الٓر تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْكِتَٰبِ ٱلْمُبِينِ
Xuruufta hore waxay ku tusin mucjisada quraanka, tanna waa aayaadkii kitaabka cad (quraanka).
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
الٓر تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْكِتَٰبِ ٱلْمُبِينِ
Xuruufta hore waxay ku tusin mucjisada quraanka, tanna waa aayaadkii kitaabka cad (quraanka).
إِنَّآ أَنزَلْنَٰهُ قُرْءَٰنًا عَرَبِيًّا لَّعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ
Annagaana soo dejinnay isagoo quraan carabi ah inaad kastaan.
نَحْنُ نَقُصُّ عَلَيْكَ أَحْسَنَ ٱلْقَصَصِ بِمَآ أَوْحَيْنَآ إِلَيْكَ هَٰذَا ٱلْقُرْءَانَ وَإِن كُنتَ مِن قَبْلِهِۦ لَمِنَ ٱلْغَٰفِلِينَ
Annagaa kaaga qisoon qisooyin tan u fiican waxyigaan quraankan kuu waxyoonay dartiis, waxaadna ka mid ahayd hortiisa kuwaan wax ogayn.
إِذْ قَالَ يُوسُفُ لِأَبِيهِ يَٰٓأَبَتِ إِنِّى رَأَيْتُ أَحَدَ عَشَرَ كَوْكَبًا وَٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ رَأَيْتُهُمْ لِى سَٰجِدِينَ
Markuu (Nabi) Yuusuf ku yidhi aabbihiis aabow waxaan arkay kaw iyo toban xiddigood iyo qorraxda iyo dayaxa waxaan arkay iyagoo ii sujuudsan.
قَالَ يَٰبُنَىَّ لَا تَقْصُصْ رُءْيَاكَ عَلَىٰٓ إِخْوَتِكَ فَيَكِيدُوا۟ لَكَ كَيْدًا إِنَّ ٱلشَّيْطَٰنَ لِلْإِنسَٰنِ عَدُوٌّ مُّبِينٌ
Wuxuuna yidhi (aabbihiis Yacquub) wiilkayow hawga qisoonin riyadaada walaalahaa oy markaas ku dhagraan dhagar, illeen shaydaanku dadka wuxuu u yahay col cade.
وَكَذَٰلِكَ يَجْتَبِيكَ رَبُّكَ وَيُعَلِّمُكَ مِن تَأْوِيلِ ٱلْأَحَادِيثِ وَيُتِمُّ نِعْمَتَهُۥ عَلَيْكَ وَعَلَىٰٓ ءَالِ يَعْقُوبَ كَمَآ أَتَمَّهَا عَلَىٰٓ أَبَوَيْكَ مِن قَبْلُ إِبْرَٰهِيمَ وَإِسْحَٰقَ إِنَّ رَبَّكَ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
Saasuuna kuu doortay Allehaa kuuna baray fasiraadda riyada iyo xadiithyada, kuuna taam yeeli nicmadiisa korkaaga iyo Yacquub ehelkiisa siduu ugu taamyeelay labadaadii waalid mar hore (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Isxaaq, Rabbigaana waa oge falsan.
Ibnu Kathiir wuxuu yidhi: Alle ayaa quraanka ku soo dejiyey luqada u sharaf badan, kitaabka u sharaf badan, Nabiga ugu sharaf badan, malagga u sharaf badan, meesha u sharaf badan, bisha u sharaf badan, saasuuna dhan walba kaamil uga noqday. Qisada Nabi Yuusufna waa wax layaable Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) ma oqoon waxyiga ka hor. Wuxuuna arkay Nabi Yuusuf kaw iyo toban xiddigood iyo qorraxda iyo dayaxa oo u sujuudi, aabihiina wuxuu faray inuu ka qariyo walaalihiis si ayna u xasdin una shirqoolin, illeen shaydaanbaa dadka weheliya colna u ah, Alle ayaa doortay Nabi Yuusuf barayna cilmi iyo fasiraadda riyada una nicmeeyey isaga iyo ehelkii Yacquub ba, aabihiis iyo aabbayaalkiisii hore Nabi Ibraahim iyo Nabi Isxaaq, Nabiguna wuxuu yidhi: kii fiicnaa ee mid fiican dhalay mid fiicanna sii dhalay mid fiicanna sii dhalay waa Yuusuf binu Yacquub binu Isxaaq binu Ibraahim. Nabiyadoo dhanna waa sharaf badan yihiin sida Nabigeenna.
