حمٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
حمٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka.
عٓسٓقٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka.
كَذَٰلِكَ يُوحِىٓ إِلَيْكَ وَإِلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِكَ ٱللَّهُ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
Sida waxyiga laguugu soo dajiyey Nabiyoow yaa Nabiyadii horana loogu waxyooday, waxaana waxyooda Allaha adkaada ee falka san.
لَهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَهُوَ ٱلْعَلِىُّ ٱلْعَظِيمُ
Waxaa u sugnaaday waxa samada iyo dhulka ku sugan, Alle na waa sarreeyaha weyn.
تَكَادُ ٱلسَّمَٰوَٰتُ يَتَفَطَّرْنَ مِن فَوْقِهِنَّ وَٱلْمَلَٰٓئِكَةُ يُسَبِّحُونَ بِحَمْدِ رَبِّهِمْ وَيَسْتَغْفِرُونَ لِمَن فِى ٱلْأَرْضِ أَلَآ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ
Waxay u dhawdahay samooyinku inay ku dildillaacaan korkooda, malaa’igtuna waxay ku tasbiixsan mahadda Rabbigood, waxayna u dambidhaaf warsan kuwa dhulka ku sugan (dadka), Alle na waa dambidhaafe naxariista.
وَٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِهِۦٓ أَوْلِيَآءَ ٱللَّهُ حَفِيظٌ عَلَيْهِمْ وَمَآ أَنتَ عَلَيْهِم بِوَكِيلٍ
Kuwa yeeshay Alle ka sokoow owliyo Alle waa ogyahay korkooda (wuu daalacan) adiguna kama tihid wakiil.
وَكَذَٰلِكَ أَوْحَيْنَآ إِلَيْكَ قُرْءَانًا عَرَبِيًّا لِّتُنذِرَ أُمَّ ٱلْقُرَىٰ وَمَنْ حَوْلَهَا وَتُنذِرَ يَوْمَ ٱلْجَمْعِ لَا رَيْبَ فِيهِ فَرِيقٌ فِى ٱلْجَنَّةِ وَفَرِيقٌ فِى ٱلسَّعِيرِ
(Sidaan ugu waxyoonnay Nabiyadii hore) yaan adigana Nabiyoow kuugu waxyoonnay quraan carabi ah saad ugu digtid ree Makaad iyo waxa hareeraheeda ah (dadka kale) ugana digtid maalinta kulanka (qiyaamada) shaki male maalintaas, kooxi jannay gali kooxna jaxiimo.
وَلَوْ شَآءَ ٱللَّهُ لَجَعَلَهُمْ أُمَّةً وَٰحِدَةً وَلَٰكِن يُدْخِلُ مَن يَشَآءُ فِى رَحْمَتِهِۦ وَٱلظَّٰلِمُونَ مَا لَهُم مِّن وَلِىٍّ وَلَا نَصِيرٍ
Hadduu doono Alle wuxuu ka yeeli lahaa dadka ummad kaliya, laakiin wuxuu galiyaa cidduu doono naxariistiisa, daalimiintuna ma helaan sokeeye iyo gargaare midna.
Siduu Alle ugu waxyooday Nabiyadii hore yuu ugu waxyooday Nabiga Muxamed ah (ammaan iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee), caa’isha waxay sheegtay inay aragtay Nabiga oo waxyi ku soo dagi maalin qaboow oo haddana dhidid ka daadan wajigiisa, tan kale qudro iyo awood Alle ayaa iska leh, samada iyo mallaa’igtuna way waynaysaa, quraankuna wuxuu u digi caalamka oo dhan, si uu wanaagga ugu hoggaamiyo, hadduu doono isagaa midayn kara Alle.
أَمِ ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِهِۦٓ أَوْلِيَآءَ فَٱللَّهُ هُوَ ٱلْوَلِىُّ وَهُوَ يُحْىِ ٱلْمَوْتَىٰ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
Mise waxay yeesheen gaaladii Alle ka sokow awliyo (ay caabudaan) Alle umbaa wali ah, isagaana nooleeya wixii dhintay, isagaana wax walba kara.
وَمَا ٱخْتَلَفْتُمْ فِيهِ مِن شَىْءٍ فَحُكْمُهُۥٓ إِلَى ٱللَّهِ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبِّى عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ وَإِلَيْهِ أُنِيبُ
Waxaad isku khilaaftaan oo shay ah Alle ayaa leh xukunkiisa (loo celin), kaasina waa Allaha i barbaariya, isagaana tala saartaa, xaggiisaana u noqon.
فَاطِرُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ جَعَلَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَٰجًا وَمِنَ ٱلْأَنْعَٰمِ أَزْوَٰجًا يَذْرَؤُكُمْ فِيهِ لَيْسَ كَمِثْلِهِۦ شَىْءٌ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْبَصِيرُ
Isagaa abuuray samooyinka iyo dhulka, idiinkana yeelay naftiinna noocyo (lab iyo dhaddig) xoolahana idiinka yeelay noocyo, wuuna idinku abuuraa idinkuna badiyaa ahaysiintaa sababteed, wax la mid ahna ma jiro, waana maqle arka.
لَهُۥ مَقَالِيدُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ يَبْسُطُ ٱلرِّزْقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقْدِرُ إِنَّهُۥ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌ
Isagaa iska leh xukunka samooyinka iyo dulka, wuuna u fidiyaa rizqiga ruuxuu doono, wuxuuna ku cidhiidhyaa cidduu doono, wax walbana waa ogyahay.
شَرَعَ لَكُم مِّنَ ٱلدِّينِ مَا وَصَّىٰ بِهِۦ نُوحًا وَٱلَّذِىٓ أَوْحَيْنَآ إِلَيْكَ وَمَا وَصَّيْنَا بِهِۦٓ إِبْرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ وَعِيسَىٰٓ أَنْ أَقِيمُوا۟ ٱلدِّينَ وَلَا تَتَفَرَّقُوا۟ فِيهِ كَبُرَ عَلَى ٱلْمُشْرِكِينَ مَا تَدْعُوهُمْ إِلَيْهِ ٱللَّهُ يَجْتَبِىٓ إِلَيْهِ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِىٓ إِلَيْهِ مَن يُنِيبُ
Wuxuuna idiin jideeyey xagga diinta wuxuu u dardaarmay (Nabi) Nuux iyo kaan kuu waxyoonnay adiga iyo waxaan u dardaarannay (Nabi) Ibraahiim (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Ciise inay oogaan diinta, aydaan kuna kala tagin dhexdiisa, waxaa ku waynaaday gaalada waxaad ugu yeedhi, Alle ayaa u doorta xaggiisa cidduu doono una hanuuniya xaggiisa cidduu hanuunin.
وَمَا تَفَرَّقُوٓا۟ إِلَّا مِنۢ بَعْدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلْعِلْمُ بَغْيًۢا بَيْنَهُمْ وَلَوْلَا كَلِمَةٌ سَبَقَتْ مِن رَّبِّكَ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى لَّقُضِىَ بَيْنَهُمْ وَإِنَّ ٱلَّذِينَ أُورِثُوا۟ ٱلْكِتَٰبَ مِنۢ بَعْدِهِمْ لَفِى شَكٍّ مِّنْهُ مُرِيبٍ
Mana kala tagin markuu u yimi cilmigu ka dib mooyee, dulmi iyo xasad dartiis, haddayna jirin kalimo Allehaa ka hormartay oo tan iyo muddo magacaaban (in la sugo) waxaa la kala xukmin lahaa dhexdooda, kuwii gadaashood la dhaxalsiiyey kitaabka waxay ku sugan yihiin shaki daran.
Allaa wali u ah mu’miniinta, wax walbana kara, wixii laysku khilaafana loo celin, lana tala saartaa, loona noqdaa, samadana abuuray, noocyana idinka abuuray, wax la midana jirin, xukunka samada iyo dhulkana iska leh, rizqigana waasiciya ama cidhiidhya, inoona jideeyey diin xaq ah oo ah tii Nabiyadii hore la faray oo kale, oo ah in diinta si fiican loogu dhaqmo oon lagu kala tagin, gaalase way diidday xaqii xasad dartiis, wayna kala tageen, Alle umbaase awood leh.
