سُبْحَٰنَ ٱلَّذِىٓ أَسْرَىٰ بِعَبْدِهِۦ لَيْلًا مِّنَ ٱلْمَسْجِدِ ٱلْحَرَامِ إِلَى ٱلْمَسْجِدِ ٱلْأَقْصَا ٱلَّذِى بَٰرَكْنَا حَوْلَهُۥ لِنُرِيَهُۥ مِنْ ءَايَٰتِنَآ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْبَصِيرُ
Waxaa nasahan (ceeb ka fog) Allaha ka guuraysiiyay addoonkiisa (Nabiga) (una dheelmiyay) habeen masaajidka xurmada leh (Maka una dheelmiyay) xagga Masjidkii Aqsa een barakaynay gaararkiisa inaan tusinno Nabiga aayaadkannaga, Alle na waa maqle arka.
وَءَاتَيْنَا مُوسَى ٱلْكِتَٰبَ وَجَعَلْنَٰهُ هُدًى لِّبَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ أَلَّا تَتَّخِذُوا۟ مِن دُونِى وَكِيلًا
Waxaana siinnay Nabi Muuse kitaabkii (tawreed) waxaanna uga yeellay hanuun banii israa’iil inaydaan ka yeelannin wax iga soo hadhay wakiil.
ذُرِّيَّةَ مَنْ حَمَلْنَا مَعَ نُوحٍ إِنَّهُۥ كَانَ عَبْدًا شَكُورًا
Faricii kuwaan la xambaarnay Nabi Nuux, wuxuunwa ahaa addoon (Alle) ee shugri badan.
Tafsiirka aayadaha 1–3
Alle isagaa adduun iyo aakhiro iyo waxa dhex joogaba abuuray, cid abuurka kula murmina ma jirto, suu doono yuuna ugu tasarrufaa una maamulaa, wuxuuna Nabigiisii Muxamed ahaa (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) ka dheelmay kana guuriyey maka una guuriyey xagga Masaajidka Aqsa ee isna barakaysan, si Alle u tusiyo nicmooyinka Alle, illeen Alle ayaa wax walbana maqla arkanee, waxaana ku sugnaaday xaqnimada arrintaas xadiithyo badan waxaana ka mida xadiithka dheer ee Bukhaari wariyey ee ah: Anas binu Maalig wuxuu yidhi: habeen laga guuriyey Rasuulka masaajidka kacbada oy u yimaadeen saddex ruux, waana xadiith ka warramaya wuxuu arkay Nabigu habeenkaa. Bayhaqina wuxuu wariyey in Nabigu uu arkay nuur, imaam Axmedna isna wuxuu weriyey xadiith ku saabsan xaalkan, waxayna sugi in Nabiga Maka laga dheelmay oo Qudsi loo dheelmay, in samada loo koriyey, inuu Nabiyadii la kulmay, in salaadda la soo faray, inuu arkay dad badan oo la ciqaabi, sida kuwa salaadda ka cuslaaday, khamrada caba, xaaraanta cuna, zinaysta, wax xanta, xaqa u hoggaansamin, iyo kuwo kale, wuxuuna arkay jannadii iyo naartii, Alle na wuu sharrifay Nabigiisa, sidaas daraadeed waa in si dhaba loo rumeeyo guurinta Nabiga iyo koridiisa cirka iyo waxyaalaha la faray iyo wuxuu arkay, waxaana shakin amma beenin munaafiq iyo gaalo, waa in lagu adkaado diinta Alle halkaas Nabiga u geeyey gaar ahaan salaadda, xumaantana laga fogaado, ciddii doonta inay warbadan ka ogaato arrintan ha akhrido tafsiirka aayadda, aayadaha kale waxay ka warrami inuu Alle Nabi Muuse siiyey kitaabkii tawreed, ee hanuuninaayey banii israa’iil ugana digaayey inayna wakiil ka dhiganayn wax Alle ka soo hadhay, illeen waa faricii cidduu Alle la koriyey Nabi Nuuxe, wuxuuna ahaa addoon mahadnaq badan, waana inay xusuustaan nicmadaas xaqana ku toosnaadaan, Alle na si dhaba u caabudaan una aqoonsadaan, haddii kale dulli iyo ciqaab. Ibnu Kathiir wuxuu yidhi: xadiithka dheelminta waxaa wariyey Anas, Cumar binu Khadhaab, Cali, Ibnu Mascuud, Abii Dar, Abii Hureere, Maalig binu Sacsacata, Abii Saciid, Ibnu Cabbaas, Shaddaad, Ubayi ibnu Camar, Jaabir, Abii Ayuub, Xudeefe, Abii Umaama, Samura, Suhayb, Umu Haani, Caa’isho, Asmo.