لَّقَدْ كَانَ فِى يُوسُفَ وَإِخْوَتِهِۦٓ ءَايَٰتٌ لِّلسَّآئِلِينَ
Yuusuf iyo walaalihiis calaamad baa ugu sugan kuwa warsan (waano).
إِذْ قَالُوا۟ لَيُوسُفُ وَأَخُوهُ أَحَبُّ إِلَىٰٓ أَبِينَا مِنَّا وَنَحْنُ عُصْبَةٌ إِنَّ أَبَانَا لَفِى ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ
Markay dheheen Yuusuf iyo walaalkiis yaa aabbe naga jecel yahay inagoo koox ah, aabbeheen wuxuu ku sugan yahay baadi cad (jecaylkaas).
ٱقْتُلُوا۟ يُوسُفَ أَوِ ٱطْرَحُوهُ أَرْضًا يَخْلُ لَكُمْ وَجْهُ أَبِيكُمْ وَتَكُونُوا۟ مِنۢ بَعْدِهِۦ قَوْمًا صَٰلِحِينَ
Dila Yuusuf ama ku tuura dhulka ha idiin kaliyoobo wajiga aabbihiine aanada ahaateen gadaashiis qoom suubane.
قَالَ قَآئِلٌ مِّنْهُمْ لَا تَقْتُلُوا۟ يُوسُفَ وَأَلْقُوهُ فِى غَيَٰبَتِ ٱلْجُبِّ يَلْتَقِطْهُ بَعْضُ ٱلسَّيَّارَةِ إِن كُنتُمْ فَٰعِلِينَ
Mid ka midaa yidhi ha dilina Yuusuf ee ku tuura ceel salkiis ha qaateen qaar safaree haddaad wax falaysaan.
قَالُوا۟ يَٰٓأَبَانَا مَا لَكَ لَا تَأْمَ۫نَّا عَلَىٰ يُوسُفَ وَإِنَّا لَهُۥ لَنَٰصِحُونَ
Waxay dheheen aabbow maxaad noogu aamini la’dahay Yuusuf anagoo u naasixa.
أَرْسِلْهُ مَعَنَا غَدًا يَرْتَعْ وَيَلْعَبْ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَٰفِظُونَ
Nala dir barri ha cuno hana ciyaaree anaguna isaga waannu ilaaline.
قَالَ إِنِّى لَيَحْزُنُنِىٓ أَن تَذْهَبُوا۟ بِهِۦ وَأَخَافُ أَن يَأْكُلَهُ ٱلذِّئْبُ وَأَنتُمْ عَنْهُ غَٰفِلُونَ
Wuxuu yidhi Yacquub waxaa i walbahaarin inaad la tegtaan waxaana ka cabsan in yeeyi cunto idinkoo halmaansan.
قَالُوا۟ لَئِنْ أَكَلَهُ ٱلذِّئْبُ وَنَحْنُ عُصْبَةٌ إِنَّآ إِذًا لَّخَٰسِرُونَ
Waxay dheheen hadday yey cunto annagoo kooxa waxaan ka mid nahay kuwa khasaaray.
Qisada Nabi Yuusuf iyo walaalihiis waxaa ku sugan waano iyo xusuus. Waxayna ku tashadeen xasad dartiis inay ama dilaan Yuusuf ama ceel ku ridaan, ugu dambayn midbaa u soo jeediyey inay ceel ku ridaan, aabahood bayna warsadeen wuxuu ugu aamini la’yahay Yuusuf, waxayna warsadeen in la diro ha la soo ciyaaree, wuxuuna u sheegay inuu ka walbahaarini inay la tagaan uuna dugaag uga cabsan, waxayse sheegeen inay ilaalin oo dhawri oyna koox yihiin saasayna kula tageen. Maxamed binu Isxaaq wuxuu yidhi: waxay isku waafaqeen arrin wayn oo ah qaraabo goys, caaq waalid, naxariis darro, iyagoo kala gayn ilmo yar iyo oday aabihiisa oo duqa. Waana arrin wayn waana in laga fogaado waxaasoo kale illeen waa halaage.
فَلَمَّا ذَهَبُوا۟ بِهِۦ وَأَجْمَعُوٓا۟ أَن يَجْعَلُوهُ فِى غَيَٰبَتِ ٱلْجُبِّ وَأَوْحَيْنَآ إِلَيْهِ لَتُنَبِّئَنَّهُم بِأَمْرِهِمْ هَٰذَا وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ
Markay la tageen oy ku kulmeen inay yeelaan ceel salkii, waxaan u waxyoonnay waad uga warrami amarkoodan iyagoon kasayn.
