الٓمٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka (sida soo hormartay).
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
الٓمٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka (sida soo hormartay).
تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْكِتَٰبِ ٱلْحَكِيمِ
Tan waa aayaadka kitaabka (quraanka) ee xigmadda leh.
هُدًى وَرَحْمَةً لِّلْمُحْسِنِينَ
Waana hanuunka iyo naxariista samafalayaasha.
ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤْتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلْـَٔاخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ
Kuwa salaadda ooga, zakadana bixiya, iyagoo aakhiro yaqiinsan.
أُو۟لَٰٓئِكَ عَلَىٰ هُدًى مِّن رَّبِّهِمْ وَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ
Kuwaasi waxay ku sugan yihiin hanuun Alle, kuwaasina waa kuwa liibaanay.
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَشْتَرِى لَهْوَ ٱلْحَدِيثِ لِيُضِلَّ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَيَتَّخِذَهَا هُزُوًا أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ مُّهِينٌ
Dadka waxaa ka mid ah kuwo gadan hadal wax shuqliya si uu uga dhumiyo (dadka) jidka Alle iyagoon wax ogayn, jidka Alle na ku jees jeesa, kuwaasi waxay mudan cadaab dulleeya.
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ءَايَٰتُنَا وَلَّىٰ مُسْتَكْبِرًا كَأَن لَّمْ يَسْمَعْهَا كَأَنَّ فِىٓ أُذُنَيْهِ وَقْرًا فَبَشِّرْهُ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ
Marka lagu akhriyo aayaadkannaga wuu jeedsadaa isagoo iskibrin, sidii isagoon maqal, oo dhagihiisu culus yihiin, ugu bishaaree cadaab daran.
Macnaha aayadahan oo kale waxaa ka hadasha suuratul baqara oo ah in quraanku hanuun iyo naxariis u yahay sama falayaasha, wanaagga falay oo shareecada raacay, salaaddana oogay, zakadana bixiyey, aakhirana yiqiinsaday, kuwaasna waxaa u dambeeyn liibaan, kuwaas ka leexday jidka toosan, hadallada wax shuqliyana soo gata, kuna mashquula. Xaqana ku jees jeesa, marka quraanka lagu akhriyana jeedsada oo is kibriya sidii isaga oon maqal oo dhaga la’ waxay mudan kuwaasu cadaab wax dulleeya oo daran. Cabdullaahi ibnu Mascuud wuxuu yidhi: Allaha isaga mooyee aan ilaah kale xaq lugu caabudin baan ku dhaaran hadalka wax shuqliya waa heesta. Xasan Basrina saasoo kaluu yidhi waa heesta iyo durbaanka.
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمْ جَنَّٰتُ ٱلنَّعِيمِ
Kuwa rumeeyey (xaqa) camal wanaagsanna falay waxay mudan janatu naciima.
خَٰلِدِينَ فِيهَا وَعْدَ ٱللَّهِ حَقًّا وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
Iyagoo ku waari dhexdeeda waana yabooh Alle oo xaq ah, Alle na waa adkaade falsan.
خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ بِغَيْرِ عَمَدٍ تَرَوْنَهَا وَأَلْقَىٰ فِى ٱلْأَرْضِ رَوَٰسِىَ أَن تَمِيدَ بِكُمْ وَبَثَّ فِيهَا مِن كُلِّ دَآبَّةٍ وَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَنۢبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍ كَرِيمٍ
Isagaa abuuray samooyinka tiir aad aragtaan la'aantiis, dhulkana wuxuu ku tuuray buuro (suga) inayan dhaqdhaqaaqin, wuxuuna ku fidiyey dhexdiisa daabbad kasta, samadana waxaan ka soo dejinnay biyo, waxaanna ku soo bixinney nooc kasta oo quruxsan.
