يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱتَّقُوا۟ رَبَّكُمْ إِنَّ زَلْزَلَةَ ٱلسَّاعَةِ شَىْءٌ عَظِيمٌ
Dadaw ka dhawrsada Allihiin maxaa yeelay gilgilashada saacadda (qiyaame) waa wax wayn (daran).
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱتَّقُوا۟ رَبَّكُمْ إِنَّ زَلْزَلَةَ ٱلسَّاعَةِ شَىْءٌ عَظِيمٌ
Dadaw ka dhawrsada Allihiin maxaa yeelay gilgilashada saacadda (qiyaame) waa wax wayn (daran).
يَوْمَ تَرَوْنَهَا تَذْهَلُ كُلُّ مُرْضِعَةٍ عَمَّآ أَرْضَعَتْ وَتَضَعُ كُلُّ ذَاتِ حَمْلٍ حَمْلَهَا وَتَرَى ٱلنَّاسَ سُكَٰرَىٰ وَمَا هُم بِسُكَٰرَىٰ وَلَٰكِنَّ عَذَابَ ٱللَّهِ شَدِيدٌ
Waana maalintaad arkaysaan iyadooy halmaami mid wax nuujisa dhammaanteed waxay nuujinaysay, ooy dejin (tuuri) mid kastoo uur leh uurkeeda, waxaadna arkaysaa dadkoo waalan, mana aha kuwo (dhab) u waalan ee cadaabka Allaa daran.
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يُجَٰدِلُ فِى ٱللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَيَتَّبِعُ كُلَّ شَيْطَٰنٍ مَّرِيدٍ
Dadka waxaa ka mid ah ruux ku murmi Alle cilmi la’aan oo raaci shaydaan kastoo madax adag.
كُتِبَ عَلَيْهِ أَنَّهُۥ مَن تَوَلَّاهُ فَأَنَّهُۥ يُضِلُّهُۥ وَيَهْدِيهِ إِلَىٰ عَذَابِ ٱلسَّعِيرِ
Waxa loo qoray (shaydaan) ruuxii talada u dhiibta (raaca) inuu baadiyeeyo kuna toosiyo cadaabka.
Suurraddan waxaa lagu magacaabaa suuradda xajka, maxaa yeelay waxay ka warrantay xajka iyo waxa la xidhiidha, waxayna ku billaabatay shiddada qiyaamada iyo inay dadku ka dhawrsadaan dhibaatadaas, waxaana looga dhawrsan camal fiican, dadkuna maalintaas waxay la kulmi arrin wayn inta laga moodo inay waalan yihiin iyagoon waallayn ee waa uun dhibka, wixii ilma ah oo la nuujinhayey ama uurka ku jirayna la tuuro, tan kale ma habboona in cilmi darro lagu doodo Alle iyo diinta, lana raaco shaydaan wax dhumiya, naartana u hoggaamiya. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: waxaa laydin soo kulmin qiyaamada idinkoo kaba la’ oo qaawan, oon gudnayn, Caa’isha waxay tidhi: Rasuulka Allow ragga iyo haweenku mays dhawri! Markaasuu yidhi Nabigu: Caa’ishoy xaalku waa ka daran yahay in waxaasi shuqliyo. Taasina waxay ku tusin dhibaatada qiyaamada.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِن كُنتُمْ فِى رَيْبٍ مِّنَ ٱلْبَعْثِ فَإِنَّا خَلَقْنَٰكُم مِّن تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ ثُمَّ مِنْ عَلَقَةٍ ثُمَّ مِن مُّضْغَةٍ مُّخَلَّقَةٍ وَغَيْرِ مُخَلَّقَةٍ لِّنُبَيِّنَ لَكُمْ وَنُقِرُّ فِى ٱلْأَرْحَامِ مَا نَشَآءُ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى ثُمَّ نُخْرِجُكُمْ طِفْلًا ثُمَّ لِتَبْلُغُوٓا۟ أَشُدَّكُمْ وَمِنكُم مَّن يُتَوَفَّىٰ وَمِنكُم مَّن يُرَدُّ إِلَىٰٓ أَرْذَلِ ٱلْعُمُرِ لِكَيْلَا يَعْلَمَ مِنۢ بَعْدِ عِلْمٍ شَيْـًٔا وَتَرَى ٱلْأَرْضَ هَامِدَةً فَإِذَآ أَنزَلْنَا عَلَيْهَا ٱلْمَآءَ ٱهْتَزَّتْ وَرَبَتْ وَأَنۢبَتَتْ مِن كُلِّ زَوْجٍۭ بَهِيجٍ
