طسٓمٓ
Wuxuu ku tusin mucjisada quraanka.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
طسٓمٓ
Wuxuu ku tusin mucjisada quraanka.
تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْكِتَٰبِ ٱلْمُبِينِ
Taasina waa aayaadka kitaabka (quraanka) ee cad.
نَتْلُوا۟ عَلَيْكَ مِن نَّبَإِ مُوسَىٰ وَفِرْعَوْنَ بِٱلْحَقِّ لِقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ
Waxaannu kugu akhrin korkaaga warkii (Nabi) Muuse iyo Fircoon si xaq ah qoomkii rumayn.
إِنَّ فِرْعَوْنَ عَلَا فِى ٱلْأَرْضِ وَجَعَلَ أَهْلَهَا شِيَعًا يَسْتَضْعِفُ طَآئِفَةً مِّنْهُمْ يُذَبِّحُ أَبْنَآءَهُمْ وَيَسْتَحْىِۦ نِسَآءَهُمْ إِنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلْمُفْسِدِينَ
Fircoon wuu isku kibriyey dhulka (Masar) wuxuuna ka yeelay ehelkiisii kooxo, isagoo yaraysan (dullayn) koox ka mid ah gawricina wiilashooda oo dayn haweenkooda wuxuuna ka mid ahaa kuwa wax fasaadiya.
وَنُرِيدُ أَن نَّمُنَّ عَلَى ٱلَّذِينَ ٱسْتُضْعِفُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ وَنَجْعَلَهُمْ أَئِمَّةً وَنَجْعَلَهُمُ ٱلْوَٰرِثِينَ
Waxaannu dooni inaan ku mannaysanno (wax siinno) kuwii lagu dullaysanayay dhulka kana yeello imaamyo, kana yeello kuwa dhaxli dhulka.
وَنُمَكِّنَ لَهُمْ فِى ٱلْأَرْضِ وَنُرِىَ فِرْعَوْنَ وَهَٰمَٰنَ وَجُنُودَهُمَا مِنْهُم مَّا كَانُوا۟ يَحْذَرُونَ
Oon makansiinno dhulka, tusinnana fircoon iyo haamaan iyo januuddooda waxay ka digtoonaayeen (halaaggooda).
Suuraddan waxay si gooni ah uga warrantay wixii dhex maray Nabi Muuse iyo daalimkii Fircoon ahaa, ee isku kibriyey kalana qaybiyey dadkii, wiilashana laayey gabdhahana shaqo u reebtay, hase yeeshee wuxuu Alle qaddaray in kuwii la dullaysan jiray oo xaqa rumeeyey ay dhulka u hadhaan, madaxna noqdaan, Fircoon iyo gacanyarihiisii u dhaga nuglaa ee haamaan iyo colkiisiina la tusiyo waxay ka cabsanayeen oo ah in xukunka laga qaado. Qudrada Alle iyo awooddiisa iyo wuxuu xukumana wax qiyaasi ama ogaan ma jiro.
وَأَوْحَيْنَآ إِلَىٰٓ أُمِّ مُوسَىٰٓ أَنْ أَرْضِعِيهِ فَإِذَا خِفْتِ عَلَيْهِ فَأَلْقِيهِ فِى ٱلْيَمِّ وَلَا تَخَافِى وَلَا تَحْزَنِىٓ إِنَّا رَآدُّوهُ إِلَيْكِ وَجَاعِلُوهُ مِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ
Waxaan u waxayoonnay ku (ilhaamaynay) Muuse hooyadiis nuuji, markaad u cabsatana ku tuur badda, hana cabsan hana murugoon, annagaa kugu soo celine kana yeeli kuwa la diro (rasuul).
فَٱلْتَقَطَهُۥٓ ءَالُ فِرْعَوْنَ لِيَكُونَ لَهُمْ عَدُوًّا وَحَزَنًا إِنَّ فِرْعَوْنَ وَهَٰمَٰنَ وَجُنُودَهُمَا كَانُوا۟ خَٰطِـِٔينَ
Waxaana qaatay fircoon dadkiisii isagoo u noqon doona col iyo walbahaar, Fircoon iyo Haamaan iyo colkoodiina waxay ahaayeen kuwo danbiilayaal ah.
وَقَالَتِ ٱمْرَأَتُ فِرْعَوْنَ قُرَّتُ عَيْنٍ لِّى وَلَكَ لَا تَقْتُلُوهُ عَسَىٰٓ أَن يَنفَعَنَآ أَوْ نَتَّخِذَهُۥ وَلَدًا وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ
Waxayna tidhi haweenaydii fircoon waa raaxada ishayda iyo taada ee ha dilina, waxay u dhawdahay inuu ina anfaco ama aan ka yeelanno wiile, mana oga iyagu (dhabta).
