ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِى لَهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَلَهُ ٱلْحَمْدُ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ وَهُوَ ٱلْحَكِيمُ ٱلْخَبِيرُ
Mahad Alle ayaa iska leh ay awooddiisa ku jiraan waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, mahadna isagaa muta aakharo iyo adduunba, waana falsame xeel dheer (wax walba oge).
يَعْلَمُ مَا يَلِجُ فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا يَخْرُجُ مِنْهَا وَمَا يَنزِلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا يَعْرُجُ فِيهَا وَهُوَ ٱلرَّحِيمُ ٱلْغَفُورُ
Wuxuuna ogyahay waxa dhulka gali iyo waxa ka soo bixi iyo waxa ka soo dagi samada iyo waxa u kori, waana naxariiste dambidhaafa ah.
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَا تَأْتِينَا ٱلسَّاعَةُ قُلْ بَلَىٰ وَرَبِّى لَتَأْتِيَنَّكُمْ عَٰلِمِ ٱلْغَيْبِ لَا يَعْزُبُ عَنْهُ مِثْقَالُ ذَرَّةٍ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَلَا فِى ٱلْأَرْضِ وَلَآ أَصْغَرُ مِن ذَٰلِكَ وَلَآ أَكْبَرُ إِلَّا فِى كِتَٰبٍ مُّبِينٍ
Kuwii gaaloobay waxay dhaheen nooma imaaneyso saacadda (qiyaame), waxaad dhahdaa saas ma aha ee Rabbigay baan ku dhaartey way idiin imaan, Rabbigay waa wax maqan oge, wax darro la egna kagama qarsoona samooyinka iyo dhulka dhexdooda iyo wax waxaas ka yar iyo wax ka weyn midna, wax walbana kitaab cad bey ku sugan yihiin.
لِّيَجْزِىَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ
Si Alle u abaal mariyo kuwa rumeeyey (xaqa) oo camal fiican falay kuwaasna waxay mudan dambi dhaaf iyo risqi wanaagsan.
وَٱلَّذِينَ سَعَوْ فِىٓ ءَايَٰتِنَا مُعَٰجِزِينَ أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ مِّن رِّجْزٍ أَلِيمٌ
Kuwa u socda iney aayaadkannaga (ka leexdaan) iyagoo u maleyn iney daalin (Alle) kuwaasi waxay mudan cadaab daran oo xun.
وَيَرَى ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْعِلْمَ ٱلَّذِىٓ أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ هُوَ ٱلْحَقَّ وَيَهْدِىٓ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَمِيدِ
Waxey arki kuwii cilmiga la siiyeyna (mu’miniinta) in waxa laga soo dajiyey xagga Alle xaq yahey kuna hanuunin jidka Allaha adkaada ee la mahdiyo.
Tafsiirka aayadaha 1–6
Aayadahanu waxay caddeyn in Allaha cirka iyo dhulka waxa ku sugan xukuma ee maamula oo aakharo iyo adduunba iska leh ay mahadi u sugnaatey, wax kasta oo aduunka ka dhicina uu ogyahey, gaaladuse waxey diidi saacadda qiyaame iyo xaqa, wuuse keeni Allaha wax walba og si uu u abaal mariyo kuwa wanaagga faley iyo gaaladaba mid walba camalkiis, kuwa xaqa rumeeyeyse oo cilmiga la siiyey waxey ogyihiin in quraanku xaq yahey kuna hanuuniyo waddada Alle ee toosan.
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ هَلْ نَدُلُّكُمْ عَلَىٰ رَجُلٍ يُنَبِّئُكُمْ إِذَا مُزِّقْتُمْ كُلَّ مُمَزَّقٍ إِنَّكُمْ لَفِى خَلْقٍ جَدِيدٍ
Waxey dhaheen kuwii gaaaloobey maydin tusinnaa nin idiin ka warrami in marka laydin kala geeyo (jidhkiinna) kala gayn dhammaanteed in abuur cusub leydin abuuri.
أَفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَم بِهِۦ جِنَّةٌۢ بَلِ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْـَٔاخِرَةِ فِى ٱلْعَذَابِ وَٱلضَّلَٰلِ ٱلْبَعِيدِ
Ma Alle ayuu ku been abuuran mase wuu waalan yahay, saas ma aha ee kuwaan rumeynin aakhiro waxay ku sugnaan cadaab iyo baadi fog.
أَفَلَمْ يَرَوْا۟ إِلَىٰ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ إِن نَّشَأْ نَخْسِفْ بِهِمُ ٱلْأَرْضَ أَوْ نُسْقِطْ عَلَيْهِمْ كِسَفًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّكُلِّ عَبْدٍ مُّنِيبٍ
Miyeyna arkaynin waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah oo samo iyo dhul ah haddaan doonno waxaannu la goyn dhulka, mise waxaan ku soo rideynaa goosimo samada ka mid ah arrintaasna aayad baa ugu sugan addoon kastoo towbadkeen badan.
وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا دَاوُۥدَ مِنَّا فَضْلًا يَٰجِبَالُ أَوِّبِى مَعَهُۥ وَٱلطَّيْرَ وَأَلَنَّا لَهُ ٱلْحَدِيدَ
Dhab ahaan baan u siinnay Nabi Daawuud fadli (dheeraad) xaggannaga ah, waxaana nidhi buurahoow la celceliya tasbiixda, shimbirahoowna (la celceliya tasbiixda), waxaanna u jilcinney birta.
أَنِ ٱعْمَلْ سَٰبِغَٰتٍ وَقَدِّرْ فِى ٱلسَّرْدِ وَٱعْمَلُوا۟ صَٰلِحًا إِنِّى بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ
Waxaanna ku nidhi ka samee diricyada (dharka dagaalka) sugna tixiddeeda, wanaagna fala, waxaad faleeysaanna waan arkaa.
Tafsiirka aayadaha 7–11
Gaaladu had iyo jeer waxay diidaan xaqa kana jeedsadaan, mar waxay inkiraan qiyaamada marna waxay Nabiga ku sheegaan been abuurte ama waalli, waxaase jirta iney baadi ku sugan yihiin meyse ku waana qaataan cirka iyo dhulka dhan walba ka jira, hadduu Alle doonana uu dhulka la goyn karo ama cirka ku soo ridi karo, ka dib wuxuu Alle ka waramay Nabi Daawuud si loogu waano qaato iyo in buuraha iyo shimbiruhu la tasbiixsan jireen, birtana loo jilciyey si uu uga sameeyo dharka dagaalka, Alle na farey inuu wanaag sameeyo, illeen Alle wax walba waa arkaaye.
وَلِسُلَيْمَٰنَ ٱلرِّيحَ غُدُوُّهَا شَهْرٌ وَرَوَاحُهَا شَهْرٌ وَأَسَلْنَا لَهُۥ عَيْنَ ٱلْقِطْرِ وَمِنَ ٱلْجِنِّ مَن يَعْمَلُ بَيْنَ يَدَيْهِ بِإِذْنِ رَبِّهِۦ وَمَن يَزِغْ مِنْهُمْ عَنْ أَمْرِنَا نُذِقْهُ مِنْ عَذَابِ ٱلسَّعِيرِ
Nabi Suleymaanna waxaan u sakhirray dabeysha, kallahaaddeedu waa bil, carraabaheeduna waa bil, waxaan u dureerinney il nuxaas ah (maar), jinnigana waxaa ka mid ah kuwo ku hor shaqeeya idanka Alle, ruuxii ka mid ah oo ka iisha amarkannaga waxaan dhadhansiineeynaa cadaabka saciiro.
يَعْمَلُونَ لَهُۥ مَا يَشَآءُ مِن مَّحَٰرِيبَ وَتَمَٰثِيلَ وَجِفَانٍ كَٱلْجَوَابِ وَقُدُورٍ رَّاسِيَٰتٍ ٱعْمَلُوٓا۟ ءَالَ دَاوُۥدَ شُكْرًا وَقَلِيلٌ مِّنْ عِبَادِىَ ٱلشَّكُورُ
Waxay u sameyn Suleymaan wuxuu doono oo mixraabyo (fooqaq) iyo suurooyin, iyo xeedhooyin dar oo kale ah, iyo dharyo sugan, waxaana ku nidhi fala ehelka Daawuudow mahadnaq, waxaana yar addoommadayda shugriga badan.
فَلَمَّا قَضَيْنَا عَلَيْهِ ٱلْمَوْتَ مَا دَلَّهُمْ عَلَىٰ مَوْتِهِۦٓ إِلَّا دَآبَّةُ ٱلْأَرْضِ تَأْكُلُ مِنسَأَتَهُۥ فَلَمَّا خَرَّ تَبَيَّنَتِ ٱلْجِنُّ أَن لَّوْ كَانُوا۟ يَعْلَمُونَ ٱلْغَيْبَ مَا لَبِثُوا۟ فِى ٱلْعَذَابِ ٱلْمُهِينِ
Markaan geerida ku xukunnay Nabi Suleymaan wax tusiyey geeridiisa ma jiro oon ahayn aboorka cunay ushiisa, markuu dhacay yaa waxaa u caddaaday jinnigii haddey waxa maqan og yihiin ineyna ku nagaadeen cadaab wax dulleeya (shaqadiisa darteed)
Tafsiirka aayadaha 12–14
Markuu Alle sheegay qisadii Nabi Daawuud iyo waxa Alle siiyey wuxuu raaciyey qisadii wiilkiisa Nabi Suleymaan ahaa iyo in Alle u sakhiray dabeysha oo orod dheer kallahaad iyo carraababa mid walbana ay ku goyn in bil loo socdo maartana loo jilciyey, jinnigana ku shaqayn jiray amarka Alle iyagoo u sameyn guryo iyo sawirro iyo weelal iyo dharyo waawayn, farayna Daawuud iyo ehelkiisa iney Alle ku mahdiyaan, in kastoo dad mahad naqaa yar yahay, jinniguna inkastoo uu sheeganayey inuu ogyahay waxa maqan haddana waxaa ka qarsoomay geeridii Nabi Suleymaan oo sidii bay shaqada ugu jireen. Ilaa ushii uu ku tiirsanaa aboor cuno oo dhaco, hadday waxa maqan ogyihiin ma ayna wadeen shaqadaas adag, waxaana innagu waajib ah inaan rumeyno qisadaas Nabiyada sida quraanku inoo sheegay.
