صٓ وَٱلْقُرْءَانِ ذِى ٱلذِّكْرِ
Xarafka hore wuxuu ku tusin mucjisada (quraanka), quraanka sharafta leh yaan ku dhaarannay (waa laydin soo bixin).
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
صٓ وَٱلْقُرْءَانِ ذِى ٱلذِّكْرِ
Xarafka hore wuxuu ku tusin mucjisada (quraanka), quraanka sharafta leh yaan ku dhaarannay (waa laydin soo bixin).
بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فِى عِزَّةٍ وَشِقَاقٍ
Kuwii gaaloobayna waxay ku sugan yihiin isla wayni iyo khilaaf (xaqdiiddo).
كَمْ أَهْلَكْنَا مِن قَبْلِهِم مِّن قَرْنٍ فَنَادَوا۟ وَّلَاتَ حِينَ مَنَاصٍ
Immisaan halaagnay hortood ummad ay markaas dhawaaqeen waqti aan dhawaaq waxba tareynin.
وَعَجِبُوٓا۟ أَن جَآءَهُم مُّنذِرٌ مِّنْهُمْ وَقَالَ ٱلْكَٰفِرُونَ هَٰذَا سَٰحِرٌ كَذَّابٌ
Waxayna la yaabeen gaaladii inuu u yimaado dige ka mid ah waxayna dhaheen gaaladii kani waa sixirroow beenaale ah.
أَجَعَلَ ٱلْـَٔالِهَةَ إِلَٰهًا وَٰحِدًا إِنَّ هَٰذَا لَشَىْءٌ عُجَابٌ
Ma wuxuu ka dhigay ilaahyadii ilaah kaliya, arrintaasi waa wax lala yaabo.
وَٱنطَلَقَ ٱلْمَلَأُ مِنْهُمْ أَنِ ٱمْشُوا۟ وَٱصْبِرُوا۟ عَلَىٰٓ ءَالِهَتِكُمْ إِنَّ هَٰذَا لَشَىْءٌ يُرَادُ
Wuu kala tagay shirkii (madaxdii) ka midka ahayd, waxayna isu dhaheen war socda oo ku samra (ku sugnaada) ilaahyaalkiinna, arrintani waa wax laynala dooni (oo lagu tashaday).
مَا سَمِعْنَا بِهَٰذَا فِى ٱلْمِلَّةِ ٱلْـَٔاخِرَةِ إِنْ هَٰذَآ إِلَّا ٱخْتِلَٰقٌ
Manaan ku maqlin tanoo kale diintii kale (nasraaniyada) arintan Alle kaliya waa wax la been abuurtay.
أَءُنزِلَ عَلَيْهِ ٱلذِّكْرُ مِنۢ بَيْنِنَا بَلْ هُمْ فِى شَكٍّ مِّن ذِكْرِى بَل لَّمَّا يَذُوقُوا۟ عَذَابِ
Ma quraankaa lagu dajiyey isagoo na dhexjooga (annagaa ka mudan), waxayse kaga sugan yihiin quraankayga shaki, walina mayan dhadhamin cadaabkayga.
Alle wuxuu ku dhaartay inay gaalada makaad ku sugnaayeen khilaaf iyo kibir, iyadoo jirto inuu kuwo badan oo hortood gaaloobay Alle halaagay, calaacalna wax ma taro marka ruuxa xaqa diido oo ku tilmaamo cidda u yeedhi sixir iyo been iyo xumaan, mase wax lala yaabaa inuu Alle kali yahay, maxayse tari xumaan lagu madax adeygo iyo waxyaalo kale oo la caabudo iyo isla weynaan oon qiimo lahayn.
أَمْ عِندَهُمْ خَزَآئِنُ رَحْمَةِ رَبِّكَ ٱلْعَزِيزِ ٱلْوَهَّابِ
Ma agtooday tahay khasnadaha naxariista Allehaaga adkaada ee bixinta badan (khayrka).
أَمْ لَهُم مُّلْكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا فَلْيَرْتَقُوا۟ فِى ٱلْأَسْبَٰبِ
Mise waxaa u sugnaaday xukunka samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya, ha u koreen sallaanno xagga (samada).
