الٓمٓ
(Waxay ku tusin mucjisada quraanka).
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
الٓمٓ
(Waxay ku tusin mucjisada quraanka).
ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلْحَىُّ ٱلْقَيُّومُ
Allaah, ku xaq lugu caabudo ma jiro oo aan isaga ahayn, ee nool, ee maamula khalqiga.
نَزَّلَ عَلَيْكَ ٱلْكِتَٰبَ بِٱلْحَقِّ مُصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهِ وَأَنزَلَ ٱلتَّوْرَىٰةَ وَٱلْإِنجِيلَ
Wuxuu kugu dejiyey (Nabiyow) kitaabka (quraanka) si xaq ah, isagoo u rumeyn wixii ka horreeyey, wuxuuna soo dejiyey Alle tawreed iyo injiil.
مِن قَبْلُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَأَنزَلَ ٱلْفُرْقَانَ إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ ذُو ٱنتِقَامٍ
(Waqti) hore, iyagoo hanuun u ah dadka, wuxuuna soo dejiyey (Alle) furqaan (quraanka), kuwa ka gaaloobay aayaadka Alle waxay mudan cadaab daran, Allana waa adkaade aarsada.
إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَخْفَىٰ عَلَيْهِ شَىْءٌ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَا فِى ٱلسَّمَآءِ
Allana kagama qarsoona korkiisa waxa dhulka iyo samada midna.
هُوَ ٱلَّذِى يُصَوِّرُكُمْ فِى ٱلْأَرْحَامِ كَيْفَ يَشَآءُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
Waana Allaha idinku sawira (abuura) riximyada (ilmo galeenka) siduu doono, ku xaq lugu caabudo ma jiro Allaah mooyee, waana adkaade falsan.
Waxay soo degeen aayadahan mar wafdi ka yimid xagga najraan sannadkii sagaalaad ee hijrada, waxayna sugi kalinnimada Alle, noloshiisa, awooddiisa, xaqnimada quraanka, inuu u rumeyn kutubtii hore wixii xaq ah, iyo inuu hanuun u yahay dadka, xaqa iyo baadilkana uu kala bixin, ciddii xaqa diiddana uu ciqaabi Alle, wax kaga qarsoomaa uusan jirin cir iyo dhul midna. Siduu doonana uu dadka ugu abuuro uurka hooyo, Nawaas binu Samcaan waxaa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Alle (naxariis iyo nabdgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: waxaa la keeni quraanka maalinta qiyaame iyo ehelkiisii ku camal fali jiray, isagooy hor socoto suuratu Baqara iyo Aali Cimraan.
هُوَ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ عَلَيْكَ ٱلْكِتَٰبَ مِنْهُ ءَايَٰتٌ مُّحْكَمَٰتٌ هُنَّ أُمُّ ٱلْكِتَٰبِ وَأُخَرُ مُتَشَٰبِهَٰتٌ فَأَمَّا ٱلَّذِينَ فِى قُلُوبِهِمْ زَيْغٌ فَيَتَّبِعُونَ مَا تَشَٰبَهَ مِنْهُ ٱبْتِغَآءَ ٱلْفِتْنَةِ وَٱبْتِغَآءَ تَأْوِيلِهِۦ وَمَا يَعْلَمُ تَأْوِيلَهُۥٓ إِلَّا ٱللَّهُ وَٱلرَّٰسِخُونَ فِى ٱلْعِلْمِ يَقُولُونَ ءَامَنَّا بِهِۦ كُلٌّ مِّنْ عِندِ رَبِّنَا وَمَا يَذَّكَّرُ إِلَّآ أُو۟لُوا۟ ٱلْأَلْبَٰبِ
Alle waa kan kugu soo dejiyey kitaabka, waxaana ka mid ah aayado sugan (macnahoodu cad yahay) oo ah hooyada quraanka (asalkiisa) iyo kuwa kale oo isu eg, kuwa qalbigoodu leexasho ku jirto waxay raacraacaan kan is shabbaha (isu eg) doonid fidmo (xumaan) iyo doonid ta’wiil (leexin fasir) darteed, ma jiro wax og (dhabta fasirka kaas, iyo waxa uu ku danbayn) Alle mooyee. Kuwa ku xididdaystay cilmiga waxa ay dhihi: waan rumeynay kaas, dhammaanna wuxuu ka ahaaday Alleheen agtiisa, mana waantoobo kuwa caqliga leh mooyee.