Dadow haddaad tihiin kuwo shakisan soo bixinta annagaa idinka abuurray carro, haddana dhibic haddana calaqo, haddana goosin la abuuray iyo midaan la abuurin si aan idiinku caddayno (qudrada Alle), waxaanna ku sugnaa makaanka waxaan doonno tan iyo muddo magacaaban, markaasaan idin soo bixinaynaa idinkoo yar, markaas inaad gaadhaan xooggiinna waxaa idinka mid ah cid la oofsan (dhiman) waxaana idinka mid ah kuwo loo celin cimri liita (gabow) si ayna u garanin intay wax yaqiinneen ka dib waxba, waxaad arkaysaa dhulkoo abaar (dhimaad) ah markaan ku soo dejinno korkeeda biyana way gilgilataa wayna kortaa, waxayna soo bixisaa nooc kastoo quruxsan.
ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْحَقُّ وَأَنَّهُۥ يُحْىِ ٱلْمَوْتَىٰ وَأَنَّهُۥ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
Taasna waxaa ugu wacan in Alle uun xaq yahay uuna nooleeyo waxa dhintay iyo inuu wax walba karo.
وَأَنَّ ٱلسَّاعَةَ ءَاتِيَةٌ لَّا رَيْبَ فِيهَا وَأَنَّ ٱللَّهَ يَبْعَثُ مَن فِى ٱلْقُبُورِ
Iyo in saacadda qiyaame iman shaki la’aan, Alle na wuxuu soo bixin waxa qubuuraha ku sugan.
Dadka kuma habboona inay diidaan soo bixinta maxaa yeelay waxay soo mareen abuurid kala duwan laga bilaabo dhibic ilaa intay ka gaboobaan, arrintaasuna ugu filan waano, waxaa kaloo waano ugu filan roobka iyo doogguu soo bixiyo abaar ka dib, taasina waxay sugi awoodda Alle iyo xaqnimadiisa iyo in qiyaamadu imaan shaki la’aan iyo Alle inuu soo bixin waxa dhintay. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: abuuridda midkiin waxaa lagu kulmiyaa uurka hooyadii afartan dhibic, markaas xinjir in la mid ah, haddana goosin sidoo kale, markaas malag loo bixiyaa waxaana la faraa afar kalimo waxaana la qoraa rizqigiisa, camalkiisa, ajashiisa, xumaan iyo liibaan, markaasaa lagu afuufaa ruuxda. Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Taasina waxay ku tusin in dadaal fiican la dadaalo iyadoo la og yahay in Alle wax walba qaddaray.
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يُجَٰدِلُ فِى ٱللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَلَا هُدًى وَلَا كِتَٰبٍ مُّنِيرٍ
Dadka waxaa ka mid ah mid ku doodi Alle cilmi la’aan iyo hanuun la’aan iyo kitaab wax nuurin la’aantiis.
ثَانِىَ عِطْفِهِۦ لِيُضِلَّ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ لَهُۥ فِى ٱلدُّنْيَا خِزْىٌ وَنُذِيقُهُۥ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ عَذَابَ ٱلْحَرِيقِ
Oo dadbi luqunta (iskibrin) inuu ka dhumiyo jidka Alle, wuxuu mudan adduunyada dulli waxaanna dhadhansiin maalinta qiyaame cadaab wax guba.
