حمٓ
(Waxay ku tusin mucjisada quraanka sidii soo hor martay).
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
حمٓ
(Waxay ku tusin mucjisada quraanka sidii soo hor martay).
تَنزِيلُ ٱلْكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْعَلِيمِ
Soo dajinta kitaabka (quraanka) waxay ka ahaatay Allaha adkaada ee wax walba og.
غَافِرِ ٱلذَّنۢبِ وَقَابِلِ ٱلتَّوْبِ شَدِيدِ ٱلْعِقَابِ ذِى ٱلطَّوْلِ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ إِلَيْهِ ٱلْمَصِيرُ
Ee dhaafa danbiga aqbalana toobadda, ayna daran tahay ciqaabtiisu, ee u saaxiiba hodannimo iyo waasicnimo, ku xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahaynna ma jiro, xaggiisaana loo noqon.
مَا يُجَٰدِلُ فِىٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ إِلَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فَلَا يَغْرُرْكَ تَقَلُّبُهُمْ فِى ٱلْبِلَٰدِ
Kuma doodo aayaadka Alle kuwa gaaloobey mooyee, ee yuuna ku dhagrin (kedin) gagadoonkooda adduunku.
كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَٱلْأَحْزَابُ مِنۢ بَعْدِهِمْ وَهَمَّتْ كُلُّ أُمَّةٍۭ بِرَسُولِهِمْ لِيَأْخُذُوهُ وَجَٰدَلُوا۟ بِٱلْبَٰطِلِ لِيُدْحِضُوا۟ بِهِ ٱلْحَقَّ فَأَخَذْتُهُمْ فَكَيْفَ كَانَ عِقَابِ
Waxaa beeniyay hortood qoomkii (Nabi) Nuux iyo xisbiyadii ka dambeeyey, waxayna doontay ummad kastaa rasuulkoodii inay qabato (oy dilaan) waxayna ku doodeen baadil (xumaan) inay xaqa ku tirtiraan, markaasaan qabtay ee waa sidee ciqaabteydii.
وَكَذَٰلِكَ حَقَّتْ كَلِمَتُ رَبِّكَ عَلَى ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَنَّهُمْ أَصْحَٰبُ ٱلنَّارِ
Saasayna ugu sugnaatay kalimaddii Alle kuwii gaaloobay, waana inay yihiin naarta ehelkeeda.
Quraanka Alle ayaa soo dajiyey, waana adkaade, wax walba oge, dambi dhaafe, toobad aqbale, ciqaab darane, iyo khayr badane, xaggiisa loo noqon, quraanka oo la beeniyana oo si xun loogu doodo waa caadada gaalada, adduunka oo lagu hormarana kuma tusiso jeclaansho Alle, ee ha ku kadsoomin socsocodka gaalada (xaqdiidayaasha), gaalana waa isku fikrad laga soo billaabo waqtigi Nabi Nuux, waxayna dooni inay dilaan Nabiyada iyo dadka wanaagga fari, xaqana xumaan ku qariyaan, waxaase daran ciqaabta Alle uu ku abaal marin naar ruuxii xaqa ku qariya xumaan, Alle iyo Rasuulkiisuna waa ka bari.
ٱلَّذِينَ يَحْمِلُونَ ٱلْعَرْشَ وَمَنْ حَوْلَهُۥ يُسَبِّحُونَ بِحَمْدِ رَبِّهِمْ وَيُؤْمِنُونَ بِهِۦ وَيَسْتَغْفِرُونَ لِلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ رَبَّنَا وَسِعْتَ كُلَّ شَىْءٍ رَّحْمَةً وَعِلْمًا فَٱغْفِرْ لِلَّذِينَ تَابُوا۟ وَٱتَّبَعُوا۟ سَبِيلَكَ وَقِهِمْ عَذَابَ ٱلْجَحِيمِ
Kuwa (malaa’igta) xambaarsan carshiga iyo kuwa gaararkiisa ah waxay ku tasbiixsan kuna mahadin Alle hood wayna rumeysan yihiin, waxayna u dambi dhaaf warsan kuwa rumeeyey iyagoo dhihi Raabigeenow waxaad ugu waasac noqotay wax kasta naxariis iyo ogaanshee u dambi dhaaf kuwa toobadkeena ee raaca jidkaaga kana dhawr cadaabka jaxiimo.
