طه
Xarafyadan kuwo la mid ah waa la soo sheegay.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
طه
Xarafyadan kuwo la mid ah waa la soo sheegay.
مَآ أَنزَلْنَا عَلَيْكَ ٱلْقُرْءَانَ لِتَشْقَىٰٓ
Maanaan dejin korkaaga quraanka inaad ku dhibbooto.
إِلَّا تَذْكِرَةً لِّمَن يَخْشَىٰ
Waase waanada ciddii cabsan.
تَنزِيلًا مِّمَّنْ خَلَقَ ٱلْأَرْضَ وَٱلسَّمَٰوَٰتِ ٱلْعُلَى
Waana soo dejinta Allaha abuuray dhulka iyo samooyinka sare.
ٱلرَّحْمَٰنُ عَلَى ٱلْعَرْشِ ٱسْتَوَىٰ
Allaha Raxmaana carshiguu ka kor noqday (si u cunanta).
لَهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا وَمَا تَحْتَ ٱلثَّرَىٰ
Waxaana u sugnaaday waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan iyo waxa u dhaxeeya iyo waxa ka hooseeya dhulka.
وَإِن تَجْهَرْ بِٱلْقَوْلِ فَإِنَّهُۥ يَعْلَمُ ٱلسِّرَّ وَأَخْفَى
Haddaad kor u qaaddo hadalka Alle waa og yahay waxa qarsoon iyo waxa la qariyey.
ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ لَهُ ٱلْأَسْمَآءُ ٱلْحُسْنَىٰ
Alle ilaah xaq lugu caabudo ma jiro isaga mooyee, waxaana u sugnaaday magacyo fiican.
وَهَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ
Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse.
إِذْ رَءَا نَارًا فَقَالَ لِأَهْلِهِ ٱمْكُثُوٓا۟ إِنِّىٓ ءَانَسْتُ نَارًا لَّعَلِّىٓ ءَاتِيكُم مِّنْهَا بِقَبَسٍ أَوْ أَجِدُ عَلَى ٱلنَّارِ هُدًى
Markuu arkay dab oo u yidhi ehelkiisa nagaada (suga) anigu waxaan arkaa dabe, waxaana u dhawahay inaan idiinka keeno dhuxul ama aan ka helo dabka korkiisa cid wax tusisa.
Quraanka Alle uguma soo degin Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) inuu ku dhibtamo siday gaaladii sheegeen ee quraanku waa digniin iyo soo dejin Alleha sare ee awoodda leh, wax walbana hanta, wax walbana og kor iyo hoosba, ilaah xaq lugu caabudo ma jiro isaga mooyee, magacyo fiican baana u sugnaaday. Qisadii Nabi Muuse iyo iftiinkuu arkay iyo siduu xaalkiisu ahaana wax badan yuu quraanku ka warramay, si Nabiga loo xoojiyo, loona samirsiiyo. Quraankuna waa khayr iyo wanaag iyo naxariis, waxaana ku dadaala cid khayr leh. Waxaana sugnaatay: ruuxuu Alle khayr la doono wuxuu kasisiiyaa diinta. Waxaa wariyey (Bukhaari iyo Muslim).
فَلَمَّآ أَتَىٰهَا نُودِىَ يَٰمُوسَىٰٓ
Markuu yimid (muuse) dabkii waxa loogu dhawaaqay muusow.
إِنِّىٓ أَنَا۠ رَبُّكَ فَٱخْلَعْ نَعْلَيْكَ إِنَّكَ بِٱلْوَادِ ٱلْمُقَدَّسِ طُوًى
Anigu waxan ahay Allehaa ee siib kabahaaga adigu waxaad ku sugan tahay toggii daahirnaa ee Dhuwa.
وَأَنَا ٱخْتَرْتُكَ فَٱسْتَمِعْ لِمَا يُوحَىٰٓ
Anaana ku doortay ee maqal waxa laguu waxyoon.
إِنَّنِىٓ أَنَا ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱعْبُدْنِى وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ لِذِكْرِىٓ
Anigu waxaan ahay Alle ilaah xaq lugu caabudo ma jiro ani mooyee, ina caabud, oogna salaadda xuskayga (dartii).
إِنَّ ٱلسَّاعَةَ ءَاتِيَةٌ أَكَادُ أُخْفِيهَا لِتُجْزَىٰ كُلُّ نَفْسٍۭ بِمَا تَسْعَىٰ
Saacadda (qiyaame) way imaan waxaanan u dhawahay inaan qariyo in laga abaal mariyo naf kasta waxay camal fashay.
فَلَا يَصُدَّنَّكَ عَنْهَا مَن لَّا يُؤْمِنُ بِهَا وَٱتَّبَعَ هَوَىٰهُ فَتَرْدَىٰ
Ee yuusan kaa iilin xaggeeda ruuxaan rumeyn saacadda, raacayna hawadiisa (xun) ood halaagsanto.
وَمَا تِلْكَ بِيَمِينِكَ يَٰمُوسَىٰ
Waa maxay taas midigtaada ku jirta Muusow (ogaal waydiin).
قَالَ هِىَ عَصَاىَ أَتَوَكَّؤُا۟ عَلَيْهَا وَأَهُشُّ بِهَا عَلَىٰ غَنَمِى وَلِىَ فِيهَا مَـَٔارِبُ أُخْرَىٰ
Wuxuu yidhi iyadu waa ushaydii waa cuskadaa korkeeda waxna waan ugu lulaa adhigayga, dana kalana waa iigu sugnaadeen.
قَالَ أَلْقِهَا يَٰمُوسَىٰ
Wuxuu yidhi (Alle) tuur usha Muusow.
فَأَلْقَىٰهَا فَإِذَا هِىَ حَيَّةٌ تَسْعَىٰ
Wuuna tuuray waxayna soo baxday mas ordi.