طسٓ تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْقُرْءَانِ وَكِتَابٍ مُّبِينٍ
(Labada xaraf ee hore iyagoo kale waan soo marnay) in ay ku tusin mucjisada quraanka, taasi waa aayaadka quraanka iyo kitaabka cad.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
طسٓ تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْقُرْءَانِ وَكِتَابٍ مُّبِينٍ
(Labada xaraf ee hore iyagoo kale waan soo marnay) in ay ku tusin mucjisada quraanka, taasi waa aayaadka quraanka iyo kitaabka cad.
هُدًى وَبُشْرَىٰ لِلْمُؤْمِنِينَ
Waana hanuunka iyo bishaarada mu’miniinta.
ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤْتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلْـَٔاخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ
Ee ah kuwa ooga salaadda oo guta zakada oo aakhiro yaqiinin.
إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْـَٔاخِرَةِ زَيَّنَّا لَهُمْ أَعْمَٰلَهُمْ فَهُمْ يَعْمَهُونَ
Kuwaanse rumayn aakhiro waxaan u qurxinnay camalkooda waana ku indho la’ yihiin (wareersan yihiin).
أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَهُمْ سُوٓءُ ٱلْعَذَابِ وَهُمْ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ هُمُ ٱلْأَخْسَرُونَ
Kuwaasi waa kuwuu u sugnaaday cadaab xun aakharana iyaga unbaa khasaaray.
وَإِنَّكَ لَتُلَقَّى ٱلْقُرْءَانَ مِن لَّدُنْ حَكِيمٍ عَلِيمٍ
Adiguna Nabiyow waxaad kala kulmi quraanka Ilaaha falka san ee og agtiisa.
Suuraddu waxay ka warrami in quraanka kariimka ah hanuun iyo bishaaro u yahay mu’miniita xaqa rumaysan ee salaadda si fiican u guta, zakadana bixiya, aakharana yaqiinsan, kuwaanse rumaynin aakharo waxaa loo qurxiyey camalkooda xun oyna ku dhex wareersan yihiin, waana kuwa cadaab xun u sugnaaday oo khasaaray aakharo illeen wey beeniyeene. Dhabtuna waa in quraanku ka soo degay Ilaaha xakiimka ah ee wax walba og xaggiisa, warkiisuna waa run cad. Xukunkiisuna waa caddaalad dhammaystiran. Waxaase loo baahan yahay rumayn, ku dhaqan, ugu yeedhid iyo dhawrid.
إِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِأَهْلِهِۦٓ إِنِّىٓ ءَانَسْتُ نَارًا سَـَٔاتِيكُم مِّنْهَا بِخَبَرٍ أَوْ ءَاتِيكُم بِشِهَابٍ قَبَسٍ لَّعَلَّكُمْ تَصْطَلُونَ
Xusuuso markuu ku yidhi Nabi Muuse ehelkiisa anugu waxaan arkaa iftiin waxaan idiinka keeni xaggiisa war ama waxaan idiinka keeni dhuxul daba inaad kulaashaan.
فَلَمَّا جَآءَهَا نُودِىَ أَنۢ بُورِكَ مَن فِى ٱلنَّارِ وَمَنْ حَوْلَهَا وَسُبْحَٰنَ ٱللَّهِ رَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ
Markuu yimid waxaa loogu dhawaaqay waa la barakeeyey cidda dabka la joogta iyo kuwa gaararkiisa ah, waxaana nasahan Rabbiga caalamka.
يَٰمُوسَىٰٓ إِنَّهُۥٓ أَنَا ٱللَّهُ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
Muusow anugu waxaan ahay Ilaaha adkaada ee falka san.
