الٓمٓر تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْكِتَٰبِ وَٱلَّذِىٓ أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ ٱلْحَقُّ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يُؤْمِنُونَ
Xarfaha hore oo kale waan soo sheegnay fasirkooda, kuwaasna waa aayaadkii kitaabka (quraanka), waxa lagaaga soo dejiyay xagga Allehaa waa xaq, dadka badankiise ma rumaynin.
ٱللَّهُ ٱلَّذِى رَفَعَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ بِغَيْرِ عَمَدٍ تَرَوْنَهَا ثُمَّ ٱسْتَوَىٰ عَلَى ٱلْعَرْشِ وَسَخَّرَ ٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ كُلٌّ يَجْرِى لِأَجَلٍ مُّسَمًّى يُدَبِّرُ ٱلْأَمْرَ يُفَصِّلُ ٱلْـَٔايَٰتِ لَعَلَّكُم بِلِقَآءِ رَبِّكُمْ تُوقِنُونَ
Alle waa kan kor yeela samooyinka tiir la’aan aad aragtaan markaas ka kor noqday carshiga, (si u cunanta), sakhirayna qorraxda iyo dayaxa dhammaanna waxay ku socdaan muddo magacaaban, Alle ayaa maamula amarka caddeeyana aayaadka inaad la kulanka Allihiin yaqiinsataan.
وَهُوَ ٱلَّذِى مَدَّ ٱلْأَرْضَ وَجَعَلَ فِيهَا رَوَٰسِىَ وَأَنْهَٰرًا وَمِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ جَعَلَ فِيهَا زَوْجَيْنِ ٱثْنَيْنِ يُغْشِى ٱلَّيْلَ ٱلنَّهَارَ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ
Alle waa kan fidiyay dhulka yeelayna dhexdiisa buuro, iyo wabiyo midho kastana ka yeelay dhexdiisa laba nooc wuxuuna ku dadaa habeenkii maalinta, arrintaasna calaamooyin yaa ugu sugan ciddii fikiri.
Tafsiirka aayadaha 1–3
Suuradaha lagu billaabay xarfahaas oo kale waxay ku tusin sida Alle quraanka ugu gargaaray iyo xaqa iyo waynida quraanka, aayadahanna waxay ku tusin in quraanku xaq Alle soo dejiyay yahay, inkastoo dadka badankii rumaynin, Ilaaha quraanka soo dejiyayna waa kan kor yeelay samooyinka tiir la’aantiis. Kana kor noqday carshiga si u cunanta, hallayn la’aan iyo u ekaynsiin la’aan, sahlayna qorraxda iyo dayaxa, muddo ay ku socdaanna u yeelay, amarkana isagaa maamula, caddeeyana aayaadka inaad la kulanka Ilaahiinna rumaysaan, waana kan dhulka fidiyay, buuro, wabiyo, iyo nooc kastoo midha ahna yeelay, habeenka iyo maalintana isku badala si ay calaamo ugu noqoto ciddii fikiri. Taasina waxay ku tusin in Alle maamulo adduunka sare iyo hoosaba, awooddiisuna wax la qiyaasi karo ahayn, mudanna cibaado dhaba iyo aqoonsi.
وَفِى ٱلْأَرْضِ قِطَعٌ مُّتَجَٰوِرَٰتٌ وَجَنَّٰتٌ مِّنْ أَعْنَٰبٍ وَزَرْعٌ وَنَخِيلٌ صِنْوَانٌ وَغَيْرُ صِنْوَانٍ يُسْقَىٰ بِمَآءٍ وَٰحِدٍ وَنُفَضِّلُ بَعْضَهَا عَلَىٰ بَعْضٍ فِى ٱلْأُكُلِ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ
Dhulka waxaa ah goosinno daris ah (isku dhaw) iyo beero cinaba, iyo beer iyo timir oo mataano ah iyo kuwo aan mataano ahayn, laguna waraabiyo biyo kaliya waxaana ku kala fadilaynaa (wanaajinaynaa) qaar qaarka kale cunnada (dhadhanka), arrintaasna calaamaa ugu sugan ciddii wax kasi.