فَلِذَٰلِكَ فَٱدْعُ وَٱسْتَقِمْ كَمَآ أُمِرْتَ وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَآءَهُمْ وَقُلْ ءَامَنتُ بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِن كِتَٰبٍ وَأُمِرْتُ لِأَعْدِلَ بَيْنَكُمُ ٱللَّهُ رَبُّنَا وَرَبُّكُمْ لَنَآ أَعْمَٰلُنَا وَلَكُمْ أَعْمَٰلُكُمْ لَا حُجَّةَ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمُ ٱللَّهُ يَجْمَعُ بَيْنَنَا وَإِلَيْهِ ٱلْمَصِيرُ
Diinkaas (aan nebiyadi hore u dardaarannay) ugu yeedh dadka, u toosnawna sidii lagu faray, hana raacin hawadooda, waxaadna dhahdaa waxaan rumeeyey waxa Alle soo dajiyey oo kitaab ah, waxaana lay faray inaan u caddaalo falo dhexdiinna, Alle na waa Rabbiganno iyo Rabbigiin, waxaa noo sugnaaday waxaan camal fallo, idinkana waxaa idiin sugnaaday waxaad camal fashaan, doodina inama dhextaallo (xaqu wuu caddaaday ee waad madax adaygaysaan), Alle ayaa kulmin dhexdeenna, xaggiisaana loo ahaan.
وَٱلَّذِينَ يُحَآجُّونَ فِى ٱللَّهِ مِنۢ بَعْدِ مَا ٱسْتُجِيبَ لَهُۥ حُجَّتُهُمْ دَاحِضَةٌ عِندَ رَبِّهِمْ وَعَلَيْهِمْ غَضَبٌ وَلَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ
Kuwa ku doodaya Alle inta la ajiibay kadib xujadoodu waa baadil Alle agtiisa, korkoodana cadhaa ah, waxaana u sugnaaday cadaab daran.
ٱللَّهُ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ ٱلْكِتَٰبَ بِٱلْحَقِّ وَٱلْمِيزَانَ وَمَا يُدْرِيكَ لَعَلَّ ٱلسَّاعَةَ قَرِيبٌ
Alle waa kan u dajiyey kitaabka si xaq ah iyo miisaan, (caddaalada), mana ogid waxay mudan tahay in saacadda (qiyaame) dhawdahay.
يَسْتَعْجِلُ بِهَا ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِهَا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مُشْفِقُونَ مِنْهَا وَيَعْلَمُونَ أَنَّهَا ٱلْحَقُّ أَلَآ إِنَّ ٱلَّذِينَ يُمَارُونَ فِى ٱلسَّاعَةِ لَفِى ضَلَٰلٍۭ بَعِيدٍ
Waxaa dadajista saacadda kuwaan rumeynin iyada, kuwa rumeeyayna way ka cabsadaan xaggeeda, waxayna ogyihiin inay xaq tahay, kuwa ku murmi saacaddana waxay ku sugan yihiin baadi cad.
Aayadda hore waxay kulmisatay toban eray oo mid walba kan kale ka gaar yahay oo wada amar iyo reebid iyo toosin ah, waxaana la mid ah aayatulkursi, waxaana ka mid ah waxyaalaha u waaweyn: Alle oo dadka loogu yeedho, in la toosnaado, inaan hawada gaalada la raacin, in dadka caddaalad lagu maamulo, in la ogaado in Alle ilaah keli ah ee in cibaado mudan u yahay dadkoo dhan, inaan wax qarsoon jirin diinta islaamka ah. In cid walba camalkeeda mas’uul ka tahay, in Alle loo noqon. Bal day weynanka aayadda, tan kale Alle oo lagu doodo inta xaqu caddaaday waa wax kama jiraan iyo ciqaab Alle, illeen Alle ayaa soo dajiyey quraan iyo caddaaladda, qiyaamadu goortay dhicina oge, waana doqonnimo iyo baadinnimo in la soo dedejisto, waxaase habboon in laga cabsado loona darbado sida mu’miniinta, shakigeeduna waa baadi fog.
ٱللَّهُ لَطِيفٌۢ بِعِبَادِهِۦ يَرْزُقُ مَن يَشَآءُ وَهُوَ ٱلْقَوِىُّ ٱلْعَزِيزُ
Alle waa u naxariis badanaha addoommadiisa wuxuuna arzuqaa cidduu doono, waana xoogbadane adkaade ah.
مَن كَانَ يُرِيدُ حَرْثَ ٱلْـَٔاخِرَةِ نَزِدْ لَهُۥ فِى حَرْثِهِۦ وَمَن كَانَ يُرِيدُ حَرْثَ ٱلدُّنْيَا نُؤْتِهِۦ مِنْهَا وَمَا لَهُۥ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ مِن نَّصِيبٍ
Ruuxii dooni camalka aakhiro waan u siyaadinnaa camalkiisa, ruuxiise ah mid dooni camal adduunyo waan ka siinnaa xaggeeda, kumana leh aakhiro wax nasiib ah.