وَقَضَيْنَآ إِلَىٰ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ فِى ٱلْكِتَٰبِ لَتُفْسِدُنَّ فِى ٱلْأَرْضِ مَرَّتَيْنِ وَلَتَعْلُنَّ عُلُوًّا كَبِيرًا
Waxaan ku (ogaysiinnay) ugu waxyoonnay banii israa’iil kitaabka (tawreed) inaad fasaadinaysaan dhulka labo jeer, isna kibrinaysaan iskibrin wayn.
فَإِذَا جَآءَ وَعْدُ أُولَىٰهُمَا بَعَثْنَا عَلَيْكُمْ عِبَادًا لَّنَآ أُو۟لِى بَأْسٍ شَدِيدٍ فَجَاسُوا۟ خِلَٰلَ ٱلدِّيَارِ وَكَانَ وَعْدًا مَّفْعُولًا
Markuu yimaaddo yabooha (waqtiga) midda hore waxaan idinku soo bixinnaa «dirraa» addoommadannada oo xoog daran leh, dhexgalina (hanan) guryaha dhexdooda waana yabooh la fali.
ثُمَّ رَدَدْنَا لَكُمُ ٱلْكَرَّةَ عَلَيْهِمْ وَأَمْدَدْنَٰكُم بِأَمْوَٰلٍ وَبَنِينَ وَجَعَلْنَٰكُمْ أَكْثَرَ نَفِيرًا
Markaasaan idinku soo celinnaa dawladnimada, idinkuna xoogaynaa xoolo iyo carruur, idinkana yeellaa kuwa tiro badan.
إِنْ أَحْسَنتُمْ أَحْسَنتُمْ لِأَنفُسِكُمْ وَإِنْ أَسَأْتُمْ فَلَهَا فَإِذَا جَآءَ وَعْدُ ٱلْـَٔاخِرَةِ لِيَسُـۥٓـُٔوا۟ وُجُوهَكُمْ وَلِيَدْخُلُوا۟ ٱلْمَسْجِدَ كَمَا دَخَلُوهُ أَوَّلَ مَرَّةٍ وَلِيُتَبِّرُوا۟ مَا عَلَوْا۟ تَتْبِيرًا
Haddaad samo fashaan waxaad u samo fasheen naftiinna, haddaad xumaan fashaanna waa uun naftiinna, markuu yimaaddo yabooha dambana way xumeeyaan wajigiinna iyo inay galaan masaajidka (Baytul Maqdis) siday u galeen markii hore iyo inay dammiraan «tirtiraan» waxay u adkaadaan tirtirid.
عَسَىٰ رَبُّكُمْ أَن يَرْحَمَكُمْ وَإِنْ عُدتُّمْ عُدْنَا وَجَعَلْنَا جَهَنَّمَ لِلْكَٰفِرِينَ حَصِيرًا
Waxay u dhawdahay in Allihiin idiin naxaariisto, haddaad ku noqotaanna waannu ku noqon, waxaana uga yeelnay jahannamo gaalada gogol.
Tafsiirka aayadaha 4–8
Aayadahanna wuxuu Alle kaga warrami xaalka Banii Israa’iil iyo inay fasaadin dhulka labo jeer adna isula weynaan, isuna kibrin, markaas labada jeerba lagu diri addoommo Alle oo daran dhulkana ka dhex geli kana qabsan, ciqaab iyo halaagna dhadhansiin, hadday wanaag falaanna waa uun naftooda hadday xumaan falaanna waa dhibka naftooda, wuxuuna Alle sugay in marka dambe masjidka qudsi loogu gali xumaan iyo xanuunna ay la kulmi, naxariista Allese way u furan tahay ciddii Alle u noqon oo toobad keeni, haddayse xumaanta ku noqdaan Alle na wuxuu ku noqon ciqaabtooda iyo abaal marintooda, jahannamana waa gogosha gaalada, wax badan yey culimadu ka hadleen arrintaas laakiin Alle ayaa og inay tegtay iyo inay dhimman tahay. Maxaa diidi haddii lagu ciqaabo gacmaha muslimiinta Qudsina laga soo celiyo.
إِنَّ هَٰذَا ٱلْقُرْءَانَ يَهْدِى لِلَّتِى هِىَ أَقْوَمُ وَيُبَشِّرُ ٱلْمُؤْمِنِينَ ٱلَّذِينَ يَعْمَلُونَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا كَبِيرًا
Quraankanna wuxuu ku hanuunin dadka arrinta u toosan uguna bishaarayn kuwa fala wanaag inay mudan ajir wayn.
وَأَنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْـَٔاخِرَةِ أَعْتَدْنَا لَهُمْ عَذَابًا أَلِيمًا
Kuwaan rumeynin aakhirana waxaan u darabnay cadaab daran.