وَإِن تَعْجَبْ فَعَجَبٌ قَوْلُهُمْ أَءِذَا كُنَّا تُرَٰبًا أَءِنَّا لَفِى خَلْقٍ جَدِيدٍ أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِرَبِّهِمْ وَأُو۟لَٰٓئِكَ ٱلْأَغْلَٰلُ فِىٓ أَعْنَاقِهِمْ وَأُو۟لَٰٓئِكَ أَصْحَٰبُ ٱلنَّارِ هُمْ فِيهَا خَٰلِدُونَ
Haddaad yaabtana waxaa yaaba hadalkoodii ahaa ma markaan noqonno carro yaa markaas abuur cusub (nala abuuri), kuwaasi waa kuwa ka gaaloobay Rabbigood, waana kuwa luquntooda la yeelay katiinado waana kuwo naarta ehelkeeda ah kuna dhex waari.
وَيَسْتَعْجِلُونَكَ بِٱلسَّيِّئَةِ قَبْلَ ٱلْحَسَنَةِ وَقَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهِمُ ٱلْمَثُلَٰتُ وَإِنَّ رَبَّكَ لَذُو مَغْفِرَةٍ لِّلنَّاسِ عَلَىٰ ظُلْمِهِمْ وَإِنَّ رَبَّكَ لَشَدِيدُ ٱلْعِقَابِ
Waxayna kaa dedejisan xumaan wanaag ka hor iyadooy tagtay hortood tusaalayaal (ciqaabeed) Rabbigaana waa u dambi dhaafaha dadka iyagoo dulmi ku sugan Rabbigaana waa ciqaab darane.
Tafsiirka aayadaha 4–6
Aayaduhuna waxay ka warrami qudrada Alle iyo awooddiisa iyo midhaha isu dhaw ee biyo kaliya ka waraaba hadana kala duwan yahay dhadhankoodu, midabkoodu, adaygga, jileeca, waynida, yaraanta, waxaasoo dhanna waxay ku tusin awoodda iyo maamulka Alle ay ku waano qaadan ciddii wax kasi, yaan Ilaahay ahayn oo saas yeeli kara, aaway kuwii caqli xumaa ee lahaa dabeecad baa wax fasha, waa la yaab waxaase la yaab isna ah inay gaaladu cuslaystaan in markay dhintaan oy carro noqdaan la soo celin markale, kuwaasu waa kuwa Alle ka gaaloobay ee luqunta laga xidhi waana kuwo ku waari, ee dadajista ciqaab iyo dhibaato wanaag ka hor, hortoodana waxaa ahaa wax lagu waano qaato oo ciqaaba, Allese wuu isaga danbi dhafaa iyagoo dulmi fali, ciqaabtiisuna way daran tahay. Rasuulkana (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) waxaa laga weriyay: saamaxa Alle la’aantii iyo dhaafiddiisu cidna nolol kuma xasisheen, ciqaabtiisuna hadayna jirin cid kasta way talo saaran lahayd. Waxaa wariyay Ibnu Abii Xaatim, saas darteed waa in la waano qaato wanaaggana lagu dadaalo, xaaraantana laga fagaado.
وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَوْلَآ أُنزِلَ عَلَيْهِ ءَايَةٌ مِّن رَّبِّهِۦٓ إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرٌ وَلِكُلِّ قَوْمٍ هَادٍ
Waxay dheheen kuwii gaaloobay maxaa loogu soo dejin waayey korkiisa aayad xagga Allehiis ka timid, adugu waxaad uun tahay dige cid kastana waxay leedahay hanuuniye.
ٱللَّهُ يَعْلَمُ مَا تَحْمِلُ كُلُّ أُنثَىٰ وَمَا تَغِيضُ ٱلْأَرْحَامُ وَمَا تَزْدَادُ وَكُلُّ شَىْءٍ عِندَهُۥ بِمِقْدَارٍ
Alle ayaa og waxay ku siddo uurka dhaddig kasta, iyo waxay ilmo galeennadu nusqaamin, iyo waxay kordhin (dhicis iyo shin) wax kastana Alle agtiisa qaddar (waqti) yuu leeyahay.
