ٱقْتَرَبَ لِلنَّاسِ حِسَابُهُمْ وَهُمْ فِى غَفْلَةٍ مُّعْرِضُونَ
Waxaa u dhawaaday dadka xisaabtoodii iyagoo halmaansho ku sugan oo jeedsan.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
ٱقْتَرَبَ لِلنَّاسِ حِسَابُهُمْ وَهُمْ فِى غَفْلَةٍ مُّعْرِضُونَ
Waxaa u dhawaaday dadka xisaabtoodii iyagoo halmaansho ku sugan oo jeedsan.
مَا يَأْتِيهِم مِّن ذِكْرٍ مِّن رَّبِّهِم مُّحْدَثٍ إِلَّا ٱسْتَمَعُوهُ وَهُمْ يَلْعَبُونَ
Quraan kasta oo uga yimaadda xagga Rabbigood kana soo darriya way maqlaan iyagoo ciyaari.
لَاهِيَةً قُلُوبُهُمْ وَأَسَرُّوا۟ ٱلنَّجْوَى ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ هَلْ هَٰذَآ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ أَفَتَأْتُونَ ٱلسِّحْرَ وَأَنتُمْ تُبْصِرُونَ
Oy shuqloon tahay quluubtoodu, waxayna hoos u dhigeen faqii kuwii dulmi falay (iyagoo dhihi) kanu ma waxaan dad idinkoo kale ahayn baa, ma waxaad u imanaysaan sixir idinkoo arka.
قَالَ رَبِّى يَعْلَمُ ٱلْقَوْلَ فِى ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ
Wuxuu yidhi (Nabigii): Rabbigay baa og hadalka samada ku sugan iyo dhulka, waana maqle oge ah.
بَلْ قَالُوٓا۟ أَضْغَٰثُ أَحْلَٰمٍۭ بَلِ ٱفْتَرَىٰهُ بَلْ هُوَ شَاعِرٌ فَلْيَأْتِنَا بِـَٔايَةٍ كَمَآ أُرْسِلَ ٱلْأَوَّلُونَ
Waxay dheheen (gaaladii) saas ma aha ee waa qarowyo, saa ma aha ee wuu been abuurtay, saas ma aha ee waa gabayaa ee ha noo keeno aayad sidii lagu diray kuwii hore.
مَآ ءَامَنَتْ قَبْلَهُم مِّن قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَٰهَآ أَفَهُمْ يُؤْمِنُونَ
Mayna rumeynin hortood magaalo aan halaag (la doonnay) ee ma iyagaa rumeyn.
Suuraddan waxaa lagu magacaabay suuradda ambiyada, maxaa yeelay waxaa ku soo arooray qisadooda. Aayadahanna waxay ka warrami inay saacaddii qiyaame dhawdahay dadkoo halmaansan. Wixii u yimaadda gaalada oo xaq ahna way iska dhagaysan iyagoo ciyaari, faq xunna faqi oo isu sheegi inayan maqlin dad la mid ah, xaqana ay sixir ku sheegeen, Alle ayaase og waxa cirka iyo dhulka ku sugan maqlina, quraankuna ma aha wax lagu qarway ama heesaa la yimid, Nabiguna wuxuu ula yimid xaq cad, maxayse waano tari mar haddii xaqa la diido lana caasiyo. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi: maxaad leedihiin oo u warsanaysaan ehelu kitaabka waxay haystaan iyagoo leexiyey oo badalay o siyaadiyey oo nusqaamiyey, kitaabkiinaana u dambeeyey kitaabaha, waad akhrineysaan isagoo cad oon la dheehin.(Bukhaari si u dhow sidaan)
وَمَآ أَرْسَلْنَا قَبْلَكَ إِلَّا رِجَالًا نُّوحِىٓ إِلَيْهِمْ فَسْـَٔلُوٓا۟ أَهْلَ ٱلذِّكْرِ إِن كُنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ
Maannaan dirin hortaa rag mooyee, kuwaas oon u waxyoonnay, ee warsada kuwa cilmiga leh haddaydaan wax ogayn.
وَمَا جَعَلْنَٰهُمْ جَسَدًا لَّا يَأْكُلُونَ ٱلطَّعَامَ وَمَا كَانُوا۟ خَٰلِدِينَ
Kamaannaan dhigin (Nabiyada) jasad (muuqaal) oon cunayn cunno mana ahayn kuwo waara.
