سُورَةٌ أَنزَلْنَٰهَا وَفَرَضْنَٰهَا وَأَنزَلْنَا فِيهَآ ءَايَٰتٍۭ بَيِّنَٰتٍ لَّعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ
(Tani) waa suurad aan soo dejinnay oo aan waajibinnay (axkaamta ku jirta, caddaynayna) kuna soo dejinnay dhexdeeda aayaad cad cad inaad wax xusuusataan (waano qaadataan).
ٱلزَّانِيَةُ وَٱلزَّانِى فَٱجْلِدُوا۟ كُلَّ وَٰحِدٍ مِّنْهُمَا مِا۟ئَةَ جَلْدَةٍ وَلَا تَأْخُذْكُم بِهِمَا رَأْفَةٌ فِى دِينِ ٱللَّهِ إِن كُنتُمْ تُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ وَلْيَشْهَدْ عَذَابَهُمَا طَآئِفَةٌ مِّنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ
Zaaniyadda (haween) iyo zaaniga (ragga) garaaca mid kastoo ka mid ah boqol garaac yeyna idiin qabannin xaggooda naxariis diinta Alle dhexdeeda (oo aad xadkii ka oofin weydaan) haddaad tihiin kuwa rumeeyey Alle iyo maalinta dambe (qiyaamada) hana joogo garaacooda koox ka mid ah mu’miniinta.
ٱلزَّانِى لَا يَنكِحُ إِلَّا زَانِيَةً أَوْ مُشْرِكَةً وَٱلزَّانِيَةُ لَا يَنكِحُهَآ إِلَّا زَانٍ أَوْ مُشْرِكٌ وَحُرِّمَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱلْمُؤْمِنِينَ
Zaani ma guursado waxaan zaaniyad ahayn ama gaal, zaaniyadna ma guursato waxaan zaani ahayn ama gaal, waana laga reebay arrintaas mu’miniinta.
وَٱلَّذِينَ يَرْمُونَ ٱلْمُحْصَنَٰتِ ثُمَّ لَمْ يَأْتُوا۟ بِأَرْبَعَةِ شُهَدَآءَ فَٱجْلِدُوهُمْ ثَمَٰنِينَ جَلْدَةً وَلَا تَقْبَلُوا۟ لَهُمْ شَهَٰدَةً أَبَدًا وَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْفَٰسِقُونَ
Kuwa (zino) ku gana (sheega) haweenka dhawrsoon oon afar marag ah keenin garaaca siddeetan garaacood, hana ka aqbalina marag waligood, kuwaasina waa uun faasiqiin.
إِلَّا ٱلَّذِينَ تَابُوا۟ مِنۢ بَعْدِ ذَٰلِكَ وَأَصْلَحُوا۟ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Marka laga reebo kuwa toobad keena intaas ka dib oo wanaajiya, Alle na waa (dambi) dhaafe naxariista.
Tafsiirka aayadaha 1–5
Suuraddan waa suurad wayn, wax badanna ka warranta aadaabta islaamka, oyna habboon tahay in la fahmo, waxayna ku billaabatay in Alle soo dejiyey kuna caddeeyay aayaad, waxaa ku xiga ciddii zino la timaadda rag iyo haweenba oon horay wax u guursan in lala dhaco boqol ulood, oon loona nixin, maragna loo yeelo, iyo in dadka xun xun iyagu isku habboon yihiin oo zaani iyo gaal uu guursan mid la mid ah, lagana reebay mu’miniinta, gaalada kitaabka leh waa laga hadlay wayna bannaan yihiin guurka haweenkoodu, tan kale ciddii qadafta ruux dhawrsoon kuna sheegta zino, afar marag la’aan, waa in lala dhaco siddeetan ulood, lagana aqbalin marag waligiis, ciddii toobad keenta oo wanaagsanaata mooyee, waxayna ku tusin xumida zinada, dhawridda sharafta muslimka iyo wanaagga diinta islaamka.