هَٰذَا خَلْقُ ٱللَّهِ فَأَرُونِى مَاذَا خَلَقَ ٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦ بَلِ ٱلظَّٰلِمُونَ فِى ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ
Kaasi waa abuurkii Alle, ee i tusiya waxay abuureen kuwa ka soo hadhay Alle, saas ma aha, ee dulmi falayaashu waxay ku sugan yihiin baadi cad.
Kuwa liibaanay aakhiro waxaa ka mid ah kuwa Alle iyo rasuulladiisa rumeeyey, camallada waanaagsan ee shareecada waafaqsanna la yimaada, markaasuu Alle ku baraarujiyey qudradiisa siduu cirka u kor yeelay tiir aan aragno la'aantiis, dhulkana uu buuro ugu sugay, wax kasta oo noolna ugu beeray oo dhulka ku socda, cirkana biyo wax walba ku bixiyo ka soo dajiyey, waana kaas abuurka Alle ee maxay abuureen wax yaalaha kale ee la caabudo Alle ka sokow, ma jiro waxay abuureen ee ka caabudi yaa baadil cad ku sugan.
وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا لُقْمَٰنَ ٱلْحِكْمَةَ أَنِ ٱشْكُرْ لِلَّهِ وَمَن يَشْكُرْ فَإِنَّمَا يَشْكُرُ لِنَفْسِهِۦ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَنِىٌّ حَمِيدٌ
Dhab ahaan ayaan luqmaan u siinnay xigmad iyo inuu Alle ku mahdiyo, ruuxii mahdiya wuxuu uun u mahdiyay naftiisa, ruuxii gaaloobana Alle waa ka kaaftoon yahay waana ammaanan yahay.
وَإِذْ قَالَ لُقْمَٰنُ لِٱبْنِهِۦ وَهُوَ يَعِظُهُۥ يَٰبُنَىَّ لَا تُشْرِكْ بِٱللَّهِ إِنَّ ٱلشِّرْكَ لَظُلْمٌ عَظِيمٌ
(Xusuuso) markuu ku yidhi luqmaan wiilkiisa isagoo waanin wiilkayow Alle waxba hala wadaajinnin, shirkigu waa dulmi weyne.
وَوَصَّيْنَا ٱلْإِنسَٰنَ بِوَٰلِدَيْهِ حَمَلَتْهُ أُمُّهُۥ وَهْنًا عَلَىٰ وَهْنٍ وَفِصَٰلُهُۥ فِى عَامَيْنِ أَنِ ٱشْكُرْ لِى وَلِوَٰلِدَيْكَ إِلَىَّ ٱلْمَصِيرُ
Waxaan u dardaarannay dadka labadiisii waalid, way sidday hooyadiis iyadoo tabar yar tabar yari kalana ku sugan, gudhidiisuna waa labo sano ee ku mahadi ani iyo labadaadii waalid, xaggaygaana loo ahaan.
وَإِن جَٰهَدَاكَ عَلَىٰٓ أَن تُشْرِكَ بِى مَا لَيْسَ لَكَ بِهِۦ عِلْمٌ فَلَا تُطِعْهُمَا وَصَاحِبْهُمَا فِى ٱلدُّنْيَا مَعْرُوفًا وَٱتَّبِعْ سَبِيلَ مَنْ أَنَابَ إِلَىَّ ثُمَّ إِلَىَّ مَرْجِعُكُمْ فَأُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Hadday kugula dadaalaan (labada waalid) inaad ii shariig yeesho (ila wadaajiso) waxaadan aqoon u lahayn ha ku adeecin kulana noolow adduunka si fiican, raacna jidka kuwa ii noqda, xaggayga yaa laydiin soo celin waxaana idiinka warrami waxaad camalfali jirteen.
