حمٓ
Waa soo hormaray macnaheedu.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
حمٓ
Waa soo hormaray macnaheedu.
تَنزِيلُ ٱلْكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَكِيمِ
Soo dajinta kitaabka (quraanka) ah wuxuu ka ahaaday Allaha adkaada ee falka san.
إِنَّ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ لَـَٔايَٰتٍ لِّلْمُؤْمِنِينَ
Samooyinka iyo dhulka dhexdiisana aayaadbaa ugu sugan mu’miniinta.
وَفِى خَلْقِكُمْ وَمَا يَبُثُّ مِن دَآبَّةٍ ءَايَٰتٌ لِّقَوْمٍ يُوقِنُونَ
Abuurkiinna iyo waxa Alle ku fidin «abuuri» dhulka oo wax socda ah aayaad baa ugu sugan ciddii wax yaqiinsan.
وَٱخْتِلَٰفِ ٱلَّيْلِ وَٱلنَّهَارِ وَمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مِن رِّزْقٍ فَأَحْيَا بِهِ ٱلْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا وَتَصْرِيفِ ٱلرِّيَٰحِ ءَايَٰتٌ لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ
Iskhilaafka habeenka iyo maalinta iyo waxa Alle ka soo dajiyey samada oo rizqi ah oo ku nooleeyo dhulka intuu dhintay ka dib iyo gagaddoonka dabaylaha waxaa ugu sugan aayaad ciddii wax kasi.
Quraanka sharafta leh Alle ayaa soo dajiyay, samada, dhulka wax kasta ee Alle ku fidiyay dhulka, habeenka, maalinta, roobka iyo gagaddoonka dabaylaha waxay aayaad iyo calaamo ugu sugan tahay mu’miniinta xaqa yaqiinsan ee wax kasi, waana in la raaco amarka Allaha ahaysiiyey waxyaalahaa, laguna dhaqmo kitaabkiisa, rumeyn, xukun, akhlaaq, mucaamalo iyo wax kastoo tallaaba ah.
تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱللَّهِ نَتْلُوهَا عَلَيْكَ بِٱلْحَقِّ فَبِأَىِّ حَدِيثٍۭ بَعْدَ ٱللَّهِ وَءَايَٰتِهِۦ يُؤْمِنُونَ
Taasi waa aayaadka Alle aan ku akhriyeyno korkaaga si xaq ah, ee hadalkay Alle ka dib iyo aayaadkiisa rumayn.
وَيْلٌ لِّكُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٍ
Halaagna wuxuu u sugnaaday beenaale dambi badan dhammaantiis.
يَسْمَعُ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ثُمَّ يُصِرُّ مُسْتَكْبِرًا كَأَن لَّمْ يَسْمَعْهَا فَبَشِّرْهُ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ
Oo maqli aayaadka Alle oo la akhrin haddana daa’ima gaalnimo, isagoo iskibrin sidii isagoon maqlin, ugu bishaaree cadaab daran.
وَإِذَا عَلِمَ مِنْ ءَايَٰتِنَا شَيْـًٔا ٱتَّخَذَهَا هُزُوًا أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ مُّهِينٌ
Markuu ogaado aayaadkannaga wax ka mid ah wuxuu ka yeeshaa jeesjees, kuwaasina waxaa u sugnaaday cadaab wax dulleeya.
مِّن وَرَآئِهِمْ جَهَنَّمُ وَلَا يُغْنِى عَنْهُم مَّا كَسَبُوا۟ شَيْـًٔا وَلَا مَا ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوْلِيَآءَ وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ
Waxaa koobi, «kana dambeysa» naarta jahannamo, waxna uma taro waxay kasbadeen, iyo waxay ka yeesheen Alle ka sokow owliyo, waxayna mudan cadaab wayn.
هَٰذَا هُدًى وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمْ لَهُمْ عَذَابٌ مِّن رِّجْزٍ أَلِيمٌ
Quraankani waa hanuun, kuwii ka gaaloobay aayaadka Allehoodna waxaa u sugnaaday cadaab xumaan daran.
Cid quraanka rumeyn wayday wax xaq ah oo kale ma rumeyso, been badane, dambi badane maqla quraankoo la akhrin markaas iskibriya xumaanna ku madaxtaagi, kuna jeesjeesi quraanka waxaa u sugnaaday cadaab daran oo wax dulleeya, wax Alle ka sokeeya oo wax u tarina ma jiro, ee xaqa cad uun ha la raaco isagaa wax taree.
ٱللَّهُ ٱلَّذِى سَخَّرَ لَكُمُ ٱلْبَحْرَ لِتَجْرِىَ ٱلْفُلْكُ فِيهِ بِأَمْرِهِۦ وَلِتَبْتَغُوا۟ مِن فَضْلِهِۦ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ
Alle waa kan idiin fududeeyey badda say ugu socoto doonnidu «iyo markabku» dhexdiisa amarka Alle, iyo inaad raadsataan oo aad gaadhaan fadligiisa (laga helo ganacsiga),iyo inaad ku mahadisaan.
