تَبَارَكَ ٱلَّذِى نَزَّلَ ٱلْفُرْقَانَ عَلَىٰ عَبْدِهِۦ لِيَكُونَ لِلْعَٰلَمِينَ نَذِيرًا
Waxaa khayr batay (oo wayn) Allaha ku soo dejiyey quraanka addoonkiisii (Nabiga) inuu u ahaado caalamka u dige.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
تَبَارَكَ ٱلَّذِى نَزَّلَ ٱلْفُرْقَانَ عَلَىٰ عَبْدِهِۦ لِيَكُونَ لِلْعَٰلَمِينَ نَذِيرًا
Waxaa khayr batay (oo wayn) Allaha ku soo dejiyey quraanka addoonkiisii (Nabiga) inuu u ahaado caalamka u dige.
ٱلَّذِى لَهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَلَمْ يَتَّخِذْ وَلَدًا وَلَمْ يَكُن لَّهُۥ شَرِيكٌ فِى ٱلْمُلْكِ وَخَلَقَ كُلَّ شَىْءٍ فَقَدَّرَهُۥ تَقْدِيرًا
Allaha uu u sugnaaday hanashada iyo xukunka samooyinka iyo dhulka, yeelaninna ilmo una sugnaannin shariig (la wadaage) xukunka, abuurayna wax kasta, oo u ahaysiiyey si qiyaasan.
وَٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةً لَّا يَخْلُقُونَ شَيْـًٔا وَهُمْ يُخْلَقُونَ وَلَا يَمْلِكُونَ لِأَنفُسِهِمْ ضَرًّا وَلَا نَفْعًا وَلَا يَمْلِكُونَ مَوْتًا وَلَا حَيَوٰةً وَلَا نُشُورًا
Waxay ka yeesheen Alle ka sokow ilaahyo oon abuurayn waxba iyagana la abuuri una hananayn naftooda dhib iyo nacfi (midna) oonan hananayn geeri iyo nolol iyo soo bixin (midna).
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ إِنْ هَٰذَآ إِلَّآ إِفْكٌ ٱفْتَرَىٰهُ وَأَعَانَهُۥ عَلَيْهِ قَوْمٌ ءَاخَرُونَ فَقَدْ جَآءُو ظُلْمًا وَزُورًا
Waxay dheheen gaaladii kani (quraanku) ma aha waxaan been abuur ahayn, uu la yimid, uguna kaalmeeyeen qoom kale, waxay la yimaadeen dulmi iyo been (daran).
وَقَالُوٓا۟ أَسَٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ ٱكْتَتَبَهَا فَهِىَ تُمْلَىٰ عَلَيْهِ بُكْرَةً وَأَصِيلًا
Waxay dheheen waa warkii dadkii hore oos ka qoray iyadaana loo yeedhiyaa aroor iyo galabba.
قُلْ أَنزَلَهُ ٱلَّذِى يَعْلَمُ ٱلسِّرَّ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ إِنَّهُۥ كَانَ غَفُورًا رَّحِيمًا
Waxaad dhahdaa waxaa soo dejiyey Allaha og waxa ku qarsoon samooyinka iyo dhulka waana dambi dhaafe naxariista.
Waxaa ammaan mudan Allaha ku soo dejiyey quraanka kala bixiyey xaqa iyo baadilka addoonkiisii Muxamed ahaa, waana wax Alle ku tilmaamo dadka waxa u wayn, si uu caalamka ugu digo dhammaantii, waxayna ku tusin caalaminnimada diinta islaamka, xukunkana Alle ayaa iska leh, ilmo iyo shariigna ma leh, wax walbana isagaa abuuray, cid wax abuuri karta oo Alle ka soo hadhayna ma jirto, ama hanta dhib, nacfi, geeri, nolol, iyo soo bixin midna. Quraankuna waa dhab sugan oo Alle soo dejiyey, wax Nabigu la imaan karana ma aha, ciddii warkaas sheegtana waa mid beenalay ah ee halla yimaadeen wax la mid ah intay isu tagaan, dhabtuna waa inay beenaalayaal caqli daran yihiin, warkooduna wax u dhimi maayo xaqnimada quraanka, sharaftiisa iyo caalaminnimadiisa, siduu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) u yidhi: waxaa lay diray dadka dhammaantiis. Saas darteed waa inay ku eegaan il xaq ah.
