku abaal mariyo kuwa rumeeyey (xaqa) oo falay camal fiican, si caddaalada, kuwa gaaloobayna waxaa u sugnaaday cabbid kulul iyo cadaab daran gaalnimadooda darteed.
هُوَ ٱلَّذِى جَعَلَ ٱلشَّمْسَ ضِيَآءً وَٱلْقَمَرَ نُورًا وَقَدَّرَهُۥ مَنَازِلَ لِتَعْلَمُوا۟ عَدَدَ ٱلسِّنِينَ وَٱلْحِسَابَ مَا خَلَقَ ٱللَّهُ ذَٰلِكَ إِلَّا بِٱلْحَقِّ يُفَصِّلُ ٱلْـَٔايَٰتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ
Alle waa kan ka yeelay qorraxda ifid dayaxana nuur una qaddaray meelo ay socdaan, inaad ogaataan tirada sanooyinka iyo xisaabta, wuxuu u abuuray Alle arrintaas xaq, wuxuuna u caddayn aayaadka ciddii wax og.
إِنَّ فِى ٱخْتِلَٰفِ ٱلَّيْلِ وَٱلنَّهَارِ وَمَا خَلَقَ ٱللَّهُ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ لَـَٔايَٰتٍ لِّقَوْمٍ يَتَّقُونَ
Isbadalka habeenka iyo maalinta iyo abuurka Alle ee samooyinka iyo dhulka aayaad baa ugu sugan ciddii dhawrsan.
Xagga Alle ayaa loo noqon dhammaan yabooha Alle na waa dhab oo ah in si caddalada loogu abaal mariyo kuwa wanaagga falay janno, kuwa gaaloobayna cadaab daran. Alle na waa ka dadka ugu nicmeeyey qorraxda ifi iyo dayaxa nuuri si waqtiga iyo xisaabta loogu garto, habeenka iyo dharaarta isbaddelkeedana iyo abuurka cirka iyo dhulka waxaa ku sugan calaamooyin muujin xaqnimada Alle iyo awooddiisa, ciddii caqli leh oo Alle nuur u geliyey qalbiga wuxuu yaqiinsan waynida awoodda Allaha abuuray cirka, dhulka, qorraxda, dayaxa iyo khalqiga kalaba mudanna in la caabudo.
إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يَرْجُونَ لِقَآءَنَا وَرَضُوا۟ بِٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَٱطْمَأَنُّوا۟ بِهَا وَٱلَّذِينَ هُمْ عَنْ ءَايَٰتِنَا غَٰفِلُونَ
Kuwaan rajaynayn la kulanka naga kuna raalli noqday nolosha dhaw kuna xasilay iyo kuwa halmaansan aayaadkannaga.
أُو۟لَٰٓئِكَ مَأْوَىٰهُمُ ٱلنَّارُ بِمَا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ
Kuwaas hooygoodu waa naar waxay kasbanayeen darteed.
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ يَهْدِيهِمْ رَبُّهُم بِإِيمَٰنِهِمْ تَجْرِى مِن تَحْتِهِمُ ٱلْأَنْهَٰرُ فِى جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ
Kuwa rumeeyey xaqa oo falay camal wanaagsan wuxuu ku hanuunin Rabbigood (jidadka jannada) iimaankooda sababtii (oo nuur ayuu siin), waxaana socon (guryahooda) hoostooda wabiyadii, jannooyinka naciimo dhexdeeda iyagoo ku sugan.
دَعْوَىٰهُمْ فِيهَا سُبْحَٰنَكَ ٱللَّهُمَّ وَتَحِيَّتُهُمْ فِيهَا سَلَٰمٌ وَءَاخِرُ دَعْوَىٰهُمْ أَنِ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ
Yeedhidooduna dhexdeeda waa Allow waad nasahan tahay, bariidadooduna waa (nabadgalyo) salaan, ducadoodana waxaa ugu dambayn mahad ilaah baa leh Rabbiga caalamka ah.
وَلَوْ يُعَجِّلُ ٱللَّهُ لِلنَّاسِ ٱلشَّرَّ ٱسْتِعْجَالَهُم بِٱلْخَيْرِ لَقُضِىَ إِلَيْهِمْ أَجَلُهُمْ فَنَذَرُ ٱلَّذِينَ لَا يَرْجُونَ لِقَآءَنَا فِى طُغْيَٰنِهِمْ يَعْمَهُونَ
Hadduu Alle u dedejiyo dadka xumaanta siday khayrka u dedejistaan waxaa loo dhammayn lahaa ajashooda, waanuse ku dayn kuwaan rajaynayn la kulankannaga fasaadkooda iyagoo ku wareersan.
