حمٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka sida soo hormartay.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
حمٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka sida soo hormartay.
تَنزِيلٌ مِّنَ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Quraanka waa soo dajinta Alle naxariista guud iyo mid gaaraba naxariista.
كِتَٰبٌ فُصِّلَتْ ءَايَٰتُهُۥ قُرْءَانًا عَرَبِيًّا لِّقَوْمٍ يَعْلَمُونَ
Waana kitaab loo caddeeyey aayadahiisa isagoo quraan carabi ku qoran ah ciddii wax garan.
بَشِيرًا وَنَذِيرًا فَأَعْرَضَ أَكْثَرُهُمْ فَهُمْ لَا يَسْمَعُونَ
Waana bishaareeye u dige ah, waase ka jeedsadeen badankoodu waxna ma maqlayaan.
وَقَالُوا۟ قُلُوبُنَا فِىٓ أَكِنَّةٍ مِّمَّا تَدْعُونَآ إِلَيْهِ وَفِىٓ ءَاذَانِنَا وَقْرٌ وَمِنۢ بَيْنِنَا وَبَيْنِكَ حِجَابٌ فَٱعْمَلْ إِنَّنَا عَٰمِلُونَ
Waxayna dheheen quluubtannadu waxay kaga sugan tahay dabool waxaad noogu yeedhi, dhagahannagana waxaa kaga jira culeys, dhexdannada iyo adigana waxaa ah xijaab, ee camal fal annana waan camal faleynaaye.
قُلْ إِنَّمَآ أَنَا۠ بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ يُوحَىٰٓ إِلَىَّ أَنَّمَآ إِلَٰهُكُمْ إِلَٰهٌ وَٰحِدٌ فَٱسْتَقِيمُوٓا۟ إِلَيْهِ وَٱسْتَغْفِرُوهُ وَوَيْلٌ لِّلْمُشْرِكِينَ
Waxaad dhahdaa Nabiyow anigu waxaan uun ahay bashar (dad) idinkoo kale ah, waxaana la ii waxyooday in macbuudkiinnu mid kaliya yahay, ee u toosnaada xaggiisa, kana dambidhaaf waydiista, halaagna wuxuu u sugnaaday mushrikiinta.
ٱلَّذِينَ لَا يُؤْتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلْـَٔاخِرَةِ هُمْ كَٰفِرُونَ
Kuwaan bixinnin sakada (sadaqada) ahna aakhiro kuwa ka gaaloobey.
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍ
Kuwa xaqa rumeeyeyse oo camal fiican falay waxaa u sugnaaday ajri aan guraynin.
قُلْ أَئِنَّكُمْ لَتَكْفُرُونَ بِٱلَّذِى خَلَقَ ٱلْأَرْضَ فِى يَوْمَيْنِ وَتَجْعَلُونَ لَهُۥٓ أَندَادًا ذَٰلِكَ رَبُّ ٱلْعَٰلَمِينَ
Waxaad dhahdaa Nabiyow idinku ma waxaad ka gaaloobaysaan Allaha ku abuuray dhulka laba maalmood, ood u yeelaysaan kuwo la mid ah, kaasi waa Rabbiga caalamka.
وَجَعَلَ فِيهَا رَوَٰسِىَ مِن فَوْقِهَا وَبَٰرَكَ فِيهَا وَقَدَّرَ فِيهَآ أَقْوَٰتَهَا فِىٓ أَرْبَعَةِ أَيَّامٍ سَوَآءً لِّلسَّآئِلِينَ
Wuxuuna yeelay dhulka dhexdiisa buuro wuuna barakeeyey dhexdiisa una qadaray (u qiyaasay) cunnadiisa afar maalmood iyadooy u siman tahay dadka weydiin.
ثُمَّ ٱسْتَوَىٰٓ إِلَى ٱلسَّمَآءِ وَهِىَ دُخَانٌ فَقَالَ لَهَا وَلِلْأَرْضِ ٱئْتِيَا طَوْعًا أَوْ كَرْهًا قَالَتَآ أَتَيْنَا طَآئِعِينَ
Markaasuu Alle u kor noqday cirka oo qiiq ah kuna yidhi cirka iyo dhulka ahaada idinkoo adeecsan ama la ikraahi (la qasbi) waxayna dheheen waan nimid annagoo adeecsan.
فَقَضَىٰهُنَّ سَبْعَ سَمَٰوَاتٍ فِى يَوْمَيْنِ وَأَوْحَىٰ فِى كُلِّ سَمَآءٍ أَمْرَهَا وَزَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنْيَا بِمَصَٰبِيحَ وَحِفْظًا ذَٰلِكَ تَقْدِيرُ ٱلْعَزِيزِ ٱلْعَلِيمِ
Wuxuuna Alle ka abuuray cirka toddobo samo laba maalmood wuxuuna faray samo kasta amarkeedii, waxaanna ku qurxinnay cirka dhaw misbaaxyo, waana ilaalinnay, taasina waa qadaridda (maamulka) Allaha adkaada ee wax og.
