ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ عَلَىٰ عَبْدِهِ ٱلْكِتَٰبَ وَلَمْ يَجْعَل لَّهُۥ عِوَجَا
Mahad Alle ayaa iska leh ee ah kan ku soo dejiyey addoonkiisa (Nabi Muxamad ah) kitaabka (quraanka) oon yeelinna dhexdiisa qallooc.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ عَلَىٰ عَبْدِهِ ٱلْكِتَٰبَ وَلَمْ يَجْعَل لَّهُۥ عِوَجَا
Mahad Alle ayaa iska leh ee ah kan ku soo dejiyey addoonkiisa (Nabi Muxamad ah) kitaabka (quraanka) oon yeelinna dhexdiisa qallooc.
قَيِّمًا لِّيُنذِرَ بَأْسًا شَدِيدًا مِّن لَّدُنْهُ وَيُبَشِّرَ ٱلْمُؤْمِنِينَ ٱلَّذِينَ يَعْمَلُونَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا حَسَنًا
Waana toosan yahay si uu ugaga digo ciqaab daran oo Alle xaggiisa ka ahaatay, uguna bishaareeyo mu’miniinta fala wanaagga inay muteen ajir fiican.
مَّٰكِثِينَ فِيهِ أَبَدًا
Kuna nagaanayaan (jannada) waligood.
وَيُنذِرَ ٱلَّذِينَ قَالُوا۟ ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ وَلَدًا
Ugana digo kuwa yidhi wuxuu yeeshey Alle ilmo.
مَّا لَهُم بِهِۦ مِنْ عِلْمٍ وَلَا لِـَٔابَآئِهِمْ كَبُرَتْ كَلِمَةً تَخْرُجُ مِنْ أَفْوَٰهِهِمْ إِن يَقُولُونَ إِلَّا كَذِبًا
Uma laha wax cilmi ah iyaga iyo aabbayaalkood midna, waxaana waynaatay kalimad ka soo baxday afafkooda, mana dhahayaan waxaan been ahayn.
Suuraddu waxay soo degtay mar gaaladii qureesheed ee makaad u tageen qaarkood yuhuuddii Madiino warsadeenna xaalka Nabiga oy yuhuudna ku tidhi waydiiya saddex arrimood hadduu idiin sheegana waa Nabi xaq ah, waydiiya dhalinyaro mar hore jirtay xaalkoodii, nin wada maray adduunka bari iyo galbeed, iyo ruuxda. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: ruuxii xifdiya tobanka aayadood ee hore ee suuratul kahfi waxaa laga dhawraa Dajaal. Waxaa wariyey (Muslim). Aayaduhuna waxay caddayn in mahad Alle muto, quraanka toosanna ku soo dejiyey Nabiga, si uu uguna digo, uguna bishaareeyo, gaaladuna wax cilmi ah uma leh xumaantay Alle ku sheegi ee waxay ku hadli been iyo waxaan jirin.
فَلَعَلَّكَ بَٰخِعٌ نَّفْسَكَ عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِمْ إِن لَّمْ يُؤْمِنُوا۟ بِهَٰذَا ٱلْحَدِيثِ أَسَفًا
Waxaad u dhawdahay inaad ku (halaagto) naftaada Nabiyow raad kooda (gadaashooda) haddayna rumeyn quraankan, walbahaar dartiis.
إِنَّا جَعَلْنَا مَا عَلَى ٱلْأَرْضِ زِينَةً لَّهَا لِنَبْلُوَهُمْ أَيُّهُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا
Waxaan ka yeellay waxa dhulka korkiisa ah quruxdiisa, si aan u imtixaanno midkooda fiican xagga camalka.
وَإِنَّا لَجَٰعِلُونَ مَا عَلَيْهَا صَعِيدًا جُرُزًا
Waxaanna ka yeelaynaa waxa korkeeda ah bannaan aan wax ka soo bixin.
أَمْ حَسِبْتَ أَنَّ أَصْحَٰبَ ٱلْكَهْفِ وَٱلرَّقِيمِ كَانُوا۟ مِنْ ءَايَٰتِنَا عَجَبًا
Ma waxaad u malaysay Nabiyow godkii asaxaabtiisii (dadkiisii) iyo kitaabkii (iyo looxii) inay ugu yaab badan tahay aayaadkannaga.
إِذْ أَوَى ٱلْفِتْيَةُ إِلَى ٱلْكَهْفِ فَقَالُوا۟ رَبَّنَآ ءَاتِنَا مِن لَّدُنكَ رَحْمَةً وَهَيِّئْ لَنَا مِنْ أَمْرِنَا رَشَدًا
Waa markay u dunmeen dhallinyaradu godka oy dhaheen Allow naga sii agtaada naxariis noona darab amarkannaga hanuun.
فَضَرَبْنَا عَلَىٰٓ ءَاذَانِهِمْ فِى ٱلْكَهْفِ سِنِينَ عَدَدًا
Markaasaan ku sii daynay hurdo godka dhexdiisa sanooyin badan.
