يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱتَّقُوا۟ رَبَّكُمُ ٱلَّذِى خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَٰحِدَةٍ وَخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَبَثَّ مِنْهُمَا رِجَالًا كَثِيرًا وَنِسَآءً وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ ٱلَّذِى تَسَآءَلُونَ بِهِۦ وَٱلْأَرْحَامَ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَيْكُمْ رَقِيبًا
Dadow ka dhawrsada Allihiinna idinka abuuray naf kaliya (Aadam) kana abuuray xaggeeda haweenaydeeda (Xaawo) kana abuuray xaggooda rag badan iyo haweenba, ka dhawrsada Allihiinna aad wax isku warsataan iyo qaraabada, Alle na wuxuu u yahay korkiinna ilaaliye.
وَءَاتُوا۟ ٱلْيَتَٰمَىٰٓ أَمْوَٰلَهُمْ وَلَا تَتَبَدَّلُوا۟ ٱلْخَبِيثَ بِٱلطَّيِّبِ وَلَا تَأْكُلُوٓا۟ أَمْوَٰلَهُمْ إِلَىٰٓ أَمْوَٰلِكُمْ إِنَّهُۥ كَانَ حُوبًا كَبِيرًا
Siiya agoonta xoolahooda hana ku baddalina xumaan wanaag, hana cunina xoolahooda la jirka xoolihiinna, taasina waa dambi weyn.
وَإِنْ خِفْتُمْ أَلَّا تُقْسِطُوا۟ فِى ٱلْيَتَٰمَىٰ فَٱنكِحُوا۟ مَا طَابَ لَكُم مِّنَ ٱلنِّسَآءِ مَثْنَىٰ وَثُلَٰثَ وَرُبَٰعَ فَإِنْ خِفْتُمْ أَلَّا تَعْدِلُوا۟ فَوَٰحِدَةً أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَٰنُكُمْ ذَٰلِكَ أَدْنَىٰٓ أَلَّا تَعُولُوا۟
Haddaad ka cabsataan inaydaan ku cadaalad falin agoonta guursada wixii idiin wanaagsan oo haween ah, labo, saddex iyo afar, haddaad ka cabsataan inaydaan caddaalad falin mid kaliya (guursada) ama waxay hanatay gacmihiinnu, saasaa u dhaw inaydaan jawr faline.
وَءَاتُوا۟ ٱلنِّسَآءَ صَدُقَٰتِهِنَّ نِحْلَةً فَإِن طِبْنَ لَكُمْ عَن شَىْءٍ مِّنْهُ نَفْسًا فَكُلُوهُ هَنِيٓـًٔا مَّرِيٓـًٔا
Siiya haweenka meherkooda isagoo waajib ah hadday idiinka raali noqoto wax ka mid ah naftoodu cuna idinkoo shifaysan oo kadban.
Tafsiirka aayadaha 1–4
Suuraddu waa suurad weyn oo daryeeli xaqa haweenka iyo agoonta iyo kuwa kale waxayna fari in Alle laga dhawrsado illeen waa kan naf kaliya dadka ka abuuraye, taasoo ah Nabi Aadam, waxaa kaloo beenaalayaashu ka sheegi abuurka dadka waa waxaan jirin, sidoo kale waxay fartay dhawridda xaqa qaraabaada, agoonta, guurka oo lagu caddaalad falo haddaan la karayna mid kaliya la guursado, iyo in haweenka la siiyo meherkooda waxay ka raalli noqdaan mooyee, diinta lslaamkuna wax badan bay ka digtay dhibka agoonta iyo haweenka, waxaa sugnaaday: u caabud Alle sidii adoo arka, haddaadan arkin isagaa ku arkee. (Bukhari iyo Muslim). Sidaas darteed waa in la dhawraa xuquuqda dadka gaar ahaan agoonta oon la cunin xoolahooda loona wanaag falo, iyo haweenka oo la siiyo xaqooda iyo maherkooda lana dulmiyin.
