الٓمٓ
Aad baa macnaheeda looga hadlay, waxaana la sheegay inay magaca suuradda tahay, ama ay ku tusin mucjisadda quraanka, Alle unbaa ogna waa la dhahaa.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
الٓمٓ
Aad baa macnaheeda looga hadlay, waxaana la sheegay inay magaca suuradda tahay, ama ay ku tusin mucjisadda quraanka, Alle unbaa ogna waa la dhahaa.
ذَٰلِكَ ٱلْكِتَٰبُ لَا رَيْبَ فِيهِ هُدًى لِّلْمُتَّقِينَ
Kitaabkaas (quraanka) shaki kuma jiro, hanuunbaana ugu sugan kuwa dhawrsada.
ٱلَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِٱلْغَيْبِ وَيُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَمِمَّا رَزَقْنَٰهُمْ يُنفِقُونَ
Ee ah kuwa rumeeya waxaan la arkayn (ee xaq ah) oogana salaadda, waxaan ku arzaaqnayna wax ka bixiya.
وَٱلَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيْكَ وَمَآ أُنزِلَ مِن قَبْلِكَ وَبِٱلْـَٔاخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ
Ee ah kuwa rumeeya waxa lagugu dajiyey Nabiyow, iyo wixii la dajiyey horay, aakhirana yaqiinin.
أُو۟لَٰٓئِكَ عَلَىٰ هُدًى مِّن رَّبِّهِمْ وَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ
Kuwaasi hanuun Alle yey ku sugan yihiin kuwaasina waa uun kuwa liibaanay.
Suuraddan waa suuradda u dheer quraanka, waxayna kulmisatay waxyaalo badan oo ah: xukunno, qisooyin, iyo wanaagyo badan, waxayna ku billaabatay xaqnimada quraanka iyo siduu hanuun ugu yahay kuwa xumaanta ka dhawrsada, ee rumeeya xaqayna arkayn sida Alleheen, malaa’igta, qiyaamada, jannada iyo naarta iyo wax kastoo xaq ah, Alle na ka yaaba hadday cid la joogaan iyo haddii kaleba. Salaaddana ooga, sakada iyo sadaqadana bixiya, quraanka iyo kutubtii horana rumeeya, kuwaasina waa kuwa hanuunay ee liibaanay. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: haka yeelina guryihiinna qubuuro, illeen gurigii lagu akhriyo suuradda baqarah ma galo shaydaane. Waxaa wariyey imaam Muslim iyo Axmed iyo kuwo kale. Xasan Basri wuxuu yidhi: dhawrsade waa kan iska ilaaliya waxa laga reebay, gutana waxa lagu faral yeelay.
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ سَوَآءٌ عَلَيْهِمْ ءَأَنذَرْتَهُمْ أَمْ لَمْ تُنذِرْهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ
Kuwii gaaloobay waxaa isugu mid ah u digtayaa iyo umaadan diginaa mana rumeeyaan (xaqa).
خَتَمَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ وَعَلَىٰ سَمْعِهِمْ وَعَلَىٰٓ أَبْصَٰرِهِمْ غِشَٰوَةٌ وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ
Alle ayaa daabacay quluubtooda iyo maqalkooda. Araggoodana wuxuu yeeley dabool waxaana u sugnaaday cadaab weyn.
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَقُولُ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَبِٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ وَمَا هُم بِمُؤْمِنِينَ
Dadka waxaa ka mid ah kuwo dhihi waxaan rumeynay Alle iyo maalintii dambaysay (qiyaamada) haddana aan mu’miniin ahayn.
يُخَٰدِعُونَ ٱللَّهَ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَمَا يَخْدَعُونَ إِلَّآ أَنفُسَهُمْ وَمَا يَشْعُرُونَ
Waxay khiyaameyn Alle iyo kuwa (xaqa) rumeeyey mase khiyaamaynayaan waxaan naftooda ahayn mase kasayaan.
فِى قُلُوبِهِم مَّرَضٌ فَزَادَهُمُ ٱللَّهُ مَرَضًا وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌۢ بِمَا كَانُوا۟ يَكْذِبُونَ
Quluubtay ka bukaan markaasaa Alle u siyaadiyay cudurro waxayna mudan cadaab daran beentoodii darteed.
وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ لَا تُفْسِدُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ قَالُوٓا۟ إِنَّمَا نَحْنُ مُصْلِحُونَ
Marka lagu dhoho ha fasaadinina dhulka waxay dhahaan annagu waxaan uun nahay hagaajiyayaal.
أَلَآ إِنَّهُمْ هُمُ ٱلْمُفْسِدُونَ وَلَٰكِن لَّا يَشْعُرُونَ
Iyaga unbaa fasaadiyayaal ah hasa yeeshee ma kasayaan.
Suuraddu waxay xagga hore kaga hadashay mu’miniinta iyo xaqay ku sugan yihiin, haddana waxay ka hadashay gaalada iyo sida loo daboolay qalbigooda, maqalkooda iyo indhahoodaba iyo in xumaan u sugnaatay. Mar saddexaadna waxay ka hadashay munaafiqiinta iyo warkooda beenta ah iyo siday isugu dayayeen inay Alle iyo mu’miniinta khayaameeyaan, iyadoy dhabtu tahay inay naftooda khiyaamayn qalbigana ka bukaan una sii kordhi, marka xumaanta laga reebana ey sheegtaan inay wax wanaajin, dhab ahaanna iyaga unbaa xumaan wadayaal ah mase oga. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: waxaa lay faray inaan la dagaallamo dadka intay ka dhahaan macbuud xaq lugu caabudaa ma jiro Allaah mooyee, hadday dhahaanna way iga ilaaliyeen dhiiggooda iyo xoolahoodaba waxaan xaqeeda ahayn, xisaabtoodana Alle ayaa leh, waynaaye. Waxaa wariyay labadii sheekh (Bukhaari iyo Muslim).
وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ ءَامِنُوا۟ كَمَآ ءَامَنَ ٱلنَّاسُ قَالُوٓا۟ أَنُؤْمِنُ كَمَآ ءَامَنَ ٱلسُّفَهَآءُ أَلَآ إِنَّهُمْ هُمُ ٱلسُّفَهَآءُ وَلَٰكِن لَّا يَعْلَمُونَ
Marka lagu dhaho rumeeya sida dadku u rumeeyey waxay dhihi ma waxaannu u rumayn sida sufahada (caqli gaabka), waxaase sufaha ah iyaga uun laakiin ma oga.
وَإِذَا لَقُوا۟ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ قَالُوٓا۟ ءَامَنَّا وَإِذَا خَلَوْا۟ إِلَىٰ شَيَٰطِينِهِمْ قَالُوٓا۟ إِنَّا مَعَكُمْ إِنَّمَا نَحْنُ مُسْتَهْزِءُونَ
Markay la kulmaan kuwa rumeeyey (xaqa) waxay dhihi waan rumaynay, markay la kaliyoobaan shaydaammadoodana waxay dhahaan annagu waan idinla jirraa, ee waxaan ahayn uun kuwa ku jees jeesa (mu’miniinta).
ٱللَّهُ يَسْتَهْزِئُ بِهِمْ وَيَمُدُّهُمْ فِى طُغْيَٰنِهِمْ يَعْمَهُونَ
Allaa ku jeesjeesi iyaga (si xaq ah oo booskeedi dhacday) wuxuuna u siyaadin kibirkooda iyo baadidooda, iyagoo ku dhex wareeri.
أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ ٱشْتَرَوُا۟ ٱلضَّلَٰلَةَ بِٱلْهُدَىٰ فَمَا رَبِحَت تِّجَٰرَتُهُمْ وَمَا كَانُوا۟ مُهْتَدِينَ
Kuwaasi waxay ku gateen baadida hanuunka, mana ribxin (faa’iidin) ganacsigoodu, mana hanuuunsana.
مَثَلُهُمْ كَمَثَلِ ٱلَّذِى ٱسْتَوْقَدَ نَارًا فَلَمَّآ أَضَآءَتْ مَا حَوْلَهُۥ ذَهَبَ ٱللَّهُ بِنُورِهِمْ وَتَرَكَهُمْ فِى ظُلُمَٰتٍ لَّا يُبْصِرُونَ
Waxay la mid yihiin mid huriyey dab, markuu iftiimiyay gaararkiisana Alle la tagay nuurkoodii ugagana tagay mugdi ayan wax arkayn.
Xumaanlow iyo munaafiq marka la waaniyo oo wanaagga la faro wuxuu ku jawaabaa xumaan iyo madax adayg isagoo dhihi ma waxaan wax u rumayn siday mu’miniinta caqliga yar wax u rumeeyeen, dhabtuse waa in isagu caqli gaab yahay, shayaadiinta ay wax isku qastaanna wax u tarayn ee xumaan uun u siyaadi, waana kuwo wanaagga nacay oo baadi doortay, kuna khasaaray ganacsigii, nuurkii iyo iftiinkiina ka fogaada oo mugdi, iyo qas ku dhex dabaalan. Ibnu Cabbaas iyo Mujaahid waxay sheegeen in shaydaamadoodu yihiin gaalada hoggaamisa ee yuhuud iyo mushrikiin ah.
صُمٌّۢ بُكْمٌ عُمْىٌ فَهُمْ لَا يَرْجِعُونَ
Waa dhaga la’aan, hadal la’aan, arag la’aan, xaqana uma soo noqdaan.
أَوْ كَصَيِّبٍ مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فِيهِ ظُلُمَٰتٌ وَرَعْدٌ وَبَرْقٌ يَجْعَلُونَ أَصَٰبِعَهُمْ فِىٓ ءَاذَانِهِم مِّنَ ٱلصَّوَٰعِقِ حَذَرَ ٱلْمَوْتِ وَٱللَّهُ مُحِيطٌۢ بِٱلْكَٰفِرِينَ
Wuxuu la mid yahay xaalkoodu sidii roob samada ka soo degay oo mugdiyo onkod iyo hillaac leh, oy gelinayaan farahooda dhagahooda hanqadhka (danabka) owgiis geeri ka digtooni darteed, Alle na waa koobay gaalo.
يَكَادُ ٱلْبَرْقُ يَخْطَفُ أَبْصَٰرَهُمْ كُلَّمَآ أَضَآءَ لَهُم مَّشَوْا۟ فِيهِ وَإِذَآ أَظْلَمَ عَلَيْهِمْ قَامُوا۟ وَلَوْ شَآءَ ٱللَّهُ لَذَهَبَ بِسَمْعِهِمْ وَأَبْصَٰرِهِمْ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
Wuxuu u dhaw yahay hillaacu (iftiinka xaqu) inuu dafo araggooda, markastoos u ifo way ku socdaan, markuu ku mugdiyoobana waa ay joogsadaan, haddii Alle doonana wuxuu la tagaa maqalkooda iyo araggooda, Alle na wax walba waa karaa.