رَبَّنَا لَا تُزِغْ قُلُوبَنَا بَعْدَ إِذْ هَدَيْتَنَا وَهَبْ لَنَا مِن لَّدُنكَ رَحْمَةً إِنَّكَ أَنتَ ٱلْوَهَّابُ
Allow ha iilin quluubtannada intaad hanuunisay ka dib, nagana sii agtaada naxariis, adiga unbaa bixin badane ehe.
رَبَّنَآ إِنَّكَ جَامِعُ ٱلنَّاسِ لِيَوْمٍ لَّا رَيْبَ فِيهِ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُخْلِفُ ٱلْمِيعَادَ
Allow adaa u kulmin dadka maalin darteed (qiyaamada) oon shaki lahayn, Allana ma baajiyo ballanka.
Alle ayaa quraanka soo dejiyey, isagoo midna macnihiisu cad yahay, midna is shabboho "caddayn" oo u baahan garashadiisu cilmi dheeraad ah, mana habboona in quraanka loo leexiyo si aan habbooneyn xaqna ahayn, si loo fidmeeyo loona dhumiyo dadka, waase in dhammaan la rumeeyo quraanka, Allana la weydiisto ku sugnaanta xaqa iyo inuusan leexinnin quluubta, illeen isagaa wax bixiyee, dadkana kulmiya qiyaamada, yaboohana baajineyn. Rasuuulka (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: haddaad aragtaan kuwo ku murmi quraanka waa kuwa Alle magacaabay ee ka digtoonaada (Bukhaari iyo Muslim ayaa weriyay). Wax badan wuxuu ku ducaysan jiray Nabigu: Allaha gaddiya quluubtow ku sug qalbigeyga diintaada... Waxaa wariyey imaam Axmed, Tirmidi iyo Ibnu Mardaweyhi.
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَن تُغْنِىَ عَنْهُمْ أَمْوَٰلُهُمْ وَلَآ أَوْلَٰدُهُم مِّنَ ٱللَّهِ شَيْـًٔا وَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمْ وَقُودُ ٱلنَّارِ
Kuwa gaaloobay ugama taraan xoolahoodu iyo caruurtoodu Alle xaggiisa waxba, kuwaasina iyaga umbaa ah shidaalka naarta.
كَدَأْبِ ءَالِ فِرْعَوْنَ وَٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ كَذَّبُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَا فَأَخَذَهُمُ ٱللَّهُ بِذُنُوبِهِمْ وَٱللَّهُ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ
Waa sidii caadadii Fircoon iyo ehelkiisii iyo kuwii ka horreeyey, waxay beeniyeen aayaadkannagii, markaasuu qabtay Alle dambigooda dartiis, Allana waa daran tahay ciqaabtiisu.
قُل لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ سَتُغْلَبُونَ وَتُحْشَرُونَ إِلَىٰ جَهَنَّمَ وَبِئْسَ ٱلْمِهَادُ
Waxaad u dhahdaa kuwii gaaloobay waa laydinka adkaan, waxaana laydiin soo kulmin jahannamo iyadaana u xun gogol.
قَدْ كَانَ لَكُمْ ءَايَةٌ فِى فِئَتَيْنِ ٱلْتَقَتَا فِئَةٌ تُقَٰتِلُ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ وَأُخْرَىٰ كَافِرَةٌ يَرَوْنَهُم مِّثْلَيْهِمْ رَأْىَ ٱلْعَيْنِ وَٱللَّهُ يُؤَيِّدُ بِنَصْرِهِۦ مَن يَشَآءُ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَعِبْرَةً لِّأُو۟لِى ٱلْأَبْصَٰرِ
Waxaa idiinku sugan aayad labo kooxood oo kulmay (dagaallamay); kooxu waxay ku dagaallami jidka Alle, tan kalana waa gaal, waxayna ku arkaan mu’miniinta laba jibbaarkood xagga argtida isha, Allana waa ku ayidaa (xoojiyaa) gargaarkiisa cidduu doono, arrintaasna waanaa ugu sugan ciddii arag leh (wax garan).
