تَنزِيلُ ٱلْكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَكِيمِ
Soo dajinta kitaabka (quraanka) wuxuu ka ahaadey xagga Allaha adkaada ee falka san.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
تَنزِيلُ ٱلْكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَكِيمِ
Soo dajinta kitaabka (quraanka) wuxuu ka ahaadey xagga Allaha adkaada ee falka san.
إِنَّآ أَنزَلْنَآ إِلَيْكَ ٱلْكِتَٰبَ بِٱلْحَقِّ فَٱعْبُدِ ٱللَّهَ مُخْلِصًا لَّهُ ٱلدِّينَ
Annagaana kuugu soo dajinnay Nabiyow kitaabka si xaq ah, ee caabud Alle adoo u kali yeeli diinta.
أَلَا لِلَّهِ ٱلدِّينُ ٱلْخَالِصُ وَٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِهِۦٓ أَوْلِيَآءَ مَا نَعْبُدُهُمْ إِلَّا لِيُقَرِّبُونَآ إِلَى ٱللَّهِ زُلْفَىٰٓ إِنَّ ٱللَّهَ يَحْكُمُ بَيْنَهُمْ فِى مَا هُمْ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهْدِى مَنْ هُوَ كَٰذِبٌ كَفَّارٌ
Diinta khaaliska ahna waxay u sugnaatey Alle, kuwa ka yeesha Alle ka sokow awliyo waxay odhan uma caabudno inay Alle noo dhaweeyaan mooyee dhawaansho, Alle ayaana kala xukumi dadka dhexdooda waxay isku diiddanaayeen, Alle na ma hanuuniyo been badane gaalnimo badan.
لَّوْ أَرَادَ ٱللَّهُ أَن يَتَّخِذَ وَلَدًا لَّٱصْطَفَىٰ مِمَّا يَخْلُقُ مَا يَشَآءُ سُبْحَٰنَهُۥ هُوَ ٱللَّهُ ٱلْوَٰحِدُ ٱلْقَهَّارُ
Hadduu doono Alle inuu yeesho ilmo wuxuu ka dooran lahaa wuxuu abuuro wuxuu doono, waa nazahan yahey, waana Allaha kalida ah ee awoodda badan.
خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِٱلْحَقِّ يُكَوِّرُ ٱلَّيْلَ عَلَى ٱلنَّهَارِ وَيُكَوِّرُ ٱلنَّهَارَ عَلَى ٱلَّيْلِ وَسَخَّرَ ٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ كُلٌّ يَجْرِى لِأَجَلٍ مُّسَمًّى أَلَا هُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْغَفَّٰرُ
Isagaa abuuray samooyinka iyo dhulkaba si dhab ah, wuxuuna habeenka ku daboolaa maalinta, maalintana ku daboolaa habeenka, wuxuuna sakhiray qorraxda iyo dayaxa, mid walbana wuxuu ku socdaa muddo magacaaban, Alle na waa adkaade dambi dhaaf badan.
Alle wuxuu ka warramey sida meelo badan aan ku soo marray sharafta quraanka iyo weynidiisaba, maxaa yeeley waxaa soo dajiyey oo ku hadley Allaha weyn ee xigmada badan, sidaas daraaddeed yey waajib tahay in la raaco quraankaas Alle na si dhab ah loo caabudo, ciddii caabudda wax isaga ka soo hadhayna waxay la kulmi khasaare iyo qoomammo, maxaa yeeley Alle waxaa loogu dhawaadaa camal fiican, mana liibaano beenaale iyo gaal midna. Alle na waa ka kaaftoon yahay inuu yeesho ilmo, hadduu doonana waxuuu ka yeelan lahaa wuxuu rabo, waase ka nasahan yahay umana baahna, maxaa yeeley waa Allaha awoodda leh ee abuuray cirka, dhulka, habeenka, maalinta, qorraxda iyo dayaxaba, dhammaantoodna u sakhirey sidii loo abuurey.
خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَٰحِدَةٍ ثُمَّ جَعَلَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَأَنزَلَ لَكُم مِّنَ ٱلْأَنْعَٰمِ ثَمَٰنِيَةَ أَزْوَٰجٍ يَخْلُقُكُمْ فِى بُطُونِ أُمَّهَٰتِكُمْ خَلْقًا مِّنۢ بَعْدِ خَلْقٍ فِى ظُلُمَٰتٍ ثَلَٰثٍ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمْ لَهُ ٱلْمُلْكُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ فَأَنَّىٰ تُصْرَفُونَ
Wuxuu idinka abuurey naf kaliya (Nabi Aadam) markaasuu Alle ka yeeley (ka abuurey) xagga Aadam haweeneydiisi (Xaawo) wuxuuna Alle idiin soo dajiyey xoolaha siddeed nooc oo ka mid ah, wuxuuna idinku abuurey uurka hooyadiin abuurid ka dambeyso abuurid saddex mugdi dhexdooda saasna waxaa yeela Allaha idin barbaariya, isagaana iska leh xukunka, macbuud xaq ah ma jiro Allaah mooye, ee xaggee laydiinka iili (xaqa).
إِن تَكْفُرُوا۟ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَنِىٌّ عَنكُمْ وَلَا يَرْضَىٰ لِعِبَادِهِ ٱلْكُفْرَ وَإِن تَشْكُرُوا۟ يَرْضَهُ لَكُمْ وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُم مَّرْجِعُكُمْ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ إِنَّهُۥ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
Haddaad gaalowdaan dadow Alle waa idinka kaaftoomey, ugamana raalli aha addoommadiisa gaalnimo, haddaad ku mahdisaanna wuu idin ka raalli noqon, nafna naf kale danbigeeda ma qaaddo, waxaana leydiin celin Allihiin xaggiisa, wuxuuna idiin ka warrami waxaad camal fasheen, wuuna ogyahey waxa laabta (qalbiga) ku sugan.
وَإِذَا مَسَّ ٱلْإِنسَٰنَ ضُرٌّ دَعَا رَبَّهُۥ مُنِيبًا إِلَيْهِ ثُمَّ إِذَا خَوَّلَهُۥ نِعْمَةً مِّنْهُ نَسِىَ مَا كَانَ يَدْعُوٓا۟ إِلَيْهِ مِن قَبْلُ وَجَعَلَ لِلَّهِ أَندَادًا لِّيُضِلَّ عَن سَبِيلِهِۦ قُلْ تَمَتَّعْ بِكُفْرِكَ قَلِيلًا إِنَّكَ مِنْ أَصْحَٰبِ ٱلنَّارِ
Markuu dadka taabto dhib wuxuu baryaa Allehiis isagoo u noqon, mar kuuse nicmo siiyo wuu illoobaa wuxuu baryey horey, wuxuuna u yeelaa Alle shariigyo si uu uga baadiyeeyo (kaasi) jidka Alle, waxaad dhahdaa ku raaxayso gaalnimadaada wax yar waxaad ka mid tahay ehelu naarke.
Wuxuu Alle halkan ku taxay nicmooyin badan oos u nicmeeyey addoommadiisa, taasoo ah abuuriddiisa xoolaha uu inoo abuurey, uurka hooyoo innagu nooleeyey innaguna abuuray mugdiyo saddex ah dhexdood, hadduu dadkoo dhan gaaloobana Alle wax ma yeeleyso, mana rabo gaalnimo mahaddoodana wuu jecel yahay nafina mid kale dambigeed ma qaaddo, xagga Alle ayaana loo noqon ruux walbana wuxuu uga warrami wuxuu camal faley, illeen wax walba waa ogyahay, mana habboona in dhibkana Alle la xusuusto ladnaantana la halmaamo loona yeelo shariigyo, cidda saas yeeshana waxyar bey aduunka ku raaxaysan naarna way gali.
