ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ فَاطِرِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ جَاعِلِ ٱلْمَلَٰٓئِكَةِ رُسُلًا أُو۟لِىٓ أَجْنِحَةٍ مَّثْنَىٰ وَثُلَٰثَ وَرُبَٰعَ يَزِيدُ فِى ٱلْخَلْقِ مَا يَشَآءُ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
Mahad Allaha billaabay «abuuray» samooyinka iyo dhulka yaa leh kana yeelay malaa’igta farriin wadeyaal, oo garbo labo labo ah iyo saddex saddex iyo afar afar ah leh, wuuna siyaadiyaa Alle abuuridduu doono, Alle na wax walba wuu karaa.
مَّا يَفْتَحِ ٱللَّهُ لِلنَّاسِ مِن رَّحْمَةٍ فَلَا مُمْسِكَ لَهَا وَمَا يُمْسِكْ فَلَا مُرْسِلَ لَهُۥ مِنۢ بَعْدِهِۦ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
Wixii Alle dadka ugu nicmeeyo oo naxariis ah wax celin karaa ma jiro, wuxuu celiyana wax sii dayn kara ma jiro dabadiis, waana adkaade falsan.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱذْكُرُوا۟ نِعْمَتَ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ هَلْ مِنْ خَٰلِقٍ غَيْرُ ٱللَّهِ يَرْزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ فَأَنَّىٰ تُؤْفَكُونَ
Dadow xusuusnaada nicmada Alle ee korkiinna ah, abuure kale ma jiraa oo Alle ka soo hadhay oo idinka arsuqi samada iyo dhulka, Alle mooyee ilaah kale oo xaq lugu caabudo ma jiro ee xaggee laydiin ka iili xaqa.
Tafsiirka aayadaha 1–3
Allaha cirka iyo dhulka abuura ee malaa’igta diray wax walbana kara yaa mahad mudan, khayr kuu keenana wax celin kara ma jiro, wuxuu reebana wax keeni karaa ma jiro, dadkana waxaa waajib ku ah inay xusuustaan nicmada Alle iyo inaan Alle mooyee cid kale wax ka arsuqaynin cirka iyo dhulka. Ibnu Cabaas (Alle isaga iyo aabihiisba ha ka raalli noqdee) wuxuu yidhi: ma aqoonnin macnaha faadir intaan uga imaado laba nin oo ka mid ah baadiyaha carbeed oo ku doodi ceel oo mid kood ku yidhi kii kale: anaa fadiray (bilaabay qodidda).
وَإِن يُكَذِّبُوكَ فَقَدْ كُذِّبَتْ رُسُلٌ مِّن قَبْلِكَ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرْجَعُ ٱلْأُمُورُ
Hadday ku beeniyaan waxaa dhab ahaan loo beeniyay rasuulladii kaa horreeyay, Alle xagiisaana loo celin umuuraha.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّ فَلَا تَغُرَّنَّكُمُ ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَا وَلَا يَغُرَّنَّكُم بِٱللَّهِ ٱلْغَرُورُ
Dadaw yabooha Alle waa xaq ee yayna idin kedin nolasha adduunyo, yuuna idinku kedin Alle ku kedin badane ah (shaydaan).
إِنَّ ٱلشَّيْطَٰنَ لَكُمْ عَدُوٌّ فَٱتَّخِذُوهُ عَدُوًّا إِنَّمَا يَدْعُوا۟ حِزْبَهُۥ لِيَكُونُوا۟ مِنْ أَصْحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ
Shaydaanku waa colkiin ee idinna col ka yeesha, wuxuuna idiin ku yeedhi uun xisbigiisa si ay asaxaabta naaarta saciiro u noqdaan.
ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَأَجْرٌ كَبِيرٌ
Kuwii gaaloobay waxay mudan cadaab daran, kuwii xaqa rumeeyay oo camal fiican falayna waxay mudan dambi dhaaf iyo ajri wayn.
أَفَمَن زُيِّنَ لَهُۥ سُوٓءُ عَمَلِهِۦ فَرَءَاهُ حَسَنًا فَإِنَّ ٱللَّهَ يُضِلُّ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِى مَن يَشَآءُ فَلَا تَذْهَبْ نَفْسُكَ عَلَيْهِمْ حَسَرَٰتٍ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌۢ بِمَا يَصْنَعُونَ
Ruuxse loo qurxiyay camalkiisa xun oo u arkay inuu fiican yahay (ma la mid baa kaan saas falin), Alle cidduu doono yuu dhumiyaa ruuxuu doonana wuu hanuuniyaa ee yeyna naftaadu ku tagin walbahaarkooda, Alle waa ogyahay waxay samayne.