Xoolo iyo carruur iyo wax kale toona wax ugama taraan Alle agtiisa ciddii ku madax adayga, gaaladana waxay la mid tahay tii Fircoon iyo qoomkiisii iyo kuwii ka horreeyey ee Alle si daran u qabtay, ciddii xoog isbidda iyadoo gaal ah waxaa uun u dambeyn jab iyo halaag iyo galidda jahannamo, ciddii waana qaadanna ha fiiriso dagaalkii badar iyo in Alle u gargaaray mu’miniintii xaqa ku dagaallamaysay. Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) habeen ayuu istaagay maka, wuxuuna yidhi: "Allow ma gaadhsiiyey" saddex jeer markaasuu Cumar yidhi: haa waadna dadaashay ood isdhibtay ood naseexaysay, ee samir, markaasuu yidhi Nabigu: waxaa sarrayn iimaanka ilaa gaalnimadu ku noqoto waddankeedii, waxayna la dhunban rag badda islaamka.
زُيِّنَ لِلنَّاسِ حُبُّ ٱلشَّهَوَٰتِ مِنَ ٱلنِّسَآءِ وَٱلْبَنِينَ وَٱلْقَنَٰطِيرِ ٱلْمُقَنطَرَةِ مِنَ ٱلذَّهَبِ وَٱلْفِضَّةِ وَٱلْخَيْلِ ٱلْمُسَوَّمَةِ وَٱلْأَنْعَٰمِ وَٱلْحَرْثِ ذَٰلِكَ مَتَٰعُ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَٱللَّهُ عِندَهُۥ حُسْنُ ٱلْمَـَٔابِ
Waxaa loo qurxiyey dadka jacaylka waxa naftu doonto oo ah haween, wiilal iyo wax badan oo laban laaban oo dahab iyo qalin ah, iyo fardo laylyan oo darban, iyo ancaamta (xoolaha nool) iyo beeraha, arrintaasna waa raaxada nolosha adduun, Alle agtiisaana noqosho wanaagsan leh.
قُلْ أَؤُنَبِّئُكُم بِخَيْرٍ مِّن ذَٰلِكُمْ لِلَّذِينَ ٱتَّقَوْا۟ عِندَ رَبِّهِمْ جَنَّٰتٌ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا وَأَزْوَٰجٌ مُّطَهَّرَةٌ وَرِضْوَٰنٌ مِّنَ ٱللَّهِ وَٱللَّهُ بَصِيرٌۢ بِٱلْعِبَادِ
Maydiin ka warramaa wax ka khayr roon kiinnaas, kuwa dhawrsada waxaa ugu sugnaaday Rabbigood agtiisa jannooyin ay dareeri dhexdeeda wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda iyo haween la daahiriyey iyo raalli ahaansho Alle, Alle na waa arkaa addoomada.
ٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَآ إِنَّنَآ ءَامَنَّا فَٱغْفِرْ لَنَا ذُنُوبَنَا وَقِنَا عَذَابَ ٱلنَّارِ
Ee ah kuwa dhihi Rabbiyow annagu waan rumeynay ee noo dhaaf dambiyadannada, nagana dhawr cadaabka naarta.
ٱلصَّٰبِرِينَ وَٱلصَّٰدِقِينَ وَٱلْقَٰنِتِينَ وَٱلْمُنفِقِينَ وَٱلْمُسْتَغْفِرِينَ بِٱلْأَسْحَارِ
Ee ah kuwa samra ee runloowga ah, ee adeeca Alle, ee wax bixiya, ee dambi dhaaf warsada aroortii.
