الٓر تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْكِتَٰبِ وَقُرْءَانٍ مُّبِينٍ
Xarfaha hore waa la soo sheegay macnahooda, kuwanna waa aayadaha kitaabka iyo quraanka cad.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
الٓر تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْكِتَٰبِ وَقُرْءَانٍ مُّبِينٍ
Xarfaha hore waa la soo sheegay macnahooda, kuwanna waa aayadaha kitaabka iyo quraanka cad.
رُّبَمَا يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَوْ كَانُوا۟ مُسْلِمِينَ
Wax badan bay tamannin (jeclaan) kuwii gaaloobay (aakhiro) inay muslimiin ahaadaan (adduunkii).
ذَرْهُمْ يَأْكُلُوا۟ وَيَتَمَتَّعُوا۟ وَيُلْهِهِمُ ٱلْأَمَلُ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ
Ka tag ha cuneen hana raaxaysteene hana shuqliso yididdiilo way ogaan doonaane.
وَمَآ أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابٌ مَّعْلُومٌ
Magaalo la halaago oo kasta waxaa u sugnaaday wakhti la yaqaanno.
مَّا تَسْبِقُ مِنْ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسْتَـْٔخِرُونَ
Kamana hor marto ummadi ajasheeda (wakhtigeeda) kamana dib marto.
وَقَالُوا۟ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِى نُزِّلَ عَلَيْهِ ٱلذِّكْرُ إِنَّكَ لَمَجْنُونٌ
Waxay dhaheen kan quraanka lagu soo dejiyayow adugu waad waalan tahay.
لَّوْ مَا تَأْتِينَا بِٱلْمَلَٰٓئِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
Maad malaa’ig noo keentid haddaad run sheegi.
مَا نُنَزِّلُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةَ إِلَّا بِٱلْحَقِّ وَمَا كَانُوٓا۟ إِذًا مُّنظَرِينَ
Umana soo dejinno malaa’igta xaq mooyee lamana sugeen gaalada (markaas).
إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا ٱلذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَٰفِظُونَ
Annagaa soo dejinnay quraanka annagaana dhawri.
Quraanku waa kitaab xaq ah, suganna oo Alle soo dejiyay, gaaladuna markay ku kaliyoobaan naarta oo dadkii caasiyiinta ahaa ee muslimiinta ahaa laga saaro naarta yay shallaayi waxay muslimiin u noqon waayeen, waase la dhaafay saacaddeedii, waqti calaacalna wuu dhammaaday ee waa uun janno mu’min iyo naar danbiilayaal, illeen adduunkii yay iska cuneen oy isaka raaxeysteen iyagoo xaqa beeniyay wayse arki waxa ku dhaca aakhiro, cid kastana mudday leedahay ayna ka hor marayn kana dib marayn marka la halaagi, marka xaqa loo caddeeyo. Gaaladii waxay ku sheegeen Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) inuu waalan yahay waxayna warsadeen in malaa’ig loo soo dejiyo, malaa’igtu farriin ama halaag unbay la soo degtaa. Tan kale Alle ayaa quraanka soo dajiyay isagaana ilaalin, Alle na wakaas ka dhawray quraanka halmaansho, baddalaad, leexin, nusqaamin iyo wixii ku dhacay kutubihii hore oo leexin ah, waxaadna aragtaa in malaayiin muslimiina xifdisan tahay meelo kala duwan oo caalamka ah, waxaa kaliya ee loo baahan yahay in lagu dhaqmo, lagana qaato xukunka, mucaamilada, maamulka iyo wax kastoo nolosha taaban, illeen waa kitaab adduun iyo aakhiree, mase aha siday rabaan gaaladu iyo jaahiliintu inuu noqdo kitaab aakhiro kaliya.
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ فِى شِيَعِ ٱلْأَوَّلِينَ
Waxaan u dirray hortaa (rasuullo) ummadihii hore.
وَمَا يَأْتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ
Rasuul kasta oo u yimaaddana waxay ahaayeen kuwo ku jeesjeesa.
كَذَٰلِكَ نَسْلُكُهُۥ فِى قُلُوبِ ٱلْمُجْرِمِينَ
Saasaana u galinaa (gaalnimada) quluubta dambiilayaasha.
لَا يُؤْمِنُونَ بِهِۦ وَقَدْ خَلَتْ سُنَّةُ ٱلْأَوَّلِينَ
Mana rumeeyaan quraanka, waxaana tegay (hor maray) sunnadii «jidkii» kuwii horreeyey.
وَلَوْ فَتَحْنَا عَلَيْهِم بَابًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فَظَلُّوا۟ فِيهِ يَعْرُجُونَ
Haddaan uga furro korkooda irrid samada ooy ahaadaan kuwo kora.
لَقَالُوٓا۟ إِنَّمَا سُكِّرَتْ أَبْصَٰرُنَا بَلْ نَحْنُ قَوْمٌ مَّسْحُورُونَ
Waxay odhan lahaayeen waxaa uun la awday (la tiray) aragyadannadii, waxaabanse nahay qoom la sixray.
وَلَقَدْ جَعَلْنَا فِى ٱلسَّمَآءِ بُرُوجًا وَزَيَّنَّٰهَا لِلنَّٰظِرِينَ
Waxaan yeellay samada buruuj (meelo) waxaan u qurxinnay kuwa dayi (eegi).
وَحَفِظْنَٰهَا مِن كُلِّ شَيْطَٰنٍ رَّجِيمٍ
Waxaan ka dhawrnay shaydaan la tuuray «fogeeyey» dhammaantiis.
إِلَّا مَنِ ٱسْتَرَقَ ٱلسَّمْعَ فَأَتْبَعَهُۥ شِهَابٌ مُّبِينٌ
Mid dafa maqalka oo danab cad raaco mooyee.
وَٱلْأَرْضَ مَدَدْنَٰهَا وَأَلْقَيْنَا فِيهَا رَوَٰسِىَ وَأَنۢبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ شَىْءٍ مَّوْزُونٍ
Dhulkana waan fidinnay waxaanna ku ridnay «sugnay» dhexdeeda buuro, waxaana ka soo bixinnay wax kasta oo miisaaman.
وَجَعَلْنَا لَكُمْ فِيهَا مَعَٰيِشَ وَمَن لَّسْتُمْ لَهُۥ بِرَٰزِقِينَ
Waxaana idiinka yeellay dhexdiisa nolol iyo waxaydaan arzaaqi karin.
Alle wuxuu u diray rasuullo ummadihii hore, wayna ku jeesjeesi jireen rasuul kasta, saasayna quluubtooda xumaan loo galiyey ooyen quraanka iyo xaqa u rumeynin, wax badan baana la halaagay hortood, gaalnimadooda iyo madax adaygooda, haddii samadaa irdaha looga furo oo ay koraan waxay dhihi lahaayeen waa nala indho awday oo xaq ma aragno waana nala sixray, samadana Alle wuxuu yeelay manaasil iyo qurux ciddii eegi oo ku waano qaadan waana laga dhawray shaydaan mid maqalka dafa oo danab raaco mooyee, dhulkana wakaa Alle fidiyey buurana ku sugay, cunno miisaamanna ka soo saaray, nololna dadka u dhex yeelay iyaga iyo waxayna arzaaqi karin oo xoola ah, Alle ayaa wayn, wataas awoodiisu iyo khalqigiisu iyo naxariistiisu iyo nicmooyinkiisu, yaase ku waano qaadan oo rumeyn, oo ku mahdin oon mu’miniinta ahayn.