رَبَّنَا وَأَدْخِلْهُمْ جَنَّٰتِ عَدْنٍ ٱلَّتِى وَعَدتَّهُمْ وَمَن صَلَحَ مِنْ ءَابَآئِهِمْ وَأَزْوَٰجِهِمْ وَذُرِّيَّٰتِهِمْ إِنَّكَ أَنتَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
Allow gali kuwaas jannada cadni ee ah taad u yaboohday iyaga iyo ruuxii suubbanaada oo ah aabayaalkood, haweenkooda iyo carruurtooda, adigaa ah adkaade falsane.
وَقِهِمُ ٱلسَّيِّـَٔاتِ وَمَن تَقِ ٱلسَّيِّـَٔاتِ يَوْمَئِذٍ فَقَدْ رَحِمْتَهُۥ وَذَٰلِكَ هُوَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ
Kana dhawr xumaanta (ciqaabta), ruuxaad ka dhawrto xumaanta maalintaas waad u naxariisatay taasina waa liibaanta wayn.
Iimaanku waa wax wayn oo qiimo badan; maxaa yeelay malaa’igta Alle ee xambaarsan carshiga iyo kuwa gaarar jooga waxay u ducayn una dambidhaaf warsan mu’miniinta jidka Alle ku toosan iyo ehelkooda, iyagoo u warsan Alle inuu janno galiyo ciqaabna ka dhawro, taasna waxay ku tusin qaraabonnimada ugu fiican inay tahay tan iimaanka ee isku xidhay cirka iyo dhulka, wuxuuna ka sarreeyaa wax kastoo wax isku xidha, saasaana looga baahan yahay mu’miniinta inay isu jeclaadaan isuguna duceeyaan. Waxaana sugnaatay hadduu muslim u duceeyo walaalkiisa muslimka ah isagoo ka maqan malaa’igtu waxay dhahdaa: aamiin, adna waxaa kuu sugnaatay wax la mid ah. Waxaa wariyey Muslim.
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ يُنَادَوْنَ لَمَقْتُ ٱللَّهِ أَكْبَرُ مِن مَّقْتِكُمْ أَنفُسَكُمْ إِذْ تُدْعَوْنَ إِلَى ٱلْإِيمَٰنِ فَتَكْفُرُونَ
Kuwa gaaloobay waxaa loogu dhawaaqaa (qiyaamada) cadhada Alle ayaa ka wayn cadhadaad naftiinna u cadhootaan, maxaa yeelay waxaa laydiinku yeedhi jiray iimaanka markaasaad gaaloobayseen.
قَالُوا۟ رَبَّنَآ أَمَتَّنَا ٱثْنَتَيْنِ وَأَحْيَيْتَنَا ٱثْنَتَيْنِ فَٱعْتَرَفْنَا بِذُنُوبِنَا فَهَلْ إِلَىٰ خُرُوجٍ مِّن سَبِيلٍ
Waxay dhihi Allow waxaad na dishay laba jeer waxaadna na noolaysay laba jeer waana qirannay dambigannagii ee ma suuroowdaa jid naarta looga baxo.
ذَٰلِكُم بِأَنَّهُۥٓ إِذَا دُعِىَ ٱللَّهُ وَحْدَهُۥ كَفَرْتُمْ وَإِن يُشْرَكْ بِهِۦ تُؤْمِنُوا۟ فَٱلْحُكْمُ لِلَّهِ ٱلْعَلِىِّ ٱلْكَبِيرِ
Arrintaas waxaa ugu wacan in marka loo yeedho Alle kaliya aad gaaloowdaan, haddii wax lala wadaajiyana aad rumeysaan xukunka dhammaantiisna Alle ayaa iska leh ee sarreeya waynna.
هُوَ ٱلَّذِى يُرِيكُمْ ءَايَٰتِهِۦ وَيُنَزِّلُ لَكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ رِزْقًا وَمَا يَتَذَكَّرُ إِلَّا مَن يُنِيبُ
Alle waa kan idin tusiya aayaadkiisa idiinkana soo dajiya samada rizqi (roob), mana xusuusto ruux Alle u noqon mooyee.
فَٱدْعُوا۟ ٱللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ وَلَوْ كَرِهَ ٱلْكَٰفِرُونَ
Ee bari (caabud) Alle adoo u kali yeeli cibaadada haba naceen gaaladuye.
