يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ ٱتَّقِ ٱللَّهَ وَلَا تُطِعِ ٱلْكَٰفِرِينَ وَٱلْمُنَٰفِقِينَ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًا
Nabiyow ka dhawrso (ka yaab) Alle hana adeecin gaalada iyo munaafiqiinta, Alle na waa oge falsan.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ ٱتَّقِ ٱللَّهَ وَلَا تُطِعِ ٱلْكَٰفِرِينَ وَٱلْمُنَٰفِقِينَ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًا
Nabiyow ka dhawrso (ka yaab) Alle hana adeecin gaalada iyo munaafiqiinta, Alle na waa oge falsan.
وَٱتَّبِعْ مَا يُوحَىٰٓ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرًا
Raacna waxa lagaaga waxyoon xagga Allehaa, Alle na waxaad camal falaysaan waa og yahay.
وَتَوَكَّلْ عَلَى ٱللَّهِ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلًا
Talana saaro Alle, Alle ayaana ku filan wakiile.
مَّا جَعَلَ ٱللَّهُ لِرَجُلٍ مِّن قَلْبَيْنِ فِى جَوْفِهِۦ وَمَا جَعَلَ أَزْوَٰجَكُمُ ٱلَّٰٓـِٔى تُظَٰهِرُونَ مِنْهُنَّ أُمَّهَٰتِكُمْ وَمَا جَعَلَ أَدْعِيَآءَكُمْ أَبْنَآءَكُمْ ذَٰلِكُمْ قَوْلُكُم بِأَفْوَٰهِكُمْ وَٱللَّهُ يَقُولُ ٱلْحَقَّ وَهُوَ يَهْدِى ٱلسَّبِيلَ
Ma yeelin Alle laba qalbi ruux laabtiis, mana yeelin haweenkiinna aad dihaaraysaanna (ka dhaaranaysaanna) hooyooyinkiin oo kale, mana yeelin kuwaad sheegateenna caruurtiinna oo kale, taasi waa hadalka afkiinna uun, Alle na wuxuu sheegi xaqa, isagaana ku hanuuniya jidka (toosan).
ٱدْعُوهُمْ لِـَٔابَآئِهِمْ هُوَ أَقْسَطُ عِندَ ٱللَّهِ فَإِن لَّمْ تَعْلَمُوٓا۟ ءَابَآءَهُمْ فَإِخْوَٰنُكُمْ فِى ٱلدِّينِ وَمَوَٰلِيكُمْ وَلَيْسَ عَلَيْكُمْ جُنَاحٌ فِيمَآ أَخْطَأْتُم بِهِۦ وَلَٰكِن مَّا تَعَمَّدَتْ قُلُوبُكُمْ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا
Ugu yeedha kuwaas aabayaalkood saasaa ku cadaalo badan Alle agtiise, haddaydaan aqoonnin aabayaalkoodna waa walaalihiinna diinta iyo sokeeyihiinna, korkiinnana dhib ma saarra waxaad ku gaftaan, hasa yeeshee waxay u kasto quluubtiinnu (yaa laydin waydiin), Alle na waa dambi dhaafe naxariista.
Suuraddan waxaa lagu magacaabaa suuratu Axsaab, Alle na wuxuu Nabiga Muxamed ah (ammaan iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) u dardaarmay cabsida Alle iyo inuusan adeecin gaalada iyo munaafiqiinta, raacana waxa Alle u waxyooday, talana saarto Alle isagaa ku filan wixii loo talo saartee. Waxaana jirta inaan laabu laba qalbi lahayn. Haweenka lagu sheego inay hooyo la mid yihiinna hooya ma noqdaan, caruurtaad sheegataan idin kood dhalinna ilmihiinnii dhabta ahaa ma aha, ee waa in aabahood loogu yeedho, hadaydaan aqoonna waa walaalihiinna diinta islaamka. Gafna Alle dadka uma qabto waxaase loo qabtaa wuxuu qalbigoodu u kaso. Nabigana (ammaan iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: Alle sarreeye wuxuu ummadda ka saamaxay gafka, halmaanka iyo waxa lagu qasbo.
