أَتَىٰٓ أَمْرُ ٱللَّهِ فَلَا تَسْتَعْجِلُوهُ سُبْحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ
Waxaa yimid amarkii Alle qiyaamihii (iyo ciqaab) ee ha dedejisannina, waxaa ka nasahan oo sarreeya Alle waxay la wadaajin.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
أَتَىٰٓ أَمْرُ ٱللَّهِ فَلَا تَسْتَعْجِلُوهُ سُبْحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ
Waxaa yimid amarkii Alle qiyaamihii (iyo ciqaab) ee ha dedejisannina, waxaa ka nasahan oo sarreeya Alle waxay la wadaajin.
يُنَزِّلُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةَ بِٱلرُّوحِ مِنْ أَمْرِهِۦ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنْ عِبَادِهِۦٓ أَنْ أَنذِرُوٓا۟ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱتَّقُونِ
Wuxuu la soo dejiyaa malaa’igta waxyi oo amarkiisa ka mida, (kuna dejiyaa) cidduu doono oo addoommadiisa ka mida, oo ah ugu diga inaan ani mooyee ku kaloo xaq lagu caabudaa jirin ee ani uun iga dhawrsada.
خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِٱلْحَقِّ تَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ
Wuxuu u abuuray Alle samooyinka iyo dhulka xaq, wuuna ka sarreeyaa waxay la wadaajin.
خَلَقَ ٱلْإِنسَٰنَ مِن نُّطْفَةٍ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٌ مُّبِينٌ
Wuxuu ka abuuray dadka dhibic markaasuu noqdaa mid ah dood badane cad.
وَٱلْأَنْعَٰمَ خَلَقَهَا لَكُمْ فِيهَا دِفْءٌ وَمَنَٰفِعُ وَمِنْهَا تَأْكُلُونَ
Xoolahana wuu idiin abuuray dhexdoodana waxaa ah duggaal iyo nacfi xaggeedaadna ka cuntaan.
وَلَكُمْ فِيهَا جَمَالٌ حِينَ تُرِيحُونَ وَحِينَ تَسْرَحُونَ
Qurux baana idiinku sugan dhexdooda markaad dheelmaysaan iyo markaad foofinaysaan.
وَتَحْمِلُ أَثْقَالَكُمْ إِلَىٰ بَلَدٍ لَّمْ تَكُونُوا۟ بَٰلِغِيهِ إِلَّا بِشِقِّ ٱلْأَنفُسِ إِنَّ رَبَّكُمْ لَرَءُوفٌ رَّحِيمٌ
Waxaadna ugu rarataan culaysyo xagga magaalo oydaan gaadhayn naf dhibkeed mooyee Rabbigiinna waa u ture naxariista.
Qiyaamada iyo maalinta aakhiro waa xaq imaan, saas darteed yuu Alle uga cabbiray wax dhacay illeen waa hubaale, markay muslimiintii aad u cabsadeenna waxaa soo degay inayna dedejisanin, Alle na la wadaajis cibaado waa ka nasahan yahay kana sarreeyaa, waxyigana wuxuu malaa’igta ugu soo dhiibaa cidduu doono oo Nabiyada ka mida, si ay ugu digaan inaan ani mooyee ku kaloo xaq lagu caabudaa jirin, kana dhawrsadaan. Cirka iyo dhulkana wuxuu u abuuray xaq, xumaanna wuu ka sarreeyaa, dadka wuxuu ka abuuray dhibic markaasay murmaan oo isla waynaadaan, xoolaha Alle ayaa dadka u abuuray isagoo duggaal iyo nacfi iyo cunno ugu sugan yahay, iyo qurux markay dheelman iyo markay foofi, kuna rartaan culays ay la aadaan meel ayna gaadheen dhib mooyee, taasina waa naxariista Alle, saas darteed waa in Alle si dhaba loo caabudo, laguna mahdiyo nicmooyinkiisa, lagana digtoonaado kibirka isla waynida, muran xaq darro iyo madax adaygga, Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu candhuuf ku tufay gacantiisa wuxuuna yidhi: Alle wuxuu dhahaa: bani Aadamow sideed ii daalin anoo kaa abuuray waxanoo kale, markaad ekaatay ood waynaatay ood ku socotay dharkaaga iyo dhulka, ood kulmisay xoolo reebtayna, markay naftu dhuunta gaadhana aad dhahdid haddaan sadaqysan, ma haddaa waqti sadaqa ah. Waxaa wariyey imaam Axmed iyo Ibnu Maajah.