وَلَا تُؤْتُوا۟ ٱلسُّفَهَآءَ أَمْوَٰلَكُمُ ٱلَّتِى جَعَلَ ٱللَّهُ لَكُمْ قِيَٰمًا وَٱرْزُقُوهُمْ فِيهَا وَٱكْسُوهُمْ وَقُولُوا۟ لَهُمْ قَوْلًا مَّعْرُوفًا
Ha siinnina sufahada (aan is maamuli karin) xoolihiinna Alle idiinka yeelay tu noloshiinnu ku taagan tahay, ka quudiya kana arrad bixiya una dhaha hadal fiican.
وَٱبْتَلُوا۟ ٱلْيَتَٰمَىٰ حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغُوا۟ ٱلنِّكَاحَ فَإِنْ ءَانَسْتُم مِّنْهُمْ رُشْدًا فَٱدْفَعُوٓا۟ إِلَيْهِمْ أَمْوَٰلَهُمْ وَلَا تَأْكُلُوهَآ إِسْرَافًا وَبِدَارًا أَن يَكْبَرُوا۟ وَمَن كَانَ غَنِيًّا فَلْيَسْتَعْفِفْ وَمَن كَانَ فَقِيرًا فَلْيَأْكُلْ بِٱلْمَعْرُوفِ فَإِذَا دَفَعْتُمْ إِلَيْهِمْ أَمْوَٰلَهُمْ فَأَشْهِدُوا۟ عَلَيْهِمْ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ حَسِيبًا
Imtixaamana agoonta markay gaadhaan guur, haddaad ku aragtaan (ogaataan) xil kasnimo siiya iyaga xoolahooda hana u cunina xad gudub iyo ka degdagis intayna weynaan, ruuxii hodan ah ha dhawrsado ruuxii faqiir ahna ha ka cuno si wanaagsan, markaad u dhiibtaan xoolahooda marag u yeela, waana ku filan yahay Alle xisaabiye.
لِّلرِّجَالِ نَصِيبٌ مِّمَّا تَرَكَ ٱلْوَٰلِدَانِ وَٱلْأَقْرَبُونَ وَلِلنِّسَآءِ نَصِيبٌ مِّمَّا تَرَكَ ٱلْوَٰلِدَانِ وَٱلْأَقْرَبُونَ مِمَّا قَلَّ مِنْهُ أَوْ كَثُرَ نَصِيبًا مَّفْرُوضًا
Ragga waxaa u sugnaaday qayb ka mid ah waxay ka tageen labada waalid iyo qaraabadu, haweenkana waxaa u sugnaaday qayb ka mid ah waxay ka tageen labada waalid iyo qaraabadu kiisa yar iyo kiisa badanba, isagoo ah qaddar la waajibiyey.
Tafsiirka aayadaha 5–7
Dadka muslimka ah waa mid kaliya, waana inay is dhaqaaleeyaan, ciddii xoolo leh oon is maamuli karin waa in gacanta loogu hayaa, laguna dhaqaaleeyaa, lana imtixaamo markay qaangaadhaan hadday maamuli karaanna loo dhiibo, oon loona cunin xadgudub iyo ka deg degid weynaansho, ruuxii hodan ah ha dhawrsado, kii faqiir ahna ha ka cuno si dhawrid ah, marka xoolaha la siinna marag ha loo yeelo isagoo Alle xisaabiye ku filan yahay. Rag iyo haween mid kastaa qaybuu ku leeyahay waxay ka tagaan waalidkood, ama qaraabadii yaraa iyo badnaaba, waa qader xukuman. Waxaa sugnaatay in nin u yimid Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuuna ku yidhi: waxaan hayaa agoon xoola leh anna xoolo ma lihi ee wax ma ka cunaa, wuxuuna ku yidhi: ka cun si fiican oon xad gudub ahayn. Taasina waxay ku tusin dhawridda xuquuqda dadka tabarta yar, iyo ilalinta arrimahooda, iyo inaan lagu xad gudbin.