ٱلنَّبِىُّ أَوْلَىٰ بِٱلْمُؤْمِنِينَ مِنْ أَنفُسِهِمْ وَأَزْوَٰجُهُۥٓ أُمَّهَٰتُهُمْ وَأُو۟لُوا۟ ٱلْأَرْحَامِ بَعْضُهُمْ أَوْلَىٰ بِبَعْضٍ فِى كِتَٰبِ ٱللَّهِ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُهَٰجِرِينَ إِلَّآ أَن تَفْعَلُوٓا۟ إِلَىٰٓ أَوْلِيَآئِكُم مَّعْرُوفًا كَانَ ذَٰلِكَ فِى ٱلْكِتَٰبِ مَسْطُورًا
Nabigaa uga roon (turid badan) mu’miniinta naftooda, haweenkiisuna waa hooyooyinkood (xagga ixtiraamka iyo inay xaaraan idinka yihiin), qaraabaduna iyagaa qaarkood qaarka kale kaga mudan kitaabka Alle, mu'miniinta (kale) iyo muhaajiriinta, inaad wanaag u fashaan kuwa aad weliga ka dhigateen (oo aad is walaashateen) mooyee, xukunkaasna wuxuu ku qoran yahay kitaabka.
وَإِذْ أَخَذْنَا مِنَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ مِيثَٰقَهُمْ وَمِنكَ وَمِن نُّوحٍ وَإِبْرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ وَعِيسَى ٱبْنِ مَرْيَمَ وَأَخَذْنَا مِنْهُم مِّيثَٰقًا غَلِيظًا
«Xusuuso» markaan ka qaadnay Nabiyada ballankoodii iyo adiga iyo Nuux, Ibraahim, Muuse iyo Ciise ibnu Maryam, oo ka qaadnay ballan adag.
لِّيَسْـَٔلَ ٱلصَّٰدِقِينَ عَن صِدْقِهِمْ وَأَعَدَّ لِلْكَٰفِرِينَ عَذَابًا أَلِيمًا
Si Alle u warsado kuwa runlayaasha ah runtooda, gaaladana wuxuu u darbay cadaab daran.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱذْكُرُوا۟ نِعْمَةَ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ جَآءَتْكُمْ جُنُودٌ فَأَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ رِيحًا وَجُنُودًا لَّمْ تَرَوْهَا وَكَانَ ٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرًا
Kuwa (xaqa) rumeeyow xusuusta Alle siduu idiinku nicmeeyey, markay junuud (askar) idiin timid markaas oon ku dirnay dabayl iyo askar iyadoy aydaan arkayn, Alle na waxaad camal falaysaan waa arkaa.
إِذْ جَآءُوكُم مِّن فَوْقِكُمْ وَمِنْ أَسْفَلَ مِنكُمْ وَإِذْ زَاغَتِ ٱلْأَبْصَٰرُ وَبَلَغَتِ ٱلْقُلُوبُ ٱلْحَنَاجِرَ وَتَظُنُّونَ بِٱللَّهِ ٱلظُّنُونَا۠
Xusuusta markay idinkaga yimaadeen kor iyo hoosba, indhuhuna iisheen quluubtuna dhuunta gaadhay Alle na aad u maleyseen malooyin.
Nabiga rumeyntiisa iyo adeeciddiisa yaa mu'miniinta uga xaq badan naftooda. Haweenka Nabigana waa hooyooyinka mu'miniinta, qaraabaduna waxay mudan tahay dhawrid. Alle waxaa kale oo uu inoo caddeeyey inuu ballan adag ka qaaday Nabiyadii si ay xaqa u gutaan, siiba Nabi Muxamad, Nuux, Ibraahim, Muuse iyo Ciise, si ruuxa runlaha ah khayr loogu abaalmariyo loona warsado, gaaladana loo ciqaabo, Alle na mu’miniintii ree Madiino ee Nabigu la noolaa wuxuu xusuusiyey dagaalkii xisbiyadu ay dhan kastaba kaga yimaadeen madiino oo aad loo cabsaday, indhuhuna taagmeen, wadnuhuna dhuunta yimid, Alle na shar laga malaystay markaas dabayl iyo col aan la arkayn gaaladii Alle ku diray, mu'miniintiina u gargaaray.
