حمٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka ee wayn, Alle ayaa ogna waa la dhahaa.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
حمٓ
Waxay ku tusin mucjisada quraanka ee wayn, Alle ayaa ogna waa la dhahaa.
تَنزِيلُ ٱلْكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَكِيمِ
Kitaabka (quraanka) ah wuxuu ka soo dagay Allaha adkaada ee falka san xaggiisa.
مَا خَلَقْنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَآ إِلَّا بِٱلْحَقِّ وَأَجَلٍ مُّسَمًّى وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ عَمَّآ أُنذِرُوا۟ مُعْرِضُونَ
Samaawaadka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeyana waxaan xaq iyo muddo magacaaban ahayn uma aannaan abuurin, kuwii gaaloobayna wixii loogu digay (ee quraanka) ah way ka jeedsadeen.
قُلْ أَرَءَيْتُم مَّا تَدْعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَرُونِى مَاذَا خَلَقُوا۟ مِنَ ٱلْأَرْضِ أَمْ لَهُمْ شِرْكٌ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ ٱئْتُونِى بِكِتَٰبٍ مِّن قَبْلِ هَٰذَآ أَوْ أَثَٰرَةٍ مِّنْ عِلْمٍ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ
Waxaad dhahdaa Nabiyoow bal ka warrama waxaad caabudaysaan ee Alle ka soo hadhay ina tusiya waxay abuureen oo dhulka ah, mise shirkad ayay ku leeyihiin samaawaadka, ii keena (oo i tusiya) kitaab quraanka, ka horreeyay, ama wax raad cilmi ah, haddaad run sheegeeysaan.
وَمَنْ أَضَلُّ مِمَّن يَدْعُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَن لَّا يَسْتَجِيبُ لَهُۥٓ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَٰمَةِ وَهُمْ عَن دُعَآئِهِمْ غَٰفِلُونَ
Wax ka dulmi badan ma jiro ruux baryi Alle ka sokow waxaan ajiibeynin (maqleyn) tan iyo qiyaamada, baryadoodana halmaansan (ogeyn).
وَإِذَا حُشِرَ ٱلنَّاسُ كَانُوا۟ لَهُمْ أَعْدَآءً وَكَانُوا۟ بِعِبَادَتِهِمْ كَٰفِرِينَ
Marka dadka la soo kulmiyana u noqon doona kuwii caabudi jiray col, inay caabudi jireenna dafiri.
Quraanka Alleheenna wayn yaa soo dajiyay, cirka, dhulka iyo khalqiga kale ee badanba Alle ayaa abuuray, si ruux walba looga abaal mariyo wuxuu camal falay muddaduu noolaa, wax Alle la wadaaga milkigiisa iyo awooddiisana ma jiro, wax in lala caabudo ama lala baryana ma bannaana, xaqna ma aha, ruuxa waxaan Alle ahayn caabuda ama baryana maalinta qiyaame ee kulanka wax uma taro, wuuna dafiraa.
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٍ قَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِلْحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمْ هَٰذَا سِحْرٌ مُّبِينٌ
Marka gaalada lagu dul akhriyo aayaadkannaga (quraanka) oo cad waxay dhahaan kuwa gaalada ah markuu u yimid xaqu kani waa sixir cad.
أَمْ يَقُولُونَ ٱفْتَرَىٰهُ قُلْ إِنِ ٱفْتَرَيْتُهُۥ فَلَا تَمْلِكُونَ لِى مِنَ ٱللَّهِ شَيْـًٔا هُوَ أَعْلَمُ بِمَا تُفِيضُونَ فِيهِ كَفَىٰ بِهِۦ شَهِيدًۢا بَيْنِى وَبَيْنَكُمْ وَهُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ
Waxay dhihi waa been uu abuurtay (Nabigu), waxaad dhahdaa haddaan been abuurto waxba iigama taraysaan Alle xaggiisa, isagaana og waxaad dhumbanaysaan (oo been ah), Alle ayaana marag ugu filan dhexdeenna, waana dambi dhaafe naxariista ah.
قُلْ مَا كُنتُ بِدْعًا مِّنَ ٱلرُّسُلِ وَمَآ أَدْرِى مَا يُفْعَلُ بِى وَلَا بِكُمْ إِنْ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰٓ إِلَىَّ وَمَآ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٌ مُّبِينٌ
Waxaad dhahdaa ma ihi kii ugu horreeyay rasuullada, mana ogi waxa lagu fali aniga iyo idinka, waxaan uun raaci waxa lay waxyoodo (ee quraanka ah) waxaana ahay u dige cad (oo muuqda).
