يسٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
يسٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka.
وَٱلْقُرْءَانِ ٱلْحَكِيمِ
Quraanka xigmada leh yaan ku dhaartaye.
إِنَّكَ لَمِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ
Nabiyoow waxaad ka mid tahay kuwa la diray (rasuullada).
عَلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ
Jid toosanna waad ku sugan tahay.
تَنزِيلَ ٱلْعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ
Quraankuna waa soo dajinta Allaha adkaada ee naxariista.
لِتُنذِرَ قَوْمًا مَّآ أُنذِرَ ءَابَآؤُهُمْ فَهُمْ غَٰفِلُونَ
Inaad ugu digto qoom aan loo digin aabayaalkood oo halmaansan.
لَقَدْ حَقَّ ٱلْقَوْلُ عَلَىٰٓ أَكْثَرِهِمْ فَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ
Dhab ahaanna waxaa ugu waajibay badankooda (ciqaab) mana rumeeyaan xaqa.
Alle wuxuu ku dhaartay quraanka xakiimka ah in Nabiga laga soo diray xagga Alle loona waxyooday xaqa, jid toosanna uu ku sugan yahay, si quraanka Alle ku soo dajiyay uu u gaadhsiiyo dadka iyo gaaladii aan wax xaqa u sheega loo bixinin dhawaanahan, badankoodna halaagsameen naaruna u waajibtay kuna dhiman gaalnimo Alle na ma dhuminnin ee iyagaa madax adaygay xaqana diiday.
إِنَّا جَعَلْنَا فِىٓ أَعْنَٰقِهِمْ أَغْلَٰلًا فَهِىَ إِلَى ٱلْأَذْقَانِ فَهُم مُّقْمَحُونَ
Annagaa yeellay cunahooda bir waxayna qaban tan iyo gadhka madaxayna kor u taagi (dhibaato darteed).
وَجَعَلْنَا مِنۢ بَيْنِ أَيْدِيهِمْ سَدًّا وَمِنْ خَلْفِهِمْ سَدًّا فَأَغْشَيْنَٰهُمْ فَهُمْ لَا يُبْصِرُونَ
Waxaanna yeellay hortooda jidaar gadaashoodana jidaar waana indha tirnay waxna ma arkaan.
وَسَوَآءٌ عَلَيْهِمْ ءَأَنذَرْتَهُمْ أَمْ لَمْ تُنذِرْهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ
Waxaa isku mid ah haddaad digto iyo hadaadan u digin (marna) ma rumeeyaan.
إِنَّمَا تُنذِرُ مَنِ ٱتَّبَعَ ٱلذِّكْرَ وَخَشِىَ ٱلرَّحْمَٰنَ بِٱلْغَيْبِ فَبَشِّرْهُ بِمَغْفِرَةٍ وَأَجْرٍ كَرِيمٍ
Waxaad uun u digi (ooy anfici digiddu) ruuxii raaca quraanka oo Alle ka yaaba isagoon arkayn, uguna bishaaree dambi dhaaf iyo ajir wanaagsan.
إِنَّا نَحْنُ نُحْىِ ٱلْمَوْتَىٰ وَنَكْتُبُ مَا قَدَّمُوا۟ وَءَاثَٰرَهُمْ وَكُلَّ شَىْءٍ أَحْصَيْنَٰهُ فِىٓ إِمَامٍ مُّبِينٍ
Annagaa nooleyna wixii dhintay, waana qornaa waxay hor marsadeen iyo raadkoodiiba (wixii looga dayanaayey), wax walbana waxaan ku koobnay kitaab muuqda (looxul maxfuudka).
Xaq diidayaashu ma doonayaan hanuunka Alle, waxayna la mid yihiin ruux luquntiisa iyo gacmihiisa laysku xidhay oo madaxa kor u taagi, ama darbi lagu dayray, ama indhihiisa la daboolay, haddii wax loo sheego iyo haddii kalana waa isku mid oo xaqa ma rabaan, waanadana waxaa ku intifaaci ruuxii quraanka raaci oo Alle ka yaabi, wuxuuna Alle ugu bishaareeyay kuwaas dambi dhaaf iyo ajri wayn, maxaa yeelay Allaha awoodda leh yey ka yaabeen iyagoon arkeynin, Allahaas waxna nooleeya wax kastana kitaab ku kulmiya. Nabiguna wuxuu yidhi: ibnu aadanku hadduu dhinto wuu go’aa camalkiisu saddex mooyee: cilmi lagu intifaaco, ilmo fiican oo u duceeya, iyo sadaqo socota gadaashiis. Waxaa wariyay Muslim.