وَٱلْخَيْلَ وَٱلْبِغَالَ وَٱلْحَمِيرَ لِتَرْكَبُوهَا وَزِينَةً وَيَخْلُقُ مَا لَا تَعْلَمُونَ
Fardaha iyo baqlaha iyo dameeraha wuxuu (idiin ku abuuray Alle) inaad kortaan iyo qurux, wuxuuna abuuri waxaydaan ogayn.
وَعَلَى ٱللَّهِ قَصْدُ ٱلسَّبِيلِ وَمِنْهَا جَآئِرٌ وَلَوْ شَآءَ لَهَدَىٰكُمْ أَجْمَعِينَ
Xagga Alle ayaana jid toosan yahay (hanuun), mid leexsanna waa jiraa (xumaanta) hadduu doonana wuu idin hanuunin lahaa dhammaan.
هُوَ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً لَّكُم مِّنْهُ شَرَابٌ وَمِنْهُ شَجَرٌ فِيهِ تُسِيمُونَ
Alle waa kan idiinka soo dejiyay samada biyo, xaggiisaa laga cabbaa xagiisaana geeduhu ka ahaadaan aad daajisaan (xoolaha).
يُنۢبِتُ لَكُم بِهِ ٱلزَّرْعَ وَٱلزَّيْتُونَ وَٱلنَّخِيلَ وَٱلْأَعْنَٰبَ وَمِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ
Wuxuuna idiinku soo bixiyaa beero, saytuun, timir, cinab iyo wax kastoo midha ah, arrintaasna calaamad baa ugu sugan ciddii fikiri.
وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلَّيْلَ وَٱلنَّهَارَ وَٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ وَٱلنُّجُومُ مُسَخَّرَٰتٌۢ بِأَمْرِهِۦٓ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ
Wuxuuna idiin sakhiray habeenka, maalinta, qorraxda, dayaxa, xiddigahana waxaa lagu sakhiray amarkiisa, arrintaasna calaamooyin yaa ugu sugan ciddii wax kasi.
وَمَا ذَرَأَ لَكُمْ فِى ٱلْأَرْضِ مُخْتَلِفًا أَلْوَٰنُهُۥٓ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّقَوْمٍ يَذَّكَّرُونَ
Iyo wuxuu idiinku abuuray dhulka oo kala duwan yahay midabkeedu, arrintaasna calaamad yaa ugu sugan ciddii wax xasuusan (fikiri).
Alle wuxuu ku mannaysan nimcooyin badan oon la koobi karin halkanna waxaa lagu sheegay fardaha, baqlaha iyo dameeraha oo Alle u abuuray in lagu intifaaco iyo in lagu xarragoodo, wuxuuna Alle sheegay inuu abuuri waxayna ogayn, taasina waa mucjisada quraanka oo Alle had iyo jeer wuxuu ahaysiiyaa waxaan jiri jirin, xagga Alle ayaana jid toosan oo xaqa yahay, kuwa ka leexday Alle na waa jiraan, hadduu doonana wuu hanuunin lahaa dhammaan, waxaa kale oo nicmooyinka Alle ka mida roobka wax laga cabo, lana daaqsado dooggiisa, kuna soo bixiyo beero kala duwan iyo midho nooc kasta leh, waana arrin ciddii fikiri ay ku waano qaadato, waxaa kale oo ka mida nimcooyinka Alle ee u baahan in laga faa’iidaysto habeenka, maalinta, qorraxda, dayaxa iyo xiddigaha, oo lagu sakhiray amarka Alle iyo nicmooyinka kale ee kala duwan ee Alle ku abuuray dhulka dadka dartiis, waana wax ay ku waano qaataan kuwa caqliga leh iyo xusuusta, wanaagna falaan xumaanna ka tagaan, Alle na si dhaba u mahadiyaan una caabudaan.