وَقَالُوا۟ مَالِ هَٰذَا ٱلرَّسُولِ يَأْكُلُ ٱلطَّعَامَ وَيَمْشِى فِى ٱلْأَسْوَاقِ لَوْلَآ أُنزِلَ إِلَيْهِ مَلَكٌ فَيَكُونَ مَعَهُۥ نَذِيرًا
Waxay dheheen gaaladii muxuu leeyahay rasuulkani oos u cuni cunto una socon suuqa, maa loo soo dejiyo malag oo ahaado mid la diga.
أَوْ يُلْقَىٰٓ إِلَيْهِ كَنزٌ أَوْ تَكُونُ لَهُۥ جَنَّةٌ يَأْكُلُ مِنْهَا وَقَالَ ٱلظَّٰلِمُونَ إِن تَتَّبِعُونَ إِلَّا رَجُلًا مَّسْحُورًا
Ama maa loo tuuro (dejiyo) kansi ama u ahaato beer uu wax ka cuno xaggeeda, waxayna dheheen daalimiintu ma raacaysaan waxaan nin sixran ahayn.
ٱنظُرْ كَيْفَ ضَرَبُوا۟ لَكَ ٱلْأَمْثَٰلَ فَضَلُّوا۟ فَلَا يَسْتَطِيعُونَ سَبِيلًا
Bal day siday kuugu yeeleen tusaale oy u dhumeen una karin (qaadidda) jidka (xaqa).
تَبَارَكَ ٱلَّذِىٓ إِن شَآءَ جَعَلَ لَكَ خَيْرًا مِّن ذَٰلِكَ جَنَّٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ وَيَجْعَل لَّكَ قُصُورًۢا
Waxaa khayr badan Allaha hadduu doono kuu yeeli wax ka khayr roon taas, jannooyinna (kuu yeeli) oy socoto dhexdeeda wabiyaal kuuna yeeli daaro (adduunkan).
بَلْ كَذَّبُوا۟ بِٱلسَّاعَةِ وَأَعْتَدْنَا لِمَن كَذَّبَ بِٱلسَّاعَةِ سَعِيرًا
Waxayse beeniyeen saacadda (qiyaame) waxaanna u darabnay ciddii beenisa saacadda naarta saciira.
إِذَا رَأَتْهُم مِّن مَّكَانٍۭ بَعِيدٍ سَمِعُوا۟ لَهَا تَغَيُّظًا وَزَفِيرًا
Markay ka aragto meel fog waxay ka maqlaan cadho iyo guux.
وَإِذَآ أُلْقُوا۟ مِنْهَا مَكَانًا ضَيِّقًا مُّقَرَّنِينَ دَعَوْا۟ هُنَالِكَ ثُبُورًا
Marka lagu tuuro dhexdeeda meel cidhiidhi ah iyagoo isku xidhan waxay u yeedhaan halaag, iyo (khasaare).
لَّا تَدْعُوا۟ ٱلْيَوْمَ ثُبُورًا وَٰحِدًا وَٱدْعُوا۟ ثُبُورًا كَثِيرًا
(Waxaana la dhihi) how yeedhannina maanta halaag kaliya ee u yeedha halaag badan.
Gaalada iyo xaq diidayaashu si xun bay wax u qiyaasaan una qiimeeyaan, waxaana ka mid ah inay sheegeen in Nabigu wax cuni, oo suuqa socon, iyo maxaa malag loola soo diri waayey, ama xoolo badan loo siin waayey, taasina waxay ku tusin inay il xoola jacayl ku dayi wax walba, maxaase xoolo qiima leeyihiin haddaan xaqa loogu gargaarin, ama lagu bixin, waase karaa Alle inuu siiyo Nabiga wax ka wanaagsan waxaas, wuxuuna siiyey, nabinnimo, quraan uu ku soo dejiyey, iyo wanaag aakhiro, maxayse gaalo fali markay la kulmaan naar daran oo guuxi, waa uun calaacal iyo oohin, waxaana Ibnu Cabbaas ka sugnaatay in qof loo jiidi naarta oy u soo ciyi sida baqal shaciir loo soo fidiyey, holac iyo kulaylna la qaylinaysa, isagoon jirin ruuxaan cabsanayn.
