الٓر كِتَٰبٌ أُحْكِمَتْ ءَايَٰتُهُۥ ثُمَّ فُصِّلَتْ مِن لَّدُنْ حَكِيمٍ خَبِيرٍ
Erayga hore wuxuu ku tusin mucjisada quraanka, kitaabka quraanka ahna waa mid la sugay aayadihiisa, markaas lagana caddeeyey Allaha falka san ee wax walba og xaggiisa.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
الٓر كِتَٰبٌ أُحْكِمَتْ ءَايَٰتُهُۥ ثُمَّ فُصِّلَتْ مِن لَّدُنْ حَكِيمٍ خَبِيرٍ
Erayga hore wuxuu ku tusin mucjisada quraanka, kitaabka quraanka ahna waa mid la sugay aayadihiisa, markaas lagana caddeeyey Allaha falka san ee wax walba og xaggiisa.
أَلَّا تَعْبُدُوٓا۟ إِلَّا ٱللَّهَ إِنَّنِى لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌ وَبَشِيرٌ
Inaydaan caabudin Alle mooyee wax kale, anugu waxaan idiinka ahay xagga Alle dige bishaareeya.
وَأَنِ ٱسْتَغْفِرُوا۟ رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوٓا۟ إِلَيْهِ يُمَتِّعْكُم مَّتَٰعًا حَسَنًا إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى وَيُؤْتِ كُلَّ ذِى فَضْلٍ فَضْلَهُۥ وَإِن تَوَلَّوْا۟ فَإِنِّىٓ أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ كَبِيرٍ
Dambi dhaafna warsada Alle una toobad keena wuxuu idiinku raaxayn nolol wanaagsan tan iyo muddo, wuxuuna siin cid kasta oo dheeraad leh (fadhli) dheeraadkiisa (fadligiisa) haddaad jeedsataanna anugu waxaan idiinka cabsan cadaab maalin wayn.
إِلَى ٱللَّهِ مَرْجِعُكُمْ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
Xagga Alle ayaa noqoshadiinnu tahay, wax kastana wuu karaa.
Suuraddani waa suurad wax badan ka warrantay, waxaana dhacday in Nabigii (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) lagu yidhi: waxaan kugu aragnaa cirro, markaasuu yidhi waxaa i cirraysay huud iyo walaalaheed, quraankuna waa wax sugan oo cad oo xaggaa Alle ka soo degay, farina inaan Alle mooyee wax kale la caabudin, Nabiguna waa dige bishaareeya, waana in Alle loo toobad keeno dambi dhaafna la warsado.
أَلَآ إِنَّهُمْ يَثْنُونَ صُدُورَهُمْ لِيَسْتَخْفُوا۟ مِنْهُ أَلَا حِينَ يَسْتَغْشُونَ ثِيَابَهُمْ يَعْلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعْلِنُونَ إِنَّهُۥ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
Waxay iilayaan laabtooda inay iska qariyaan Alle, markay isku dadi maryahooda waa og yahay Alle waxay qarsan iyo waxay muujin, illeen Alle waa og yahay waxa laabta ku sugane.
وَمَا مِن دَآبَّةٍ فِى ٱلْأَرْضِ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِ رِزْقُهَا وَيَعْلَمُ مُسْتَقَرَّهَا وَمُسْتَوْدَعَهَا كُلٌّ فِى كِتَٰبٍ مُّبِينٍ
Dhul socod kasta risqigeedu wuxuu saaran yahay Alle wuxuuna og yahay meeshey ku hoyan ooy u dheelman, dhammaanna kitaab cad yey ku sugan yihiin.
وَهُوَ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ فِى سِتَّةِ أَيَّامٍ وَكَانَ عَرْشُهُۥ عَلَى ٱلْمَآءِ لِيَبْلُوَكُمْ أَيُّكُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا وَلَئِن قُلْتَ إِنَّكُم مَّبْعُوثُونَ مِنۢ بَعْدِ ٱلْمَوْتِ لَيَقُولَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ إِنْ هَٰذَآ إِلَّا سِحْرٌ مُّبِينٌ
Alle waa kan ku abuuray samooyinka iyo dhulka lix maalmood, wuxuuna ahaa carshigiisu biyo korkood inuu idin imtixaamo kiinna camalka wanaagsan, haddaad dhahdo waa laydin soo bixin geeri ka dib waxay odhan kuwii gaaloobay: kani waxaan sixir cad ahayn ma aha.