وَٱضْرِبْ لَهُم مَّثَلًا أَصْحَٰبَ ٱلْقَرْيَةِ إِذْ جَآءَهَا ٱلْمُرْسَلُونَ
Uga yeel tusaale asaxaabtii magaaladii markay u yimaadeen rasuulladii (loo soo diray).
إِذْ أَرْسَلْنَآ إِلَيْهِمُ ٱثْنَيْنِ فَكَذَّبُوهُمَا فَعَزَّزْنَا بِثَالِثٍ فَقَالُوٓا۟ إِنَّآ إِلَيْكُم مُّرْسَلُونَ
Markaan u dirnay xaggooda labo, ooy beeniyeen, markaas aan ku xoojinnay mid saddexaad, oy dhaheen idinkaa naloo kiin soo diray.
قَالُوا۟ مَآ أَنتُمْ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا وَمَآ أَنزَلَ ٱلرَّحْمَٰنُ مِن شَىْءٍ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا تَكْذِبُونَ
Waxayna dhaheen (gaaladii) idinku ma tihidiin waxaan bashar (dad) nala mid ah ahayn, Allaha Raxmaan ahna waxba ma soo dajinnin, idinkuna waxaan been ahayn ma sheegaysaan.
قَالُوا۟ رَبُّنَا يَعْلَمُ إِنَّآ إِلَيْكُمْ لَمُرْسَلُونَ
Waxay dhaheen (rasuuladii) Rabbigeen ayaa og in naloo kiin soo diray.
وَمَا عَلَيْنَآ إِلَّا ٱلْبَلَٰغُ ٱلْمُبِينُ
Korkannagana ma aha waxaan gaadhsiin cad ahayn.
قَالُوٓا۟ إِنَّا تَطَيَّرْنَا بِكُمْ لَئِن لَّمْ تَنتَهُوا۟ لَنَرْجُمَنَّكُمْ وَلَيَمَسَّنَّكُم مِّنَّا عَذَابٌ أَلِيمٌ
Waxay dhaheen (gaaladii) waan idin baasaysannay, haddaydaan joogin waan idin dhagaxyeynaynaa, waxaana xaggannaga idinka taaban cadaab daran.
قَالُوا۟ طَٰٓئِرُكُم مَّعَكُمْ أَئِن ذُكِّرْتُم بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ مُّسْرِفُونَ
Waxay dhaheen rasuulladii baaskiinnu wuu idinla joogi, mahaddii laydin waaniyo (ayaad na baaseysanaysaan), waxaadse tihiin qoon xadgudbay.
Gaaladii Nabiga beenisay wax badan yuu Alle tusaale u sameeyay, halkanna wuxuu ka qisooday magaalo ummadihii hore ah oo Alle u soo diray rasuullo laba ah, markii la beeniyeyna mid saddexaad lagu xoojiyay, hase yeeshee ay wada beeniyeen iyagoo sheegay inaan Alle wax ku soo dajinin, rasuulladuna ay ku dhaheen Alle ayaa og in naloo kiin soo diray waxaana digniin iyo gaadhsiin cad ahayna nama saarra, Ibnu Cabaas waxaa laga weriyay inay ahayd magaaladaasu Andaakiya oo gaal xukumi jiray.
وَجَآءَ مِنْ أَقْصَا ٱلْمَدِينَةِ رَجُلٌ يَسْعَىٰ قَالَ يَٰقَوْمِ ٱتَّبِعُوا۟ ٱلْمُرْسَلِينَ
Waxaa ka yimid magaalada dhankeeda fog nin dagdagi (ordi) wuxuuna ku yidhi qoomkayow raaca rasuullada.