الٓمٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka (sidii soo hormartay).
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
الٓمٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka (sidii soo hormartay).
غُلِبَتِ ٱلرُّومُ
Waxaa lagaga adkaaday Ruum.
فِىٓ أَدْنَى ٱلْأَرْضِ وَهُم مِّنۢ بَعْدِ غَلَبِهِمْ سَيَغْلِبُونَ
Dhulkii dhawaa, intii laga adkaaday ka dibna way adkaan.
فِى بِضْعِ سِنِينَ لِلَّهِ ٱلْأَمْرُ مِن قَبْلُ وَمِنۢ بَعْدُ وَيَوْمَئِذٍ يَفْرَحُ ٱلْمُؤْمِنُونَ
Dhawr sano dhexdeed, amarkana Alle ayaa iska leh horey iyo dibba, maalintaasayna ku farxi mu’miniintu.
بِنَصْرِ ٱللَّهِ يَنصُرُ مَن يَشَآءُ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Gargaarka Alle, wuxuuna u gargaari cidduu doono, waana adkaade naxariista ah.
وَعْدَ ٱللَّهِ لَا يُخْلِفُ ٱللَّهُ وَعْدَهُۥ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ
Waa yabooha Alle, mana baajiyo Alle yaboohiisa, laakiin dadka badankiisu ma oga.
يَعْلَمُونَ ظَٰهِرًا مِّنَ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَهُمْ عَنِ ٱلْـَٔاخِرَةِ هُمْ غَٰفِلُونَ
Waxay yaqaannaan dadku muuqaalka nolosha adduunyo aakhirose way halmaansan yihiin (ka jaahil yihiin).
أَوَلَمْ يَتَفَكَّرُوا۟ فِىٓ أَنفُسِهِم مَّا خَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَآ إِلَّا بِٱلْحَقِّ وَأَجَلٍ مُّسَمًّى وَإِنَّ كَثِيرًا مِّنَ ٱلنَّاسِ بِلِقَآئِ رَبِّهِمْ لَكَٰفِرُونَ
Miyeyna ka fikirin naftooda inuusan Alle samaawaadka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya u abuurin waxaan xaq iyo muddo magacaaban ahayn, wax badan oo dadka ka mid ahna waxay ka gaaloobi la kulanka Rabbigood.
Suuraddan waxay soo dagtay markay is laayeen reer Ruum oo ehelu kitaab ahaa iyo reer Furus oo majuusi (dabcaabuda) ahaa, markaasna laga adkaaday reer Ruum, kadibna gaaladii farxeen oo dheheen waxaannu ka adkaan muslimiinta, laakiin sida Alle sheegay Ruumbaa adkaatay muddo yar ka dib, si mu’miniintu ugu faraxdo gargaarka Alle iyo cidduu wax u yabooho uusan ka baajineynin, gaalase waxay awooddoodii isugu geeyeen nolosha adduun aakhirana way ka jeed sadeen, mana fikirin inaan Alle ciyaar u abuurin khalqigiisa. Calaa binu Subayr wuxuu ka wariyey aabihiis inuu yidhi: waxaan arkay Faarisoo Ruum ka adkaatay iyo Ruumoo Faaris ka adkaatay, ka dibna waxaan arkay muslimiintoo ka adkaatay Faaris iyo Ruumba. Dhammaanna waxay ahaayeen dhawr iyo toban sano dhexdeed. Ibnu Kathiir.
أَوَلَمْ يَسِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَيَنظُرُوا۟ كَيْفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ كَانُوٓا۟ أَشَدَّ مِنْهُمْ قُوَّةً وَأَثَارُوا۟ ٱلْأَرْضَ وَعَمَرُوهَآ أَكْثَرَ مِمَّا عَمَرُوهَا وَجَآءَتْهُمْ رُسُلُهُم بِٱلْبَيِّنَٰتِ فَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيَظْلِمَهُمْ وَلَٰكِن كَانُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ
Miyeyna ku soconnin dhulka oy eegaan siday ahaatay cidhibtii kuwii ka horreeyey (gaaladii Makaad) waxay ahaayeen kuwo ka daran iyaga kana xoog badan, dhulkana way beerteen wayna dhiseen dhulka intay dhiseen wax ka badan. Waxayna ula timid rasuulladoodii xujooyin, Alle na ma aha mid wax dulmiya, laakiin iyagaa naftooda dulmiyey.
