الٓمٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka (sida la soo sheegay).
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
الٓمٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka (sida la soo sheegay).
أَحَسِبَ ٱلنَّاسُ أَن يُتْرَكُوٓا۟ أَن يَقُولُوٓا۟ ءَامَنَّا وَهُمْ لَا يُفْتَنُونَ
Ma wuxuu u maleeyey dadku in loogaga tagi inay dhahaan waan rumeynay oon la imtixaamayn.
وَلَقَدْ فَتَنَّا ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ فَلَيَعْلَمَنَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ صَدَقُوا۟ وَلَيَعْلَمَنَّ ٱلْكَٰذِبِينَ
Dhab ahaan yaan u imtixaannay kuwii ka horreeyay, Alle na wuu ogaan kuwii run sheegay, wuxuuna ogaan kuwa beenlowga ah.
أَمْ حَسِبَ ٱلَّذِينَ يَعْمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن يَسْبِقُونَا سَآءَ مَا يَحْكُمُونَ
Mise waxay u maleeyeen kuwii xumaanta samaynayey inay naga dheereyn (carari), waxaa xun waxay xukumi.
مَن كَانَ يَرْجُوا۟ لِقَآءَ ٱللَّهِ فَإِنَّ أَجَلَ ٱللَّهِ لَـَٔاتٍ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ
Ruuxii rajayn (ka cabsan) la kulanka Alle, ajashii Alle (uu qadaray) way imaan, Alle na waa maqle oge ah.
وَمَن جَٰهَدَ فَإِنَّمَا يُجَٰهِدُ لِنَفْسِهِۦٓ إِنَّ ٱللَّهَ لَغَنِىٌّ عَنِ ٱلْعَٰلَمِينَ
Ruuxii dadaala wuxuu uun u dadaalay naftiisa, Alle na waa ka kaaftoon yahay caalamka.
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَنُكَفِّرَنَّ عَنْهُمْ سَيِّـَٔاتِهِمْ وَلَنَجْزِيَنَّهُمْ أَحْسَنَ ٱلَّذِى كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
Kuwa (xaqa) rumeeyey camal fiicanna falay waxaan asturaynaa xumaantooda, waxaanna ka abaalmarinaynaa kii u fiicnaa ay camalfali jireen.
Adduunku waa guri imtixaan iyo shaqo, mana suurowdo in cidna lagu dhaafo inuu sheegto wanaag iyo xaq rumeyn imtixaan la’aan, taasina waa sunnada Alle oo kuwii horaba wuu imtixaanay, wuuna ogaan ciddii run sheegi iyo tii been sheegiba, cid ka fakanna ma jirto. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee): dadka waxaa ugu daran imtixaan anbiyada, kuwa suubban iyo midba midkuu ka fiican yahay, ruuxana waa la imtixaami inta diintiisu tahay hadday diintiisu adag tahay imtixaamkaa lagu badiyaa. Tirmidi, Ibnumaajah. Waa saxiix. Wuxuu Alle qaddarana wuu imaan ee waa in wanaagga lagu dadaalo, illeen cid walba waxaa laga abaalmarin waxay la timaade xumaan iyo samaanba. Xasan Albasri wuxuu yidhi: ruuxu mujaahid buu noqon karaa isagoon maalinna seef wax ku dhufannin.
وَوَصَّيْنَا ٱلْإِنسَٰنَ بِوَٰلِدَيْهِ حُسْنًا وَإِن جَٰهَدَاكَ لِتُشْرِكَ بِى مَا لَيْسَ لَكَ بِهِۦ عِلْمٌ فَلَا تُطِعْهُمَآ إِلَىَّ مَرْجِعُكُمْ فَأُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Waxaan u dardaarannay dadka labadiisii waalid wanaagfalkooda, hadday kugula dadalaan inaad ila wadaajiso waxaadan cilmi u lahayn (gaalowdo) ha ku adeecin, xaggayga unbaa laydiin soo celin, waxaana idiinka warrami (abaalna marin) waxaad camalfali jirteen.