وَيَدْعُ ٱلْإِنسَٰنُ بِٱلشَّرِّ دُعَآءَهُۥ بِٱلْخَيْرِ وَكَانَ ٱلْإِنسَٰنُ عَجُولًا
Wuxuu u yeedhaa (baryaa) dadku shar (habaaraana naftiisa iyo waxa uu jecel yahay) siduu ugu duceysto «oo u baryo in la siiyo» khayrka, dadkuna waa deg dege.
وَجَعَلْنَا ٱلَّيْلَ وَٱلنَّهَارَ ءَايَتَيْنِ فَمَحَوْنَآ ءَايَةَ ٱلَّيْلِ وَجَعَلْنَآ ءَايَةَ ٱلنَّهَارِ مُبْصِرَةً لِّتَبْتَغُوا۟ فَضْلًا مِّن رَّبِّكُمْ وَلِتَعْلَمُوا۟ عَدَدَ ٱلسِّنِينَ وَٱلْحِسَابَ وَكُلَّ شَىْءٍ فَصَّلْنَٰهُ تَفْصِيلًا
Waxaan ka yeellay habeenka iyo maalinta labo calaamo, waxaana tirraa calaamada habeenka, waxaanna ka yeellaa calaamada maalinta mid dhexdeeda wax lagu arko, inaad doontaan fadliga Allihiin iyo inaad ku ogaataan tirada sanooyinka iyo xisaabta, wax kastana waxaannu u caddeynay caddayn (aada).
وَكُلَّ إِنسَٰنٍ أَلْزَمْنَٰهُ طَٰٓئِرَهُۥ فِى عُنُقِهِۦ وَنُخْرِجُ لَهُۥ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ كِتَٰبًا يَلْقَىٰهُ مَنشُورًا
Ruux kasta waxaan laasiminnay camalkiisa (loo qaddaray) luquntiisa, waxaanna u soo bixinnaa maalinta qiyaame kitaab (camal kiisii ku qoran yahay oo) uu la kulmi isagoo fidsan.
ٱقْرَأْ كِتَٰبَكَ كَفَىٰ بِنَفْسِكَ ٱلْيَوْمَ عَلَيْكَ حَسِيبًا
Laguna dhihi akhri kitaabkaaga, naftaadaa kuugu filan maanta korkaaga xisaabe.
Tafsiirka aayadaha 9–14
Quraankuna wuxuu ku toosin dadka arrinta ugu toosan uguna fiican xagga caqiidada, xukunka, akhlaaqda, macaamilada iyo wax kasta oo wanaag lagu gaadho adduun iyo aakhiraba, wuxuuna ugu bishaarayn mu’miniinta wanaagga fala ajir wayn, kuwaan Alle iyo aakhiro rumaynna cadaab daran in loo darbay, tan kale dadku wuu degdegaa isagoo shar iyo balaayo baryi sida khayrka iyo wanaagga, waxaana xadiitha: ha habaarina naftiinna iyo xoolihiinna, waxaa laga yaabaa inaad ka waafaqdaan Alle saacad la ajiibo oo laydin ajiibo, Alle na wuxuu ka yeelay habeenka iyo maalinta calaamad ku tusin qudradiisa, iyo inay xasilaan habeenkii, una socdaan maalintii shaqo iyo sanco iyo camal iyo safar, kuna ogaadaan ayaamaha, jumcooyinka, bilaha iyo sanooyinka, wuxuuna Alle caddeeyey wax kastoo loo baahan yahay, ruux kastana waxaa laasimi oo la xidhiidhi camalkiisa, qiyaamadana waxaa loo soo bixin kitaab uu la kulmo isagoo fidsan, laguna dhihi akhri kitaabkaaga iyo xaashidaada, naftaadaa kuugu filan maanta xisaabe, saas darteed mar haddaan haysanno quraankan wanaagga ku toosin waa inaan qabsannaa oon raacnaa kuna fara adaygnaa.
مَّنِ ٱهْتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهْتَدِى لِنَفْسِهِۦ وَمَن ضَلَّ فَإِنَّمَا يَضِلُّ عَلَيْهَا وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ وَمَا كُنَّا مُعَذِّبِينَ حَتَّىٰ نَبْعَثَ رَسُولًا
Ruuxii hanuuna wuxuu uun u hanuunay naftiisa kii dhumana wuxuu uun u dhumay naftiisa, mana xambaarto nafi dambi naf kale, mana cadaabno (qof ama qolo) intaan uga soo dirno rasuul.