أَمَّنْ هُوَ قَٰنِتٌ ءَانَآءَ ٱلَّيْلِ سَاجِدًا وَقَآئِمًا يَحْذَرُ ٱلْـَٔاخِرَةَ وَيَرْجُوا۟ رَحْمَةَ رَبِّهِۦ قُلْ هَلْ يَسْتَوِى ٱلَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَٱلَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُو۟لُوا۟ ٱلْأَلْبَٰبِ
Ruux tukan oo Alle adeeca saacadaha habeenka isagoo sujuudsan oo taagan kana digtoon aakhiro quudarreynayana naxariista Allehiis (ma la mid baa cidaan saas faleynin). Waxaad dhahdaa: Nabiyow ma eg yihiin kuwa wax yaqaanna iyo kuwaan wax aqoonnin, waxaa uun waantoomi kuwa caqliga leh.
قُلْ يَٰعِبَادِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱتَّقُوا۟ رَبَّكُمْ لِلَّذِينَ أَحْسَنُوا۟ فِى هَٰذِهِ ٱلدُّنْيَا حَسَنَةٌ وَأَرْضُ ٱللَّهِ وَٰسِعَةٌ إِنَّمَا يُوَفَّى ٱلصَّٰبِرُونَ أَجْرَهُم بِغَيْرِ حِسَابٍ
Waxaad dhahdaa Nabiyow addoommadeyda xaqa rumeeyow ka dhowrsada Allihiin, ciddii wanaag fashana addoommadeyda waxaa u sugnaadey wanaag, dhulka Alle na waa waasac (ee ku caabuda) waxaa uun loo oofiyaa (dhammeeyaa) kuwa samra ajrigooda xisaab la’aan.
قُلْ إِنِّىٓ أُمِرْتُ أَنْ أَعْبُدَ ٱللَّهَ مُخْلِصًا لَّهُ ٱلدِّينَ
Waxaad dhahdaa Nabiyow waxaa lay faray inaan caabudo Alle anoo u kali yeeli diinta.
وَأُمِرْتُ لِأَنْ أَكُونَ أَوَّلَ ٱلْمُسْلِمِينَ
Waxaana ley faray inaan noqdo kan ugu horreeya muslimiinta.
Dhab ahaan ma sinna mana eka ruux Alle ka yaaba kuna dadaala khayrka iyo wanaagga iyo mid xumaanta qasta oon Alleba xusuusan, sideyna u ekeyn ruux cilmi wax anfaca oos Alle ugu dhawaado yaqaan iyo mid jaahil ah oon wax aqoon iskana dhaga la’ sidoo kale ma eka ruux caqli badan oo Alle iyo abaalmarintiisa xusuusan iyo midaan xilba iska saarin. Alle na wuxuu faray addoommadiisa inay ka dhawrsadaan, wanaagna falaan si ay wanaagga u helaan, samirkooda ajirkiisana xisaab la’aan loogu oofiyo, caabudiddana loo kali yeelo Alle isagoo lagu dayan Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee) madaxda iyo hanuunka u ahaa ummadda. Imaam Awsaaci wuxuu yidhi: kuwa samra ajriga looma miisaamo loomana miiso ee waa loo daraa.
قُلْ إِنِّىٓ أَخَافُ إِنْ عَصَيْتُ رَبِّى عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ
Waxaad dhahdaa Nabiyoow anigu waxaan ka cabsan haddaan caasiyo Rabbigay cadaab maalin weyn.
قُلِ ٱللَّهَ أَعْبُدُ مُخْلِصًا لَّهُۥ دِينِى
Waxaad dhahdaa Alle uun baan caabudi anoo u kali yeeli diintayda.