ثُمَّ بَعَثْنَٰهُمْ لِنَعْلَمَ أَىُّ ٱلْحِزْبَيْنِ أَحْصَىٰ لِمَا لَبِثُوٓا۟ أَمَدًا
Markaasaan soo bixinnay si aan u ogaanno labada xizbi midkooda koobid badan intay nagaadeen muddo.
Wuxuu Alle halkan ku calool adkaysiin kuna samirsiin Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) isagoo u tilmaami inuusan waxba walbahaar isugu badin hadday gaaladu rumeyn waayeen quraanka, illeen Alle imtixaan yuu u abuuray waxa dhulka korkiisa ahe, iyo in la eego kan camal-fiican, Alle ayaana halaagi waxa dhulka ku kor nool. Qisada asxaabul kahfina wax la yaab leh ma aha waxayse ahaayeen dhallinyaro hanuuntay oo Alle warsaday toosnaan markaas Alle seexiyey godka sanado badan, kadibna Alle soo bixiyey si aan u ogaanno cidda koobtay intay nagaadeen. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: adduunyadu waa macaan cagaaran, Alle na wuu idinku reebay isagoo fiirin waxaad camal fashaan ee ka dhawrsada adduunyo, kana dhawrsada ragoow haween, illeen fidmadii ugu horraysay banii israa’iil waxay ahayd haweene. Aayaduhuna waxay ku tusin iska dhawrka iyo diiddada xumaanta iyo in ciddii dar Alle u camal fasha uu Alle faraj u furi, guushana ku dambeysiin, iyo wanaagga adkaysiga iyo samarka.
نَّحْنُ نَقُصُّ عَلَيْكَ نَبَأَهُم بِٱلْحَقِّ إِنَّهُمْ فِتْيَةٌ ءَامَنُوا۟ بِرَبِّهِمْ وَزِدْنَٰهُمْ هُدًى
Annagaa kaaga qisoon warkooda si xaq ah, waxay ahaayeen dhallinyaro rumeeyey Alle hood, waxaanna u siyaadinnay hanuun.
وَرَبَطْنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ إِذْ قَامُوا۟ فَقَالُوا۟ رَبُّنَا رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ لَن نَّدْعُوَا۟ مِن دُونِهِۦٓ إِلَٰهًا لَّقَدْ قُلْنَآ إِذًا شَطَطًا
Waxaan xoojinnay (oon adkaynay) quluubtooda, oyna dhaheen Alleheen waa Alleha samaawaadka iyo dhulka, baryinamayno (caabudimayno) Ilaah ka soo hadhay, waxaan ku hadalnay markaas hadal xun (oo baadil ah).
هَٰٓؤُلَآءِ قَوْمُنَا ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةً لَّوْلَا يَأْتُونَ عَلَيْهِم بِسُلْطَٰنٍۭ بَيِّنٍ فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ ٱفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا
Kuwaasu waa qoomkannagii waxay yeesheen Alle ka sokow ilaahyo, mey u keenaan korkooda wax xujo cad ah, yaase ka dulmi badan ruux ku abuurtay Alle dushiisa been.
وَإِذِ ٱعْتَزَلْتُمُوهُمْ وَمَا يَعْبُدُونَ إِلَّا ٱللَّهَ فَأْوُۥٓا۟ إِلَى ٱلْكَهْفِ يَنشُرْ لَكُمْ رَبُّكُم مِّن رَّحْمَتِهِۦ وَيُهَيِّئْ لَكُم مِّنْ أَمْرِكُم مِّرْفَقًا
Markaad ka fogaataan gaalada iyo waxay caabudi oo Alle ka soo hadhay u dunma godka wuxuu idiin fidin Allihiin naxariise idinkana darbi amarkiinna waxaad ku istareexdaan kuna kala saartaan xumaanta iyo wanaagga.
Aayadahan waxay sharxi qisada asxaabul kahfi, lbnu Kathiir wuxuu yidhi: Alle wuxuu sheegay inay dhallinyaro ahaayeen, iyagaana xaqa ka aqbali og kagagana hanuuni og jidka odayada ku madaxtaagay kuna dabaashay baadilka, saas darteed yey kuwii u badnaa ee ajiibay Alle iyo Rasuulkiisa ahaayeen dhallinyaro, odayadii qureesheedse intoodii badnayd waxay ku hadheen diintoodii. Alle na wuxuu sheegay inay ahaayeen dhallinyaro rumeysan xaqa, qalbigoodana Alle xaqa ku sugay, Ilaah mooyee aan wax kalena u jeedsan, kana leexday jidkii xumaa ee qoomkoodii, dar Alle na u tegay godkana u aaday, Alle na xoojiyey waafajiyeyna wanaagga. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: waxay u dhawdahay inay noqoto xoolo kan ugu khayr roon adhi uu ku raaco buuraha iyo roobka isagoo kala carari diintiisa fidmada. Waxaa wariyey Bukhaari iyo Abuu Daawuud.