Gaaladii wax kasta oo xaqdiidda ah way sameeyeen xataa waxay isku dadeen maryo si ayna u maqlin xaqa ama u arkin Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) Allese waa og yahay waxay qarsan iyo waxay muujisan, illeen waxa qalbiga ku jiruu ogyahaye. Wax kasta oo dhulka ku noolla Alle ayaa cunnadeeda ballan qaaday ogna meeshay ku sugan tahay iyo meeshay ku hoyan, wax kastana wuxuu ku sugan yahay kitaab cad, Alle ayaana ku abuuray samooyinka iyo dhulka lix maalmood carshigiisuna ahaa biyaha korkooda inuu imtixaamo dadka kooda camal fiican, hadduu Nabigu gaalada ku dhaho waa laydin soo bixin geeri ka dib waxay odhan kuwii gaaloobay: kani waa sixir cad, saasayna xaqa u diidaan si doqonnimo iyo madax adayg ah.
وَلَئِنْ أَخَّرْنَا عَنْهُمُ ٱلْعَذَابَ إِلَىٰٓ أُمَّةٍ مَّعْدُودَةٍ لَّيَقُولُنَّ مَا يَحْبِسُهُۥٓ أَلَا يَوْمَ يَأْتِيهِمْ لَيْسَ مَصْرُوفًا عَنْهُمْ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ
Haddaan dib uga dhigno cadaabka xaggooda tan iyo muddo tirsan waxay odhan maxaa celinaya, maalintuuse u yimaaddo mid laga iilo ma aha, waxaana ku dhaca waxay ku jeesjeesi (ciqaabtiisii).
وَلَئِنْ أَذَقْنَا ٱلْإِنسَٰنَ مِنَّا رَحْمَةً ثُمَّ نَزَعْنَٰهَا مِنْهُ إِنَّهُۥ لَيَـُٔوسٌ كَفُورٌ
Haddaan dhadhansiinno dadka naxariis xaggannaga ah markaas aan ka qaadno wuxuu noqdaa mid quusasho badan oo dafir badan.
وَلَئِنْ أَذَقْنَٰهُ نَعْمَآءَ بَعْدَ ضَرَّآءَ مَسَّتْهُ لَيَقُولَنَّ ذَهَبَ ٱلسَّيِّـَٔاتُ عَنِّىٓ إِنَّهُۥ لَفَرِحٌ فَخُورٌ
Haddaan dhadhansiinno dadka nicmo dhib taabtay ka dib wuxuu dhihi: waxaa iga tagay xumaantii isagoo farax iyo faan ku sugan.
إِلَّا ٱلَّذِينَ صَبَرُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَأَجْرٌ كَبِيرٌ
Kuwa samra ee camal fiican fala mooyee, kuwaasna waxaa u sugnaaday dambi dhaaf iyo ajir wayn.
Waxaa ka mida gaalada dabeecaddooda in haddii ciqaabta dib looga dhigo ay dheerersadaan oy dhahaan maxaa reebaya, maalintuuse cadaab u yimaaddo wax la leexin ma jiro, waxaana ku dhici waxay ku jees jeesayeen ciqaabtiissii, haddii dadka Alle naxariis dhadhansiiyo markaas ka wareejiyo waxaa ka mida kuwo quusan oo gaaloobi, haddii nicmo la siiyo dhib ka dibna waxay dhahaan iyagoo faani oo kibri dhibkii waa tagay, kuwa xaqa rumeeyeyse oo samra oo camal fiican fala iyagu kuma jiraan saasna ma aha, ee waxay ogyihiin in wax walba awwoodda Alle ku jiraan uuna dadka u nicmeyn, uuna dhibi, inuu imtixaamo ciddii rumeysa iyo tii diidda xaqa, kuwa samo falase waxaa u sugnaaday oy heli dambi dhaaf iyo ajir wayn.
