الٓر كِتَٰبٌ أَنزَلْنَٰهُ إِلَيْكَ لِتُخْرِجَ ٱلنَّاسَ مِنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ بِإِذْنِ رَبِّهِمْ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَمِيدِ
Xarfaha hore oo kale waa la soo sheegay macnahooda, kanna waa kitaab aannu kugu soo dejinnay inaad kaga bixisid dadka mugdiyada una bixisid xagga nuurka idamka Alle hood iyo jidka Allaha adkaada ee la mahadiyo.
ٱللَّهِ ٱلَّذِى لَهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَوَيْلٌ لِّلْكَٰفِرِينَ مِنْ عَذَابٍ شَدِيدٍ
Ilaaha iska leh waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, halaagna waxa mudan gaalada cadaab daran xaggiis.
ٱلَّذِينَ يَسْتَحِبُّونَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا عَلَى ٱلْـَٔاخِرَةِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَيَبْغُونَهَا عِوَجًا أُو۟لَٰٓئِكَ فِى ضَلَٰلٍۭ بَعِيدٍ
Oo ah kuwa ka jecel nolosha adduun aakhiro oo ka leexiya (dadka) jidka Alle lana dooni qallooc, kuwaasuna waxay ku sugan yihiin baadi fog.
وَمَآ أَرْسَلْنَا مِن رَّسُولٍ إِلَّا بِلِسَانِ قَوْمِهِۦ لِيُبَيِّنَ لَهُمْ فَيُضِلُّ ٱللَّهُ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِى مَن يَشَآءُ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
Rasuul kuma dirro waxaan afka qoomkiisa ahayn si uu ugu caddeeyo, wuuna baadiyeeyaa Alle cidduu doono inta xaqa loo caddeeyey ka dib, wuuna hanuunin cidduu doono, waana adkaade falsan.
Tafsiirka aayadaha 1–4
Quraanka Alle ayaa ku soo dejiyey Nabiga Muxameda (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) inuu dadka mugdiga iyo jahliga kaga saaro oo nuur iyo jidka toosan ee Ilaahay u saaro, illeen Alle ayaa awood lehe, lana mahdiyaa, lehna cirka iyo dhulka waxa ku sugane, halaag iyo ciqaabna waxaa mudan gaalada adduun ka doortay aakhiro oo jidka Alle dadka ka leexiya doonina qalloociisa iyo xumaantiisa, kuwaasuna waa kuwa baadi fog ku sugan, xigmada Ilaahayna waxay keentay in rasuul kasta lagu bixiyo afka qoomkiisa si marka hore iyaga loo gaadhsiiyo markaas u faafto diintu, mana keenin xigmada Alle in afkasta lagu diro maxaa yeelay afafku way badan yihiin, saasaana Nabigeennii loogu bixiyey luuqada carabiga oo cidkastoo muslima iyo caalamkaba laga rabo inuu barto. Rasuulkana waxaa saaran u caddeyn xaqa, dadkana waxaa saaran rumeyn, Alle na wuu xisaabin cid kasta waxay beeratay khayr iyo shar.
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مُوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَآ أَنْ أَخْرِجْ قَوْمَكَ مِنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ وَذَكِّرْهُم بِأَيَّىٰمِ ٱللَّهِ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّكُلِّ صَبَّارٍ شَكُورٍ
Waxaan la dirray (Nabi) Muuse aayaadkannaga kagana bixi qoomkaaga mugdiyada una bixi xagga nuurka, kuna waani «xusuusi» nicmooyinkii Ilaahay, arrintaasna aayaad (calaamooyin) baa ugu sugan samir badane, shugri badan dhammaantiis.
وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوْمِهِ ٱذْكُرُوا۟ نِعْمَةَ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ أَنجَىٰكُم مِّنْ ءَالِ فِرْعَوْنَ يَسُومُونَكُمْ سُوٓءَ ٱلْعَذَابِ وَيُذَبِّحُونَ أَبْنَآءَكُمْ وَيَسْتَحْيُونَ نِسَآءَكُمْ وَفِى ذَٰلِكُم بَلَآءٌ مِّن رَّبِّكُمْ عَظِيمٌ
Iyo markuu Nabi Muuse ku yidhi qoomkiisa xusuusta nicmada Alle ee korkiinna la yeelay markuu idinka koriyey colkii Fircoon iyagoo idin dhadhansiin cadaab (daran) xun oo gawrici wiilashiinna oo dayn gabdhihiinna (dullaysi) arrintaasna waxaa ku sugnayd balaayo (imtixaam) Allihiin oo wayn.
وَإِذْ تَأَذَّنَ رَبُّكُمْ لَئِن شَكَرْتُمْ لَأَزِيدَنَّكُمْ وَلَئِن كَفَرْتُمْ إِنَّ عَذَابِى لَشَدِيدٌ
Iyo markuu Allehiin ogaysiiyey haddaad shukridaan waan idiin kordhin, haddaad gaalowdaanna cadaabkaygu waa daran yahay.
وَقَالَ مُوسَىٰٓ إِن تَكْفُرُوٓا۟ أَنتُمْ وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًا فَإِنَّ ٱللَّهَ لَغَنِىٌّ حَمِيدٌ
Wuxuuna yidhi (Nabi) Muuse haddaad gaalowdaan idinka iyo waxa ku sugan dhulka dhammaan Alle waa hodan mahadsan.
Tafsiirka aayadaha 5–8
Alle wuxuu la diray Nabi Muuse sagaal mucjiso si uu qoomkiisa mugdiga uga saaro nuurkana u tusiyo, kuna wacdiyo isagoo xusuusin nicmooyinkii Alle, waana arrin calaamo u ah ciddii samir iyo shugri badan. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: amarka mu’minku waa la yaab, wax kastoo Alle u keeno waa u khayr, dhib hadduu ku dhaco wuu ku samraa khayr bayna u noqotaa, haddii wanaag soo gaadhana wuu ku shugriyaa khayrna way u noqotaa. «Waa xadiith saxiixa». Nabi Muusana wuxuu xusuusiyey qoomkiisii sida Alle ugu nicmeeyey ugana koriye Fircoonkii dullaystay ee wiilasha laynaayey gabdhahana dullaysanayey, waxayna ahayd imtixaam wayn, Alle na wuxuu dadka ogaysiiyey in ciddii ku shugridana uu u kordhin nicmada, tii ka gaalowdana cadaabka Alle daran yahay, dhammaan hadday dadku gaaloobaanna Alle waa hodan mahadsan, umana baahna taakulayn iyo gacansiin, waxaase kaalmo u baahan miskiinkaa dadka ah ee haddana markuu ladan yahay wax isbidi.
أَلَمْ يَأْتِكُمْ نَبَؤُا۟ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ قَوْمِ نُوحٍ وَعَادٍ وَثَمُودَ وَٱلَّذِينَ مِنۢ بَعْدِهِمْ لَا يَعْلَمُهُمْ إِلَّا ٱللَّهُ جَآءَتْهُمْ رُسُلُهُم بِٱلْبَيِّنَٰتِ فَرَدُّوٓا۟ أَيْدِيَهُمْ فِىٓ أَفْوَٰهِهِمْ وَقَالُوٓا۟ إِنَّا كَفَرْنَا بِمَآ أُرْسِلْتُم بِهِۦ وَإِنَّا لَفِى شَكٍّ مِّمَّا تَدْعُونَنَآ إِلَيْهِ مُرِيبٍ
Miyuuna idin soo gaadhin warkii kuwii idinka horreeyey (oo ah) qoomkii Nabi Nuux, Caad, Thamuud, iyo kuwii ka dambeeyey, ma oga (tiradooda) Alle mooyee, waxayna ula yimaadeen rasuulladoodii xujooyin waxayna ku celiyeen gacmahooda afkooda (way beeniyeen) waxayna dhaheen anagu waan ka gaalownay waxa laydinku soo diray annaguna shaki daran baan kaga sugannahay waxaad noogu yeedhaysaan xaggiisa.