عَٰلِمُ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ ٱلْكَبِيرُ ٱلْمُتَعَالِ
Wuxuuna og yahay waxa maqan iyo waxa jooga waana weyne ka sarreeya (wax kasta).
سَوَآءٌ مِّنكُم مَّنْ أَسَرَّ ٱلْقَوْلَ وَمَن جَهَرَ بِهِۦ وَمَنْ هُوَ مُسْتَخْفٍۭ بِٱلَّيْلِ وَسَارِبٌۢ بِٱلنَّهَارِ
Waana isku mid kiinna qarsada hadalka iyo kiinna la qaylya, iyo kii isqariya hebeenkii iyo kii muuqda maalintii.
لَهُۥ مُعَقِّبَٰتٌ مِّنۢ بَيْنِ يَدَيْهِ وَمِنْ خَلْفِهِۦ يَحْفَظُونَهُۥ مِنْ أَمْرِ ٱللَّهِ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا۟ مَا بِأَنفُسِهِمْ وَإِذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِقَوْمٍ سُوٓءًا فَلَا مَرَدَّ لَهُۥ وَمَا لَهُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَالٍ
Wuxuuna leeyahay (ruux kasta) kuwo isbedela (malaa’ig) oo hortiisa iyo gadaashiisa ah kuna dhawra amarka Alle, Ilaahayna ma dooriyo wax dad ku sugan yahay intay ka dooriyaan waxa naftooda ku sugan, markuu Alle la doono dad dhibna wax ka celin ma jiro, mana laha Alle ka sokow gargaare.
Tafsiirka aayadaha 7–11
Waxbadan yey gaaladii warsadeen aayado kibir iyo isla wayni darteed, Nabiguse waa uun u dige, cidkastana waxay leedahay hanuuniye. Tan kale Alle ayaa wax walba og, waxa uurka ku jira, waxa dhicis noqon waxa shin ku dhalan, wax walbana waqti bay ku leeyihiin Alle agtiisa, wuuna og yahay waxa maqan iyo waxa jooga, waana waynaha sarreeya, waana isugu mid Alle ciddii wax qarsata iyo tii habeen la gabata iyo tii maalin muujisata, ruux walbana malaa’igbaa hortiisa iyo gadaashiisa ku dhawrta idinka Alle, sunnada Alle na waa inaan cidna laga doorinin siday ku sugan tahay haddayna doorinin waxa naftooda ku sugan cidduu Alle xumaan la doonana wax ka celin ama gargaari ma jiro. Waxaana sugnaaday in malaa’igtu isukeen beddesho habeen iyo maalin, saasayna u habboon tahay in xumaanta laga dhawrsado wanaaggana lagu dadaalo, Alle na la cuskado.
هُوَ ٱلَّذِى يُرِيكُمُ ٱلْبَرْقَ خَوْفًا وَطَمَعًا وَيُنشِئُ ٱلسَّحَابَ ٱلثِّقَالَ
Alle waa kan idin tusiya hillaaca cabsi gelin iyo rajo gelin darteed, wuxuuna abuuraa daruurta culus.
وَيُسَبِّحُ ٱلرَّعْدُ بِحَمْدِهِۦ وَٱلْمَلَٰٓئِكَةُ مِنْ خِيفَتِهِۦ وَيُرْسِلُ ٱلصَّوَٰعِقَ فَيُصِيبُ بِهَا مَن يَشَآءُ وَهُمْ يُجَٰدِلُونَ فِى ٱللَّهِ وَهُوَ شَدِيدُ ٱلْمِحَالِ
Wuuna tasbiixsadaa onkadku isagoo mahadda Alle ku dheehan iyo malaa’igtuna (waxay la tasbiixsan) cabsida Alle, wuxuuna diraa danabyo wuxuuna ku ridaa cidduu doono, iyaguna waxay ku murmi Alle isagoo ciqaabtiisu daran tahay.