فَلَعَلَّكَ تَارِكٌۢ بَعْضَ مَا يُوحَىٰٓ إِلَيْكَ وَضَآئِقٌۢ بِهِۦ صَدْرُكَ أَن يَقُولُوا۟ لَوْلَآ أُنزِلَ عَلَيْهِ كَنزٌ أَوْ جَآءَ مَعَهُۥ مَلَكٌ إِنَّمَآ أَنتَ نَذِيرٌ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ وَكِيلٌ
Waxaad u dhawdahay inaad ka tagto waxa laguu waxyoon qaarkiis oy la cidhiidhyanto laabtaadu inay dhahaan maa lagu soo dejiyo korkiisa kansi ama la yimaaddo malag, adugu waxaad uun tahay dige, Alle na wax kasta wuxuu u yahay (ilaaliye) wakiil.
أَمْ يَقُولُونَ ٱفْتَرَىٰهُ قُلْ فَأْتُوا۟ بِعَشْرِ سُوَرٍ مِّثْلِهِۦ مُفْتَرَيَٰتٍ وَٱدْعُوا۟ مَنِ ٱسْتَطَعْتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ
Mise waxay odhan wuu been abuurtay, waxaad dhahdaa keena toban suuradood oo la mida oo la been abuurtay una yeedha ciddaad kartaan oo Alle ka soo hadhay haddaad run sheegaysaan.
فَإِلَّمْ يَسْتَجِيبُوا۟ لَكُمْ فَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّمَآ أُنزِلَ بِعِلْمِ ٱللَّهِ وَأَن لَّآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ فَهَلْ أَنتُم مُّسْلِمُونَ
Haddayna idin ajiibin «yeelin» ogaada in lagu soo dejiyey quraanka ogaansho Alle iyo inaan Alle mooyee ku xaq lugu caabudaa jirin, ee ma islaamaysaan.
مَن كَانَ يُرِيدُ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا وَزِينَتَهَا نُوَفِّ إِلَيْهِمْ أَعْمَٰلَهُمْ فِيهَا وَهُمْ فِيهَا لَا يُبْخَسُونَ
Ciddii dooni nolosha adduunyo iyo quruxdeeda waxaan u dhammaynaynaa camalkooda dhexdeeda, lagamana nusqaamiyo.
أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَيْسَ لَهُمْ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ إِلَّا ٱلنَّارُ وَحَبِطَ مَا صَنَعُوا۟ فِيهَا وَبَٰطِلٌ مَّا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
Kuwaasuna waa kuwaan ku lahayn aakhiro waxaan naar ahayn, waxaana buray waxay ku sameeyeen dhexdeeda, waxaana baadhila (wax kama jire ah) waxay falayeen.
Alle wuxuu Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) u soo jeediyey inuusan u aabo yeelin warka gaalada iyo madax adayggooda, lana cidhiidhyamin waxay ka doonayaan oo ah xoolo badan iyo malaa’ig keenid, illeen shaqadiisu waa xaq gaadhsiine, Alle ayaase wax walba ilaaliya hadduu Nabigu quraanka been abuurtay iyaba ha keenaan toban suuradood oo la mida oo la been abuuray hana la kaashadeen cidday karaan hadday run sheegi, hadday yeeli waayaanna ha ogaadeen in quraanku ku soo degey ogaanshaha Alle iyo inaan Alle mooyee ku xaq lugu caabudaa jirin ee may islaamaan, ciddii doonta adduunyo iyo quruxdeed waannu ka siin camalkooda oon laga nusqaamineyn dhexdeeda, aakharana kuwaasu wax kuma leh, wuuna buray waxay faleen, waxaana baadila camalkoodii, Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi: kuwa istustusa waxaa lagu siin wanaaggooda adduunka, aakharana way khasaari.