وَإِذَا حَضَرَ ٱلْقِسْمَةَ أُو۟لُوا۟ ٱلْقُرْبَىٰ وَٱلْيَتَٰمَىٰ وَٱلْمَسَٰكِينُ فَٱرْزُقُوهُم مِّنْهُ وَقُولُوا۟ لَهُمْ قَوْلًا مَّعْرُوفًا
Hadday qaybinta joogaan qaraabo, agoon iyo masaakiin (aan dhaxlayn) wax ka siiya una dhaha hadal wanaagsan.
وَلْيَخْشَ ٱلَّذِينَ لَوْ تَرَكُوا۟ مِنْ خَلْفِهِمْ ذُرِّيَّةً ضِعَٰفًا خَافُوا۟ عَلَيْهِمْ فَلْيَتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَلْيَقُولُوا۟ قَوْلًا سَدِيدًا
Hana ka cabsadeen Allaah kuwa hadday kaga tagaan gadaashooda caruur tabar yar cabsan lahaa, hana ka dhawrsadeen Alle hana dheheen hadal toosan.
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَأْكُلُونَ أَمْوَٰلَ ٱلْيَتَٰمَىٰ ظُلْمًا إِنَّمَا يَأْكُلُونَ فِى بُطُونِهِمْ نَارًا وَسَيَصْلَوْنَ سَعِيرًا
Kuwa u cunaya xoolaha agoonta dulmi (xaq darro) waxay uun ku cunayaan calooshooda naar waxayna gali saciiro.
يُوصِيكُمُ ٱللَّهُ فِىٓ أَوْلَٰدِكُمْ لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ ٱلْأُنثَيَيْنِ فَإِن كُنَّ نِسَآءً فَوْقَ ٱثْنَتَيْنِ فَلَهُنَّ ثُلُثَا مَا تَرَكَ وَإِن كَانَتْ وَٰحِدَةً فَلَهَا ٱلنِّصْفُ وَلِأَبَوَيْهِ لِكُلِّ وَٰحِدٍ مِّنْهُمَا ٱلسُّدُسُ مِمَّا تَرَكَ إِن كَانَ لَهُۥ وَلَدٌ فَإِن لَّمْ يَكُن لَّهُۥ وَلَدٌ وَوَرِثَهُۥٓ أَبَوَاهُ فَلِأُمِّهِ ٱلثُّلُثُ فَإِن كَانَ لَهُۥٓ إِخْوَةٌ فَلِأُمِّهِ ٱلسُّدُسُ مِنۢ بَعْدِ وَصِيَّةٍ يُوصِى بِهَآ أَوْ دَيْنٍ ءَابَآؤُكُمْ وَأَبْنَآؤُكُمْ لَا تَدْرُونَ أَيُّهُمْ أَقْرَبُ لَكُمْ نَفْعًا فَرِيضَةً مِّنَ ٱللَّهِ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًا
Wuxuu idiin dardaarmi Alle caruurtiinna; kan lab wuxuu mudan yahay qaybta labo dhadig oo kale, hadday yihiin haween ka sarreeya labo waxay mudan saddex meelood laba meel wuxuu ka tagay, hadday tahay mid waxay mudan nus, labada waalidna mid kastoo ka mid ah wuxuu mudan sudus (lix meelood meel) hadduu ka dhintay (ilmahoodu) caruur, hadduu caruur lahayn oy dhaxlayaan labada waalid hooyadu waxay mudan saddex meelood meel, hadduu walaalo leeyahay hooyadu waxay mudan sudus, dardaaranka iyo daynta ka dib, aabayaalkiinna iyo wiilashana ma ogidin kooda idinku dhaw nacfi, waa faralyeel "qaddaraad" Alle, ilaahayna waa oge falsan.