Luqmaan wuxuu ahaa nin suubban oo ummadihii hore ka mid ah, Alle na siiyey cilmi naafic ah iyo caqli toosan, Alle na ku mahdin jiray, wiilkiisana wuxuu u dardaarmay dardaaran kii u fiicnaa oo ah inuu Alle kaliya caabudo, labada waalidna wanaag u falo, gaar ahaan hooyada u soo martay dhib daran uur iyo nuujinba, waxaa kaloos u dardaarmay in gaalimadu tahay dulmiga ugu wayn. Mahadda Alle iyo kan labada waalid, xumaantoon lagu adeecin iyo gaalimada, in wanaag lagula noolaado, Alle jidkiisana lagu toosnaado, loona toobadkeeno, dhammaan waa waxyaalaha lays faray. Macaad binu Jabal yaa istaagay isagoo khudbad akhrin wuxuuna ku mahdiyey Alle oo ammaanay markaasuu ku yidhi: anigu waxaan ahay rasuulkii Rasuulka Alle miduu ugu soo diray xaggiinna inaad Alle caabuddaan, waxna la wadaajinnin, inaad i adeecdaan idinka hagran mahayo khayre, xagga Alle ayaa loo ahaane janno ama naare, waa nagaadi aan geedi lahayn, iyo waarid aan geeri lahayn. Waxaa wariyey Ibnu abii Xaatim, Ibnu Xajarna wuxuu yiri: sanadkiisu waa sax, markuu u tiiriyay musnadka Isxaaq binu Raahaweyhi.
يَٰبُنَىَّ إِنَّهَآ إِن تَكُ مِثْقَالَ حَبَّةٍ مِّنْ خَرْدَلٍ فَتَكُن فِى صَخْرَةٍ أَوْ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ أَوْ فِى ٱلْأَرْضِ يَأْتِ بِهَا ٱللَّهُ إِنَّ ٱللَّهَ لَطِيفٌ خَبِيرٌ
Wiilkayow hadday xumaantu tahay xabbad khardal ah oo kale (wax yar) oo sallax dhexdii ku sugnaato ama samooyinka dhexdooda ama dhulka dhexdiisa wuu keeni Alle, Alle na waa oge xeeldheer.
يَٰبُنَىَّ أَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ وَأْمُرْ بِٱلْمَعْرُوفِ وَٱنْهَ عَنِ ٱلْمُنكَرِ وَٱصْبِرْ عَلَىٰ مَآ أَصَابَكَ إِنَّ ذَٰلِكَ مِنْ عَزْمِ ٱلْأُمُورِ
Wiilkayow oog salaadda, oo far wanaagga oo reeb waxa la naco kuna samir waxa ku gaadha, arrintaasu waxay ka mid tahay umuuraha Alle adkeeyay.
وَلَا تُصَعِّرْ خَدَّكَ لِلنَّاسِ وَلَا تَمْشِ فِى ٱلْأَرْضِ مَرَحًا إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ كُلَّ مُخْتَالٍ فَخُورٍ
Hana ka jeedin wajiga dadka hana ugu socon dhulka kibir, Alle na ma jecla mid kasta oo isla weyn oo faan badane.
وَٱقْصِدْ فِى مَشْيِكَ وَٱغْضُضْ مِن صَوْتِكَ إِنَّ أَنكَرَ ٱلْأَصْوَٰتِ لَصَوْتُ ٱلْحَمِيرِ
Socodkaagana ku dhexdhexayso, hoosna u dhig codkaaga, cod waxaa ugu xun codka dameerahee.
أَلَمْ تَرَوْا۟ أَنَّ ٱللَّهَ سَخَّرَ لَكُم مَّا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَأَسْبَغَ عَلَيْكُمْ نِعَمَهُۥ ظَٰهِرَةً وَبَاطِنَةً وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يُجَٰدِلُ فِى ٱللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَلَا هُدًى وَلَا كِتَٰبٍ مُّنِيرٍ
Miyeydaan arkayn in Alle idiin sakhiray waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan oo idin huwiyey nicmadiisa mid muuqata iyo mid qarsoonba, dadkana waxaa ka mid ah kuwo Alle ku murmi cilmi iyo hanuun iyo kitaab nuuriya la'aantiis.