وَتَرَى ٱلشَّمْسَ إِذَا طَلَعَت تَّزَٰوَرُ عَن كَهْفِهِمْ ذَاتَ ٱلْيَمِينِ وَإِذَا غَرَبَت تَّقْرِضُهُمْ ذَاتَ ٱلشِّمَالِ وَهُمْ فِى فَجْوَةٍ مِّنْهُ ذَٰلِكَ مِنْ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ مَن يَهْدِ ٱللَّهُ فَهُوَ ٱلْمُهْتَدِ وَمَن يُضْلِلْ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ وَلِيًّا مُّرْشِدًا
Waxaad arkaysaa qorraxda oo markay dhalato uga iilan godkooda xagga midig, markay dhicina ka gooyn xagga bidix iyagoo ku sugan meel waasac ah oo godka, taasina waxay ka mid tahay aayaadka Alle, ruuxuu hanuuniyo Alle unbaa hanuunsan, ruuxuu dhumiyana u heli maysid gargaare hanuuniya.
وَتَحْسَبُهُمْ أَيْقَاظًا وَهُمْ رُقُودٌ وَنُقَلِّبُهُمْ ذَاتَ ٱلْيَمِينِ وَذَاتَ ٱلشِّمَالِ وَكَلْبُهُم بَٰسِطٌ ذِرَاعَيْهِ بِٱلْوَصِيدِ لَوِ ٱطَّلَعْتَ عَلَيْهِمْ لَوَلَّيْتَ مِنْهُمْ فِرَارًا وَلَمُلِئْتَ مِنْهُمْ رُعْبًا
Waxaad u malayn inay soo jeedaan iyagoo jiifa, waxaanna u gagadin midig iyo bidix, eygoodiina wuxuu ku fidin dhudhummadiisa albaabka, haddaad aragto waad ka jeedsan lahayd, adoo carari waxaana lagaa buuxin lahaa xaggooda argagax.
وَكَذَٰلِكَ بَعَثْنَٰهُمْ لِيَتَسَآءَلُوا۟ بَيْنَهُمْ قَالَ قَآئِلٌ مِّنْهُمْ كَمْ لَبِثْتُمْ قَالُوا۟ لَبِثْنَا يَوْمًا أَوْ بَعْضَ يَوْمٍ قَالُوا۟ رَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَا لَبِثْتُمْ فَٱبْعَثُوٓا۟ أَحَدَكُم بِوَرِقِكُمْ هَٰذِهِۦٓ إِلَى ٱلْمَدِينَةِ فَلْيَنظُرْ أَيُّهَآ أَزْكَىٰ طَعَامًا فَلْيَأْتِكُم بِرِزْقٍ مِّنْهُ وَلْيَتَلَطَّفْ وَلَا يُشْعِرَنَّ بِكُمْ أَحَدًا
Saasaanna u soo bixinnay inay is warsadaan dhexdooda, wuxuu yidhi mid ka mid ah imisaad nagaateen, waxay dhaheen waxaan nagaannay maalin ama maalin qaarkeed, waxay dhaheen Alleheen baa og waxaad nagaateen ee la dira midkiin lacagtan xagga magaalada, hana soo fiiriyo cidda ugu cunno xalaalsan, hana idiinka keeno rizqi hana isqariyo (oo istartiibiyo) yuuna idin ogeeysiin xaggooda ruuxna.
إِنَّهُمْ إِن يَظْهَرُوا۟ عَلَيْكُمْ يَرْجُمُوكُمْ أَوْ يُعِيدُوكُمْ فِى مِلَّتِهِمْ وَلَن تُفْلِحُوٓا۟ إِذًا أَبَدًا
Iyagu hadday idin arkaan way idin dhagaxyeyn, ama idinku celin diintooda mana liibaanaysaan markaas waligiin.
Naxariista Alle darteed waxay ahaayeen kuwo laga dhawray kulaylka qorraxda oy ka maraysay dhinaca dhalasho iyo dhinaca dhicidda, arrintaasna waa aayaadka Alle, waxaana hanuuni ruuxii Alle waafajiyo, kii kalana ma helo hanuuniye Alle ka soo hadhay, qudrada Alle way soo jeedeen iyagoo la moodo inay hurdaan, waxay u gagadoomayeen midig iyo bidix, eygoodina irridduu jeenyaha ku fidiyey, ciddii aragtana way cabsan lahayd oo carari lahayd, markaasaa Alle soo bixiyey iyagoo is warsan intay noolaayeen oyna mid ka mid ah magaalada u direen isagoo lacag wata si uu cunno xalaal ah u soo gado isagoo is qarin, illeen waxay ka yaabi in gaaladay ka carareen joogaan oo dilaan ama xoog diintooda ku galiyaan oy khasaaraan. Taasina waxay ku tusin naxariista Alle iyo awooddiisa iyo inuu falo wuxuu doono.