وَإِذَآ أَرَدْنَآ أَن نُّهْلِكَ قَرْيَةً أَمَرْنَا مُتْرَفِيهَا فَفَسَقُوا۟ فِيهَا فَحَقَّ عَلَيْهَا ٱلْقَوْلُ فَدَمَّرْنَٰهَا تَدْمِيرًا
Markaan doonno inaan halaagno qaryad waxaan farraa kuweeda loo nicmeeyey ee kibirsan "khayr iyo inay Alle adeecaan" markaasay ka faasiqoobaan waxaana ku sugnaada ciqaab waana tirtirraa tirtirid (oo halaag naa).
وَكَمْ أَهْلَكْنَا مِنَ ٱلْقُرُونِ مِنۢ بَعْدِ نُوحٍ وَكَفَىٰ بِرَبِّكَ بِذُنُوبِ عِبَادِهِۦ خَبِيرًۢا بَصِيرًا
Immisaan halaagnay quruun (Nabi) Nuux ka dib, Rabbigaa ayaana ugu filan dambiyada addoommadiisa ogaade arka.
مَّن كَانَ يُرِيدُ ٱلْعَاجِلَةَ عَجَّلْنَا لَهُۥ فِيهَا مَا نَشَآءُ لِمَن نُّرِيدُ ثُمَّ جَعَلْنَا لَهُۥ جَهَنَّمَ يَصْلَىٰهَا مَذْمُومًا مَّدْحُورًا
Ruuxii dooni adduunyo waan ugu soo dedejinnaa dhexdeeda waxaan doonno ciddaan doonno, markaasaan ka yeellaa jahannamo mid gala isagoo caayan oo dullaysan.
وَمَنْ أَرَادَ ٱلْـَٔاخِرَةَ وَسَعَىٰ لَهَا سَعْيَهَا وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَأُو۟لَٰٓئِكَ كَانَ سَعْيُهُم مَّشْكُورًا
Ciddiise doonta aakhiro oo fala camalkeedii isagoo mu’mina kuwaas camalkoodu wuxuu noqon mid la mahdiyo.
Tafsiirka aayadaha 15–19
Ciddii hanuunta wuxuu uun wax u taray naftiisa, tii dhuntana waxay uun dhibtay nafteeda, nafna ma qaaddo dambi naf kale, Alle na dadka ma cadaabo isagoon u soo dirin rasuul xaqa u caddeeya oo tusiya jidka toosan, markii Alle halaagi magaalo ama umadna waxaa xaqa iyo wanaagga diida oo ka faasiqooba kuwa xoolaha loogu nicmeeyey iyo kuwo xun oo madax ah, markaasay ciqaabtii Alle ku dhacdaa, lana halaagaa halaag dhaba, in badan yuuna Alle halaagay quruumo Nabi Nuux ka dib, Alle na ogaansho iyo arkid ugu filan dambiyada addoommadiisa, ciddii jecel oo camalkiisa la dooni adduunyo iyo dhalanteedka, wuxuu Alle ka siiyaa wax cidduu doono wuxuu doono, markaasuu galiyaa jahannamo isagoo caayan oo dullaysan, ciddiise doonta aakhiro oo u camal fasha isagoo mu’min xaqa rumeeyey ah kaasi waa mid la mahdiyo camalkiisa, taasina waxay ku tusin in naf walba iyadu masuulka koobaad iska tahay nacfi iyo dhibba, xumaanta ku kibirka xoolaha iyo ladnaanta iyo awoodda iyo inay ciqaab sabab u noqon, inaan Alle ciqaabin dadka isagoon xaqa u caddayn, in ummado badan la halaagay Nabi Nuux ka dib, adduunyo uun ruuxii doonana wuxuu ka heli wuxuu Alle doono, waxaana u dambayn naar isagoo caayan oo dullaysan, ruuxiise la doona camalkiisa aakhiro camalna u fala isagoo mu’min ah oo raaci Nabiga camalkiisa iyo islaamka, wuu mahdin camalkiisa lana mahdin, adduunyadana in kastooy xaq tahay in xalaasha si fiican looga doono haddana ma aha in laga dabo dhaco oo lagu waasho xalaal iyo xaaraan. Waxaa xadiith ah: adduunku waa guri cidaan guri lahayn iyo xoolo ruuxaan xoolo lahayn, waxaana u kulmiya cidaan caqli lahayn. Axmad iyo qeyrkii ayaa weriyay, mana xoog badna
كُلًّا نُّمِدُّ هَٰٓؤُلَآءِ وَهَٰٓؤُلَآءِ مِنْ عَطَآءِ رَبِّكَ وَمَا كَانَ عَطَآءُ رَبِّكَ مَحْظُورًا
Dhammaan waxbaan uga fidinnaa kuwaas (doona adduun) iyo kuwaas (doona aakhiro) siismada Allehaa, mana aha siismada Allehaa mid reebban.