وَأَلْقِ عَصَاكَ فَلَمَّا رَءَاهَا تَهْتَزُّ كَأَنَّهَا جَآنٌّ وَلَّىٰ مُدْبِرًا وَلَمْ يُعَقِّبْ يَٰمُوسَىٰ لَا تَخَفْ إِنِّى لَا يَخَافُ لَدَىَّ ٱلْمُرْسَلُونَ
Ee tuur ushaada, markuu arkay iyadoo gilgilan (oo si degdega u dhaqdhaqaaqaysa) sida maska ayuu jeedsaday isagoo carari, mana so o noqon, Muusow ha cabsanin, kuma cabsadaan agtayda rasuulladuye.
إِلَّا مَن ظَلَمَ ثُمَّ بَدَّلَ حُسْنًۢا بَعْدَ سُوٓءٍ فَإِنِّى غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Ciddiise dulmi fasha markaas wanaag ku baddasha xumaan ka dib anugu waxaan ahay dambi dhaafe naxariista.
Qisada Nabi Muuse iyo sida Ilaaheen ula hadlay meelo badan yaa lagu sheegay, waxayna ku tusin in Ilaahay cidduu doono oo rasuulladiisii ka mid ahaa la hadli jiray, tan kale waxay ku tusin in Nabiyada aanay ceeb ku ahayn cabsida caadiga ah, wax sharaftooda wax u dhimana ayna ahayn. Tan kale waxay ku tusin awoodda Alle iyo inuu wuxuu doono fali karo. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: Ilaahay ma seexdo kumana habboona (waa ka dheer yahay) inuu seexdo, wuxuu hoos u dhigaa ama koryeelaa (qaybta) waxaa u kor noqda xaggiisa camalka habeenka maalinta ka hor, iyo kan maalinta habeenka ka hor. Waxaa wariyey Muslim.
وَأَدْخِلْ يَدَكَ فِى جَيْبِكَ تَخْرُجْ بَيْضَآءَ مِنْ غَيْرِ سُوٓءٍ فِى تِسْعِ ءَايَٰتٍ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَقَوْمِهِۦٓ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَوْمًا فَٰسِقِينَ
Gali gacantaada jeebkaaga waxay soo bixi iyadoo cad xumaan la’aan, (waxayna ka mid yihiin) sagaal calaamo oo fircoon iyo qoomkiisa loo muujiyey, waxayna ahaayeen qoom faasiqiina.
فَلَمَّا جَآءَتْهُمْ ءَايَٰتُنَا مُبْصِرَةً قَالُوا۟ هَٰذَا سِحْرٌ مُّبِينٌ
Markay u timid calaamaddannadii iyadoo cad waxay dheheen kani waa sixir cad.
وَجَحَدُوا۟ بِهَا وَٱسْتَيْقَنَتْهَآ أَنفُسُهُمْ ظُلْمًا وَعُلُوًّا فَٱنظُرْ كَيْفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلْمُفْسِدِينَ
Wayna diideen iyagooy yaqiinsatay naftoodu dulmi iyo isla sarreyn darteed, ee day siday ahaatay cidhibtii mufsidiinta (xumo wadayaasha).
Mucjisooyinka iyo calaamadaha la siiyey Nabi Muuse waxay ahaayeen sagaal oy ka mid ahaayeen usha iyo gacantu siday suurad kale sheegtay. Si Fircoon iyo qoomkiisa falka xumaa loogu wax tuso, wayse beeniyeen xaqii iyagoo hoosta ka og runta, si ay madaxnimada iyo isla waynida ugu mitidaan, maxaase ka dambeeyey oon halaag iyo khasaare ahayn, wax badanna waxaa la soo sheegay in dad badan ay diideen xaqa iyagoo garan ilaalin iyo dhawrid maslaxo gaara, taasoo ah madaxtinimo, xoolo, iyo isla wayni micno darro. Ciddii caqli lehna waa xaal ay waajib tahay inuu ku waano qaato.
وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا دَاوُۥدَ وَسُلَيْمَٰنَ عِلْمًا وَقَالَا ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِى فَضَّلَنَا عَلَىٰ كَثِيرٍ مِّنْ عِبَادِهِ ٱلْمُؤْمِنِينَ
Waxaan siinnay Daawuud iyo Sulaymaan cilmi, waxayna dheheen mahad Ilaah baa iska leh ee ah kan naga fadilay wax badan oo addoommadiisa mu’miniinta ah.