ثُمَّ صَدَقْنَٰهُمُ ٱلْوَعْدَ فَأَنجَيْنَٰهُمْ وَمَن نَّشَآءُ وَأَهْلَكْنَا ٱلْمُسْرِفِينَ
Markaasna waxaan u rumeynay yaboohii waana korinnay iyagii iyo ciddaan doono, waxaanna halaagnay xadgudbayaasha.
لَقَدْ أَنزَلْنَآ إِلَيْكُمْ كِتَٰبًا فِيهِ ذِكْرُكُمْ أَفَلَا تَعْقِلُونَ
Waxaan idiin soo dejinnay kitaab sharaftiinnu ku sugan tahayee miyeydaan kasayn.
وَكَمْ قَصَمْنَا مِن قَرْيَةٍ كَانَتْ ظَالِمَةً وَأَنشَأْنَا بَعْدَهَا قَوْمًا ءَاخَرِينَ
Badanaana intaan halaagnay magaalo dulmi badan (dadkeedu) oon ahaysiinay gadaasheed qoom kale.
فَلَمَّآ أَحَسُّوا۟ بَأْسَنَآ إِذَا هُم مِّنْهَا يَرْكُضُونَ
Markay kaseen cadaabkannaga yey ahaayeen kuwo ka carari.
لَا تَرْكُضُوا۟ وَٱرْجِعُوٓا۟ إِلَىٰ مَآ أُتْرِفْتُمْ فِيهِ وَمَسَٰكِنِكُمْ لَعَلَّكُمْ تُسْـَٔلُونَ
Ha cararina kuna noqda wixii laydiinku raaxeeyey iyo guryihiinna waxay u dhawdahay in wax laydin warsadee.
قَالُوا۟ يَٰوَيْلَنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
Waxay dhaheen halaaggannagee waxaan nahay daalimiin.
فَمَا زَالَت تِّلْكَ دَعْوَىٰهُمْ حَتَّىٰ جَعَلْنَٰهُمْ حَصِيدًا خَٰمِدِينَ
Saasna kama tagin qayladoodu intaan ka yeello wax la shafay oo bakhtiya.
Illeen wuxuu u waxyooday Nabiyo badan oo rag ah oon malaa’ig ahayn, wuxuuna faray in wax la weydiiyo dadka cilmiga iyo aqoonta leh, Nabiyaduna waxbay cuni jireen ee ma ahayn muuqaal aan wax cunin, wayna dhinteen. Alle na wuxuu u rumeeyey yaboohiisii wuuna koriyey cidduu doono, wuxuuna halaagi xadgudbayaasha, quraankuna waa sharafta mu’miniinta ciddii dulmi fashana waa la halaagi waxaana lagu badali dad kale. Markay dhibaatada arkaanna way carari, waxaana loo dhihi ha cararina ee raaxadiinna ku noqda iyo guryihiinna waxbaa laydin warsane, wayna shaleytoon intay ka noqdaan wax ebar ah oo bakhti ah.
وَمَا خَلَقْنَا ٱلسَّمَآءَ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا لَٰعِبِينَ
Ma aannaan abuurin samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya annagoo ciyaari.
لَوْ أَرَدْنَآ أَن نَّتَّخِذَ لَهْوًا لَّٱتَّخَذْنَٰهُ مِن لَّدُنَّآ إِن كُنَّا فَٰعِلِينَ
Haddaan doonno madadaallo inaan yeelanno waxaan ka yeelan lahayn agtannada haddaan falayno.
بَلْ نَقْذِفُ بِٱلْحَقِّ عَلَى ٱلْبَٰطِلِ فَيَدْمَغُهُۥ فَإِذَا هُوَ زَاهِقٌ وَلَكُمُ ٱلْوَيْلُ مِمَّا تَصِفُونَ
Xaqaanse ku gannaa baadilka oo tirtira markaasuu tagaa, waxaa idiinku sugnaaday halaag waxaad sheegaysaan.
وَلَهُۥ مَن فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَنْ عِندَهُۥ لَا يَسْتَكْبِرُونَ عَنْ عِبَادَتِهِۦ وَلَا يَسْتَحْسِرُونَ
Ilaahay waxaa u sugnaaday waxa samooyinka ku sugan iyo dhulka, kuwa Alle agtiisa ahna iskama kibriyaan cibaadadiisa kamana daalaan.
يُسَبِّحُونَ ٱلَّيْلَ وَٱلنَّهَارَ لَا يَفْتُرُونَ
Wayna nasahaan habeen iyo dharaarba kamana noogaan.