Tafsiirka aayadaha 4–8
Alleheen had iyo jeer wuxuu calool adkayn jiray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee) wuxuuna xusuusin jiray Nabiyadii hore iyo waxay kala kulmeen gaaladii oo dhib iyo beenin ah, tan kale wuxuu Alle yabooho wuu dhici, mana habboona in lagu kadsoomo adduunyo, shaydaan kugu kadiyo, illeen waa colka bini Aadamkee wuxuuna dooni inaad ka mid noqotid xisbigiisa si aad saciiro ula gashid, xumaanle iyo wanaaglena ma sinna, mana aha in xumaantu kula quruxsanaato, kulana fiicnaato, waase in Alle hanuun la warsado xumaantana laga leexdo, Nabiguna waxba kama saarna ciddii iska dhunta oo shaydaan adeecda.
وَٱللَّهُ ٱلَّذِىٓ أَرْسَلَ ٱلرِّيَٰحَ فَتُثِيرُ سَحَابًا فَسُقْنَٰهُ إِلَىٰ بَلَدٍ مَّيِّتٍ فَأَحْيَيْنَا بِهِ ٱلْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا كَذَٰلِكَ ٱلنُّشُورُ
Alle waa kan diray dabaysha oy kiciso daruuro markaasaan u kaxayn magaalo dhimatay (abaarowday) markaasaan ku noolaynay roobkaas dhulka intuu dhintay ka dib, saas weeye soo bixintiina.
مَن كَانَ يُرِيدُ ٱلْعِزَّةَ فَلِلَّهِ ٱلْعِزَّةُ جَمِيعًا إِلَيْهِ يَصْعَدُ ٱلْكَلِمُ ٱلطَّيِّبُ وَٱلْعَمَلُ ٱلصَّٰلِحُ يَرْفَعُهُۥ وَٱلَّذِينَ يَمْكُرُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ وَمَكْرُ أُو۟لَٰٓئِكَ هُوَ يَبُورُ
Ruuxii dooni sharaf Alle ayaa iska leh sharaf dhammaanteed, xaggiisayna u koraan kalimooyinka fiican, camalka suubanna wuu kor yeelaa, kuwa xumaanta ku dhagra (maamula) waxay mudan cadaab daran, dhagarta kuwaasna way uun halaagmi.
وَٱللَّهُ خَلَقَكُم مِّن تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ ثُمَّ جَعَلَكُمْ أَزْوَٰجًا وَمَا تَحْمِلُ مِنْ أُنثَىٰ وَلَا تَضَعُ إِلَّا بِعِلْمِهِۦ وَمَا يُعَمَّرُ مِن مُّعَمَّرٍ وَلَا يُنقَصُ مِنْ عُمُرِهِۦٓ إِلَّا فِى كِتَٰبٍ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٌ
Alle waa kan idinka abuuray carro, haddana dhibic, markaas lab iyo dhaddig, haweenayna wax uurka kuma qaaddo mana dajiso ogaansho Alle mooyee, ruuxii cimriga loo dheereeyo iyo ruuxii cimriga loo gaabiyaba waxay ku sugan yihiin kitaabka Alle, waana u fudud yahay.
Tafsiirka aayadaha 9–11
Roobka Alle ayaa keena siduu dabaysha roobka hor socotaba u keeno, roobkaasoo uu ku nooleeyo magaalo abaarowday doogna ka soo baxo sidaasaana loo soo bixin dadka qiyaamada, sharaf iyo cisiba Alle ayaa iska leh dhammaanteed, wanaagguna Alle ayuu u koraa, sida uu u kor yeelo camallada fiican, xumaan iyo dhagarna saaxiibkeeda unbay dishaa oy halaagi, Alle na waa kan dadka carro ka abuuray (aabbahood Aadan) haddana candhuuf ka abuuray, kana dhiga rag iyo haween, wax kastana waa ogyahay Alle, uur haweenay, dhalidda, cimriga dheer kan gaaban, wax walbana Alle waa u fudud yahay, Xasan Basri wuxuu yidhi: hadal lama aqbalo camal la'aan tiis.
وَمَا يَسْتَوِى ٱلْبَحْرَانِ هَٰذَا عَذْبٌ فُرَاتٌ سَآئِغٌ شَرَابُهُۥ وَهَٰذَا مِلْحٌ أُجَاجٌ وَمِن كُلٍّ تَأْكُلُونَ لَحْمًا طَرِيًّا وَتَسْتَخْرِجُونَ حِلْيَةً تَلْبَسُونَهَا وَتَرَى ٱلْفُلْكَ فِيهِ مَوَاخِرَ لِتَبْتَغُوا۟ مِن فَضْلِهِۦ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ
Ma eka labada badood taasi waa macaan tahay si daran, taasina waa dhanaan daran, mid kastana waxaad ka cunaysaan hilib cusub, waxaadna kala baxdaan macdan aad xidhataan, waxaadna arkaysaan doonta oo jiidhi si aad u dalabtaan fadliga Alle iyo inaad ku mahadisaan.