Dabeecadda dadka waxaa ka mid ah inuu jeclaado nolosha adduunka iyo waxa laysku qurxiyo oo xoolo, ehel, iyo lacagba ah, Alle agtiisaase wanaag, jannooyin, ehel nadiif ah iyo rilaha Alle jiraan, waxaana mudan arrimahaas kuwa Alle dambi dhaafka warsada ee ka magan gala naarta, ee ku sifooba samir, runsheeg, daacad, wax bixin iyo toobad keen. Ibraahim binu Xaadhib wuxuu ka wariyey aabbihiis inuu yidhi: waxaan maqlay ruux aroortii ku leh dhinaca masjidka: Allow waad i amartay waana ku adeecay, waqtiguna waa aroor ee ii dhaaf (dambiga) markaasaan dayay illeen waa Ibnu Mascuud, Alle ha ka raalli noqdee.
شَهِدَ ٱللَّهُ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ وَٱلْمَلَٰٓئِكَةُ وَأُو۟لُوا۟ ٱلْعِلْمِ قَآئِمًۢا بِٱلْقِسْطِ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
Alle wuxuu qirayaa inaan ku xaq lugu caabudaa jirin isaga mooyee, malaa’igtuna (way qiri) iyo kuwa cilmiga leh, maamulana caddaalad, ku xaq lugu caabudaa ma jiro isaga mooyee, waana adkaade falsan.
إِنَّ ٱلدِّينَ عِندَ ٱللَّهِ ٱلْإِسْلَٰمُ وَمَا ٱخْتَلَفَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَٰبَ إِلَّا مِنۢ بَعْدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلْعِلْمُ بَغْيًۢا بَيْنَهُمْ وَمَن يَكْفُرْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلْحِسَابِ
Diintuna (xaqa ah) Alle agtiisa waa islaamka, ismana khilaafin kuwii la siiyey kitaabka intuu u yimid cilmi mooyee, xasad (dulmi) dhexdooda ah dartiis, ruuxii ka gaalooba aayaadka Alle, ilaahay waa deg deg badan tahay xisaabiddiisu (wuu ciqaabi).
فَإِنْ حَآجُّوكَ فَقُلْ أَسْلَمْتُ وَجْهِىَ لِلَّهِ وَمَنِ ٱتَّبَعَنِ وَقُل لِّلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَٰبَ وَٱلْأُمِّيِّـۧنَ ءَأَسْلَمْتُمْ فَإِنْ أَسْلَمُوا۟ فَقَدِ ٱهْتَدَوا۟ وَّإِن تَوَلَّوْا۟ فَإِنَّمَا عَلَيْكَ ٱلْبَلَٰغُ وَٱللَّهُ بَصِيرٌۢ بِٱلْعِبَادِ
Hadday kula xujaytamaan (murmaan) waxaad dhahdaa waxaan u hoggaamiyey wajigayga Alle (ani) iyo inta i raacday, waxaad ku dhahdaa kuwa la siiyey kitaabka (ehelu kitaabka) iyo ummiyiinta (wax aqoon): ma hoggaansamaysaan (hoggaansama)? Hadday hoggaansamaanna way hanuuneen, hadday jeedsadaanna waxaa uun ku saaran gaadhsiin, Allana waa arkaa addoommada.
Kalinnimada Alle iyo xaqnimadiisa waxaa qiray Alle, malaa’igta, kuwa cilmiga leh, diinta dhabta ah ee xaqa ahna waa diinta islaamka, waxa ka soo hadhay waa wax kama jiraan, gaaladuna waxay xaqa u diideen kibir iyo xasad, Allaana ku ciqaabi, muran iyo doodna looma baahna ee waa in Alle loo hoggaansamo, dadkoo dhanna waa inay islaamaan, ciddii diidana xil kama saarra Nabiga, wuxuuna yidhi Nabigu (ammaan iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee): Nabiyada waxaa loo bixiyey qoomkooda anigase waxaa la ii bixiyey dadka dhammaantiis. Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Waxayna ku tusin aayaddu in Alle Rasuulka u diray dadkoo dhan, oo ciddaan rumeynin dhuntay, tahayna ehelka naarta.