Cadhada Alle iyo ciqaabtiisa yaa ka wayn kana culus u cadhoonsho naf markay meel xun kuu horseeddo xaqana kaa leexiso, calaacal iyo catoowna wax ma taro qiyaamada iyo dambi la qirto midna, mar haddaad adduunkii ku dhunto. Mana habboona xaqna ma aha in marka Alle kaliya la xuso la gaaloobo xaqana la diido, marka wax kale lala caabudana la rumeeyo, arrintaas xukunkeedana Allaha wayn baa maamuli, ee ah kan tusiya dadka aayadahiisa, cirkana roob uga keena, xaqna ay tahay in loo toobad keeno lana caabudo isagoo loo kali yeeli diinta iyo cibaadada, haba naceen oo diideen gaaladuye. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee) wuxuu yidhi: barya Alle sarreeye idinkoo yaqiinsan ijaabo, ogaadana in Alle sarreeye uusan ajiibayn duco qalbi halmaansan oo shuqloon, waxaa wariyay tirmidi iyo ibnu abii xaatim.
رَفِيعُ ٱلدَّرَجَٰتِ ذُو ٱلْعَرْشِ يُلْقِى ٱلرُّوحَ مِنْ أَمْرِهِۦ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنْ عِبَادِهِۦ لِيُنذِرَ يَوْمَ ٱلتَّلَاقِ
Alle waa kan ay sarrayso darajadiisu (waxna kor yeela) carshigana iska leh, kuna soo dajiya waxyigiisa oo ka mid ah amarkiisa cidduu doono isagoo addoommadiisa ka mid ah, si uu uga digo maalinta kulanka (qiyaamada).
يَوْمَ هُم بَٰرِزُونَ لَا يَخْفَىٰ عَلَى ٱللَّهِ مِنْهُمْ شَىْءٌ لِّمَنِ ٱلْمُلْكُ ٱلْيَوْمَ لِلَّهِ ٱلْوَٰحِدِ ٱلْقَهَّارِ
Maalintay u soo muuqan (u soo bixi) Alle waxba kama qarsoona korkiisa, wuxuuna dhihi Alle yaa xukunka iska leh maanta, markaasuu dhihi: Allaha kalida ah ee awoodda badan.
ٱلْيَوْمَ تُجْزَىٰ كُلُّ نَفْسٍۭ بِمَا كَسَبَتْ لَا ظُلْمَ ٱلْيَوْمَ إِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلْحِسَابِ
Maanta (qiyaamada) waxaa laga abaalmarin naf kastaa waxay kasbatay, dulmina ma jiro maanta, Alle na wey dag dag badan tahay xisaabtiisu.
وَأَنذِرْهُمْ يَوْمَ ٱلْـَٔازِفَةِ إِذِ ٱلْقُلُوبُ لَدَى ٱلْحَنَاجِرِ كَٰظِمِينَ مَا لِلظَّٰلِمِينَ مِنْ حَمِيمٍ وَلَا شَفِيعٍ يُطَاعُ
Uga dig Nabiyow dadka maalinta dhaw (qiyaamada) markuu wadnuhu imaan dhuunta (cabsi darteed) iyagoo naxsan daalimiinna uma sugnaan sokeeye iyo mid u shafeecoo la maqlo.
يَعْلَمُ خَآئِنَةَ ٱلْأَعْيُنِ وَمَا تُخْفِى ٱلصُّدُورُ
Alle waa ogyahay khayaanada indhaha iyo waxay qarin laabtu.
وَٱللَّهُ يَقْضِى بِٱلْحَقِّ وَٱلَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِهِۦ لَا يَقْضُونَ بِشَىْءٍ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْبَصِيرُ
Alle wuxuu xukumaa xaqa, waxay caabudina oo Alle ka sokeeya waxba ma xukumaan, Alle na waa maqle arka ah.
Allaa sharaf leh, cidduu doonana sharrifa, waxyigiisana ku soo dajiyay addoommaduu doortay ee Nabiyada ahaa, si ay dadka ugu digaan. Xukunka adduunka iyo aakhiraba Alle ayaa iska leh wax ka qarsoonna ma jiro cidna ma dulmiyo, xisaabtiisuna waa daran tahay, dadkana waxaa looga digayaa maalinta qiyaame ee dhaw, illeen wixii imaanba waa dhawyahaye, waana maalin cabsi badan wadnuhuna dhuunta imaan, cidna wax isu tarayn, Alle na wax walba daalacan, xaqana xukumi, waxa la caabudo ee ka soo hadhayna ayan waxba qabaneyn. Xadiith alqudsi waxaa ku sugnaaday in Alle yidhi: addoommadaydoow waan ka reebay dulmiga naftayda waxaana ka yeelay dhexdiinna mid reebban ee hays dulmiyina... Waxaa wariyay Muslim.