وَٱلَّذِينَ يَرْمُونَ أَزْوَٰجَهُمْ وَلَمْ يَكُن لَّهُمْ شُهَدَآءُ إِلَّآ أَنفُسُهُمْ فَشَهَٰدَةُ أَحَدِهِمْ أَرْبَعُ شَهَٰدَٰتٍۭ بِٱللَّهِ إِنَّهُۥ لَمِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
Kuwa qadfa (zino ku sheega) haweenkooda oon marag aan naftooda ahayn lahayn midkood maraggiisu waa inuu ku marag kaco dhaarta afar dhaarood Alle inuu run sheegi.
وَٱلْخَٰمِسَةُ أَنَّ لَعْنَتَ ٱللَّهِ عَلَيْهِ إِن كَانَ مِنَ ٱلْكَٰذِبِينَ
Tan shanaad waa inuu ku dhaarto in lacanadda Alle ku dhacdo hadduu beenaale yahay.
وَيَدْرَؤُا۟ عَنْهَا ٱلْعَذَابَ أَن تَشْهَدَ أَرْبَعَ شَهَٰدَٰتٍۭ بِٱللَّهِ إِنَّهُۥ لَمِنَ ٱلْكَٰذِبِينَ
Waxaa ka rida iyadana ciqaabta inay ku dhaarato afar dhaarood inuu beenaale yahay.
وَٱلْخَٰمِسَةَ أَنَّ غَضَبَ ٱللَّهِ عَلَيْهَآ إِن كَانَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
Tan shanaadna waxay ku dhaaran in cadhada Alle ku dhacdo hadduu run sheegi.
وَلَوْلَا فَضْلُ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَتُهُۥ وَأَنَّ ٱللَّهَ تَوَّابٌ حَكِيمٌ
Hadduuna jirin fadliga Alle iyo naxariistiisa korkiinna oosan ahayn toobad aqbal badane falsan «waxaa beenaalaha ku dhici lahaa cadaab daran».
Tafsiirka aayadaha 6–10
Sidoo kale ninkii haweenaydiisa zino ku sheega waxaa garaacidda ka reebi inuu shan goor Alle ku dhaarto inuu run sheegi, iyana waxay dhaaran shan jeer inuu been sheegi, ka dibna way kala furmi, waxaana loo yaqaanaa licaan. Diinta islaamkuna waa diin sharaf iyo naxariis, doonina mayso inay cidaan wax ku caddayn ceebayso, hase yeeshee uma dul qaadato waxa sharafta dhaawaca, sida ku sheegga zinada iyo wax la mid ah, mase fududa in dadka lagu sheego waxaan jirin oon caddayn, waxaa xadiith ku sugnaatay: seddex Alle ayaa ka xarrimay jannada, midka khayaamada sameeya, kan caasiya waalidka, iyo kan ehelkiisa ku suga xumaanta. Tan kale ma bannaana in been lagu dhaarto, waxayna ka mid tahay waxyaalaha dadka naarta galiya, saas darteed zino haw dhawaan, cidna zino ha ku sheegin adoon hubin, dhabtana indhaha ka qabsan, xuduudda diinta iyo islaamka ilaali, wanaagga ku dadaal, xumaanna ka dadaal.
إِنَّ ٱلَّذِينَ جَآءُو بِٱلْإِفْكِ عُصْبَةٌ مِّنكُمْ لَا تَحْسَبُوهُ شَرًّا لَّكُم بَلْ هُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ لِكُلِّ ٱمْرِئٍ مِّنْهُم مَّا ٱكْتَسَبَ مِنَ ٱلْإِثْمِ وَٱلَّذِى تَوَلَّىٰ كِبْرَهُۥ مِنْهُمْ لَهُۥ عَذَابٌ عَظِيمٌ
Kuwa la yimid been abuurka (qadafka Caasho) waa koox idinka mid ah, how malaynina inay shar idiin tahay, waxayse idiin tahay khayr, qof kasta oo ka mid ahna waxaa u sugnaaday wuxuu kasban oo dambi ah midka qaatay waynanka arrintana oo ka mid ah wuxuu mudan cadaab weyn (Ibnu Salool).
لَّوْلَآ إِذْ سَمِعْتُمُوهُ ظَنَّ ٱلْمُؤْمِنُونَ وَٱلْمُؤْمِنَٰتُ بِأَنفُسِهِمْ خَيْرًا وَقَالُوا۟ هَٰذَآ إِفْكٌ مُّبِينٌ
Maxaydaan markaad maqasheen xaalka (qadafka) ayna ugu malayn mu’miniintu ragga iyo haween naftooda khayr, oyna u dhihin kaasi waa been abuur cad.