قَالَتْ رُسُلُهُمْ أَفِى ٱللَّهِ شَكٌّ فَاطِرِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ يَدْعُوكُمْ لِيَغْفِرَ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمْ وَيُؤَخِّرَكُمْ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى قَالُوٓا۟ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا تُرِيدُونَ أَن تَصُدُّونَا عَمَّا كَانَ يَعْبُدُ ءَابَآؤُنَا فَأْتُونَا بِسُلْطَٰنٍ مُّبِينٍ
Waxay dheheen rasuuladoodii ma Alle ayaa shaki ku jiraa ee abuuray samooyinka iyo dhulka idiinkuna yeedhi inuu idinka dhaafo dambiyadiinna dibna idiin dhigo tan iyo muddo magacaaban, waxayna dheheen idinku ma tihiin waxaan bashar (dad) nala mida ahayn, waxaadna doonaysaan inaad naga leexisaan waxay caabudi jireen aabbayaalkanno noo keena xujo cad.
قَالَتْ لَهُمْ رُسُلُهُمْ إِن نَّحْنُ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يَمُنُّ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنْ عِبَادِهِۦ وَمَا كَانَ لَنَآ أَن نَّأْتِيَكُم بِسُلْطَٰنٍ إِلَّا بِإِذْنِ ٱللَّهِ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ ٱلْمُؤْمِنُونَ
Rasuulladii waxay dheheen annagu ma nihin waxaan dad idin la mida ahayn, Alle ayaase ku mannaysta (khayr) cidduu doono oo addoommadiisa ka mida, xujana idiinma keeni karro idanka Alle mooyee, Alle uunna ha tala saarteen mu’miniintu.
وَمَا لَنَآ أَلَّا نَتَوَكَّلَ عَلَى ٱللَّهِ وَقَدْ هَدَىٰنَا سُبُلَنَا وَلَنَصْبِرَنَّ عَلَىٰ مَآ ءَاذَيْتُمُونَا وَعَلَى ٱللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ ٱلْمُتَوَكِّلُونَ
Maxaannaan u talo saaranayn Alle isagoo nagu hanuuniyey jidkannaga, waana ku samraynaa waxaad nagu dhibaysaan Alle uun ha talo saarteen kuwa talosaaran (cid).
Tafsiirka aayadaha 9–12
Wax badan yuu Alle ka warramay ummadihii hore iyo waxa ku dhacay si loogu waano qaato, wayna badnaayeen, Nabiyadii iyo xaqiina way diideen, iyagoo shakiyey xaqa, rasuuladuse waxay u sheegeen inaan Alle iyo xaqu shaki lahayn, see loo shakin Allaha cirka iyo dhulka iyo wax kasta oo khalqi ah abuuray, runtii waxaa ka shakin Alle iyo abuurkiisa gaalada liita ee jecel inay xumaanta dabaashaan si aan waxna u celin, Alle dadka wuxuu ugu yeedhi dambi dhaaf, wuxuuna u yeelay waqti magacaaban, mana habboona in gaaladu xujaystaan in Nabiyadu dad la mida yihiin kana leexin waxay aabbayaalkood caabudi jireen, rasuuladuse waa dad Alle ayaase ku mannaystay waxyi iyo suubanaan, waxay la imaan karaanna ma jiro idin Alle la’aan tiis, Alle ayaana cid la talo saarto ah, mu’miniinta iyo rasuuladuna isagay talo saartaan illeen isagaa hanuuniyey jidka toosanna tusiyey, waana in lagu samro oo loo adkaysto dhibka xaqa dartiis kugu gaadhi adoo isku dayi inaad si fiican isaga reebtid, Alle ayayna mu’miniintu talo saartaan. Wakaas xaqii iyo wanaaggii, maxayse hayaan gaalada xaqa diidaysa ee beenaalayaasha ah, waxba.
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِرُسُلِهِمْ لَنُخْرِجَنَّكُم مِّنْ أَرْضِنَآ أَوْ لَتَعُودُنَّ فِى مِلَّتِنَا فَأَوْحَىٰٓ إِلَيْهِمْ رَبُّهُمْ لَنُهْلِكَنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ
Waxay ku dheheen kuwii gaaloobay rasuulladoodii waxaynu idinka bixin dhulkannaga ama waxaad ku soo noqonaysaan (soo galaysaan) diintannada, wuxuuna u waxyooday Rabbigood inuu halaagayo daalimiinta.