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَنُدْخِلَنَّهُمْ فِى ٱلصَّٰلِحِينَ
Kuwiise (xaqa) rumeeyey camal fiicanna falay waxaan dhexgalinaynaa kuwa suubban (jannada).
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَقُولُ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ فَإِذَآ أُوذِىَ فِى ٱللَّهِ جَعَلَ فِتْنَةَ ٱلنَّاسِ كَعَذَابِ ٱللَّهِ وَلَئِن جَآءَ نَصْرٌ مِّن رَّبِّكَ لَيَقُولُنَّ إِنَّا كُنَّا مَعَكُمْ أَوَلَيْسَ ٱللَّهُ بِأَعْلَمَ بِمَا فِى صُدُورِ ٱلْعَٰلَمِينَ
Dadka waxaa ka mid ah ruux dhihi waxaan rumeynay Alle, markii lagu dhibo Alle dartiisna ka yeela imtixaamka dadka (dhibkooda) cadaabka Alle oo kale, hadday timaado guul xagga Alle ka ahaatay waxay dhahaan annagu waan idin la jirnay, Alle miyuusan ahayn kan og waxa laabta dadka ku jira.
وَلَيَعْلَمَنَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَلَيَعْلَمَنَّ ٱلْمُنَٰفِقِينَ
Dhab ahaan yuu u ogaan Alle kuwa xaqa rumeeyey, dhab ahaanna wuxuu u ogaan kuwa munaafiqiinta ah.
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱتَّبِعُوا۟ سَبِيلَنَا وَلْنَحْمِلْ خَطَٰيَٰكُمْ وَمَا هُم بِحَٰمِلِينَ مِنْ خَطَٰيَٰهُم مِّن شَىْءٍ إِنَّهُمْ لَكَٰذِبُونَ
Waxay ku dhaheen kuwii gaaloobay kuwii xaqa rumeeyey raaca waddadannada aan xambaarno gafafkiinnee, mana aha kuwo xambaari wax gafafkooda ka mid ah, ee waa beenaalayaal.
وَلَيَحْمِلُنَّ أَثْقَالَهُمْ وَأَثْقَالًا مَّعَ أَثْقَالِهِمْ وَلَيُسْـَٔلُنَّ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ عَمَّا كَانُوا۟ يَفْتَرُونَ
Waxayse dhab ahaan u xambaari culaysyaalkooda iyo culaysyo culaysyadoodii la jira, waxaana dhab ahaan loo warsan maalinta qiyaame waxay been abuuran jireen.
Waalidkaa isagaa sabab u ahaa jiritaankaaga Alle ka sokow, wuuna kugu dhibtooday siduu kuu korin lahaa, abaalkiisuna waa wanaag iyo samo fal hadduusan gaalnimo ku farin oon lagu adeeceyn illeen Alle ayaa loo noqone, ciddii wanaag fashana kuwa wanaagsan yuu jannada la gali. Alle na wax ka qarsoon ma jiro wuuna og yahay kuwa markii la dhibana diinta ka taga, markii guul la helana ku soo dhawaada, wuxuuna og yahay mu’minka dhabta ah iyo munaafaqaba. Cid cid kale dambi ka xambaarina ma jirto ee wuxuu xambaari ruux walba dambigiisii iyo kii dhumintiisa. Waxaa sugnaaday ruuxii hanuun ugu yeedha wuxuu mudan ajriga kuwa uu u yeedhay oo kale ee raacay tan iyo qiyaamada iyadoon iyana waxba laga nusqaaminayn ajrigooda, ruuxii u yeedha baadina, waxaa korkiisa ah dambiga kuwii ku raacay tan iyo qiyaamada iyadoon laga nusqaaminayn iyana dambigoodii waxba.
