الٓمٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
الٓمٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka.
تَنزِيلُ ٱلْكِتَٰبِ لَا رَيْبَ فِيهِ مِن رَّبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ
Soo dajinta quraanka shaki kuma jiro, wuxuuna ka soo dagay Rabbiga caalamka xaggiisa.
أَمْ يَقُولُونَ ٱفْتَرَىٰهُ بَلْ هُوَ ٱلْحَقُّ مِن رَّبِّكَ لِتُنذِرَ قَوْمًا مَّآ أَتَىٰهُم مِّن نَّذِيرٍ مِّن قَبْلِكَ لَعَلَّهُمْ يَهْتَدُونَ
Mise waxay dhihi waxaa been abuurtay (Nabiga), saas ma aha ee waa xaq quraanku Allehaa xaggiisa ka yimid si aad ugu digtid qoom uusan u imaannin dige kaa horreeyay, si ay u hanuunaan.
ٱللَّهُ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا فِى سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ ٱسْتَوَىٰ عَلَى ٱلْعَرْشِ مَا لَكُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَلِىٍّ وَلَا شَفِيعٍ أَفَلَا تَتَذَكَّرُونَ
Alle waa kan ku abuuray samooyinka, iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya lix maalmood dhexdeed, markaasna ka sara maray carshiga idiinmana sugnaannin Alle ka sokow wali (gargaare) iyo shafeece midna, ee miyeydaan wax xusuusanayn.
يُدَبِّرُ ٱلْأَمْرَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ إِلَى ٱلْأَرْضِ ثُمَّ يَعْرُجُ إِلَيْهِ فِى يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُۥٓ أَلْفَ سَنَةٍ مِّمَّا تَعُدُّونَ
Amarka Alle ayaa maamula, kana soo dejiya samada una soo dejiya xagga dhulka, markaasaa amarkaasi xagga Alle u koraa maalin qaddarkeedu yahay kun sano oo waxaad tirinaysaana.
ذَٰلِكَ عَٰلِمُ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Kaasina waa Allaha og waxa maqan iyo waxa joogaba, ee adkaada ee naxariista.
Alle wuxuu halkan ku sheegay inuu quraanku ka soo dagay xagga Alle, wax shaki ahna ku jirin, wax Nabiga Muxamed ah jeebkiisa kala yimidna ahayn, si loogu digo dad jaahiliin ah oon hadda ka hor wax u diga helin, waxaa kalooy aayaduhu caddayn inuu Ilaahay ku abuuray samooyinka, dhulka, iyo waxa u dhaxeeye lix maalmood, wax Alle ka soo hadhay oo wax anfici karaana uusan jirin idam Alle la’aantiis, wax walbana isagaa maamula, wax walbana waa ogyahay.
ٱلَّذِىٓ أَحْسَنَ كُلَّ شَىْءٍ خَلَقَهُۥ وَبَدَأَ خَلْقَ ٱلْإِنسَٰنِ مِن طِينٍ
Alle ayaa wanaajiyey abuuridda wax kasta, wuxuuna ka billaabay abuuridda dadka dhoobo, (Nabigii Aadam ahaa).
ثُمَّ جَعَلَ نَسْلَهُۥ مِن سُلَٰلَةٍ مِّن مَّآءٍ مَّهِينٍ
Markaas ka yeelay faraciisii mid ka soo taxma biyo tabar yar.
ثُمَّ سَوَّىٰهُ وَنَفَخَ فِيهِ مِن رُّوحِهِۦ وَجَعَلَ لَكُمُ ٱلسَّمْعَ وَٱلْأَبْصَٰرَ وَٱلْأَفْـِٔدَةَ قَلِيلًا مَّا تَشْكُرُونَ
Markaas ekeeyey oo ruuxdiisa ku afuufay idiinna yeelay maqal, aragyaal iyo quluubba, waxyar baadse Alle ku mahdisaan.
وَقَالُوٓا۟ أَءِذَا ضَلَلْنَا فِى ٱلْأَرْضِ أَءِنَّا لَفِى خَلْقٍ جَدِيدٍۭ بَلْ هُم بِلِقَآءِ رَبِّهِمْ كَٰفِرُونَ
Waxay dhaheen gaaladii ma markaan ku dhexlunno dhulka (oon carro isu beddelno) yaa abuurid cusub nala abuuri, saas ma aha ee iyagu la kulanka Rabbigood bay ka gaaloobeen.
قُلْ يَتَوَفَّىٰكُم مَّلَكُ ٱلْمَوْتِ ٱلَّذِى وُكِّلَ بِكُمْ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُمْ تُرْجَعُونَ
Waxaad dhahdaa waxaa idin oofsan (dili) malagga mowdka laydiin wakiishay, markaasaa xagga Allihiin laydiin celin.