وَهُوَ ٱلَّذِى سَخَّرَ ٱلْبَحْرَ لِتَأْكُلُوا۟ مِنْهُ لَحْمًا طَرِيًّا وَتَسْتَخْرِجُوا۟ مِنْهُ حِلْيَةً تَلْبَسُونَهَا وَتَرَى ٱلْفُلْكَ مَوَاخِرَ فِيهِ وَلِتَبْتَغُوا۟ مِن فَضْلِهِۦ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ
Alle waa kan idiin sakhiray badda inaad ka cuntaan hilib cusub kalana baxdaan qurux (macdan) ood xidhataan, waxaadna aragtaan doonida (markabka) oo dillaacin (dabbaalan) dhexdeeda iyo inaad doontaan fadliga Alle iyo inaad ku shugridaan.
وَأَلْقَىٰ فِى ٱلْأَرْضِ رَوَٰسِىَ أَن تَمِيدَ بِكُمْ وَأَنْهَٰرًا وَسُبُلًا لَّعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ
Wuxuuna ku riday (sugay) dhulka buuro inayna idinla iilan (wuxuuna yeelay) wabiyo iyo wadooyin inaad ku toostaan.
وَعَلَٰمَٰتٍ وَبِٱلنَّجْمِ هُمْ يَهْتَدُونَ
Iyo calaamado iyo xiddigo ay dadku ku toosaan.
أَفَمَن يَخْلُقُ كَمَن لَّا يَخْلُقُ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
Cid wax abuuri ma la midbaa mid aan wax abuurayn, miyaydaan wax xasuusanayn.
وَإِن تَعُدُّوا۟ نِعْمَةَ ٱللَّهِ لَا تُحْصُوهَآ إِنَّ ٱللَّهَ لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ
Haddaad tirisaan nicmada Alle ma koobi kartaan, Alle na waa dambi dhaafe naxariista.
Nicmooyinka Alle ugu nicmeeyey dadka waxaa ka mida badda hirka wayn ee haddana Alle u sakhiray dadka inay hilib cusub ka cunaan kalana soo baxaan jawhar iyo macaadin kala duwan oo xarrago iyo wax tar leh. Maraakiibtu iyo doonyuhuna dhex mushaaxi si dadku u doonaan fadliga Alle iyo rizqigiisa kuna mahdiyaan, waana wax Alle lagu mahdiyo in markab culays weyn ey biyuhu xambaaraan, waxaa kale oo nicmooyinka ka mida dhulka Alle noo goglay buurana ku sugay inayan iilan, wabiyaal iyo waddooyin lagu tooso oo lagu socdaalana yeelay, calaamooyinna yeelay iyo xiddigo lagu tooso. Markuu Alle xusay wax badan oo nicmooyinka ah yuu ku baraarujiyey awooddiisa oo in isaga uun la caabudo ay waajib tahay illeen isagaa wax abuura, waxa ka soo hadhayna wax ma abuuraan, waana inay saas ogaato ciddii wax xusuusan, nicmada Alle haddii la tiriyana lama koobi karo waxaase loo baahan yahay Alle ku mahdin iyo aqoonsi, Saciid iyo Xasan Basri waxay dheheen markuu Alle abuuray dhulka yuu gilgishay, markaasay malaa’igtii tidhi meel lagu sugnaan ma aha markaasaa waagu baryey iyadoo buuro leh.
وَٱللَّهُ يَعْلَمُ مَا تُسِرُّونَ وَمَا تُعْلِنُونَ
Alle waa og yahay waxaad qarsanaysaan iyo waxaad muujinaysaan.
وَٱلَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَخْلُقُونَ شَيْـًٔا وَهُمْ يُخْلَقُونَ
Waxay caabudayaan oo Alle ka soo hadhayna ma abuuraan waxba iyagaase la abuuraa.