أَفَمَن كَانَ عَلَىٰ بَيِّنَةٍ مِّن رَّبِّهِۦ وَيَتْلُوهُ شَاهِدٌ مِّنْهُ وَمِن قَبْلِهِۦ كِتَٰبُ مُوسَىٰٓ إِمَامًا وَرَحْمَةً أُو۟لَٰٓئِكَ يُؤْمِنُونَ بِهِۦ وَمَن يَكْفُرْ بِهِۦ مِنَ ٱلْأَحْزَابِ فَٱلنَّارُ مَوْعِدُهُۥ فَلَا تَكُ فِى مِرْيَةٍ مِّنْهُ إِنَّهُ ٱلْحَقُّ مِن رَّبِّكَ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يُؤْمِنُونَ
Ruux ku sugan (xujo) cad oo Allehiis, uu raacina marag Alle, hortiisna ahaayeen kitaabkii Muuse isagoo imaam iyo naxariis ah ma la midbaa mid adduunyo uun doonay, kuwaas fiican way rumeyn quraanka, ciddii ka gaalowda quraanka iyo Nabiga oo xisbiyada ka mida naarbaa ballan u ah, ee ha noqon mid shakiya xaggiiisa, isagu waa xaq Alle ka ahaadaye, laakiin dadka badankiis ma rumeeyaan.
وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ ٱفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أُو۟لَٰٓئِكَ يُعْرَضُونَ عَلَىٰ رَبِّهِمْ وَيَقُولُ ٱلْأَشْهَٰدُ هَٰٓؤُلَآءِ ٱلَّذِينَ كَذَبُوا۟ عَلَىٰ رَبِّهِمْ أَلَا لَعْنَةُ ٱللَّهِ عَلَى ٱلظَّٰلِمِينَ
Yaa ka dulmi badan ruux ku abuurtay Alle been, kuwaas waxaa loo bandhigi Rabbigood, waxayna odhan maraggu kuwaasu waa kuwa ku been abuurtay Rabbigood, lacnadi ha ahaato daalimiinta korkooda.
ٱلَّذِينَ يَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَيَبْغُونَهَا عِوَجًا وَهُم بِٱلْـَٔاخِرَةِ هُمْ كَٰفِرُونَ
Ee ah kuwa ka jeedsada jidka Alle, lana dooni qallooc, aakharana ka gaaloobay.
Mu’miniinta xaalkoodu waa mid waafaqsan abuurka Alle ee ah diinta, siduu Rasuulku (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) yidhi: cid kastoo la dhalo waxaa lagu dhaala diinta islaamka, ee labada waalid unbaa yuhuud ka dhigta ama nasaara ama majuusi. (Waxaa wariyey Buhkhaari iyo Muslim). Diinta dhabta ahna waa tan islaamka, waxaana saa marag furay Nabiyadii Alle oos ka mid ahaa Nabi Muuse, ciddii ka gaalowda quraanka ama Nabiga oo dadka ka mida cidduu dooni ha noqdee naar baa ballan u ah, quraankuna shaki ma leh inuu xaq xagga Alle ka yimid yahay, dadka badankiisuse ma rumeeyaan, cid ka dulmi badanna ma jirto ruux ku been abuurtay Alle, kuwaasna waxaa loo bandhigi Rabbigood, maragguna wuxuu odhan oo ah dadka qiyaamada jooga kuwani waa kuwii ku been abuurtay Rabbigood lacnadi ha ku dhacdo daalimiinta jidka Alle ka leexisa dadka oo qalloocna la doonta aakharana ka gaalooba. Dhabtii waa aayado la yaab leh oo waa weyn.
أُو۟لَٰٓئِكَ لَمْ يَكُونُوا۟ مُعْجِزِينَ فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا كَانَ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِنْ أَوْلِيَآءَ يُضَٰعَفُ لَهُمُ ٱلْعَذَابُ مَا كَانُوا۟ يَسْتَطِيعُونَ ٱلسَّمْعَ وَمَا كَانُوا۟ يُبْصِرُونَ
Kuwaasu ma aha kuwa ku daalin Alle dhulka dhexdiisa umana sugna wax Alle ka soo hadhay oo u gargaari waxaana loo laablaabi cadaabka, mana karaan inay (xaqa) maqlaan ama arkaan.