وَلَوْ تَرَىٰٓ إِذِ ٱلْمُجْرِمُونَ نَاكِسُوا۟ رُءُوسِهِمْ عِندَ رَبِّهِمْ رَبَّنَآ أَبْصَرْنَا وَسَمِعْنَا فَٱرْجِعْنَا نَعْمَلْ صَٰلِحًا إِنَّا مُوقِنُونَ
Haddaad arki lahayd marka dambiilayaashu madaxa hoos u dhigi (qiyaamada) Rabbigood agtiisa (iyagoo dhihi) Rabbigeenow waan aragnay waana maqalnay ee na celi si aan camal fiican u fallo, waan yaqiininnaye (waxaad arki lahayd wax yaab leh).
وَلَوْ شِئْنَا لَـَٔاتَيْنَا كُلَّ نَفْسٍ هُدَىٰهَا وَلَٰكِنْ حَقَّ ٱلْقَوْلُ مِنِّى لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنَ ٱلْجِنَّةِ وَٱلنَّاسِ أَجْمَعِينَ
Haddaan doonno waxaan siin lahayn (ku toosin lahayn) naf kasta hanuunkeeda hase yeeshee waxaa hormaray hadalkaygii in laga buuxin jahannamo jinni iyo insi dhammaan.
فَذُوقُوا۟ بِمَا نَسِيتُمْ لِقَآءَ يَوْمِكُمْ هَٰذَآ إِنَّا نَسِينَٰكُمْ وَذُوقُوا۟ عَذَابَ ٱلْخُلْدِ بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Ee dhadhamiya (cadaabka) halmaanshihiinnii la kulanka maalintiinnan (qiyaame) sababtii, annaguna waan idinka tagaynaa (maanta) ee dhadhamiya cadaabka waaridda camalkiinnii dartiis.
Wax walba Alle ayaa abuuray, wanaajiyeyna abuurkiisa, Nabi Aadamna dhoobo ka abuuray faraciisana biyo ka ahaysiiyay, ruux, maqal, arag iyo caqlina u yeelay, laakiin dadku waxyar bay Alle ku mahdiyaan. Gaaladuna waxayba diidi soo bixinta iyo la kulanka Rabbigood, waxaase dhab ah inay dhiman Alle na ay u noqon maalinta qiyaame, iyagoo dullaysan oo madaxa raaricin, oo xumaan oo idil qirsan, Alle na ay warsan in adduunkii dib loogu celiyo si ay camal fiican u falaan, hasa yeeshee calaacal wax uma taro maalintaas, cadaab iyo dulli joogta ah yayna la kulmi. Mujaahid wuxuu yidhi: malakumowd waxaa loo koobay dhulka oo looga dhigay weel oo kale uu wax ka qaadan markuu rabo.
إِنَّمَا يُؤْمِنُ بِـَٔايَٰتِنَا ٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِّرُوا۟ بِهَا خَرُّوا۟ سُجَّدًا وَسَبَّحُوا۟ بِحَمْدِ رَبِّهِمْ وَهُمْ لَا يَسْتَكْبِرُونَ
Waxaa uun rumayn aayaadkannaga kuwa marka lagu waaniyo aayadaha sujuud la dhaca kuna tasbiixsada mahadda Rabbigood iyagoon is kibrinayn (isla waynayn).
تَتَجَافَىٰ جُنُوبُهُمْ عَنِ ٱلْمَضَاجِعِ يَدْعُونَ رَبَّهُمْ خَوْفًا وَطَمَعًا وَمِمَّا رَزَقْنَٰهُمْ يُنفِقُونَ
Waxayna ka dheeraataa dhinacyadoodu jiifka iyagoo baryi Rabbigood cabsi iyo rajaynba waxaan ku arzuqnayna wax ka bixiya.
فَلَا تَعْلَمُ نَفْسٌ مَّآ أُخْفِىَ لَهُم مِّن قُرَّةِ أَعْيُنٍ جَزَآءًۢ بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
Ma oga nafu waxa loo qariyay kuwaas oo ah wax indho ku qaboowsadaan; abaal marin waxay camal falayeen dartiis.
أَفَمَن كَانَ مُؤْمِنًا كَمَن كَانَ فَاسِقًا لَّا يَسْتَوُۥنَ
Ruux mu’min ah ma la mid baa mid faasiq ah, ma eka.
أَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَلَهُمْ جَنَّٰتُ ٱلْمَأْوَىٰ نُزُلًۢا بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
Kuwa rumeeyay (xaqa) oo camal fiican falay waxay mudan jannooyinka ma’wa; martiqaad waxay camal falayeen dartiis.
وَأَمَّا ٱلَّذِينَ فَسَقُوا۟ فَمَأْوَىٰهُمُ ٱلنَّارُ كُلَّمَآ أَرَادُوٓا۟ أَن يَخْرُجُوا۟ مِنْهَآ أُعِيدُوا۟ فِيهَا وَقِيلَ لَهُمْ ذُوقُوا۟ عَذَابَ ٱلنَّارِ ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
Kuwase faasiqoobay waxay ku hoyan naar, markay doonaan inay ka baxaanna waa lagu celin dhexdeeda waxaana lagu dhihi dhadhamiya cadaabka naartii aad beenin jirteen.