هُنَالِكَ ٱبْتُلِىَ ٱلْمُؤْمِنُونَ وَزُلْزِلُوا۟ زِلْزَالًا شَدِيدًا
Halkaasaa lagu imtixaamay mu’miniinta gilgilid daranna lagu gil gilay.
وَإِذْ يَقُولُ ٱلْمُنَٰفِقُونَ وَٱلَّذِينَ فِى قُلُوبِهِم مَّرَضٌ مَّا وَعَدَنَا ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥٓ إِلَّا غُرُورًا
Markey munaafiqiintu lahaayeen iyo kuwa quluubta ka buka Alle iyo Rasuulkiisu waxaan dhagar ahayn nooma yaboohin.
وَإِذْ قَالَت طَّآئِفَةٌ مِّنْهُمْ يَٰٓأَهْلَ يَثْرِبَ لَا مُقَامَ لَكُمْ فَٱرْجِعُوا۟ وَيَسْتَـْٔذِنُ فَرِيقٌ مِّنْهُمُ ٱلنَّبِىَّ يَقُولُونَ إِنَّ بُيُوتَنَا عَوْرَةٌ وَمَا هِىَ بِعَوْرَةٍ إِن يُرِيدُونَ إِلَّا فِرَارًا
Markay qayb ka mid ah lahayd ree Madiinow meel aad ku nagaataan (goobta) dagaalka ma jirto, ee noqda (xagga Madiino), koox iyaga ka mid ahna waxay idan warsan Nabiga iyagoo dhihi guryihiibaa naga dayacnaa, mana dayacna ee waxaan carar ahayn ma rabaan.
وَلَوْ دُخِلَتْ عَلَيْهِم مِّنْ أَقْطَارِهَا ثُمَّ سُئِلُوا۟ ٱلْفِتْنَةَ لَـَٔاتَوْهَا وَمَا تَلَبَّثُوا۟ بِهَآ إِلَّا يَسِيرًا
Haddii loogu soo galo magaalada dhan kasto, markaas la warsado gaalnimo way la imaan lahaayeen, waxaan wax yar ahaynse kuma dhex nagaadeen.
وَلَقَدْ كَانُوا۟ عَٰهَدُوا۟ ٱللَّهَ مِن قَبْلُ لَا يُوَلُّونَ ٱلْأَدْبَٰرَ وَكَانَ عَهْدُ ٱللَّهِ مَسْـُٔولًا
Horay waxay ugu ballantameen inayan cararin, ballanka Alle na waa lays warsan.
قُل لَّن يَنفَعَكُمُ ٱلْفِرَارُ إِن فَرَرْتُم مِّنَ ٱلْمَوْتِ أَوِ ٱلْقَتْلِ وَإِذًا لَّا تُمَتَّعُونَ إِلَّا قَلِيلًا
Waxaad dhahdaa carar aad geeri ka carartaan ama dil wax idiinma taro, wax yar waxaan ahaynna laydiin ku raaxeyn maayo (adduunka).
قُلْ مَن ذَا ٱلَّذِى يَعْصِمُكُم مِّنَ ٱللَّهِ إِنْ أَرَادَ بِكُمْ سُوٓءًا أَوْ أَرَادَ بِكُمْ رَحْمَةً وَلَا يَجِدُونَ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ وَلِيًّا وَلَا نَصِيرًا
Dheh yaa idinka ilaalin Alle hadduu dhib idin la doono, ama naxariis, wax Alle ka soo hadhay oo sokeeye ama gargaare ahna heli meysaan.