جُندٌ مَّا هُنَالِكَ مَهْزُومٌ مِّنَ ٱلْأَحْزَابِ
Junuudda (colka) halkaas joogaana (gaalada) waa xisbiyo la jabin (laga adkaan).
كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَعَادٌ وَفِرْعَوْنُ ذُو ٱلْأَوْتَادِ
Waxaa beeniyey xaqan iyaga ka hor qoomkii (Nabi) Nuux iyo (reer) Caad iyo Fircoonkii tiirarka lahaa (xoogga weyn iyo boqortooyo sugan).
وَثَمُودُ وَقَوْمُ لُوطٍ وَأَصْحَٰبُ لْـَٔيْكَةِ أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلْأَحْزَابُ
Iyo reer Thamuud iyo qoomkii (Nabi) Luudh iyo asaxaabtii kaynta (qoomkii Nabi Shucayb), kuwaas waa xisbiyadii (xaqa beeniyey).
إِن كُلٌّ إِلَّا كَذَّبَ ٱلرُّسُلَ فَحَقَّ عِقَابِ
Midaan rasuullada beenin ma jiro, markaasay ciqaabtaydii ku dhacday.
وَمَا يَنظُرُ هَٰٓؤُلَآءِ إِلَّا صَيْحَةً وَٰحِدَةً مَّا لَهَا مِن فَوَاقٍ
Kuwaasuna (gaaladii makaad) ma sugayaan waxaan hal qaylo ahayn, mana laha celin iyo sugid (mudda yar) midna.
وَقَالُوا۟ رَبَّنَا عَجِّل لَّنَا قِطَّنَا قَبْلَ يَوْمِ ٱلْحِسَابِ
Waxayna dhaheen gaaladii Allow noo dadaji qaybtannada (ciqaabta) maalinta xisaabta ka hor (qiyaamada).
Khayr iyo wanaag Alle agtiisa yey yaallaan, cid wax ka og ama ku tasarrufi karta naxariista Alle oon isaga ahayn ma jirto, xukunka cirka iyo dhulka iyo waxa khalqi ah ee u dhaxeeyana Alle ayaa iska leh, si kastoo gaalo isugu daydo inay ogaato waxa Alle u qarsoonna uma suurowdo, ee jabaa u danbeyn sidii gaaladii horeba loo halaagay, ciqaab soo dadajinna wax Alle la warsado ma aha; maxaa yeeley dhab ahaan buu ruux walba ula kulmi wuxuu camal falay, Ibnu Jariir wuxuu yidhi: waxay warsadeen in adduunka loogu soo dadajiyo waxay mutaan khayr iyo sharba.
ٱصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَٱذْكُرْ عَبْدَنَا دَاوُۥدَ ذَا ٱلْأَيْدِ إِنَّهُۥٓ أَوَّابٌ
Ku samir (u adkayso) waxay sheegi xusuusana addoonkaygii Daa’uud ahaa ee xoogga lahaa, (xagga daacada Alle), wuxuuna ahaa noqosho (toobad keen) badane.
إِنَّا سَخَّرْنَا ٱلْجِبَالَ مَعَهُۥ يُسَبِّحْنَ بِٱلْعَشِىِّ وَٱلْإِشْرَاقِ
Annagaa u sakhirray (u fududaynay) buuraha, wayna la tasbiixsadaan galab iyo subaxba.
وَٱلطَّيْرَ مَحْشُورَةً كُلٌّ لَّهُۥٓ أَوَّابٌ
Shimbirahana waa loo kulmiyey, dhammaantoodna waxay u noqdaan (adeecaan) Alle.
وَشَدَدْنَا مُلْكَهُۥ وَءَاتَيْنَٰهُ ٱلْحِكْمَةَ وَفَصْلَ ٱلْخِطَابِ
Waana adkaynay xukunkiisa (Daa’uud) waxaanna siinney xigmad (Nabinnimo) iyo fahmo iyo hadal caddayn (iyo garsoorid).