حمٓ
Waannu sheegnay iyadoo kale.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
حمٓ
Waannu sheegnay iyadoo kale.
وَٱلْكِتَٰبِ ٱلْمُبِينِ
Waxaan ku dhaartay kitaabka cade (quraanka).
إِنَّآ أَنزَلْنَٰهُ فِى لَيْلَةٍ مُّبَٰرَكَةٍ إِنَّا كُنَّا مُنذِرِينَ
Annagaa dejinnay quraanka habeen barakeysan (layletul qadar) annagaana wax u digi.
فِيهَا يُفْرَقُ كُلُّ أَمْرٍ حَكِيمٍ
Habeenkaasaana la kala bixiyaa amar kastoo xigmo leh.
أَمْرًا مِّنْ عِندِنَآ إِنَّا كُنَّا مُرْسِلِينَ
Waana amar agtannada ka ahaaday, annagaana wax dirra (rasuullo).
رَحْمَةً مِّن رَّبِّكَ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ
Naxariis ka ahaatey xagga Allehaa (darteed ayaan u soo dirnay), Alle ayaana wax maqle ah wax og.
رَبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَآ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ
Waana Rabbiga samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya haddaad yaqiinsanaysaan.
لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ يُحْىِۦ وَيُمِيتُ رَبُّكُمْ وَرَبُّ ءَابَآئِكُمُ ٱلْأَوَّلِينَ
Allaah mooyee ilaah kale oo xaq lugu caabudo ma jiro, isagaa wax nooleeya waxna dila, waana Rabbigiina iyo Rabbiga aabbayaalkiinnii horreeyey.
Alle sarreeye wuxuu ku dhaartay inuu soo dajiyay kitaabka quraanka ah habeen barakeysan oo wax kasto la kalo bixiyo, waana habeenka laylatulqaddarka ee bisha soon ku jirta ee quraanka la soo dajiyey siday aayado kale caddeeyeen, saasaana sugan, cidda tidhi waa shan iyo tobanka bisha shacbaan wax xujo ah oo cad ma hayso. Alle na waa naxariiste, maqle, oge oo xukunka caalamka iska leh, wax nooleeya waxna dila, waana Rabbiga khalqiga dhammaan hor iyo dibba, ee waa in laga yaabo Alle si dhab ah.
بَلْ هُمْ فِى شَكٍّ يَلْعَبُونَ
Waxayse ku sugan yihiin shaki, wayna ciyaari.
فَٱرْتَقِبْ يَوْمَ تَأْتِى ٱلسَّمَآءُ بِدُخَانٍ مُّبِينٍ
Ee sug maalinta uu la imaan cirku qiiq muuqda (abaar daran darteed).
يَغْشَى ٱلنَّاسَ هَٰذَا عَذَابٌ أَلِيمٌ
Oo dabooli dadka, kaasina waa cadaab daran.
رَّبَّنَا ٱكْشِفْ عَنَّا ٱلْعَذَابَ إِنَّا مُؤْمِنُونَ
Waxayna dheheen Allow naga fayd cadaabka waxaan nahay mu’miniine.
أَنَّىٰ لَهُمُ ٱلذِّكْرَىٰ وَقَدْ جَآءَهُمْ رَسُولٌ مُّبِينٌ
Goormey waantoobi isagoos u yimid Rasuul cad «muuqda».
ثُمَّ تَوَلَّوْا۟ عَنْهُ وَقَالُوا۟ مُعَلَّمٌ مَّجْنُونٌ
Markaasay ka jeedsadeen Nabiga waxayna dheheen waa wax la bare waalan.
إِنَّا كَاشِفُوا۟ ٱلْعَذَابِ قَلِيلًا إِنَّكُمْ عَآئِدُونَ
Annagu waxaan idinka faydaynaa cadaabka wax yar, idinkuna waxaad ku noqonaysaan xumaanta.
يَوْمَ نَبْطِشُ ٱلْبَطْشَةَ ٱلْكُبْرَىٰٓ إِنَّا مُنتَقِمُونَ
Maalintaan qabanayno qabashada wayn (qiyaamada) (ama Badar) waannu aarsan.
Nabigu wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee): Allihiin wuxuu idiinka digay saddex: qiiq u qabta mu’minka sida hargab gaalkana qabta intuu meel walba ka baxo, iyo daabbad iyo dajaal, waxaa wariyey Ibnu Jariir iyo Dhabraani. Madax adayg iyo gaalnimana wax ma taraan illeen Alle ayaa ka aarsan gaalo iyo xaq diidayaasha ku tilmaami Nabiga inuu waalan yahay, kuwaasi wax yar ha sugeen.
وَلَقَدْ فَتَنَّا قَبْلَهُمْ قَوْمَ فِرْعَوْنَ وَجَآءَهُمْ رَسُولٌ كَرِيمٌ
Dhab ahaan baan imtixaannay hortood qoomkii fircoon, waxaana u yimid rasuul sharaf leh.
أَنْ أَدُّوٓا۟ إِلَىَّ عِبَادَ ٱللَّهِ إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ
Isagoo dhihi ii dhiiba addoommada Alle (ama maqalka baaqayga) waxaan idiin ahay rasuul aammin ah.
وَأَن لَّا تَعْلُوا۟ عَلَى ٱللَّهِ إِنِّىٓ ءَاتِيكُم بِسُلْطَٰنٍ مُّبِينٍ
Hana iska wayneynina Alle waxaan idiin la imid xujo cade.
وَإِنِّى عُذْتُ بِرَبِّى وَرَبِّكُمْ أَن تَرْجُمُونِ
Waxaana ka magan galay Rabbigey iyo Rabbigiin inaad i dhagaxyeysaan.