Sida dhabta ahna waa la imtixaanay mu’miniinta, kuwii niyadda ka bukayna waxay muujiyeen munaafaqnimo, waxaana ka soo baxay oy ku hadleen in Alle iyo Rasuulkiisu ku ballanfureen, waxayna ka codsadeen saaxiibbadood inay goobta dagaalka iskaga baxaan kuna noqdaan magaalada Madiino oo muslimiintu daafacayeen, qaar ka mid ahna Nabigay fasax warsadeen iyagoo sheegi in guryuhu ka dayacan yihiin, dhab ahaanna waxay dooni carar, haddii loo soo galo oo gaalooba la dhahana way oggolaan, maxayse nolol adduun taraysaa, yaase Alle ka celin ciddii burisa ballankiisa, carar miyaase wax tari, ciddeese Alle ka sokow khayr iyo dhib karta, yaase gargaare ah Alle mooyee.
قَدْ يَعْلَمُ ٱللَّهُ ٱلْمُعَوِّقِينَ مِنكُمْ وَٱلْقَآئِلِينَ لِإِخْوَٰنِهِمْ هَلُمَّ إِلَيْنَا وَلَا يَأْتُونَ ٱلْبَأْسَ إِلَّا قَلِيلًا
Dhab ahaan yaa Alle u ogyahay kuwa reebayaalka ah (ku cabsiinta dagaalka) oo idinka mid ah iyo kuwa ku dhaha walaalahooda (munaafiqiinta ah) noo imaadda, dagaalkana ma tagaan wax yar mooyee.
أَشِحَّةً عَلَيْكُمْ فَإِذَا جَآءَ ٱلْخَوْفُ رَأَيْتَهُمْ يَنظُرُونَ إِلَيْكَ تَدُورُ أَعْيُنُهُمْ كَٱلَّذِى يُغْشَىٰ عَلَيْهِ مِنَ ٱلْمَوْتِ فَإِذَا ذَهَبَ ٱلْخَوْفُ سَلَقُوكُم بِأَلْسِنَةٍ حِدَادٍ أَشِحَّةً عَلَى ٱلْخَيْرِ أُو۟لَٰٓئِكَ لَمْ يُؤْمِنُوا۟ فَأَحْبَطَ ٱللَّهُ أَعْمَٰلَهُمْ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرًا
Way idinkala bakhayli (wanaagga) marka cabsi timaadna waxaad arki iyagoo ku soo eegi, indhahooduna wareegi sida mid geeri hayso, marka cabsidu tagtana waxay idiinkugu dhibaan carrabbo afbadan, isagoo idinkala bakhayli khayrka, kuwaasi ma rumeynin (xaqa) waana hoobiyey Alle camalkooda, arrintaasuna waa u fudduddahay Alle.
يَحْسَبُونَ ٱلْأَحْزَابَ لَمْ يَذْهَبُوا۟ وَإِن يَأْتِ ٱلْأَحْزَابُ يَوَدُّوا۟ لَوْ أَنَّهُم بَادُونَ فِى ٱلْأَعْرَابِ يَسْـَٔلُونَ عَنْ أَنۢبَآئِكُمْ وَلَوْ كَانُوا۟ فِيكُم مَّا قَٰتَلُوٓا۟ إِلَّا قَلِيلًا
Waxay malayn inayan tagayn xisbiyadu (colalka) waxayna jecel yihiin in marka cololku yimaadaan ay baadiyaha jiraan oy warkiinna warsadaan, hadday idin la joogaanna ma dagaallameen wax yar mooye.
Jahaadka iyo difaaca dalka islaamka waa jid adag, mana aha in dadka la reebo oo cabsi galin iyo waswaas iyo balaayo iyo baasbaa dhacay lagula dhex jiro muslimiinta, sidii munaafiqiintii khayrka la necbayd mu’miniinta ee fulayaasha ahaa, indhaha galka ka rogi jiray sida ruux sakaraad hayo. Marka nabadda ahna xan iyo dhib u la jooga mu’miniinta, jeclaana in marka magaalada madiino iyo dhulka islaamka la soo weerari ay baadiyo ku maqnaadaan, waydiiyaanna warka muslimiinta, hadday joogaanna wax ma tareen.