وَسَخَّرَ لَكُم مَّا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًا مِّنْهُ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ
Wuxuu idiin fududeeyey waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka dhammaan xaggiisay ka ahaadeen, arrintaasna waxa ugu sugan aayaad ciddii fikiri.
قُل لِّلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ يَغْفِرُوا۟ لِلَّذِينَ لَا يَرْجُونَ أَيَّامَ ٱللَّهِ لِيَجْزِىَ قَوْمًۢا بِمَا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ
Waxaad u dhahdaa kuwa rumeeyey u dhaafa kuwaan ka yaabayn ciqaabta Alle si uu uga abaal mariyo qoom waxay kasbadeen.
مَنْ عَمِلَ صَٰلِحًا فَلِنَفْسِهِۦ وَمَنْ أَسَآءَ فَعَلَيْهَا ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُمْ تُرْجَعُونَ
Ruuxii camal fiican fala naftiisuu u falay, ruuxii xumaan sameeyana waxay uun dhibi naftiisa markaas xagga Alle uun baa laydiin celin.
Wax kasta Alle ayaa abuuray isagaana sakhiray, sida badda, markabka, waxa samada ku sugan iyo waxa dhulka ku sugan, dhammaanna xagga Alle yey ka ahaadeen, oo ma jiro wax la wadaaga Alle maamulka, waxaa uun la dhex dabaalan nicmada Alle iyo khalqigiisa, waase in la fikiro, camal wanaagsanna lala yimaaddo, xumaantana laga fogaado, mana habboona in nicmada Alle iyo fadligiisa lagu kibro laysna weyneeyo adoon waxba ahayn, kuna turrayn, oo miskiin ah.
وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ ٱلْكِتَٰبَ وَٱلْحُكْمَ وَٱلنُّبُوَّةَ وَرَزَقْنَٰهُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ وَفَضَّلْنَٰهُمْ عَلَى ٱلْعَٰلَمِينَ
Dhab ahaan baan u siinnay ree binii israa’iil kitaabka iyo xukun iyo Nabinnimo, waxaanna ku arzuqnay wax wanaagsan, waxaanna ka fadillay caalamkii (markaas).
وَءَاتَيْنَٰهُم بَيِّنَٰتٍ مِّنَ ٱلْأَمْرِ فَمَا ٱخْتَلَفُوٓا۟ إِلَّا مِنۢ بَعْدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلْعِلْمُ بَغْيًۢا بَيْنَهُمْ إِنَّ رَبَّكَ يَقْضِى بَيْنَهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُوا۟ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ
Waxaanna siinnay xujooyin ka mid ah amar, ismana khilaafin, inta cilmi u yimid ka dib mooyee, waxayna u diideen xasad iyo dulmi, dhexdooda ah, Rabbigaana wuu kala xukumi dhexdooda maalinta qiyaame waxay isku khilaafsan yihiin.
ثُمَّ جَعَلْنَٰكَ عَلَىٰ شَرِيعَةٍ مِّنَ ٱلْأَمْرِ فَٱتَّبِعْهَا وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَآءَ ٱلَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ
Waxaanna ku yeellay waddo amarka diinta ah, ee raac, hana raacin hawada kuwaan wax ogayn.
إِنَّهُمْ لَن يُغْنُوا۟ عَنكَ مِنَ ٱللَّهِ شَيْـًٔا وَإِنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَآءُ بَعْضٍ وَٱللَّهُ وَلِىُّ ٱلْمُتَّقِينَ
Iyagu kaagama taraan Alle xaggiisa waxba, daalimiintana qaarkood wuxuu u yahay sokeeye qaarka kale, Alle na waa u wali kuwa dhawrsada.
هَٰذَا بَصَٰٓئِرُ لِلنَّاسِ وَهُدًى وَرَحْمَةٌ لِّقَوْمٍ يُوقِنُونَ
Kaasi (quraanku) waa aragti (nuurka) dadka iyo hanuun iyo naxariis, ciddii wax yaqiinsan.
Bini israa’iil wuxuu Alle siiyay waqtiyadii hore kitaabbo iyo in Nabiyo laga bixiyo, waxayse ku jawaabeen is khilaaf iyo xaq diiddo, xasad iyo isla wayni darteed, taasina ma aha waxay ku faani karaan gaalada yuhuud, maxaa yeeley Nabiyadu waxay ahaayeen muslimiin, waxaan isaga ahayn wax mataro. Saas darteed yuu Alle u faray Nabiga inuu ku toosnaado waddada xaqa ah iyo shareecada islaamka, oosan maqlin warka kuwaan wax ogayn, oon waxna u tarayn, sokeeye dadna wax ma tarto ee waxaa wax tari gargaarka Alle iyo xaq raacidda.