Tafsiirka aayadaha 8–11
Aayadda hore waxay fari in hadday qaybta joogaan dad aan dhaxalka lahayn oo qaraabo, agoon iyo masaakiin ah wax laga siiyo, tan kalana in la dhaqaaleeyo caruurta tabar yar sidaad u jeceshahay in haddaad ka tagto iyagoo kale loo dhaqaaleeyo, iyo inaan la cunin xoolaha agoonta ciddi cuntana waxay cuni naar, aayadda dambana waxay caddaysay dhaxalka waxayna ka mid tahay saddexda aayadood ee suuraddan ku sugan ee ka warramay dhaxalka, barashada dhaxalkana waxaa ku soo arooray isku boorrin, sida: cilmigu waa saddex waxa ka soo hadhay waa siyaado: aayad sugan, sunno taagan, ama fariido caadil ah, waxaa kaloo soo aroortay: barta faraa’isha barana dadka waa cilmiga nuskiiye, waana la halmaami, waana waxa ugu horreeya ee laga siibi umaddayda. (Labada xadiith ba ma xoog badna). Saasaana loo caddeeyey oo loo muujiyey.
وَلَكُمْ نِصْفُ مَا تَرَكَ أَزْوَٰجُكُمْ إِن لَّمْ يَكُن لَّهُنَّ وَلَدٌ فَإِن كَانَ لَهُنَّ وَلَدٌ فَلَكُمُ ٱلرُّبُعُ مِمَّا تَرَكْنَ مِنۢ بَعْدِ وَصِيَّةٍ يُوصِينَ بِهَآ أَوْ دَيْنٍ وَلَهُنَّ ٱلرُّبُعُ مِمَّا تَرَكْتُمْ إِن لَّمْ يَكُن لَّكُمْ وَلَدٌ فَإِن كَانَ لَكُمْ وَلَدٌ فَلَهُنَّ ٱلثُّمُنُ مِمَّا تَرَكْتُم مِّنۢ بَعْدِ وَصِيَّةٍ تُوصُونَ بِهَآ أَوْ دَيْنٍ وَإِن كَانَ رَجُلٌ يُورَثُ كَلَٰلَةً أَوِ ٱمْرَأَةٌ وَلَهُۥٓ أَخٌ أَوْ أُخْتٌ فَلِكُلِّ وَٰحِدٍ مِّنْهُمَا ٱلسُّدُسُ فَإِن كَانُوٓا۟ أَكْثَرَ مِن ذَٰلِكَ فَهُمْ شُرَكَآءُ فِى ٱلثُّلُثِ مِنۢ بَعْدِ وَصِيَّةٍ يُوصَىٰ بِهَآ أَوْ دَيْنٍ غَيْرَ مُضَآرٍّ وَصِيَّةً مِّنَ ٱللَّهِ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَلِيمٌ
Waxaa idiin sugnaaday nus waxay ka tagaan haweenkiinnu haddayna ilmo lahayn, haddayse la haayeen ilmo waxaad leedihiin rubuc (afar meelood meel) waxay ka tagaan dardaaran ay dardaarmeen iyo dayn ka dib, haweenkuna waxay mudan rubuc (afar meelood meel) waxaad ka tagteen haddaydaan ilmo lahayn, haddaad ilmo leedihiin waxay mudan thumun (siddeed meelood meel) waxaad ka tagtaan, dardaaran aad dardaarmaysaan iyo dayn ka dib, hadduu yahay ninku mid la dhaxli waalid iyo ilmo la’aan ama haweenaydu isagoo leh walaal ama walaashiis mid kasta wuxuu mudan sudus (lix meelood meel hadday la hooya yihiin) hadday yihiin wax ka badan intaas waxay wadaagi thuluth (saddex meelood meel) dardaaran la dardaarmo iyo dayn ka dib, isagoon dardaaranka cidna lagu dhibayn, waana dardaaran Alle, Ilaahayna waa oge dulsan.