لَقَدْ كَانَ لِسَبَإٍ فِى مَسْكَنِهِمْ ءَايَةٌ جَنَّتَانِ عَن يَمِينٍ وَشِمَالٍ كُلُوا۟ مِن رِّزْقِ رَبِّكُمْ وَٱشْكُرُوا۟ لَهُۥ بَلْدَةٌ طَيِّبَةٌ وَرَبٌّ غَفُورٌ
Guryihii reer Sabaad waxaa ku sugnayd calaamo, beeraana ka xigay xagga midig iyo xagga bidixba, waxaana Alle ku yidhi cuna risqiga Allihiin kuna mahadiya, waa balad wanaagsan iyo Alle dambi dhaaf badane.
فَأَعْرَضُوا۟ فَأَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ سَيْلَ ٱلْعَرِمِ وَبَدَّلْنَٰهُم بِجَنَّتَيْهِمْ جَنَّتَيْنِ ذَوَاتَىْ أُكُلٍ خَمْطٍ وَأَثْلٍ وَشَىْءٍ مِّن سِدْرٍ قَلِيلٍ
Wayse jeedsadeen, waxaanna ku dirnay daad daran, waxaanna ku badalney labadoodii beerood beero kale oo geedo khadhaadh iyo qoryo iyo sidri yar ah.
ذَٰلِكَ جَزَيْنَٰهُم بِمَا كَفَرُوا۟ وَهَلْ نُجَٰزِىٓ إِلَّا ٱلْكَفُورَ
Sidaasaana ku abaalmarinnay gaalnimadoodii darteed, abaalmarin xunna waxaan abaal marinnaa kuwa gaalnimada badan.
وَجَعَلْنَا بَيْنَهُمْ وَبَيْنَ ٱلْقُرَى ٱلَّتِى بَٰرَكْنَا فِيهَا قُرًى ظَٰهِرَةً وَقَدَّرْنَا فِيهَا ٱلسَّيْرَ سِيرُوا۟ فِيهَا لَيَالِىَ وَأَيَّامًا ءَامِنِينَ
Waxaanna yeelney dhexdooda (Yaman) iyo magaalooyinkii barakeysnaa (Shaam) magaalooyin muuqdo (oo xiriira) waxaanna qadarnay socodkooda, waxaana ku nidhi ku socda dhexdeeda habeen iyo maalinba idinkoo aamin ah.
فَقَالُوا۟ رَبَّنَا بَٰعِدْ بَيْنَ أَسْفَارِنَا وَظَلَمُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ فَجَعَلْنَٰهُمْ أَحَادِيثَ وَمَزَّقْنَٰهُمْ كُلَّ مُمَزَّقٍ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّكُلِّ صَبَّارٍ شَكُورٍ
Waxayse dhaheen Allow noo kala fogee socodka, wayna dulmiyeen naftooda, waxaanna ka yeelnay wax lagu sheekeysto. Waanna kala goyney, sidaasna waxaa ugu sugan calaamo ruux kastoo samir badanoo mahadin badan.
Tafsiirka aayadaha 15–19
Saba waxay aheyd dowlad ka dhisneyd Yaman oo Alle nimco siiyey dadkeeda, uuna faray inay cunaan nimcada Alle, kuna mahdiyaan, caabudaanna, weyse inkireen oo xaqa ka jeedsadeen, markaasaa Alle ku ciqaabay inuu ku sii daayo daad daran oo maansheeyey biyo xidheenka Ma’ribna kharribey markaasey u kala tageen adduunka, beerahoodii fiicnaana lagu badalay geedo khadhaadh oo xun. Kibirkoodii dartiis yaana saas loogu abaalmariyey, tan kale markii Alle ugu nicmeeyey magaalooyin is haya oy ku nastaan safarkooda xagga shaam yey warsadeen in loo kala fogeeyo, markaas Alle kala diray kana yeeley wax lagu sheekeysto, oo lagu cibraqaato.
وَلَقَدْ صَدَّقَ عَلَيْهِمْ إِبْلِيسُ ظَنَّهُۥ فَٱتَّبَعُوهُ إِلَّا فَرِيقًا مِّنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ
Dhab ahaan waxaa ku rumoobey gaalada korkooda ibliis malihiisii, wayna raaceen wax yar oo ka mid ah oo mu’miniin ah mooyee.