يُولِجُ ٱلَّيْلَ فِى ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِى ٱلَّيْلِ وَسَخَّرَ ٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ كُلٌّ يَجْرِى لِأَجَلٍ مُّسَمًّى ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمْ لَهُ ٱلْمُلْكُ وَٱلَّذِينَ تَدْعُونَ مِن دُونِهِۦ مَا يَمْلِكُونَ مِن قِطْمِيرٍ
Habeenka yuu Alle dhexgaliyaa maalinta, maalintana wuxuu dhexgaliya habeenka, qorraxda iyo dayaxana wuu sakhiray mid kastana wuxuu ku socdaa muddo magacaaban, saas waxa falana waa Allihiin, isagaana xukunka iska leh, waxaadse baryeysaan (caabudaysaan) oo Alle ka soo hadhay ma hantaan xuub laf timireed.
إِن تَدْعُوهُمْ لَا يَسْمَعُوا۟ دُعَآءَكُمْ وَلَوْ سَمِعُوا۟ مَا ٱسْتَجَابُوا۟ لَكُمْ وَيَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ يَكْفُرُونَ بِشِرْكِكُمْ وَلَا يُنَبِّئُكَ مِثْلُ خَبِيرٍ
Haddaad u yeedhataana idin ma maqlaan, haday idinbase maqlaan wax idiinma taraan, qiyaamadana way diidi gaalnimadiinna, cid wax og sidaanna wax kuugu warrama ma jiro.
Tafsiirka aayadaha 12–14
Wabiyada iyo badaha Alle ayaa dureeriya qaarna macaaneeya qaar kalana kharaareeya, cunno iyo kalluunna mid kasta ku beeray si hilib nadiif ah loogu cuno jowharna loogala baxo, doonyuhuna u dhex mushaaxaan, si ay khayraadka Alle u raadsadaan, looguna mahdiyo; habeenka, maalinta, qorraxda, iyo dayaxaba Alle ayaa sakhiray si ay u shaqeeyaan tan iyo muddadii loo qabtay, xukunka caalamka iyo awooddiisana Alle ayaa iska leh, wax la wadaaga oo wax laga baryi ama wax maqli ama wax ajiibana ma jiro, qof sida Allaha wax walba og wax kuugu caddeeyana ma jiro.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ أَنتُمُ ٱلْفُقَرَآءُ إِلَى ٱللَّهِ وَٱللَّهُ هُوَ ٱلْغَنِىُّ ٱلْحَمِيدُ
Dadow idinka unbaa fuqara ah (u baahan) Alle, Alle na waa hodan ammaanan.
إِن يَشَأْ يُذْهِبْكُمْ وَيَأْتِ بِخَلْقٍ جَدِيدٍ
Hadduu doono wuu idin dhammayn wuxuuna keeni kuwo cusub.
وَمَا ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ بِعَزِيزٍ
Arrintaasna wax Alle ku culus ma aha.
وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ وَإِن تَدْعُ مُثْقَلَةٌ إِلَىٰ حِمْلِهَا لَا يُحْمَلْ مِنْهُ شَىْءٌ وَلَوْ كَانَ ذَا قُرْبَىٰٓ إِنَّمَا تُنذِرُ ٱلَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُم بِٱلْغَيْبِ وَأَقَامُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَمَن تَزَكَّىٰ فَإِنَّمَا يَتَزَكَّىٰ لِنَفْسِهِۦ وَإِلَى ٱللَّهِ ٱلْمَصِيرُ
Nafna naf kale dambigeed ma qaaddo, haddii loogu yeedho naf culusoo dambaabtay inay xambaarto (danbi naf kale) lagama xambaaro waxba haba noqoto qaraabanee, waxaad uun u digi kuwa ka yaabi Alle iyagoo maqan, oo ooga salaadda, ruuxii isdaahiriyana wuxuu uun isudaahiriyay naftiisa, xagga Alle unbaana loo ahaan (geeri dabadeed).
Tafsiirka aayadaha 15–18
Alle waa hodan waana ka kaaftoomaa addoommadiisa, iyaguse waa fuqoro u baahan Alle had iyo jeerba, wuxuuna karaa Alle inuu halaago ciddii uu doono kuna bedalo cid kale, wax Alle dhib ku ahna ma aha, tan kale nafu naf kale danbigeed ma qaaddo, ee naf walba waxay kasbatay uunbaa horyaalla, qaraabonnimana danbi lays kagama qaado, waxayse waanadu anfacdaa kuwa Alle ka yaaba iyagoon arkayn, oo salaadda ku dadaala, oo xumaan iska daahiriya, dadkuna xagga Alle unbuu u ahaan, Cikrime wuxuu yidhi: maalinta qiyaame darisku dariskuu ku dhagi, qaraabaduna way isku dhagi ruuxna ruuxa kale wax uma taro Alle idamkii mooyee.
وَمَا يَسْتَوِى ٱلْأَعْمَىٰ وَٱلْبَصِيرُ
Ma eka indhoole iyo wax arke.
وَلَا ٱلظُّلُمَٰتُ وَلَا ٱلنُّورُ
Mana eka mugdiyo iyo iftiin.