ذَٰلِكَ بِمَا قَدَّمَتْ يَدَاكَ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَيْسَ بِظَلَّٰمٍ لِّلْعَبِيدِ
Taasna waa waxay hor marsatay gacmahaagu, Alle na ma aha dulmiyaha addoommada.
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَعْبُدُ ٱللَّهَ عَلَىٰ حَرْفٍ فَإِنْ أَصَابَهُۥ خَيْرٌ ٱطْمَأَنَّ بِهِۦ وَإِنْ أَصَابَتْهُ فِتْنَةٌ ٱنقَلَبَ عَلَىٰ وَجْهِهِۦ خَسِرَ ٱلدُّنْيَا وَٱلْـَٔاخِرَةَ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلْخُسْرَانُ ٱلْمُبِينُ
Waxaa ka mid ah dadka mid u caabudi (Alle) dhinac (shaki) hadduu soo gaadho khayrna xasili, hadduu soo gaadho imtixaan (dhibna) u gaddooma wajigiisa (gaalooba) wuxuu khasaariyey adduun iyo aakhiraba kaasina waa khasaaraha cad uun.
يَدْعُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَضُرُّهُۥ وَمَا لَا يَنفَعُهُۥ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلضَّلَٰلُ ٱلْبَعِيدُ
Wuxuu caabudi (baryina) Alle ka sokow waxaan dhibayn anfacaynna kaasina waa uun baadida fog.
يَدْعُوا۟ لَمَن ضَرُّهُۥٓ أَقْرَبُ مِن نَّفْعِهِۦ لَبِئْسَ ٱلْمَوْلَىٰ وَلَبِئْسَ ٱلْعَشِيرُ
Wuxuu caabudi wax dhibkiisu ka dhaw yahay nacfigiisu, isagaa u xun sokeeye una xun la noolaadi.
Waxaa ka mid ah dadka kuwo ku murmi Ilaahay cilmi iyo hanuun iyo kitaab cad la’aantiis, ee kibir iyo isla weyni uun la jooga, inay dadka xaqa ka leexiyaan, kuwaasuna waxay mudan dulli adduun iyo cadaab aakhiro, lamana dulmiyin ee waa waxay hor marsatay gacantiisu, waxaa kaloo ka mid ah kuwa Alle u caabudi dhinac oo hadduu khayr helana xasila, haddii dhib ku yimaadana gaalooba, kaasina waa mid iska khasaariyey adduun iyo aakhiraba, waana khasaaraha dhabta ah, wuxuuna caabudi Alle ka sokow waxaan waxba tarayn, dhibkiisuna ka dhaw yahay nacfigiisa, kaasaana u xun sokeeye iyo cashiir. Ibnu Cabbaas wuxuu sheegay in reer baadiyihii carbeed markay khayr helaanna dhihi jireen waa diin fiican marka dhib ku yimaaddana dhihi jireen waa diin xun, markaasaa Alle soo dejiyey aayadahan, diintuna waa uun xaq, ama barwaaqo ha timaaddo ama dhib ha yimaadee.
إِنَّ ٱللَّهَ يُدْخِلُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ جَنَّٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ إِنَّ ٱللَّهَ يَفْعَلُ مَا يُرِيدُ
Ilaahay wuxuu galiyaa kuwa rumeeyey (xaqa) oo falay camal fiican jannooyin ay socoto dhexdeeda wabiyaal, Allana wuxuu falaa wuxuu doono.
مَن كَانَ يَظُنُّ أَن لَّن يَنصُرَهُ ٱللَّهُ فِى ٱلدُّنْيَا وَٱلْـَٔاخِرَةِ فَلْيَمْدُدْ بِسَبَبٍ إِلَى ٱلسَّمَآءِ ثُمَّ لْيَقْطَعْ فَلْيَنظُرْ هَلْ يُذْهِبَنَّ كَيْدُهُۥ مَا يَغِيظُ
Ciddii u malayn inuusan u gargaarayn Alle Nabigiisa adduun iyo aakhiraba ha u fidiyo xadhig xagga samada hana isku gooyo (marjiyo) hana dayo inay dhagartiisu tegsiiso waxa cadho galin.