لَهُۥ دَعْوَةُ ٱلْحَقِّ وَٱلَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِهِۦ لَا يَسْتَجِيبُونَ لَهُم بِشَىْءٍ إِلَّا كَبَٰسِطِ كَفَّيْهِ إِلَى ٱلْمَآءِ لِيَبْلُغَ فَاهُ وَمَا هُوَ بِبَٰلِغِهِۦ وَمَا دُعَآءُ ٱلْكَٰفِرِينَ إِلَّا فِى ضَلَٰلٍ
Alle waxaa u sugnaaday baryo (iyo cibaado) xaqa, waxa ka soo hadhayna waxba uma ajiibaan (kuwa baryi) sida mid ku fidiyey gacmihiisa xagga biyaha inay afkiisa gaadhaan, mana gaadhayaan, baryada gaaladuna waxaan baadi ahayn ma aha.
وَلِلَّهِ يَسْجُدُ مَن فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ طَوْعًا وَكَرْهًا وَظِلَٰلُهُم بِٱلْغُدُوِّ وَٱلْـَٔاصَالِ
Waxaa Ilaahay u sujuuda «u khuduuca» waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka ogolaansho iyo qasab iyo hooskooda aroor iyo galbihiiba.
Tafsiirka aayadaha 12–15
Alle waa kan awoodda badan ee dadka tusiya hillaac cabsi gelin iyo damac galin, abuurana daruur culus, lana tasbiixsado onkadku iyo malaa’igtu dartiis, dirana danabyada cidduu doonana ku rida, gaaladuna waxay ku murmi Alle isagoo ciqaabtiisu daran tahay, Alle na wuxuu mudan yahay cibaado xaq ah isagaana baryo mudan, waxay baryi Alle ka sokowna waxay la mid yihiin ruux gacmaha biyaha ku taagay inay soo gaadhaan afkiisa mana suurowdo, gaalada baryadeeduna waa baadi wax kama jiraana, waxa cirka iyo dhulka ku suganna Alle ayay u khuduucaan ogolaansho iyo qasabba oo cid abuurid, doorsoon, cudur, geeri iyo maamulka Alle diidi karta ma jirto. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: haddaad maqashaan onkodka Alle xusa, kuma dhoco cid Alle xusiye, waxaa wariyey dhabaraani. Dhabtuna waa in Alle xaq yahay, Nabiguna xaq yahay, diintuna xaq tahay, qiyaamo iyo xisaab iyo janno iyo naarna wax sugan yihiin lana rabo darbasho iyo samo fal.
قُلْ مَن رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ قُلِ ٱللَّهُ قُلْ أَفَٱتَّخَذْتُم مِّن دُونِهِۦٓ أَوْلِيَآءَ لَا يَمْلِكُونَ لِأَنفُسِهِمْ نَفْعًا وَلَا ضَرًّا قُلْ هَلْ يَسْتَوِى ٱلْأَعْمَىٰ وَٱلْبَصِيرُ أَمْ هَلْ تَسْتَوِى ٱلظُّلُمَٰتُ وَٱلنُّورُ أَمْ جَعَلُوا۟ لِلَّهِ شُرَكَآءَ خَلَقُوا۟ كَخَلْقِهِۦ فَتَشَٰبَهَ ٱلْخَلْقُ عَلَيْهِمْ قُلِ ٱللَّهُ خَٰلِقُ كُلِّ شَىْءٍ وَهُوَ ٱلْوَٰحِدُ ٱلْقَهَّٰرُ
Waxaad dhahdaa yaa ah Rabbiga (abuuray maamulana) samooyinka iyo dhulka, waxaadna dhahdaa waa Alle, waxaadna dhahdaa ma yeelanaysaan Alle ka sokow awliyo (gargaarayaal) oon u hananayn naftooda nacfi iyo dhib midna, dheh ma eg yihiin indhoole iyo wax arke, mase eg yihiin mugdiyo iyo nuur, mise waxay u yeeleen Alle shuruko wax u abuuray sida abuurka Alle oo waxaa isaga ekaaday abuurkii, waxaad dhahdaa Alle ayaa wax kasta abuuray waana kali awood badan.
أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَسَالَتْ أَوْدِيَةٌۢ بِقَدَرِهَا فَٱحْتَمَلَ ٱلسَّيْلُ زَبَدًا رَّابِيًا وَمِمَّا يُوقِدُونَ عَلَيْهِ فِى ٱلنَّارِ ٱبْتِغَآءَ حِلْيَةٍ أَوْ مَتَٰعٍ زَبَدٌ مِّثْلُهُۥ كَذَٰلِكَ يَضْرِبُ ٱللَّهُ ٱلْحَقَّ وَٱلْبَٰطِلَ فَأَمَّا ٱلزَّبَدُ فَيَذْهَبُ جُفَآءً وَأَمَّا مَا يَنفَعُ ٱلنَّاسَ فَيَمْكُثُ فِى ٱلْأَرْضِ كَذَٰلِكَ يَضْرِبُ ٱللَّهُ ٱلْأَمْثَالَ
Wuxuu ka soo dejiyey samada biyo waxaana la durduray waadiyo awooddood wuxuuna xambaartaa daadku daadxoor sarraysa, waxay dabka ku huriyaanna doonid isku qurxin, ama alaabo waxaa ah abuur la mida, saasuuna Alle ugu yeelaa tusaale xaqa iyo baadilka, xumbaduse way tagi iyadoo ingagan waxa dadka anficise wuxuu ku nagaan dhulka, saasuuna Alle u yeelaa tusaalayaasha.
Tafsiirka aayadaha 16–17
Alle mooyee Ilaah kale oo xaq lagu caabudo ma jiro, cirka, dhulka iyo khalqiga dhammaanna Alle ayaa ahaysiiyey, mana mudna cid kale in wax lala wadaajiyo, illeen waxba ma hantaane, mana sinna mu’min iyo gaal, sidayna u sinnayn indhoole iyo wax arke, iyo mugdi iyo iftiin, wax abuura Alle oo kalena ma jiro, Rabbi ayaase wax kasta abuuray, waana kali awood badan, isagaana roobka keena togoggana durduriya iyagoo xambaarsan xumbo sarreysa, sida xumbada birta, saasuuna Alle ugu yeelaa tusaale xaqa iyo baadhilka, xumbaduse way tagtaa iyadoo ingagan waxa dadka anficise dhulkuu ku hadhaa, saasuuna Alle wax u tusaaleeyaa, arrintaasuna waxay ku tusin in Alle Ilaaha xaqa yahay, inayna sinnayn mu’min iyo gaal, mugdi iyo nuur, in roobka Alle keeno, in xumaantu baabi’i xaquna sugnaan, waana tusaale caddeyn sida kala bixi maalinta qiyaame iyo aakharo. «Allaha sahlo».
لِلَّذِينَ ٱسْتَجَابُوا۟ لِرَبِّهِمُ ٱلْحُسْنَىٰ وَٱلَّذِينَ لَمْ يَسْتَجِيبُوا۟ لَهُۥ لَوْ أَنَّ لَهُم مَّا فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًا وَمِثْلَهُۥ مَعَهُۥ لَٱفْتَدَوْا۟ بِهِۦٓ أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمْ سُوٓءُ ٱلْحِسَابِ وَمَأْوَىٰهُمْ جَهَنَّمُ وَبِئْسَ ٱلْمِهَادُ
Kuwa Rabbigood ajiibay (maqlay) waxaa u sugnaaday wanaag (janno) kuwaan ajiibin (maqlinna) hadduu u sugnaado waxa dhulka ku sugan dhammaan oo wax la mida la jiro way isku furan lahaayeen kuwaasna waxaa u sugnaaday xisaab xun (daran) hooygooduna waa jahannamo iyadaana u xun gogol.
أَفَمَن يَعْلَمُ أَنَّمَآ أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ ٱلْحَقُّ كَمَنْ هُوَ أَعْمَىٰٓ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُو۟لُوا۟ ٱلْأَلْبَٰبِ
Cid og in waxa lagaaga soo dejiyey xagga Allehaa uu xaq yahay ma la mid baa mid indho la’, waxaa uun waantooma kuwa caqliga leh.
ٱلَّذِينَ يُوفُونَ بِعَهْدِ ٱللَّهِ وَلَا يَنقُضُونَ ٱلْمِيثَٰقَ
Ee ah kuwa oofiya ballanka Alle oon burininna ballanka adag.