قَدْ أَفْلَحَ ٱلْمُؤْمِنُونَ
Waxaa dhab ahaan u liibaanay mu’miniinta.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
قَدْ أَفْلَحَ ٱلْمُؤْمِنُونَ
Waxaa dhab ahaan u liibaanay mu’miniinta.
ٱلَّذِينَ هُمْ فِى صَلَاتِهِمْ خَٰشِعُونَ
Ah kuwa salaaddooda ku khushuuca.
وَٱلَّذِينَ هُمْ عَنِ ٱللَّغْوِ مُعْرِضُونَ
Oo ah kuwa hadalka macno darro ka jeedsada.
وَٱلَّذِينَ هُمْ لِلزَّكَوٰةِ فَٰعِلُونَ
Oo ah kuwa fala zakada «bixiya».
وَٱلَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَٰفِظُونَ
Oo ah kuwa furuujtooda ilaaliya.
إِلَّا عَلَىٰٓ أَزْوَٰجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَٰنُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ
Haweenkooda iyo waxay hanatay gacantoodu mooyee, laguma dagaalo taas.
فَمَنِ ٱبْتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْعَادُونَ
Ruuxiise doona waxaas wax ka soo hadhay kuwaasu waa xad gudbayaal.
وَٱلَّذِينَ هُمْ لِأَمَٰنَٰتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَٰعُونَ
Waa kuwa ammaanadooda iyo ballankooda dhawra.
وَٱلَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَوَٰتِهِمْ يُحَافِظُونَ
Waana kuwa salaadda ilaaliya.
أُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْوَٰرِثُونَ
Kuwaasu waa kuwa dhaxli.
ٱلَّذِينَ يَرِثُونَ ٱلْفِرْدَوْسَ هُمْ فِيهَا خَٰلِدُونَ
Oo ah kuwa dhaxli firdowsa wayna ku dhex waari.
Suuraddan waxaa lagu magacaabaa suuratul mu’minuun, waxayna ku billaabatay liibaanta mu’miniinta ku khushuuca salaadda, oo macna la’aanta hadal ah ka jeedsada, oo zakada fala, oo iska dhawra waxaan Alle u xalaalayn, oo amaanada iyo ballankooda ilaaliya, salaaddana ilaaliya, kuwaasuna waa uun kuwa dhaxli jannada fardowsa kuna waari dhexdeeda. Waana taas tilmaanta dhabta ah ee ruuxa mu’minka ah ee mudan liibaan iyo jannada Alle, waana liibaan aan wax la mid ah jirin. Caa’isha Alle ha ka raalli noqdee waxaa la warsaday dabeecaddii Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) waxayna tidhi: dabeecaddiisu waxay ahayd quraanka, waxayna akhriday billowga suuraddan tan iyo aayadda sagaalaad. Mana qarsoona wanaagga salaadda, bixinta zakada, ka jeedsashada hadal macno darro, ka fogaanshaha zinada, ilaalinta ammaanada iyo ballanka iyo wanaagga ku dadaalka.
وَلَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَٰنَ مِن سُلَٰلَةٍ مِّن طِينٍ
Waxaan ka abuurray dadka wax laga soo soocay dhoobo.
ثُمَّ جَعَلْنَٰهُ نُطْفَةً فِى قَرَارٍ مَّكِينٍ
Markaasaan ka yeellay dhibic ku jirta meel sugan.
ثُمَّ خَلَقْنَا ٱلنُّطْفَةَ عَلَقَةً فَخَلَقْنَا ٱلْعَلَقَةَ مُضْغَةً فَخَلَقْنَا ٱلْمُضْغَةَ عِظَٰمًا فَكَسَوْنَا ٱلْعِظَٰمَ لَحْمًا ثُمَّ أَنشَأْنَٰهُ خَلْقًا ءَاخَرَ فَتَبَارَكَ ٱللَّهُ أَحْسَنُ ٱلْخَٰلِقِينَ
Markaasaan ka abuurray dhibicdii calaqo kana abuurray calaqadii goosin, kana abuurray goosintii lafo oon huwinnay lafihii hilib, markaasaan ka ahaysiinnay khalqi kale, waxaa khayr badnaaday Allaha u wanaagsan inta wax samaysa ee wax jaangoysa.
ثُمَّ إِنَّكُم بَعْدَ ذَٰلِكَ لَمَيِّتُونَ
Markaas idinku arrintaas ka dib waad dhimanaysaan.
ثُمَّ إِنَّكُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ تُبْعَثُونَ
Markaas maalinta qiyaame laydin soo bixin.
وَلَقَدْ خَلَقْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعَ طَرَآئِقَ وَمَا كُنَّا عَنِ ٱلْخَلْقِ غَٰفِلِينَ
Waxaanna ku abuurray korkiinna toddobo samo mana nihin mid khalqiga halmaansan.
Aayadahanna waxay caddayn dadka asalkiisa iyo sida Alle u abuuray una soo mareen abuur kala duwan, waxaana wayn oo ammaan muta xumaanna ka dheer Ilaaheenna wanaajiya abuurka, markaas ka dibna, wuu dilaa, wuxuuna soo bixiyaa maalinta qiyaame, waana kan ahaysiiyey korkooda toddobo samo oon halmaansaneyn khalqiga. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: Alle wuxuu ka abuuray (Nabi) Aadam ka soo qaad dhulkoo dhan, waxayna ahaadeen carruurtiisu sida dhulka, mid cas, mid cad, mid madow iyo mid u dhexeeya iyo mid fiican iyo mid xun iyo mid u dhexeeya.
وَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءًۢ بِقَدَرٍ فَأَسْكَنَّٰهُ فِى ٱلْأَرْضِ وَإِنَّا عَلَىٰ ذَهَابٍۭ بِهِۦ لَقَٰدِرُونَ
Waxaan ka soo dejinnay samada biyo qiyaasan, waxaanna dejinnay dhulka inaan la tagnana waan karraa.
فَأَنشَأْنَا لَكُم بِهِۦ جَنَّٰتٍ مِّن نَّخِيلٍ وَأَعْنَٰبٍ لَّكُمْ فِيهَا فَوَٰكِهُ كَثِيرَةٌ وَمِنْهَا تَأْكُلُونَ
Waxaanna idinku ahaysiinnay beero timir ah iyo cinabyo oo dhexdeeda khudaar badani ku sugan tahay ood wax ka cuntaan.
وَشَجَرَةً تَخْرُجُ مِن طُورِ سَيْنَآءَ تَنۢبُتُ بِٱلدُّهْنِ وَصِبْغٍ لِّلْـَٔاكِلِينَ
Iyo geed ka baxa duur siina oo soo saara subag iyo koosaar kuwa cuni.