Quraanka oo aayadihiisa cadcad yihiin Alle ayaa u soo dajiyey isagoo carabi ah ciddii garan, bishaareeye diga ah, dadka badidiise waa ka jeedsadeen, mana maqlaan waxayna sheegteen inay qalbiga ka daboolan yihiin, dhagahana ka culus yihiin xaqana xijaab ka xigo, Nabiguse waa bashar waxaana loo waxyooday in Alle kaliya ilaah yahay, lana toosnaado dambi dhaafna la wardaso waxaana halaagsamay gaaladaan zakada (sadaqada) bixinnin aakhirana diidday. Waxaase ajri aan go’ayn mudan kuwa xaq rumayn iyo camal fiican isku daray. Ma habboona in laga gaaloobo Allaha wax walba abuuray sida dhulka, cirka iyo wax kasta mana habboona in loo yeelo wax la mid ah oo lala caabudo, illeen isagaa inoo barakeeyey dhulka iyo cirka, kana yeelay wadada noolaanshaha, mid kasta u darbay wax looga baahan yahay, aayadahan iyo kuwa kalee ka warrami abuurka cirka iyo dhulka wax is diidaya ama iska hor iman ma aha, ibnu cabaas waxaa laga wariyey inuu Alle dhulka ku abuuray laba maalmood, markaas cirka abuuray, dhulka fidiyey, fidinteeduna waa inuu ka soo bixiyey biyo, carro, yeeleyna buuro, bacaad iyo tuurar waxayna noqotay muddadu lix bari. Saas darteed wax iska hor imaan iyo wax is burin midna ma jiro, kaasaana Allaha xaqa ah ayna waajibtay in si dhab ah loo caabudo sharcigiisana loo raaco loona gaadhsiiyo caalamka si habboon.
فَإِنْ أَعْرَضُوا۟ فَقُلْ أَنذَرْتُكُمْ صَٰعِقَةً مِّثْلَ صَٰعِقَةِ عَادٍ وَثَمُودَ
Hadday ka jeedsadeen gaaladu (xaqa) waxaad ku dhahdaa Nabiyow waxaan idiinka digi cadaab daran oo la mid ah kii reer caad iyo thamuud.
إِذْ جَآءَتْهُمُ ٱلرُّسُلُ مِنۢ بَيْنِ أَيْدِيهِمْ وَمِنْ خَلْفِهِمْ أَلَّا تَعْبُدُوٓا۟ إِلَّا ٱللَّهَ قَالُوا۟ لَوْ شَآءَ رَبُّنَا لَأَنزَلَ مَلَٰٓئِكَةً فَإِنَّا بِمَآ أُرْسِلْتُم بِهِۦ كَٰفِرُونَ
Markay ugaga timid rasuulladii hor iyo gadaalba, iyagoo ku leh ha caabudina waxaan Alle ahayn, ayna ku dhaheen hadduu doono Alleheen wuxuu soo dajin lahaa malaa’ig, anaguna waxa laydin la soo diray waan ka gaaloownay.
فَأَمَّا عَادٌ فَٱسْتَكْبَرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ بِغَيْرِ ٱلْحَقِّ وَقَالُوا۟ مَنْ أَشَدُّ مِنَّا قُوَّةً أَوَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّ ٱللَّهَ ٱلَّذِى خَلَقَهُمْ هُوَ أَشَدُّ مِنْهُمْ قُوَّةً وَكَانُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَا يَجْحَدُونَ
Reer caad iyagu way isku kibriyeen dhulka xaq darro, waxayna dheheen yaa naga xoog badan, miyeyna arag Allaha abuuray inuu ka xoog badan yahay waxayna ahaayeen kuwo aayaadkannaga diiddan.
فَأَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ رِيحًا صَرْصَرًا فِىٓ أَيَّامٍ نَّحِسَاتٍ لِّنُذِيقَهُمْ عَذَابَ ٱلْخِزْىِ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَلَعَذَابُ ٱلْـَٔاخِرَةِ أَخْزَىٰ وَهُمْ لَا يُنصَرُونَ
Waxaanna ku dirray korkooda dabayl qaylo daran todobo maalmood oo u xun (iyaga) si aan u dhandhansiinno cadaabka dulliga nolosha adduun, cadaabka aakhiraana ka sii dulli badan loomana gargaaro.
Wuxuu Alle faray Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee) inuu hadday gaaladu ka jeedsadaan xaqa uu uga digo ciqaab daran oo la mid ah tii Caad iyo Thamuud, markay rasuulladoodii fareen inay Alle kaliya caabudaan ayna diideen iskibriyeenna xumaan darteed. Markaas caad Alle ku halaagay dabeyl daran ayna dhadhamiyeen cadaabkii dulliga iyadoo aakhiro cadaabkeedana u dheer yahay, aayaduhuna waxay caddayn ku sugnaanta xaqa, in Alle ciqaabi xaqdiide, in rasuulladii u wada yeedhi jireen cibaadada Alle kaliya, in xoogga iyo quwada Alle wax walba ka daran tahay, waajibna tahay in laga dhawrsado.
وَأَمَّا ثَمُودُ فَهَدَيْنَٰهُمْ فَٱسْتَحَبُّوا۟ ٱلْعَمَىٰ عَلَى ٱلْهُدَىٰ فَأَخَذَتْهُمْ صَٰعِقَةُ ٱلْعَذَابِ ٱلْهُونِ بِمَا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ
Reer thamuud waxaan tusinnay xaqa, waxayna ka jeclaadeen indho la’aan (baadi) hanuunkii, waxaana qabtay qaylo cadaab wax dulleeya, waxay kasbanayeen darteed.
وَنَجَّيْنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَكَانُوا۟ يَتَّقُونَ
Waxaanna korinnay kuwii rumeeyey (xaqa) oo dhawrsan jiray.
وَيَوْمَ يُحْشَرُ أَعْدَآءُ ٱللَّهِ إِلَى ٱلنَّارِ فَهُمْ يُوزَعُونَ
(U sheeg gaalada) maalinta lagu kulmin colka Alle naarta iyagoo is cidhiidhyi oo la hori.
حَتَّىٰٓ إِذَا مَا جَآءُوهَا شَهِدَ عَلَيْهِمْ سَمْعُهُمْ وَأَبْصَٰرُهُمْ وَجُلُودُهُم بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
Markay yimaaddaanna uu ku marag furo korkooda, maqalkoodu, araggoodu, iyo haraggoodu (jidhkoodu) waxay fali jireen.