فَٱعْبُدُوا۟ مَا شِئْتُم مِّن دُونِهِۦ قُلْ إِنَّ ٱلْخَٰسِرِينَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ وَأَهْلِيهِمْ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ أَلَا ذَٰلِكَ هُوَ ٱلْخُسْرَانُ ٱلْمُبِينُ
Ee caabuda gaaloy waxaad doontaan Alle ka sokow, waxaadna dhahdaa kuwa khasaaray waa kuwa khasaaray naftooda iyo ehelkoodii maalinta qiyaame, taasina waa khasaaraha cad.
لَهُم مِّن فَوْقِهِمْ ظُلَلٌ مِّنَ ٱلنَّارِ وَمِن تَحْتِهِمْ ظُلَلٌ ذَٰلِكَ يُخَوِّفُ ٱللَّهُ بِهِۦ عِبَادَهُۥ يَٰعِبَادِ فَٱتَّقُونِ
Korkooda waxaa ah lakabyo naar ah, hoostoodana waxaa ah lakabyo (hoosyaal) naar ah, kaasina waa waxa Alle ku cabsi galiyo (ugu digo) addoommadiisa ee addoommadeydoow iga dhawrsada.
وَٱلَّذِينَ ٱجْتَنَبُوا۟ ٱلطَّٰغُوتَ أَن يَعْبُدُوهَا وَأَنَابُوٓا۟ إِلَى ٱللَّهِ لَهُمُ ٱلْبُشْرَىٰ فَبَشِّرْ عِبَادِ
Kuwa ka fogaaday inay caabudaan shaydaan (iyo xuma fare) oo Alle u noqday waxaa u sugnaaday bishaaro ee u bishaaree addoommadayda.
ٱلَّذِينَ يَسْتَمِعُونَ ٱلْقَوْلَ فَيَتَّبِعُونَ أَحْسَنَهُۥٓ أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ هَدَىٰهُمُ ٱللَّهُ وَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمْ أُو۟لُوا۟ ٱلْأَلْبَٰبِ
Ee ah kuwa dhageysta hadalka oo raaca kiisa fiican, kuwaasna waa kuwa Alle hanuuniyey, kuwaasna iyaga uun baa ah kuwa caqliga leh.
Hadduu Alle faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee) inuusan Alle khilaafin cibaadadana u kali yeelo waxay ku tusin inuu dadka kalena ka daran yahay, jidkuna waa cad yahay cid walbana waa aragtaa, waxaase khasaara dhab ah ku dhacday kuwa ay kala tagaan isna waayaan ehelkoodii maalinta qiyaame naarna galaan, waana khasaare mid la mid ah uusan jirin mar hadday naaru kor iyo hoosba ka koobtay, kuwa mu’miniinta dhabta ah ee caqliga badan bishaarada muta waa kuwaan raacin caabudinna wax Alle ka soo hadhay oo shaydaan kasta ah iyo wax kastoon xaq ahayn, aayadduna waxay ka digi in xumaan leysku raaco. Ibnu Cabaas waxaa laga wariyey: kuwaasi waa kuwa markey maqlaan xumaan iyo samaan ka warrama samaanta, kana taga xumaanta oon ka sheekeeynin.
أَفَمَنْ حَقَّ عَلَيْهِ كَلِمَةُ ٱلْعَذَابِ أَفَأَنتَ تُنقِذُ مَن فِى ٱلنَّارِ
Ruuxay u waajibtay ereyga cadaab ma adaa Nabiyoow ka korin (oo badbaadin) cid naar gali.
لَٰكِنِ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوْا۟ رَبَّهُمْ لَهُمْ غُرَفٌ مِّن فَوْقِهَا غُرَفٌ مَّبْنِيَّةٌ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ وَعْدَ ٱللَّهِ لَا يُخْلِفُ ٱللَّهُ ٱلْمِيعَادَ
Kuwa ka dhawrsaday Rabbigoodse waxay mudan qawlado (janno) oo qawlada kale ka korreeyaan si fiicanna (u dhisan), waxaana dhexsocda wabiyaalkii, waana yabooh Alle, mana baajiyo Alle yaboohiisa.