كٓهيعٓصٓ
Xarafyadan waa la soo sheegay kuwo la mid ah.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
كٓهيعٓصٓ
Xarafyadan waa la soo sheegay kuwo la mid ah.
ذِكْرُ رَحْمَتِ رَبِّكَ عَبْدَهُۥ زَكَرِيَّآ
(Kanna) waa sheegid naxariista Allahaa (u naxariistay) addoonkiisa Zakariye.
إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُۥ نِدَآءً خَفِيًّا
Markuu u dhawaaqay Rabbigiis dhawaaq qarsoodi ah.
قَالَ رَبِّ إِنِّى وَهَنَ ٱلْعَظْمُ مِنِّى وَٱشْتَعَلَ ٱلرَّأْسُ شَيْبًا وَلَمْ أَكُنۢ بِدُعَآئِكَ رَبِّ شَقِيًّا
Yidhina Allow anigu waan tabaryaraaday madaxayguna wuxuu la huray cirro, mana ahayn baryadaada Allow mid ku khasaara.
وَإِنِّى خِفْتُ ٱلْمَوَٰلِىَ مِن وَرَآءِى وَكَانَتِ ٱمْرَأَتِى عَاقِرًا فَهَبْ لِى مِن لَّدُنكَ وَلِيًّا
Anigu waxaan ka cabsan qaraabada iga dambaysa (inay xumaadaan) haweenaydayduna waa madhasho, iga sii agtaada wali (walad).
يَرِثُنِى وَيَرِثُ مِنْ ءَالِ يَعْقُوبَ وَٱجْعَلْهُ رَبِّ رَضِيًّا
Iga dhaxla (Nabinnimada) oo dhaxla ehelkii Yacquub kana yeel Allow mid laga raalli noqdo.
يَٰزَكَرِيَّآ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَٰمٍ ٱسْمُهُۥ يَحْيَىٰ لَمْ نَجْعَل لَّهُۥ مِن قَبْلُ سَمِيًّا
Zakariyow annagu waxaannu kuugu bishaarayn wiil magaciisu yahay yaxye oonnaan u yeelin horay wax la mid ah (la magac ah).
قَالَ رَبِّ أَنَّىٰ يَكُونُ لِى غُلَٰمٌ وَكَانَتِ ٱمْرَأَتِى عَاقِرًا وَقَدْ بَلَغْتُ مِنَ ٱلْكِبَرِ عِتِيًّا
Wuxuu yidhi Allow sidee iigu ahaan wiil iyadooy tahay haweeneydaydu madhasho oon ka gaadhay waynida gabow.
قَالَ كَذَٰلِكَ قَالَ رَبُّكَ هُوَ عَلَىَّ هَيِّنٌ وَقَدْ خَلَقْتُكَ مِن قَبْلُ وَلَمْ تَكُ شَيْـًٔا
Wuxuu yidhi: waa saas, wuxuuna Rabbigaa yidhi: abuuridda (yaxye) way ii fududdahay waana ku abuuray horay adoon ahayn waxba.
Nabi Zakariye yaa Alle waydiistay isagoo wayn haweenaydiisuna dhalin in Alle siiyo cid wanaagga iyo Nabinnimada ka dhaxasha, Alle na wuu aqbalay baryadiisii wuxuuna siiyey wiilkiisii Nabi Yaxye, markuu la yaabay xaalkiisa iyo kan ehelkiisa wuxuu Alle u sheegay inay u fududdahay illeen isagaba wuxuu abuuray isagoon waxaba ahayne. Waxaa sugnaaday inaan Nabiyada laga dhaxlin xoolo ee laga dhaxlo cilmi. Tan kale waxay ku tusin in Alle aqbalo baryada addoommadiisa, wax walbana u fudud yahay hadduu doono, iyo in loo cabsado diinta iyo wanaagga iyo xaqa.
قَالَ رَبِّ ٱجْعَل لِّىٓ ءَايَةً قَالَ ءَايَتُكَ أَلَّا تُكَلِّمَ ٱلنَّاسَ ثَلَٰثَ لَيَالٍ سَوِيًّا
Wuxuu yidhi Allow ii yeel calaamo (xaqnimada yaboohaada) wuxuu yidhi (Alle) calaamadaadu waa inaadan la hadlin dadka seddex habeen oo israacsan (adoo fayow).
فَخَرَجَ عَلَىٰ قَوْمِهِۦ مِنَ ٱلْمِحْرَابِ فَأَوْحَىٰٓ إِلَيْهِمْ أَن سَبِّحُوا۟ بُكْرَةً وَعَشِيًّا
Markaasuu ugaga soo baxay qoomkiisii mixraabka wuxuuna u ishaaray xaggooda inay tukadaan aroor iyo galabba.
يَٰيَحْيَىٰ خُذِ ٱلْكِتَٰبَ بِقُوَّةٍ وَءَاتَيْنَٰهُ ٱلْحُكْمَ صَبِيًّا
(Waxaa loo yidhi) Yaxyow ku qaado kitaabka (Tawreed) xoog (dadaal), waxaan siinnay xigmo isagoo yar.
وَحَنَانًا مِّن لَّدُنَّا وَزَكَوٰةً وَكَانَ تَقِيًّا
Iyo naxariis agtannada ka ahaatay iyo daahirnimo wuxuuna ahaa dhawrsade.
وَبَرًّۢا بِوَٰلِدَيْهِ وَلَمْ يَكُن جَبَّارًا عَصِيًّا
Iyo baarri labadiisa waalid mana ahayn daalim caasi ah.
وَسَلَٰمٌ عَلَيْهِ يَوْمَ وُلِدَ وَيَوْمَ يَمُوتُ وَيَوْمَ يُبْعَثُ حَيًّا
Nabadgalyo korkiisa ha ahaato maalinta la dhalay iyo maalintuu dhiman iyo maalinta la soo bixin isagoo nool.
وَٱذْكُرْ فِى ٱلْكِتَٰبِ مَرْيَمَ إِذِ ٱنتَبَذَتْ مِنْ أَهْلِهَا مَكَانًا شَرْقِيًّا
(Ku xus) kitaabka (Quraan ka warki) Maryama, markay uga fogaatay ehelkeeda meel bari ah, (bariga Qudsi).
فَٱتَّخَذَتْ مِن دُونِهِمْ حِجَابًا فَأَرْسَلْنَآ إِلَيْهَا رُوحَنَا فَتَمَثَّلَ لَهَا بَشَرًا سَوِيًّا
Oyna ka yeelatay xaggooda astur, oon u dirray xaggeeda ruuxannagii (Jibriil), oo isugu shabbahay dad eg.
قَالَتْ إِنِّىٓ أَعُوذُ بِٱلرَّحْمَٰنِ مِنكَ إِن كُنتَ تَقِيًّا
Una tidhi anigu waxaan kaa magan galay (Allaha) Raxmaan ah haddaad tahay dhawrsade.
قَالَ إِنَّمَآ أَنَا۠ رَسُولُ رَبِّكِ لِأَهَبَ لَكِ غُلَٰمًا زَكِيًّا
Kuna yidhi anigu waxan uun ahay Rasuulka Allehaa inaan ku siiyo wiil daahir ah.
قَالَتْ أَنَّىٰ يَكُونُ لِى غُلَٰمٌ وَلَمْ يَمْسَسْنِى بَشَرٌ وَلَمْ أَكُ بَغِيًّا
Waxayna tidhi sidee iigu ahaan wiil anoosan i taaban dad (nikaax), ahaynna mid xun oo sinaaysata.