Wuxuu Alle kaga warramay aayadahan xaalka kuwaan Alle la kulankiisa rajaynayn, oo adduunyada ka raalli noqday, kuna xasilay, halmaamayna aayaadka Alle ee naari u sugnaatay, iyo kuwa rumeeyey xaqa wanaaggana falay oo uu Alle iimaankooda dartii ku hanuunin jannada, nicmadeedana ku waari, hadalkooduna yahay xuska Alle iyo salaan iyo mahad Alle, waana labo kooxood oo kala fog, oo midna khasaaray midna liibaanay. Tan kale hadduu Alle ugu dedejiyo dadka xumaanta sida khayr waa la dhammayn lahaa, wuxuuse u dayn daalimiinta xumaanta iyagoo ku indha la’, mana ku habboona ruux caqli leh inuu dedejisto shar iyo xumaan, waxaana xadiith ah: naftiinna, caruurtiinna iyo xoolihiinna ha habaarina ood waafaqdaan saacad ijaabo oo laydinka aqbalo.
وَإِذَا مَسَّ ٱلْإِنسَٰنَ ٱلضُّرُّ دَعَانَا لِجَنۢبِهِۦٓ أَوْ قَاعِدًا أَوْ قَآئِمًا فَلَمَّا كَشَفْنَا عَنْهُ ضُرَّهُۥ مَرَّ كَأَن لَّمْ يَدْعُنَآ إِلَىٰ ضُرٍّ مَّسَّهُۥ كَذَٰلِكَ زُيِّنَ لِلْمُسْرِفِينَ مَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
Markuu taabto dadka dhib wuu na baryayaa isagoo jiifa, ama fadhiya ama taagan, markaan ka faydno dhibkana wuu iska socdaa sidii isagoon noo baryinba dhibkii taabtay, saasaa loogu qurxiyey xadgudbayaasha waxay falayeen.
وَلَقَدْ أَهْلَكْنَا ٱلْقُرُونَ مِن قَبْلِكُمْ لَمَّا ظَلَمُوا۟ وَجَآءَتْهُمْ رُسُلُهُم بِٱلْبَيِّنَٰتِ وَمَا كَانُوا۟ لِيُؤْمِنُوا۟ كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْقَوْمَ ٱلْمُجْرِمِينَ
Waxaan halaagnay quruumo idinka horreeyey markay dulmi faleen, waxayna ula timid rasuulladoodii xujooyin, mana ayan rumeynayn, saasaana ku abaal marinnaa qoomka dambiilayaasha ah.
ثُمَّ جَعَلْنَٰكُمْ خَلَٰٓئِفَ فِى ٱلْأَرْضِ مِنۢ بَعْدِهِمْ لِنَنظُرَ كَيْفَ تَعْمَلُونَ
Markaasaan idinka yeellay kuwo u hadha dhulka gadaashood inaan eegno sidaad fashaan.
Waxaa dadka dabeecaddiisa ka mida in markuu bukoodo ama dhib taabto uu Alle baryaa isagoo jiifa ama fadhiya ama taagan, markuuse ka faydo dhibka uu iska dhaqaaqo isagoo gaalnimadii ku sii dhex jira sidii isagoon dhib taaban ama aan Alle horay u baryin, saasna waxaa loo qurxiyey xad gudbayaasha, wuxuuna Alle halaagay ummado ka horreeyey gaaladaas markay dulmi faleen iyagooy rasuulladoodii ula yimaadeen xujooyin oyna beeniyeen, saasuuna Alle ku abaal mariyaa dambiilayaasha, idinkana laydiinku reebay dhulka gadaashood imtixaan iyo in Alle eego isagoo og waxa la falo. Waxaana xadiith ah: adduunyadu waa macaan tahay waana cagaaran tahay, Alle ayaana idinku reebay inuu eego waxaad fashaan, ee iska jira addunyada iyo haweenka.
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ءَايَاتُنَا بَيِّنَٰتٍ قَالَ ٱلَّذِينَ لَا يَرْجُونَ لِقَآءَنَا ٱئْتِ بِقُرْءَانٍ غَيْرِ هَٰذَآ أَوْ بَدِّلْهُ قُلْ مَا يَكُونُ لِىٓ أَنْ أُبَدِّلَهُۥ مِن تِلْقَآئِ نَفْسِىٓ إِنْ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰٓ إِلَىَّ إِنِّىٓ أَخَافُ إِنْ عَصَيْتُ رَبِّى عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ
Marka lagu akhriyo korkooda aayaadkannaga oo cad cad waxay dhahaan kuwaan rajaynayn la kulankannaga: noo keen quraan aan kan ahayn ama baddal, waxaad dhahdaa igama suurowdo inaan ka baddalo agtayda, waxaan uun raaci waxa lay waxyoodo, waxaan ka cabsan haddaan Alle caasiyo cadaab maalin wayn.
قُل لَّوْ شَآءَ ٱللَّهُ مَا تَلَوْتُهُۥ عَلَيْكُمْ وَلَآ أَدْرَىٰكُم بِهِۦ فَقَدْ لَبِثْتُ فِيكُمْ عُمُرًا مِّن قَبْلِهِۦٓ أَفَلَا تَعْقِلُونَ
Waxaad dhahdaa hadduu doono Alle idinkuma akhriyeen idinmana ogaysiiyeen isaga, waxaan ku nagaaday dhexdiinna ka hor cimri ee miyeydaan wax kasayn.
فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ ٱفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَوْ كَذَّبَ بِـَٔايَٰتِهِۦٓ إِنَّهُۥ لَا يُفْلِحُ ٱلْمُجْرِمُونَ
Yaa ka dulmi badan cid ku been abuuratay Alle ama beeniyey aayaadkiisa, illeen ma liibaanaan dambiilayaal.
Gaaladii Qureesheed ee Makaad waxay Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) marba wax warsadaan oo xaqa ka jeedsadaanba waxay warsadeen inuu keeno quraan kale oo aan kan ahayn, ama quraanka wax ka baddalo, markaasuu Alle ku celiyey oo faray Nabiga inuu ku dhaho: iima suurowdo inaan baddalo, iskaba dhaaf inaan quraan kale keenee, waxaanse raaci waxa lay waxyooday, illeen waxaan ka cabsan cadaab maalin daran haddaan caasiyo Rabbigey e, waxaana jirtay inaan muddo idinla noolaa oonan wax idiin sheegin, ee quraankan Alle ayaa soo dejiyey, hadduu doono waxba anigu idinkuma akhriyeen idinmana bareen ee miyeydaan wax kas ahayn. Cid ka dulmi badanna ma jirto cid ku been abuuratay Alle, ama beenisay aayaadkiisa, mana liibaano dambiile, waxayna ku tusin runnimada quraanka, inuusan Nabigu iskala imaan karin waxna ka baddali karin, waxna ku dari karin, waxaad arki kartaa warkii Hiriqle, Cabdullahi binu Salaam, Dimaam binu Thaclabo, Camar binu Caas iyo dad badan oo kale oo dhammaan sheegi runnimada quraanka iyo Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee).
وَيَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَضُرُّهُمْ وَلَا يَنفَعُهُمْ وَيَقُولُونَ هَٰٓؤُلَآءِ شُفَعَٰٓؤُنَا عِندَ ٱللَّهِ قُلْ أَتُنَبِّـُٔونَ ٱللَّهَ بِمَا لَا يَعْلَمُ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَلَا فِى ٱلْأَرْضِ سُبْحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ
Waxay caabudayaan Alle ka sokow waxaan dhibayn anfaceynna waxayna odhan kuwanu waa shafeecayaalkannaga Alle agtiisa, waxaad dhahdaa: ma waxaad uga warramaysaan Alle wuxuusan ku ogayn samooyinka iyo dhulka, wuxuu ka nasahan yahay oo ka sarreeyaa waxay la wadaajiyeen Alle.
وَمَا كَانَ ٱلنَّاسُ إِلَّآ أُمَّةً وَٰحِدَةً فَٱخْتَلَفُوا۟ وَلَوْلَا كَلِمَةٌ سَبَقَتْ مِن رَّبِّكَ لَقُضِىَ بَيْنَهُمْ فِيمَا فِيهِ يَخْتَلِفُونَ
Dadku wuxuu ahaa ummad kaliya markaasay iskhilaafeen, haddayan jirin kalimad Allehaa u horraysay waa la kala xukmin lahaa dhexdooda waxay isku diiddan yihiin.
وَيَقُولُونَ لَوْلَآ أُنزِلَ عَلَيْهِ ءَايَةٌ مِّن رَّبِّهِۦ فَقُلْ إِنَّمَا ٱلْغَيْبُ لِلَّهِ فَٱنتَظِرُوٓا۟ إِنِّى مَعَكُم مِّنَ ٱلْمُنتَظِرِينَ
Waxay odhan gaaladu maa lagaga soo dejiyo xagga allihii aayad, waxaad dhahdaa waxa maqan Alle umbaa iska leh, ee suga anuguna waan idinla sugiye.
Alle wuxuu ku diidi gaaladii la caabudday Alle wax kale iyagoo u malayn inay wax tari ama u shafeeci, markaasuu Alle u sheegay in waxaan Alle ahayn wax anfacayn, wax Alle looga warramina uusan jirin, Alle na wax walba oo xumaana waa ka nasahan yahay, dadkuna waxay ku sugnaayeen jid kaliya oo xaqa ah, markaasay iskhilaafeen oo qaarba wax Alle ka soo hadhay caabudeen, Allase waa dulbadane oo dadka ciqaabta uma soo dedejiyo iyagoon loo caddaynin xaqa. Waxayna codsadeen in Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) lagu soo dejiyo aayado muuqda, sidii ushii Nabi Muuse iyo hashii Nabi Saalax iyo wax la mida, awooddase Alle ayaa iska leh, isagaana soo dejiya wuxuu doono ee suga Nabiguna waa idinla sugiye, si aad u aragtaan xukunka Alle iyo awooddiisa. Dhabtuna waa in gaalo dhunsan tahay, halaag iyo ciqaabna u dambayso, xaquna cad yahay, ciddii rabtana u muuqdo, mudan yahay in la raaco, lana rumeeyo, oo lagu dhaqmo.