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِۦ فَلَبِثَ فِيهِمْ أَلْفَ سَنَةٍ إِلَّا خَمْسِينَ عَامًا فَأَخَذَهُمُ ٱلطُّوفَانُ وَهُمْ ظَٰلِمُونَ
Dhab ahaan baan ugu dirray (Nabi) Nuux qoomkiisii, wuxuuna ku dhex nagaaday kun sano oo kontan la’ waxaana qabtay duufaankii (halaaggii biyaha) iyagoo daalimiin ah.
فَأَنجَيْنَٰهُ وَأَصْحَٰبَ ٱلسَّفِينَةِ وَجَعَلْنَٰهَآ ءَايَةً لِّلْعَٰلَمِينَ
Waana korinnay Nuux iyo dadkii doonta, waxaanna ka yeellay aayad (uu ku waantoomo) caalamku.
وَإِبْرَٰهِيمَ إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ وَٱتَّقُوهُ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ
(Nabi) Ibraahimna (waa dirnay) wuxuuna ku yidhi qoomkiisii: caabuda Alle kana dhawrsada saasaa idiin khayr badane haddaad wax ogtihiin.
إِنَّمَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوْثَٰنًا وَتَخْلُقُونَ إِفْكًا إِنَّ ٱلَّذِينَ تَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَمْلِكُونَ لَكُمْ رِزْقًا فَٱبْتَغُوا۟ عِندَ ٱللَّهِ ٱلرِّزْقَ وَٱعْبُدُوهُ وَٱشْكُرُوا۟ لَهُۥٓ إِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
Waxaad uun caabudaysaan Alle ka sokow sanamyo, waxaadna abuuraysaan been, kuwaad caabudaysaan Alle ka sokow idiinma hantaan wax rizqi ah ee ka dalba Alle agtiisa rizqiga, caabudana kuna mahdiya xaggiisaa laydiin celine.
وَإِن تُكَذِّبُوا۟ فَقَدْ كَذَّبَ أُمَمٌ مِّن قَبْلِكُمْ وَمَا عَلَى ٱلرَّسُولِ إِلَّا ٱلْبَلَٰغُ ٱلْمُبِينُ
Haddaad beenisaan (xaqa) waxaa beeniyey ummado idinka horreeyey Rasuulkana ma saarra waxaan gaadhsiin cad ahayn.
Meelo badan yuu Alle ku soo celceliyey qisada Nabiyada iyo dadkii loo diray si loogu waano qaato, halkanna waxay aayaduhu caddayn in Nabi Nuux ku dhex noolaa qoomkiisii muddadaas dheer xaqana ugu yeedhayey beeniyeenna lana halaagay isaga iyo intii doonta kula jirtay mooyee. Sidoo kale Nabi Ibraahim isna Alle ayaa u diray qoomkiisii, wuxuuna ugu yeedhay inay Alle kaliya caabudaan rizqigana ka doonaan kuna mahdiyaan waxa isaga ka soo hadhayna ay iskaga tagaan, ciddii xaqa beenisana waxay la mid noqon kuwii horay xaqa u beeniyey ee la halaagay. Nabigana waxaa uun korkiisa ah caddaynta xaqa iyo ugu yeedhiddiisa.
أَوَلَمْ يَرَوْا۟ كَيْفَ يُبْدِئُ ٱللَّهُ ٱلْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥٓ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٌ
Miyeyna arkayn sida Alle u billaabay (abuuridda) khalqiga una soo celin, arrintaasna Alle waa u fududdahay.
قُلْ سِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَٱنظُرُوا۟ كَيْفَ بَدَأَ ٱلْخَلْقَ ثُمَّ ٱللَّهُ يُنشِئُ ٱلنَّشْأَةَ ٱلْـَٔاخِرَةَ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
Waxaad dhahdaa socda dhulka oo daya sida Alle u billaabay khalqiga, haddana Alle u ahaysiin abuuridda dambe (soo bixinta), Alle na wax walba wuu karaa.