طسٓمٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka sida soo hor martay.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
طسٓمٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka sida soo hor martay.
تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْكِتَٰبِ ٱلْمُبِينِ
Taasi waa aayadihii kitaabka cad.
لَعَلَّكَ بَٰخِعٌ نَّفْسَكَ أَلَّا يَكُونُوا۟ مُؤْمِنِينَ
Waxaadna u dhawdahay Nabiyow inaad halaagto naftaada haddayna rumayn xaqa.
إِن نَّشَأْ نُنَزِّلْ عَلَيْهِم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ ءَايَةً فَظَلَّتْ أَعْنَٰقُهُمْ لَهَا خَٰضِعِينَ
Haddaan doonno waxaan kaga soo dejinaynaa korkooda samada aayad oy noqoto luquntoodu miday u khushuucdo.
وَمَا يَأْتِيهِم مِّن ذِكْرٍ مِّنَ ٱلرَّحْمَٰنِ مُحْدَثٍ إِلَّا كَانُوا۟ عَنْهُ مُعْرِضِينَ
Waxkasta oo quraana oo uga yimaadda xagga Allaha Raxmaana, oo soo darriyo (cusboonaada) waxay ahaan kuwo ka jeedsada.
فَقَدْ كَذَّبُوا۟ فَسَيَأْتِيهِمْ أَنۢبَٰٓؤُا۟ مَا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ
Waxayna beeniyeen (xaqa) waxaase u imaan warka waxay ku jees jeesayeen.
أَوَلَمْ يَرَوْا۟ إِلَى ٱلْأَرْضِ كَمْ أَنۢبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍ كَرِيمٍ
Miyeyna arkayn dhulka inaan ka soo bixinno nooc kasta oo fiican.
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
Taasna waxaa ku sugan aayad badankooduna ma aha mid rumeyn (xaqa).
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Rabbigaana waa adkaade naxariista.
Aayaduhu waxay xoojin oo calool adkayn Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeele) iyo in Alle awoodda leeyahay oo waxuu doono ku soo dejin karo, waxayse ka caada yeesheen gaaladu inay xaqa beeniyaan, wayse ogaan cidhibta arrintaas. Ciddiise waano qaadan ha daydo dhulka iyo waxa Alle ka soo bixiyo oo ah wax lagu waano qaato. Shacbi wuxuu yidhi: dadka waxaa laga abuuray dhulka ciddii jannada gashana waa mid fiican, kii naarta galana waa mid xun.
وَإِذْ نَادَىٰ رَبُّكَ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱئْتِ ٱلْقَوْمَ ٱلظَّٰلِمِينَ
(Xusuuso) markuu ugu yeedhay Allehaa (Nabi) Muuse inuu aado qoomka daalimiinta ah.
قَوْمَ فِرْعَوْنَ أَلَا يَتَّقُونَ
Qoomka fircoon, may dhawrsadaan.
قَالَ رَبِّ إِنِّىٓ أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ
Wuxuu yidhi (Nabi) Muuse Allow waxaan ka cabsan inay i beeniyaan.
وَيَضِيقُ صَدْرِى وَلَا يَنطَلِقُ لِسَانِى فَأَرْسِلْ إِلَىٰ هَٰرُونَ
Waa ay cidhiidhyantaa laabtaydu siina daysmi maayo carrabkaygu ee dir la jirkayga Haaruun.
وَلَهُمْ عَلَىَّ ذَنۢبٌ فَأَخَافُ أَن يَقْتُلُونِ
Waxayna igu leeyihiin dambi (godob) waxaana ka cabsan inay i dilaan.
قَالَ كَلَّا فَٱذْهَبَا بِـَٔايَٰتِنَآ إِنَّا مَعَكُم مُّسْتَمِعُونَ
Wuxuu yidhi Ilaahay saas ma aha ee la aada aayaadkannaga, annagaa idinla jirra maqlina.
فَأْتِيَا فِرْعَوْنَ فَقُولَآ إِنَّا رَسُولُ رَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ
Ee u taga Fircoon una dhaha annagu waxaan nahay Rasuullada Rabbiga caalamka.
أَنْ أَرْسِلْ مَعَنَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ
Ee dir «u oggolow» banii israa’iil la jirkannaga.
قَالَ أَلَمْ نُرَبِّكَ فِينَا وَلِيدًا وَلَبِثْتَ فِينَا مِنْ عُمُرِكَ سِنِينَ
Wuxuu yidhi (Fircoon) miyaannaan kugu barbaarinnin dhexdannada adoo yar oodan ku nagaannin dhexdannada cimrigaaga sanooyin.
وَفَعَلْتَ فَعْلَتَكَ ٱلَّتِى فَعَلْتَ وَأَنتَ مِنَ ٱلْكَٰفِرِينَ
Ood fashay arrintaad fashay adoo diiddan (sama falkii).
قَالَ فَعَلْتُهَآ إِذًا وَأَنَا۠ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ
Wuxuu yidhi (Nabi) Muuse: waan falay anoon wax kasayn.