وَجَآءُوٓ أَبَاهُمْ عِشَآءً يَبْكُونَ
Waxayna u yimaadeen aabahood habeenkii iyagoo ooyi.
قَالُوا۟ يَٰٓأَبَانَآ إِنَّا ذَهَبْنَا نَسْتَبِقُ وَتَرَكْنَا يُوسُفَ عِندَ مَتَٰعِنَا فَأَكَلَهُ ٱلذِّئْبُ وَمَآ أَنتَ بِمُؤْمِنٍ لَّنَا وَلَوْ كُنَّا صَٰدِقِينَ
Waxayna dhaheen aabbow waannu tagnay inaan orotonno waxaana ku dhaafnay Yuusuf alaabtannada agteeda markaasay yey cuntay aduguse nama rumaynaysid aanba run sheegnee.
وَجَآءُو عَلَىٰ قَمِيصِهِۦ بِدَمٍ كَذِبٍ قَالَ بَلْ سَوَّلَتْ لَكُمْ أَنفُسُكُمْ أَمْرًا فَصَبْرٌ جَمِيلٌ وَٱللَّهُ ٱلْمُسْتَعَانُ عَلَىٰ مَا تَصِفُونَ
Waxayna la yimaadeen qamiiskiisii oo dhiig beena leh, wuxuuna yidhi (yacquub) saas ma aha ee waxay idiin qurxisay naftiinnu arrin, (xaalkayguse) waa samir fiican Alle ayaana laga kaalmaystaa waxaad tilmaamaysaan.
Way la tageen Yuusuf, waxayna isku waafaqeen inay ceel ku ridaan, markay ku rideenna Alle ayaa u waxyooday oo ogaysiiyay Yuusuf in cidhiidhigan farax ka danbayn ugana warrami walaalihiis xaalka iyagoon garanayn, si ay arrinta u adkeeyaan yay ula yimaadeen waqti habeena aabahood qamiis dhiig leh iyagoo ooyi oo sheegi inay Yuusuf ku dhaafteen alaabta agteeda iyaguna ciyaar iyo oroton aadeen halkaasna yey ku cuntay inkastoon aabbahood rumaynayn si kasta oy run u sheegaan, kuna yidhi naftiinnaa arrin idiin qurxisay, waxaanse samri samir fiican oon argagax lahayn Alle ayaana looga kaalmo warsadaa waxaad falaysaan waadna aragtaa inay wax dhoodhoobeen oohin, qamiis dhiigle, hadal qurxin in wiilkii yeey cuntay, taasina waxay nooga digi inaan lagu khaldamin muuqaalka iyo wax dhoodhoobka, caqli iyo Alle kaalmaysi, iyo kaadsiinyo iyo samir iyo adkaysina lagu socdo, thawri, wuxuu yidhi: sadex samirkay ka mid tahay: inaadan ka warramin xanuunkaaga, iyo dhibkaagan, naftaadana ammaanin. Bukhaarina wuxuu sheegay xaalkii Caa’isha iyo markay tidhi tusaale ma helayo aan ahayn kii Yacquub, xaalkay waa samir quruxsan Alle ayaana looga kaalmo warsadaa waxaad sheegaysaan, taasina waa xaalka mu’miniinta dhabta ah.
وَجَآءَتْ سَيَّارَةٌ فَأَرْسَلُوا۟ وَارِدَهُمْ فَأَدْلَىٰ دَلْوَهُۥ قَالَ يَٰبُشْرَىٰ هَٰذَا غُلَٰمٌ وَأَسَرُّوهُ بِضَٰعَةً وَٱللَّهُ عَلِيمٌۢ بِمَا يَعْمَلُونَ
Waxaa yimid socoto waxayna direen dhaamiye wuxuuna sii daayay wadaantiisii, wuxuuna yidhi bishaaradayda waa wiil, wayna qarsadeen isagoo badeeco ah, Alle na waa og yahay waxay fali.
وَشَرَوْهُ بِثَمَنٍۭ بَخْسٍ دَرَٰهِمَ مَعْدُودَةٍ وَكَانُوا۟ فِيهِ مِنَ ٱلزَّٰهِدِينَ
Waxayna ku gadeen qiima jaban, dirhamo tirsan waxayna ahaayeen kuwaan rabin.