Tafsiirka aayadda 12
Aayaddanna waa aayadda kale ee caddaysay dhaxalka, iyo in cid walba la siin waxay mudatay marka laga bixiyo dardaaranka iyo daynta, waana arrin Alle adkeeyey caddeeyeyna, Rasuulkana (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: Alle wuxuu siiyay ruux kastaba xaqiisa ee ma jiro u dardaaran mid wax dhaxli. (Waa saxiix). Waxaa kaloo sugnaatay dardaaranka oo laysku dhibo waa dambiyada waaweyn. Sidaas darteed waa in cid walba la siiyo wixii Alle u sugay, dardaaran iyo kala jeclaysina inaan lagu dhibin ruux xaqiis, illeen Alle ayaa saas faraye, waana in la maqlaa amarkiisa si loo liibaano aakhiro iyo adduunba.
تِلْكَ حُدُودُ ٱللَّهِ وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ يُدْخِلْهُ جَنَّٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا وَذَٰلِكَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ
Taasi waa xuduud Alle, ruuxii adeeca Alle iyo Rasuulkiisa wuxuu galin jannooyin ay dareeri dhexdeeda wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, taasina waa liibaan weyn.
وَمَن يَعْصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَيَتَعَدَّ حُدُودَهُۥ يُدْخِلْهُ نَارًا خَٰلِدًا فِيهَا وَلَهُۥ عَذَابٌ مُّهِينٌ
Ruuxiise caasiya Alle iyo Rasuulkiisa oo tallaaba xuduudiisa wuxuu galin naar isagoo ku waari dhexdeeda, wuxuuna mudan cadaab wax dulleeya.
وَٱلَّٰتِى يَأْتِينَ ٱلْفَٰحِشَةَ مِن نِّسَآئِكُمْ فَٱسْتَشْهِدُوا۟ عَلَيْهِنَّ أَرْبَعَةً مِّنكُمْ فَإِن شَهِدُوا۟ فَأَمْسِكُوهُنَّ فِى ٱلْبُيُوتِ حَتَّىٰ يَتَوَفَّىٰهُنَّ ٱلْمَوْتُ أَوْ يَجْعَلَ ٱللَّهُ لَهُنَّ سَبِيلًا
Kuwa la imaan xumaan (zino) oo haweenkiinna ka mid ah, marag uga dhiga afar idinka mid ah, hadday ku marag kacaan ku haya guryaha intay ka disho geeridu ama u yeelo Alle waddo.
وَٱلَّذَانِ يَأْتِيَٰنِهَا مِنكُمْ فَـَٔاذُوهُمَا فَإِن تَابَا وَأَصْلَحَا فَأَعْرِضُوا۟ عَنْهُمَآ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ تَوَّابًا رَّحِيمًا
Labadii la timaadda xumaanta (zinada) oo idinka mid ah dhiba haddayse toobad keenaan ooy wanaagsanaadaan ka jeedsada xaggooda, Alle na waa toobad aqbale naxariista.