ثُمَّ كَانَ عَٰقِبَةَ ٱلَّذِينَ أَسَٰٓـُٔوا۟ ٱلسُّوٓأَىٰٓ أَن كَذَّبُوا۟ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَكَانُوا۟ بِهَا يَسْتَهْزِءُونَ
Markaasay noqotay cidhibtii kuwii xumaanta falay, xumaan iyo (jahannamo) beenintay aayadaha Alle beeniyeen darteed, oo ayna ahaayeen kuwo aayadaha ku jees jeesa.
ٱللَّهُ يَبْدَؤُا۟ ٱلْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ ثُمَّ إِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
Alle ayaa billaabay (abuurka) khalqiga isagaana soo celin, xaggiisaana laydiin celin.
وَيَوْمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يُبْلِسُ ٱلْمُجْرِمُونَ
Maalintay kici saacaddu (qiyaamadu) way aamusi dambiilayaashu (ooy quusan).
وَلَمْ يَكُن لَّهُم مِّن شُرَكَآئِهِمْ شُفَعَٰٓؤُا۟ وَكَانُوا۟ بِشُرَكَآئِهِمْ كَٰفِرِينَ
Ugumana sugnaannin kuway Alle la wadajiyeen (cibaadada) shafeeco waxayna noqdeen kuwo diida shurakadoodii.
وَيَوْمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يَوْمَئِذٍ يَتَفَرَّقُونَ
Maalintay kici saacaddu waa maalin ay kala tagi dadku.
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَهُمْ فِى رَوْضَةٍ يُحْبَرُونَ
Kuwa rumeeyey (xaqa) oo camal fiican falay beer janno yaa lagu faraxgaliyaa.
وَأَمَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَكَذَّبُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَا وَلِقَآئِ ٱلْـَٔاخِرَةِ فَأُو۟لَٰٓئِكَ فِى ٱلْعَذَابِ مُحْضَرُونَ
Kuwa gaaloobayse oo beeniyey aayaadkannaga iyo la kulanka aakhiro kuwaas waxaa lagu kulmin cadaabka.
Aayadahan wuxuu Alle ku hanuunin in dadku dhulka ku socdaan si ay u arkaan qudrada Alle iyo awooddiisa iyo inay arkaan raadkii ummadihii hore ee la abaalmariyey markay xaqii beeniyeen iyo in ciddii xumaan fasha cidhibteedu noqon in xumaan lagu abaalmariyo. Tan kale waxay dadku noqon maalintaas qiyaame laba kooxood, xaq raacayaal janno gali, iyo xaq diidayaal naar u dheelman. Qataadana wuxuu yidhi: wallee waa kala tag aan kulan ka dambayn.
فَسُبْحَٰنَ ٱللَّهِ حِينَ تُمْسُونَ وَحِينَ تُصْبِحُونَ
Alle ayaa nasahan (ceeb ka fog) markaad galabaysanaysaan iyo markaad waabariisanaysaan.
وَلَهُ ٱلْحَمْدُ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَعَشِيًّا وَحِينَ تُظْهِرُونَ
Mahadna isagaa ku leh samooyinka iyo dhulka dhexdooda iyo habeenkii iyo duhurkiiba.
يُخْرِجُ ٱلْحَىَّ مِنَ ٱلْمَيِّتِ وَيُخْرِجُ ٱلْمَيِّتَ مِنَ ٱلْحَىِّ وَيُحْىِ ٱلْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا وَكَذَٰلِكَ تُخْرَجُونَ
Kana soo bixiya wax nool wax dhintay wax dhintayna wax nool, nooleeyana dhulka intuu dhintay ka dib, saasaana laydiin soo bixin.
وَمِنْ ءَايَٰتِهِۦٓ أَنْ خَلَقَكُم مِّن تُرَابٍ ثُمَّ إِذَآ أَنتُم بَشَرٌ تَنتَشِرُونَ
Waxaana ka mid ah calaamooyinkiisa inuu idinka abuuray carro markaasaad noqoteen dad dhaqdhaqaaqi (faafi).