وَوَرِثَ سُلَيْمَٰنُ دَاوُۥدَ وَقَالَ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ عُلِّمْنَا مَنطِقَ ٱلطَّيْرِ وَأُوتِينَا مِن كُلِّ شَىْءٍ إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلْفَضْلُ ٱلْمُبِينُ
Wuxuuna dhaxlay Sulaymaan Daawuud, wuxuuna yidhi dadow waxaa nala baray codka shimbiraha, waxaana nala siiyey wax kasta (oo xukun ah) kaasina waa fadliga cad.
وَحُشِرَ لِسُلَيْمَٰنَ جُنُودُهُۥ مِنَ ٱلْجِنِّ وَٱلْإِنسِ وَٱلطَّيْرِ فَهُمْ يُوزَعُونَ
Waxaa loo kulmiyey Sulaymaan junuudiisii oo jinni, insi iyo shimbiro leh, iyadoo la celcelin.
حَتَّىٰٓ إِذَآ أَتَوْا۟ عَلَىٰ وَادِ ٱلنَّمْلِ قَالَتْ نَمْلَةٌ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّمْلُ ٱدْخُلُوا۟ مَسَٰكِنَكُمْ لَا يَحْطِمَنَّكُمْ سُلَيْمَٰنُ وَجُنُودُهُۥ وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ
Markay yimaaddeen toggii qudhaanjadana oy tidhi qudhaanjo qudhaanjooy gala guryihiinna yeyna idin jajabin Sulaymaan iyo ciidankiisu iyagoon idin ogayn.
فَتَبَسَّمَ ضَاحِكًا مِّن قَوْلِهَا وَقَالَ رَبِّ أَوْزِعْنِىٓ أَنْ أَشْكُرَ نِعْمَتَكَ ٱلَّتِىٓ أَنْعَمْتَ عَلَىَّ وَعَلَىٰ وَٰلِدَىَّ وَأَنْ أَعْمَلَ صَٰلِحًا تَرْضَىٰهُ وَأَدْخِلْنِى بِرَحْمَتِكَ فِى عِبَادِكَ ٱلصَّٰلِحِينَ
Markaasuu muusooday isagoo ku qosli hadalkeeda wuxuuna yidhi Allow i waafaji inaan ku mahdiyo nicmadaad ugu nicmaysay ani iyo waalidkay iyo inaan falo wanaag aad ka raalli tahay, ina gali naxariistaada addoommadaada suubban dhexdooda.
Wuxuu Alle sheegi wuxuu ugu nicmeeyey Nabi Daawuud iyo wiilkiisii Nabi Sulaymaan oo nicmooyin ah adduun iyo aakhiroba, iyo in Nabi Sulaymaan loo sakhiray jinni, insi iyo shimbirahaba, barayna hadalka shimbiraha intuu ka kaso afkooda, sidoo kale codka qudhaanjadii uga digtay saaxiibadeed jajabinta Nabi Sulaymaan iyo colkiisoon ogayn. Uuna qoslay kuna mahdiyey Alle, warsadayna wanaag isaga iyo waalidiintiis, waana kaas wanaaggu in marka Alle khayr ku siiyo lagu mahadiyo, wanaagna la falo, xumaanta iyo kibirkana layska jiro oo laga fogaado.
وَتَفَقَّدَ ٱلطَّيْرَ فَقَالَ مَا لِىَ لَآ أَرَى ٱلْهُدْهُدَ أَمْ كَانَ مِنَ ٱلْغَآئِبِينَ
Wuxuu fiirfiiriyey shimbirihii (Sulaymaan) wuxuuna yidhi maxaan la arki la’ahay hud-hudkii mise kuwa maqan buu ka mid yahay.