Waa la dhalay Nabi Muuse, hooyadiina way u cabsatay, waxaana Alle ku ilhaameeyey inay badda ku tuurto isagoo weel ku jira, wuxuuna Ilahay ku tuuray qalbigeeda inayan cabsannin, murginna, maxaa yeelay wuu ku soo celin, kana yeeli rasuul, waxaase helay Fircoon colkiisii isagoo ku noqon doona naxdin iyo col, haweenaydii Fircoon markay aragtay yey ku tidhi fircoon ha dilina waa nuurka iyo raaxada indhaheennee waxayna u dhawdahay inuu ina anfaco ama aan wiil ka dhigannee, mana oga wuxuu xaalku ku dambayn. Waxaa la sheegay in Fircoon yidhi: aduu kuu yahay raaxada indhaha anise iima aha, waxayna noqotay sidii.
وَأَصْبَحَ فُؤَادُ أُمِّ مُوسَىٰ فَٰرِغًا إِن كَادَتْ لَتُبْدِى بِهِۦ لَوْلَآ أَن رَّبَطْنَا عَلَىٰ قَلْبِهَا لِتَكُونَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ
Wuxuu ahaaday qalbigii Muuse hooyadiis mid ka madhan (waxaan Muuse ka ahayn) waxayna u dhawaatay inay muujiso haddaannaan adkaynin qalbigeeda inay ahaato mu’miniinta.
وَقَالَتْ لِأُخْتِهِۦ قُصِّيهِ فَبَصُرَتْ بِهِۦ عَن جُنُبٍ وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ
Waxayna ku tidhi walaashiis raac raac, waxayna ka aragtay dhinac fog iyagoon ogayn.
وَحَرَّمْنَا عَلَيْهِ ٱلْمَرَاضِعَ مِن قَبْلُ فَقَالَتْ هَلْ أَدُلُّكُمْ عَلَىٰٓ أَهْلِ بَيْتٍ يَكْفُلُونَهُۥ لَكُمْ وَهُمْ لَهُۥ نَٰصِحُونَ
Waxaanna ka reebnay korkiisa nuugmada horay, waxayna tidhi gabadhii maydin tusiyaa qoys idiin dhaqaalayn una samo fali.
فَرَدَدْنَٰهُ إِلَىٰٓ أُمِّهِۦ كَىْ تَقَرَّ عَيْنُهَا وَلَا تَحْزَنَ وَلِتَعْلَمَ أَنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ
Waxaanna ku soo celinnay hooyadiis, si ay u raaxaysato isheedu una murgin, ogaatana in yabooha Alle yahay xaq laakiin dadka badankiisu ma oga.
Way walbahaartay Nabi Muuse hooyadiis markii la helay wiilkeedii, waxayna u dhawaatay inay sheegto ee Alle ayaa adkeeyey qalbigeeda, kana yeelay mu’minad, waxayna fartay gabadh walaashiis ah inay dabo socoto kana fiiriso meel durugsan si ay ula socoto xaalka iyagoon ogayn, wuuse diiday nuugmadii haween kale illeen Ilaahbaa horay u qaddaraye, waxayna u sheegtay gabadhii inay hayso qoys dhaqaalayn, saasna Alle ugu soo celiyey Nabi Muuse hooyadiis in isheedu qabowdo, oyna nixin, ogaatana in yabooha Alle xaq yahay, dadka badankiise ogayn.
وَلَمَّا بَلَغَ أَشُدَّهُۥ وَٱسْتَوَىٰٓ ءَاتَيْنَٰهُ حُكْمًا وَعِلْمًا وَكَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ
Markuu gaadhay (Nabi) Muuse xooggiisa oo ekaaday yaan siinnay xigmo iyo cilmi, saasaanna ku abaal marinnaa sama falayaasha.
وَدَخَلَ ٱلْمَدِينَةَ عَلَىٰ حِينِ غَفْلَةٍ مِّنْ أَهْلِهَا فَوَجَدَ فِيهَا رَجُلَيْنِ يَقْتَتِلَانِ هَٰذَا مِن شِيعَتِهِۦ وَهَٰذَا مِنْ عَدُوِّهِۦ فَٱسْتَغَٰثَهُ ٱلَّذِى مِن شِيعَتِهِۦ عَلَى ٱلَّذِى مِنْ عَدُوِّهِۦ فَوَكَزَهُۥ مُوسَىٰ فَقَضَىٰ عَلَيْهِ قَالَ هَٰذَا مِنْ عَمَلِ ٱلشَّيْطَٰنِ إِنَّهُۥ عَدُوٌّ مُّضِلٌّ مُّبِينٌ
Wuxuuna galay magaaladii waqti aan dadkeedu ogayn, wuxuuna helay labo nin oo dagaallami, oo kaasi yahay qoladiisa (ilma Yacquub) kaasna yahay colkiisa, waxaana u kaalmo warsaday kii qaraabadiisa ahaa colkiisa (korkiisa) wuuna feedhay Muuse wuuna dilay, wuxuuna yidhi waa camal shaydaan, isaguna waa col baadiyeeya oo cad.