وَلَنُسْكِنَنَّكُمُ ٱلْأَرْضَ مِنۢ بَعْدِهِمْ ذَٰلِكَ لِمَنْ خَافَ مَقَامِى وَخَافَ وَعِيدِ
Dajinna idinka dhulka kuwaas ka dib, arrintaasna waxaa heli ciddii ka cabsata la kulankayga oo ka cabsata gooddigayga.
وَٱسْتَفْتَحُوا۟ وَخَابَ كُلُّ جَبَّارٍ عَنِيدٍ
Wayna gargaar dalbeen waxaana khasaaray kibir badne madax adag dhammaantiis (xaq diid).
مِّن وَرَآئِهِۦ جَهَنَّمُ وَيُسْقَىٰ مِن مَّآءٍ صَدِيدٍ
Waxaana ka horraysa jahannamo waxaana laga waraabin biyo carow ah (dhaacaanka ehelu naarka).
يَتَجَرَّعُهُۥ وَلَا يَكَادُ يُسِيغُهُۥ وَيَأْتِيهِ ٱلْمَوْتُ مِن كُلِّ مَكَانٍ وَمَا هُوَ بِمَيِّتٍ وَمِن وَرَآئِهِۦ عَذَابٌ غَلِيظٌ
Wuuna ku margan mana ka degayo wuuna uga imaan mawdku (geeridu) meel kasta, mana dhimanayo, gadaashiisna waxaa ah cadaab adag.
مَّثَلُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِرَبِّهِمْ أَعْمَٰلُهُمْ كَرَمَادٍ ٱشْتَدَّتْ بِهِ ٱلرِّيحُ فِى يَوْمٍ عَاصِفٍ لَّا يَقْدِرُونَ مِمَّا كَسَبُوا۟ عَلَىٰ شَىْءٍ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلضَّلَٰلُ ٱلْبَعِيدُ
Kuwa ka gaaloobay Rabbigood wuxuu la mid yahay camalkoodu dambas ku darraatay «ku dhacday» dabayli maalin dabayl dhabasho daran, kama karaan (helaan) waxay kasbadeen waxba, kaasina waa baadida fog uun.
Tafsiirka aayadaha 13–18
Siday caadada gaaladu tahay had iyo jeer waxay ku haddidi jireen rasuulladii inay dhulkooda ka eryi ama ay soo geli diintooda, waxaad mooddaa inay dhulka iyaga kaliya leeyihiin dhabtuna waa in dhulka Alle leeyahay ugana raalli yahay inay ku noolaato ciddii caddaalad iyo islaannimo ku fulin oyan gaaladu lahayn say sheegi, daalin waa la halaagi waxaana u hadhi dhulka ciddii Alle ka yaabta, rasuulladii iyo gaaladuba way gargaar warsadeen, waxaase khasaari ciddii kibir badan oo xaqa iskala wayn galina cadaab daran oon geeri iyo nolol midna ahayn, gaalada camalkeeduna waa sida dambas dabaylu qaadday oo waxba kama helaan, waxayna ku sugan yihiin baadi fog. Waxaa Abii Umaamo laga wariyey in Nabigu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) in biyo naareed loo soo dhawayn gaalka oo uu nici wajiga iyo madaxana ka gubi markuu cabbana xiidmuhu soo daadan. Waxaa wariyay Imaam Axmed. Alle ha naga koriyo naarta. Camal baase loo baahan yahay.
أَلَمْ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِٱلْحَقِّ إِن يَشَأْ يُذْهِبْكُمْ وَيَأْتِ بِخَلْقٍ جَدِيدٍ
Miyeydaan arkayn in Alle u abuuray samooyinka iyo dhulka xaq, hadduu doonana idin tagsiin karo lana imaan karo khalqi cusub.
وَمَا ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ بِعَزِيزٍ
Arrintaasina Alle kuma adka.