حمٓ
Mucjisada quraankay ku tusin.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
حمٓ
Mucjisada quraankay ku tusin.
وَٱلْكِتَٰبِ ٱلْمُبِينِ
Waxaan ku dhaartay kitaabka (quraanka) cade (muuqda) ee.
إِنَّا جَعَلْنَٰهُ قُرْءَٰنًا عَرَبِيًّا لَّعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ
Annagaa ka yeelley quraan carabi ku soo dagay, inaad kastaan darteed.
وَإِنَّهُۥ فِىٓ أُمِّ ٱلْكِتَٰبِ لَدَيْنَا لَعَلِىٌّ حَكِيمٌ
Wuxuuna ku sugan yahay kitaabka asalkiisa (looxul maxfuudka) annaga agteenna, waana sarreeyaa quraanku xigmadina ku dhan tahay.
أَفَنَضْرِبُ عَنكُمُ ٱلذِّكْرَ صَفْحًا أَن كُنتُمْ قَوْمًا مُّسْرِفِينَ
Ma waxaan quraanka idiinka haysanaynaa (daysanaynaa) inaad tihiin qoom ku xadgudbay xumaanta.
وَكَمْ أَرْسَلْنَا مِن نَّبِىٍّ فِى ٱلْأَوَّلِينَ
Badanaa intaan u dirray Nabi kuwii hore.
وَمَا يَأْتِيهِم مِّن نَّبِىٍّ إِلَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ
Nabi uma imaaneyn gaaladii haddii kale way ku jees jeesi jireen.
فَأَهْلَكْنَآ أَشَدَّ مِنْهُم بَطْشًا وَمَضَىٰ مَثَلُ ٱلْأَوَّلِينَ
Waxaanna halaagnay kuwo ka xoog badan qabasho waxaana tagay (hor maray) tusaalihii kuwii horreeyey (ee halaagga ahaa).
Quraanka Alle ayaa soo dajiyey isagoo carabi ah, sharafna leh looxul-maxfuudkana ku qoran, Alle na uma daayo waxyiga iyo xaqa beenin darteed, maxaa yeelay ummadihii horaba wax badan baa loo diray Nabiyo u diga ayna ku jees jeesi jireen, Alle na wax badan oo ka mid ah yuu halaagay kuwaasoo ka xoog badnaa gaaladii ree Makaad. Qataade wuxuu yidhi: Alle Ayaan ku dhaartee haddii la koryeelo quraankan markey diideen kuwii horreeyey ee umaddan way halaagsami lahaayeen, hase yeeshee Alle sarreeye wuu ku celceliyey wuuna u naxariistay, wuxuuna ugu yeedhay ilaa labaatan sano iyo intii Alle doono.
وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّنْ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ لَيَقُولُنَّ خَلَقَهُنَّ ٱلْعَزِيزُ ٱلْعَلِيمُ
Haddaad warsato gaalada yaa abuuray samooyinka iyo dhulka waxay odhan waxaa abuuray Allaha adkaada ee wax walba og.
ٱلَّذِى جَعَلَ لَكُمُ ٱلْأَرْضَ مَهْدًا وَجَعَلَ لَكُمْ فِيهَا سُبُلًا لَّعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ
Waana Allaha idiin ka yeeley dhulka gogol, idiinkana yeeley dhexdiisa waddooyin si aad ugu hanuuntaan (toostaan).
وَٱلَّذِى نَزَّلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءًۢ بِقَدَرٍ فَأَنشَرْنَا بِهِۦ بَلْدَةً مَّيْتًا كَذَٰلِكَ تُخْرَجُونَ
Waana Allaha ka soo dajiyey samada biyo qadaran oon ku noolayno magaalo dhimatay, saasaana leydiin soo bixin.
وَٱلَّذِى خَلَقَ ٱلْأَزْوَٰجَ كُلَّهَا وَجَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلْفُلْكِ وَٱلْأَنْعَٰمِ مَا تَرْكَبُونَ
Waana Allaha abuuray noocyada dhammaantood idiinkana yeeley maraakiibta iyo xoolaha waxaad kortaan.