قُلْ أَرَءَيْتُمْ إِن كَانَ مِنْ عِندِ ٱللَّهِ وَكَفَرْتُم بِهِۦ وَشَهِدَ شَاهِدٌ مِّنۢ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ عَلَىٰ مِثْلِهِۦ فَـَٔامَنَ وَٱسْتَكْبَرْتُمْ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلظَّٰلِمِينَ
Waxaad dhahdaa bal ii warrama hadduu quraanku Alle ka soo dagay ood ka gaalowdaan oo uu ka marag furo marag ree banii’israa’iil ah isaga oo kale (xaqnimada iyo runta) oo uu rumeeyay idinkuna aad is kibriseen, Alle na ma hanuuniyo kuwa dulmilowga ah.
Quraanku waa xaq sugan oo Alle u soo dhiibay, malakujibriil, kuna soo dajiyay Nabiga Muxammad ah (ammaan iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee). Mana aha wararkii dadkii hore oo la soo uruuriyay, siday gaalada xaq diidayaasha ah sheegteen, sixirna ma aha iyo wax la been abuurtay, Nabiguna jeebkiisa kama keenin, siduu Allaba aayada badan ku caddeeyay, maragna waxaa ugu filan Nabiga Allaha wayn ee naxariista badan, Nabiguna wax gaar ah oo hor leh oon toosnayn lama imaannin, ee wuxuu raaci wixii Alle u waxyooday. Waxaa quraanka u marag furay oo rumeeyay culimo ka mid ah ree banii israaiil, siday u rumeeyeen kitaabkoodii, inkastood idinku ka gaalowdeen isna kibriseen.
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَوْ كَانَ خَيْرًا مَّا سَبَقُونَآ إِلَيْهِ وَإِذْ لَمْ يَهْتَدُوا۟ بِهِۦ فَسَيَقُولُونَ هَٰذَآ إِفْكٌ قَدِيمٌ
Gaaladii waxay dheheen hadduu quraanku khayr yahay mu’miniintu noogama hormareen rumayntiisa, maadaama aanay ku hanuunin quraankan yay gaaladu dhihi kan (quraanka) waa beenihii hore.
وَمِن قَبْلِهِۦ كِتَٰبُ مُوسَىٰٓ إِمَامًا وَرَحْمَةً وَهَٰذَا كِتَٰبٌ مُّصَدِّقٌ لِّسَانًا عَرَبِيًّا لِّيُنذِرَ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ وَبُشْرَىٰ لِلْمُحْسِنِينَ
Quraanka waxaa ka horreeyay kitaabkii (Nabi) Muuse, isagoo ah hanuuniye iyo naxariis, kanna waa kitaab u rumayn (xaqa), af carabina ku soo dagay, si uu ugu digo kuwa dulmiga falay, uguna bishaareeyo kuwa wanaagga falay.
إِنَّ ٱلَّذِينَ قَالُوا۟ رَبُّنَا ٱللَّهُ ثُمَّ ٱسْتَقَٰمُوا۟ فَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ
Kuwa yidhi Rabbigeen waa Alle haddana toosnaaday cabsi iyo murugi midna ma arkaan.
أُو۟لَٰٓئِكَ أَصْحَٰبُ ٱلْجَنَّةِ خَٰلِدِينَ فِيهَا جَزَآءًۢ بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
Kuwaasna waa ehlujanno wayna ku waari dhexdeeda, abaalmarin camalkoodii (wanaagsanaa) darteed.
Xaqa rumayntiisa ruuxna gaar uma aha, ee ciddii Alle waafajiyo oo hanuunka doonta yaa hanuuna, sida ay gaaladu dheheenna xaalku ma aha, oo ah in ruuxa xoolaha badan ama madaxda ah uu ku xaq leeyahay inuu wax walba ugu horreeyo, xataa hanuunkaba. Quraankuna ma aha kii ugu horreeyay kutubta Alle ee waxaa hortiisa ahaa tawreeddii Nabi Muuse ee wanaagsanayd, iyo kutubihii kale ee Alle, quraankuna wuxuu ku soo dagay luqada carabiga ah si uu ugu digo kuwa leexday, uguna bishaareeyo kuwa wanaagga fala, ruuxiise Alle aqoonsada haddana toosnaada cabsi iyo murugo midna ma qabato maalinta qiyaame, jannana wuu gali isagoo ku waari camalkiisa wanaagsan dartiis.