لَّوْلَا جَآءُو عَلَيْهِ بِأَرْبَعَةِ شُهَدَآءَ فَإِذْ لَمْ يَأْتُوا۟ بِٱلشُّهَدَآءِ فَأُو۟لَٰٓئِكَ عِندَ ٱللَّهِ هُمُ ٱلْكَٰذِبُونَ
Mayse u keenaan korkiisa afar marag, haddayna keenin marag kuwaasu Alle agtiisa waxay ku yihiin beenaalayaal.
وَلَوْلَا فَضْلُ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَتُهُۥ فِى ٱلدُّنْيَا وَٱلْـَٔاخِرَةِ لَمَسَّكُمْ فِى مَآ أَفَضْتُمْ فِيهِ عَذَابٌ عَظِيمٌ
Hadduuse jirin fadliga Alle ee korkiinna iyo naxariistiisa adduun iyo aakhiraba waxaa idin taaban lahaa waxaad dhexgasheen dartiis cadaab weyn.
إِذْ تَلَقَّوْنَهُۥ بِأَلْسِنَتِكُمْ وَتَقُولُونَ بِأَفْوَاهِكُم مَّا لَيْسَ لَكُم بِهِۦ عِلْمٌ وَتَحْسَبُونَهُۥ هَيِّنًا وَهُوَ عِندَ ٱللَّهِ عَظِيمٌ
Markaad kula kulmaysaan qadafka carrabkiinna (oo aad kala werinaysaan), oo ku dhahaysaan afkiinna waxaydaan ogayn, una malaynaysaan wax fudud isagoo Alle agtiisa ku wayn.
Tafsiirka aayadaha 11–15
Aayadahan waxay soo degeen markay munaafiqiintu isku dayeen inay dhaawacaan sharafta sayido Caa’isha bintu Abii Bakar, ahaydna haweeneeydii Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) waxaana arrintaas hoggaaminayay munaafiqii waynaa Cabdullaahi binu Ubayi binu Salool, hase yeeshee wuu ku khasaaray adduun iyo aakhiraba, Alle ayaana ku soo dejiyey quraan ka bari yeeli Caa’isha waxaa soo kale, mu’miniintana fari inay ka fogaadaan maqalka beentaas oo kale, wanaaggana ku dadaalaan.
وَلَوْلَآ إِذْ سَمِعْتُمُوهُ قُلْتُم مَّا يَكُونُ لَنَآ أَن نَّتَكَلَّمَ بِهَٰذَا سُبْحَٰنَكَ هَٰذَا بُهْتَٰنٌ عَظِيمٌ
Markaad maqasheen maad dhahdaan nooma habboona inaan ku haddallo kan, Alle ayaa nasahan ee kan (qadafka) waa been abuur wayn.
يَعِظُكُمُ ٱللَّهُ أَن تَعُودُوا۟ لِمِثْلِهِۦٓ أَبَدًا إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ
Wuu idinka waanin Alle inaad u noqotaan isagoo kale waligeed haddaad tihiin mu’miniin.
وَيُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمُ ٱلْـَٔايَٰتِ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
Wuxuuna idiin caddayn Alle aayaadkiisa, Alle na waa oge falsan.
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُحِبُّونَ أَن تَشِيعَ ٱلْفَٰحِشَةُ فِى ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ فِى ٱلدُّنْيَا وَٱلْـَٔاخِرَةِ وَٱللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ
Kuwa jecel inay ku faafto xumaantu kuwa rumeeyey (xaqa) waxaa u sugnaaday cadaab daran adduun iyo aakhiraba, Alle na waa og yahay idinkuna ma ogidin.
وَلَوْلَا فَضْلُ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَتُهُۥ وَأَنَّ ٱللَّهَ رَءُوفٌ رَّحِيمٌ
Hadduuna jirin fadliga Alle ee korkiinna iyo naxariistiisa iyo in Alle yahay naxariis badane ilaaliya, (waxaa ahaan lahaa wax kale).