قُلْ أَذَٰلِكَ خَيْرٌ أَمْ جَنَّةُ ٱلْخُلْدِ ٱلَّتِى وُعِدَ ٱلْمُتَّقُونَ كَانَتْ لَهُمْ جَزَآءً وَمَصِيرًا
Waxaad dhahdaa ma taasaa khayr roon mise jannada waaridda ee ah middii loo yaboohay kuwa dhawrsada, waxayna u ahaatay kuwaas (dhawrsada) abaal marin iyo noqosho.
لَّهُمْ فِيهَا مَا يَشَآءُونَ خَٰلِدِينَ كَانَ عَلَىٰ رَبِّكَ وَعْدًا مَّسْـُٔولًا
Waxayna ka helayaan dhexdeeda waxay doonaan wayna ku waari, arrintaasuna waa yabooh uu isa saaray Allehaa oo sugan.
وَيَوْمَ يَحْشُرُهُمْ وَمَا يَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ فَيَقُولُ ءَأَنتُمْ أَضْلَلْتُمْ عِبَادِى هَٰٓؤُلَآءِ أَمْ هُمْ ضَلُّوا۟ ٱلسَّبِيلَ
Xusuusta maalintaan kulminayno gaalada iyo waxay caabudi oo Alle ka soo hadhay oos ku dhihi ma idinkaa dhumiyey addoommadaydaas, mise iyagaa ka dhumay jidka.
قَالُوا۟ سُبْحَٰنَكَ مَا كَانَ يَنۢبَغِى لَنَآ أَن نَّتَّخِذَ مِن دُونِكَ مِنْ أَوْلِيَآءَ وَلَٰكِن مَّتَّعْتَهُمْ وَءَابَآءَهُمْ حَتَّىٰ نَسُوا۟ ٱلذِّكْرَ وَكَانُوا۟ قَوْمًۢا بُورًا
Waxayna odhan waad nasahan tahay naguma habboona inaan yeelanno adi ka sokow awliyo (gargaare), waadse u raaxaysay iyaga iyo aabayaalkood intay ka halmaamaan waxyiga, waxayna noqdeen kuwa halaagsamay.
فَقَدْ كَذَّبُوكُم بِمَا تَقُولُونَ فَمَا تَسْتَطِيعُونَ صَرْفًا وَلَا نَصْرًا وَمَن يَظْلِم مِّنكُمْ نُذِقْهُ عَذَابًا كَبِيرًا
Way idinku beeniyeen waxaad sheegaysaan mana kartaan furasho iyo gargaar midna, ciddii wax dulmida oo idinka mid ah waxaannu dhadhansiin cadaab wayn.
Ma sinna wanaagga Alle u darbay mu’miniinta, iyo ciqaabta gaalada, kuwaasoo ay isdiidi waxay caabudi jireen Alle ka sokow, taasina waxay ku tusin in saaxiibnimo iyo isku xidhnaan kasta oon xaqa ahayn ay u dambayn kala tag iyo colnimo iyo in cibaado ka soo hadhay tan Alle ay tahay khasaare, iyo wadda kasta oon ahayn midda Alle ee islaamka ah ay tahay dhumid iyo luggooyo.
وَمَآ أَرْسَلْنَا قَبْلَكَ مِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ إِلَّآ إِنَّهُمْ لَيَأْكُلُونَ ٱلطَّعَامَ وَيَمْشُونَ فِى ٱلْأَسْوَاقِ وَجَعَلْنَا بَعْضَكُمْ لِبَعْضٍ فِتْنَةً أَتَصْبِرُونَ وَكَانَ رَبُّكَ بَصِيرًا
Manaan dirin rasuul kaa horreeyey oon cunayn cunnada soconaynna suuqa, waxaanna uga yeellay qaarkiin qaarka kale fidmo (ibtilo) ee ma samraysaan, Rabbigaana waa arke.