Tafsiirka aayadaha 13–16
Aayadaha la soo sheegay waxay caddeeyeen qaddar iyo qaybta ruux kasta iyo in Alle ruuxba qayb siiyay, u dhawaanshaha ruuxa dhintay iyo dhibaatadiisa wuxuuna faray inaan la tallaabin xuduudaas Alle oon cidna loo badinnin midna loo yareynin, waase in loo daayo xukunka Alle iyo qaybintiisa, ciddii sidaas fulisana abaalkeedu waa janno, tii ka leexatana waxay mudan ciqaab daran iyo cadaab wax dulleeya. Tan kale islaamku markuu bilaawday hadday haweenaydu xumaan zino ku kacdo marag baa loo yeeli jiray gurigana way iska joogi jirtay intay ka dhimato ama sharci caddeeyo xaalkeeda, labada kala zinaysatana waxaa lagu ciqaabi jiray dhib aan saas u weynayn, hase yeeshee waxaa ku soo dagay arrintaas xukun ah in ciddii ku kacda xaalkaas isagoo horay wax u guursaday isna arkeen lagu ciqaabi dhagax lagu dilo, kuwaan hadda ka hor guursanninna boqol ulood lagu dhufto, saasuu Rasuulku (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) yidhi: iga qaata labada bikaarada ah waa boqol ulood, labada wax guursatayna waa boqol ulood iyo dhagax lagu dilo. (Muslim)
إِنَّمَا ٱلتَّوْبَةُ عَلَى ٱللَّهِ لِلَّذِينَ يَعْمَلُونَ ٱلسُّوٓءَ بِجَهَٰلَةٍ ثُمَّ يَتُوبُونَ مِن قَرِيبٍ فَأُو۟لَٰٓئِكَ يَتُوبُ ٱللَّهُ عَلَيْهِمْ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمًا
Toobadda (aqbalkeeda) waxay Alle uga ahaatay kuwa fala xumaha iyagoo jaahil ah markaas toobad keena waqti dhaw kuwaas wuu ka toobad aqbalaa Alle korkooda, Alle na waa oge falsan.
وَلَيْسَتِ ٱلتَّوْبَةُ لِلَّذِينَ يَعْمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ حَتَّىٰٓ إِذَا حَضَرَ أَحَدَهُمُ ٱلْمَوْتُ قَالَ إِنِّى تُبْتُ ٱلْـَٰٔنَ وَلَا ٱلَّذِينَ يَمُوتُونَ وَهُمْ كُفَّارٌ أُو۟لَٰٓئِكَ أَعْتَدْنَا لَهُمْ عَذَابًا أَلِيمًا
Uma aha toobaddu ku fala xumaha intuu uga yimaaddo midkood geeridu markaas dhaha anigu waxaan toobad keeni hadda, iyo kuwa dhiman iyagoo gaala ah, kuwaas waxaan u darabnay cadaab daran.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا يَحِلُّ لَكُمْ أَن تَرِثُوا۟ ٱلنِّسَآءَ كَرْهًا وَلَا تَعْضُلُوهُنَّ لِتَذْهَبُوا۟ بِبَعْضِ مَآ ءَاتَيْتُمُوهُنَّ إِلَّآ أَن يَأْتِينَ بِفَٰحِشَةٍ مُّبَيِّنَةٍ وَعَاشِرُوهُنَّ بِٱلْمَعْرُوفِ فَإِن كَرِهْتُمُوهُنَّ فَعَسَىٰٓ أَن تَكْرَهُوا۟ شَيْـًٔا وَيَجْعَلَ ٱللَّهُ فِيهِ خَيْرًا كَثِيرًا
Kuwa (xaqa) rumeeyow idiinma bannaana inaad u dhaxashaan haweenka xoog iyo inaad dhibtaan si aad ula tagtaan (qaadataan) qaar waxaad siiseen inay la yimaadaan xumaan cad mooyee, kulana noolaada si fiican, haddaad kahataan waxaa suurowda inaad kahataan wax uu yeelo Alle dhexdiisa khayr badan.
وَإِنْ أَرَدتُّمُ ٱسْتِبْدَالَ زَوْجٍ مَّكَانَ زَوْجٍ وَءَاتَيْتُمْ إِحْدَىٰهُنَّ قِنطَارًا فَلَا تَأْخُذُوا۟ مِنْهُ شَيْـًٔا أَتَأْخُذُونَهُۥ بُهْتَٰنًا وَإِثْمًا مُّبِينًا
Haddaad doontaan inaad ku baddashaan haweenay mid kale idinkoo siiyey meher (badan) ha ka qaadanina xaggiisa waxba, ma waxaad qaadanaysaan been iyo dambi cad.