وَكَذَٰلِكَ أَنزَلْنَٰهُ ءَايَٰتٍۭ بَيِّنَٰتٍ وَأَنَّ ٱللَّهَ يَهْدِى مَن يُرِيدُ
Saasaanna kuugu soo dejinnay aayaad cad Alle na wuxuu hanuuniyaa cidduu doono.
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَٱلَّذِينَ هَادُوا۟ وَٱلصَّٰبِـِٔينَ وَٱلنَّصَٰرَىٰ وَٱلْمَجُوسَ وَٱلَّذِينَ أَشْرَكُوٓا۟ إِنَّ ٱللَّهَ يَفْصِلُ بَيْنَهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ شَهِيدٌ
Kuwa rumeeyey (xaqa) iyo kuwa yuhuudoobay iyo saabi’iinta (xiddigaha caabuda) iyo nasaarada iyo majuusiga iyo mushrikiinta Alle ayaa kala bixin dhexdooda maalinta qiyaame, Alle na wax kasta wuu arkaa.
أَلَمْ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ يَسْجُدُ لَهُۥ مَن فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ وَٱلشَّمْسُ وَٱلْقَمَرُ وَٱلنُّجُومُ وَٱلْجِبَالُ وَٱلشَّجَرُ وَٱلدَّوَآبُّ وَكَثِيرٌ مِّنَ ٱلنَّاسِ وَكَثِيرٌ حَقَّ عَلَيْهِ ٱلْعَذَابُ وَمَن يُهِنِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِن مُّكْرِمٍ إِنَّ ٱللَّهَ يَفْعَلُ مَا يَشَآءُ
Miyaadan arkayn inay Alle u sujuudaan waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, iyo qorraxda iyo dayaxa iyo xidigaha iyo buuraha iyo geedaha iyo xayawaanka iyo wax badan oo dadka ah, wax badanna waxaa ku sugnaaday korkooda cadaab, ruuxuu ihaaneeyo Alle na ma laha wax sharrifi, Alle na wuxuu falaa wuxuu doono.
Ciddii wanaag fasha waxaa lagu abaal marin wanaag, ciddiise u malayn Nabiga inaan Alle u gargaarayn adduun iyo aakhiraba hadduu doono cadho ha u dhinto bal inay wax u tarto, Alle na quraan cad yuu soo dejiyey, Alle ayaana hanuuniya cidduu doono, dhammaanna muslim iyo gaalo Alle ayaa kala bixin qiyaamada, wax kastana Ilaahay buu u sujuudaa, oo u khushuucaa una hoggaansamaa, sujuudduna ma aha tan dadkoo kale ee wax kasta wuxuu u sujuudaa si ku habboon, waxaana sugnaatay in shaydaanku qoomamayn markuu galo naarta, mu’miniintuna jannada, oo sheegi inuu khasaaray markuu diiday sujuudda. Waxayna ku tusin in ciddii sujuudi wayda ay raacday sheydaan kana leexatay jidka toosan.
هَٰذَانِ خَصْمَانِ ٱخْتَصَمُوا۟ فِى رَبِّهِمْ فَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ قُطِّعَتْ لَهُمْ ثِيَابٌ مِّن نَّارٍ يُصَبُّ مِن فَوْقِ رُءُوسِهِمُ ٱلْحَمِيمُ
Labadani waa doodayaal, waxayna ku doodeen Rabbigood, kuwa gaaloobay waxaa loo goyn maryo naar ah waxaana lagu shubi korkooda biyo kulul.
يُصْهَرُ بِهِۦ مَا فِى بُطُونِهِمْ وَٱلْجُلُودُ
Waxana lagu gubaa (lagu dhalaaliyaa) waxa caloosha ku jira iyo jidhka (haragga).