وَٱلصَّٰٓفَّٰتِ صَفًّا
(Waxaan ku dhaartay) malaa’igta safan.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
وَٱلصَّٰٓفَّٰتِ صَفًّا
(Waxaan ku dhaartay) malaa’igta safan.
فَٱلزَّٰجِرَٰتِ زَجْرًا
Iyo tan kaxaysa daruuraha.
فَٱلتَّٰلِيَٰتِ ذِكْرًا
Iyo tan akhrida quuraanka.
إِنَّ إِلَٰهَكُمْ لَوَٰحِدٌ
Ee ilaahiin waa mid (qudha).
رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا وَرَبُّ ٱلْمَشَٰرِقِ
Waa Rabbiga samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya, iyo Rabbiga qorrax ka soo bixidda.
إِنَّا زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنْيَا بِزِينَةٍ ٱلْكَوَاكِبِ
Annagaa ku qurxinnay samada dhaw quruxda xidiga ah.
وَحِفْظًا مِّن كُلِّ شَيْطَٰنٍ مَّارِدٍ
Iyo ka dhowrid shaydaan kastoo madax adag.
لَّا يَسَّمَّعُونَ إِلَى ٱلْمَلَإِ ٱلْأَعْلَىٰ وَيُقْذَفُونَ مِن كُلِّ جَانِبٍ
Mana dhagaystaan jameecada sare (malaa’igta), waxaana laga soo tuuraa dhan kasta.
دُحُورًا وَلَهُمْ عَذَابٌ وَاصِبٌ
Iyagoo la eryi oo cadaab joogta ah u sugnaaday.
إِلَّا مَنْ خَطِفَ ٱلْخَطْفَةَ فَأَتْبَعَهُۥ شِهَابٌ ثَاقِبٌ
Marka laga reebo mid mid dafa hadalka oo uu raaco danab ifi.
Waxay ku billaabatay suuraddu inuu Alle ku dhaartay malaa’igta inuu kali yahay iyo samada iyo dhulka iyo wax walba awooddiisa ku jiraan, iyo inuu cirka ku qurxiyay xiddigo kana reebay shaydaanka inuu u dhawaado ama wax ka dhagaysto, Qataade wuxuu yidhi: xiddigaha: waxaa loo abuuray saddex: shayadiinta oo lagu gano, nuur lagu tooso (oo lagu garto jahooyinka) iyo quruxda samada dhaw.
فَٱسْتَفْتِهِمْ أَهُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَم مَّنْ خَلَقْنَآ إِنَّا خَلَقْنَٰهُم مِّن طِينٍ لَّازِبٍۭ
Waydii gaalada ma iyagaa ku daran abuuridda mise waxaan abuuray, annagaa ka abuurray dhoobo dhagta.
بَلْ عَجِبْتَ وَيَسْخَرُونَ
Waxaadse la yaabtay (beenintooda) iyaguna way jees jeesi.
وَإِذَا ذُكِّرُوا۟ لَا يَذْكُرُونَ
Marka la waaniyana ma waantoobaana.
وَإِذَا رَأَوْا۟ ءَايَةً يَسْتَسْخِرُونَ
Hadday calaamo arkaanna way ku jees jeesaan.
وَقَالُوٓا۟ إِنْ هَٰذَآ إِلَّا سِحْرٌ مُّبِينٌ
Waxayna dhahaan kani waxaan sixir cad ahayn ma aha.
أَءِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبْعُوثُونَ
Waxayna dhahaan ma markaan dhimanno oon carro noqonno iyo lafo yaa nala soo bixin.
أَوَءَابَآؤُنَا ٱلْأَوَّلُونَ
Aabayaalkannagii hore (iyagana ma la soo celin).
قُلْ نَعَمْ وَأَنتُمْ دَٰخِرُونَ
Waxaad dhahdaa haa waa laydin soo celin idinkoo waliba dullaysan.
فَإِنَّمَا هِىَ زَجْرَةٌ وَٰحِدَةٌ فَإِذَا هُمْ يَنظُرُونَ
Xaaladduna waa uun qaylo kaliya markaas, waxaa soo bixi dadkii oo wax eegi.
وَقَالُوا۟ يَٰوَيْلَنَا هَٰذَا يَوْمُ ٱلدِّينِ
Waxayna dhihi gaaladii halaaggannagee kan waa maalintii abaalmarinta.