قَالَ رَبِّ إِنِّى ظَلَمْتُ نَفْسِى فَٱغْفِرْ لِى فَغَفَرَ لَهُۥٓ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ
Wuxuu yidhi Allow anigu waxaan dulmiyey naftayda ee ii dambi dhaaf wuuna u dambi dhaafay illeen Ilaahay waa dambi dhaafe naxariistee.
قَالَ رَبِّ بِمَآ أَنْعَمْتَ عَلَىَّ فَلَنْ أَكُونَ ظَهِيرًا لِّلْمُجْرِمِينَ
Wuxuuna yidhi Allow nicmadaad ii nicmaysay darteed yaanan noqonnin mid u kaalmeeya dambiilayaasha.
Wuu waynaaday Nabi Muuse markaasuu Alle u waxyooday illeen wuxuu ahaa sama falee, markuu galay magaaladii manfiis iyadooy tahay waqti aan la ogayn, yuu arkay labo nin oo midna yahay qoomkiisii midna colkiisii oo dagaallami, markuu ka hiil doonayna wuxuu feedhay kii colka ahaa wuuna dilay, hase yeeshee wuu qoomameeyey oo shallaayey illeen lama farine, wuuna tooba keenay, Alle na waa ka aqbalay illeen waa toobad aqbalee.
فَأَصْبَحَ فِى ٱلْمَدِينَةِ خَآئِفًا يَتَرَقَّبُ فَإِذَا ٱلَّذِى ٱسْتَنصَرَهُۥ بِٱلْأَمْسِ يَسْتَصْرِخُهُۥ قَالَ لَهُۥ مُوسَىٰٓ إِنَّكَ لَغَوِىٌّ مُّبِينٌ
Wuxuu ku waabariistay magaaladii isagoo cabsan oo sugi (dhib), markaasuu ku soo baxay kii gargaarka warsaday shalay oo qaylyi, wuxuuna ku yidhi Muuse: adugu waxaad tahay baadi cad.
فَلَمَّآ أَنْ أَرَادَ أَن يَبْطِشَ بِٱلَّذِى هُوَ عَدُوٌّ لَّهُمَا قَالَ يَٰمُوسَىٰٓ أَتُرِيدُ أَن تَقْتُلَنِى كَمَا قَتَلْتَ نَفْسًۢا بِٱلْأَمْسِ إِن تُرِيدُ إِلَّآ أَن تَكُونَ جَبَّارًا فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا تُرِيدُ أَن تَكُونَ مِنَ ٱلْمُصْلِحِينَ
Markuu doonay inuu qabto (wax yeelo) kii colka u ahaana wuxuu yidhi (kii loo gargaarayey): muusow ma waxaad dooni inaad i disho sidaad u dishay naf (kale) shalay, ma doonaysid inaad waxaan jabbaar (kibir badane) ahayn dhulka ku noqoto, mana doonaysid inaad noqoto kuwa wax wanaajiya.
وَجَآءَ رَجُلٌ مِّنْ أَقْصَا ٱلْمَدِينَةِ يَسْعَىٰ قَالَ يَٰمُوسَىٰٓ إِنَّ ٱلْمَلَأَ يَأْتَمِرُونَ بِكَ لِيَقْتُلُوكَ فَٱخْرُجْ إِنِّى لَكَ مِنَ ٱلنَّٰصِحِينَ
Waxaana ka yimid magaalada xaggeeda fog nin ordi oo leh: muusow, qoomku waxay ku tashanayaan inay ku dilaan ee bax anuguna waan kuu naseexayne.
Aayaduhu waxay inooga warrami in Nabi Muuse markuu dilay ninkay colka ahaayeen uu ahaaday mid cabsan oo wax yeello ka yaabi, wuxuuna haddana mar labaad la kulmay kuu shalay u hiilliyey oo haddana mid kale la diriri. Markuu ku sheegay doqonnimo oo doonay inuu qabto kay colka ahaayeenna, wuxuu faafiyey in Nabi Muuse shalay nin dilay maantana dooni inuu wax dilo, dhulkana xumaan ku faafiyo, qoomkiina waxay ku tashadeen in la dilo Nabi Muuse, waxaase u soo digay nin naasix u ah.