لِتَسْتَوُۥا۟ عَلَىٰ ظُهُورِهِۦ ثُمَّ تَذْكُرُوا۟ نِعْمَةَ رَبِّكُمْ إِذَا ٱسْتَوَيْتُمْ عَلَيْهِ وَتَقُولُوا۟ سُبْحَٰنَ ٱلَّذِى سَخَّرَ لَنَا هَٰذَا وَمَا كُنَّا لَهُۥ مُقْرِنِينَ
Inaad ku ekaataan dhabarkeeda markaas aad xusuusataan nicmada Allihiin markaad ku ekaataan ood dhahdaan waxaa nasahan Allaha noo sahley tan mana nihin kuwo kara leyligeeda.
وَإِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا لَمُنقَلِبُونَ
Annaguna xagga Rabbigeen yaannu u gaddoomeynaa.
Ciddii caqli leh oon dan gaara lahayn waxay qiri jiridda iyo awoodda Alle, illeen isagaa abuuray cirka, dhulka iyo wax kastaba. Gaaladii ree Makaadna saasay qirsanaayeen in kastooy caabudi jireen Alle wax ka soo hadhay, waxaase caabudid dhab ah mudan Allaha dhulka goglay, wadooyinkana ka bixiyay, cirkana biyo ka keenay, iyagoo qaddaran oo qiyaasan si loogu nooleeyo dhul abaaroobay iyo wax dhibaataysan. Waana Allaha sahlay maraakiibta iyo xoolaha si loogu nacfiyo loona mahdiyo Alle, illeen isagaa u leylyey dadkee. Nabiguna (ammaan iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) markuu koro gaadiid wuxuu ku mahdin jiray Allaha u jilciyey ee loo noqon xaggiisa.
وَجَعَلُوا۟ لَهُۥ مِنْ عِبَادِهِۦ جُزْءًا إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ لَكَفُورٌ مُّبِينٌ
Waxay uga yeeleen Alle addoommadiisa qayb, dadkuna waa gaaloow badane cad.
أَمِ ٱتَّخَذَ مِمَّا يَخْلُقُ بَنَاتٍ وَأَصْفَىٰكُم بِٱلْبَنِينَ
Miyuu ka yeeshay Alle wuxuu abuuray qaarkood gabdho, oo idiin doorey wiilal.
وَإِذَا بُشِّرَ أَحَدُهُم بِمَا ضَرَبَ لِلرَّحْمَٰنِ مَثَلًا ظَلَّ وَجْهُهُۥ مُسْوَدًّا وَهُوَ كَظِيمٌ
Marka loogu bishaareeyo midkood wuxuu Allaha Raxmaana uga yeelay mid shabbaha (mudnaanta in la caabudo), wuxuu noqdaa wajigiisu mid madow oo walbahaarsan.
أَوَمَن يُنَشَّؤُا۟ فِى ٱلْحِلْيَةِ وَهُوَ فِى ٱلْخِصَامِ غَيْرُ مُبِينٍ
Ma Alle ayay u yeeleen wax ku barbaara isqurxin, oon doodna caddayn karin.
وَجَعَلُوا۟ ٱلْمَلَٰٓئِكَةَ ٱلَّذِينَ هُمْ عِبَٰدُ ٱلرَّحْمَٰنِ إِنَٰثًا أَشَهِدُوا۟ خَلْقَهُمْ سَتُكْتَبُ شَهَٰدَتُهُمْ وَيُسْـَٔلُونَ
Waxay ka yeeleen malaa’igta ah addoommada Allaha Raxmaan ah dhadig, miyey joogeen abuurkoodii, waan qoreynaa maraggooda waana la warsan (waxaas).
وَقَالُوا۟ لَوْ شَآءَ ٱلرَّحْمَٰنُ مَا عَبَدْنَٰهُم مَّا لَهُم بِذَٰلِكَ مِنْ عِلْمٍ إِنْ هُمْ إِلَّا يَخْرُصُونَ
Waxay dhaheen hadduu doono Allaha Raxmaan ah maannaan caabudneen wax kale ugumana sugnaannin wax cilmi ah arrintaas, waxaan beensheegayaal ahaynna ma aha.
Khalqiga dhammaantiis Alle ayaa leh, wax la wadaagana ma jiro, malaa’igtuna ma aha gabdho Alle iyo dhadig midna ee waa addoomo Alle oo wanaagsan, gaaladuna waxay sheegi waa uun been cad iyo xumaan, waxayna sameeyeen gafaf badan, sida inay Alle ilmo u sheegeen, inay malaa’igta gabdho Alle ku sheegeen, inay caabudaan waxaan xujo laheyn, inay sheegteen in Alle u qaddaray, iyo waxyaale kale oo jaahilnimo ah.