وَوَصَّيْنَا ٱلْإِنسَٰنَ بِوَٰلِدَيْهِ إِحْسَٰنًا حَمَلَتْهُ أُمُّهُۥ كُرْهًا وَوَضَعَتْهُ كُرْهًا وَحَمْلُهُۥ وَفِصَٰلُهُۥ ثَلَٰثُونَ شَهْرًا حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ أَشُدَّهُۥ وَبَلَغَ أَرْبَعِينَ سَنَةً قَالَ رَبِّ أَوْزِعْنِىٓ أَنْ أَشْكُرَ نِعْمَتَكَ ٱلَّتِىٓ أَنْعَمْتَ عَلَىَّ وَعَلَىٰ وَٰلِدَىَّ وَأَنْ أَعْمَلَ صَٰلِحًا تَرْضَىٰهُ وَأَصْلِحْ لِى فِى ذُرِّيَّتِىٓ إِنِّى تُبْتُ إِلَيْكَ وَإِنِّى مِنَ ٱلْمُسْلِمِينَ
Dadka waxaan u dardaarannay labadiisii waalid inuu u wanaag falo, hooyadiis uurkay ku sidday iyadoo dhibban wayna dhashay iyadoo dhibban, uurkiisa iyo gudhintiisuna waa soddon bilood, markuu ilmihii tabar yeesho oo afartan gaadho yuu (kan fiican) dhahaa: Rabbow igu toosi inaan kugu mahadiyo nicmadaada aad iigu nicmaysay aniga iyo waaliddiintay, iguna toosi inaan camal fiican ood ka raalli tahay falo, iina wanaaji faracayga, waana kuu toobadkeenaye, waxaana ka mid ahay muslimiinta.
أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ نَتَقَبَّلُ عَنْهُمْ أَحْسَنَ مَا عَمِلُوا۟ وَنَتَجَاوَزُ عَن سَيِّـَٔاتِهِمْ فِىٓ أَصْحَٰبِ ٱلْجَنَّةِ وَعْدَ ٱلصِّدْقِ ٱلَّذِى كَانُوا۟ يُوعَدُونَ
Kuwaasi waa kuwaannu ka aqblayno camalkoodi fiicnaa, kana dhaafayno koodii xumaa, waxayna noqon ehelu-janno, Alle na wuxuu u yaboohay yabooh run ah.
Waalidka xaqiisu aad buu u wayn yahay, Alle na in badan yuu quraanka ku soo celceliyay sida aayadahan oo kale, meelo badanna wuxuu Alle la xidhiidhiyay cibaadadiisa, si gaar ahna wuxuu u xusay hooyada, maxaa yeelay waxay la kulantaa dhib badan xagga uurka iyo xagga dhalmada iyo nuujintaba, saas daraaddeed ilmaha wanaagsan wuu u sama falaa, isagoo Alle warsan inuu waafajiyo mahaddiisa, siduu ugu sama falay isaga iyo waalidkiisba, una fududeeyo inuu camal fiican falo, faraciisana u suubbiyo, ruuxa saas yeelana waa midka Alle wanaagga ka aqbalo, xumaantana ka dhaafo janno iyo wanaagna ku abaal mariyo.
وَٱلَّذِى قَالَ لِوَٰلِدَيْهِ أُفٍّ لَّكُمَآ أَتَعِدَانِنِىٓ أَنْ أُخْرَجَ وَقَدْ خَلَتِ ٱلْقُرُونُ مِن قَبْلِى وَهُمَا يَسْتَغِيثَانِ ٱللَّهَ وَيْلَكَ ءَامِنْ إِنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّ فَيَقُولُ مَا هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ
Waxaa jira mid ku dhihi labadiisii waalid uf baa la idin yidhi ee ma waxaad ii yaboohaysaan in la i soo bixin iyadoo dadkii horaba tagay, labada waalidna ay Alle uga baryi (hanuun), iyagoo ku dhihi magacaa ba’ee rumee, ballanqaadka Alle na waa xaqe, oo markaas ku dhihi waxaasi waa beentii dadkii hore.
أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ حَقَّ عَلَيْهِمُ ٱلْقَوْلُ فِىٓ أُمَمٍ قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهِم مِّنَ ٱلْجِنِّ وَٱلْإِنسِ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ خَٰسِرِينَ
Kuwaasi waa kuwa caddibaadi u sugnaatay, iyagoo ka mid noqon kuwii horay u tagey oo jinni iyo insiba leh, waxayna ahaayeen kuwa khasaaray.
وَلِكُلٍّ دَرَجَٰتٌ مِّمَّا عَمِلُوا۟ وَلِيُوَفِّيَهُمْ أَعْمَٰلَهُمْ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ
Cid walba waxay mudan waxay camal fashay Alle na wuu u oofin camalkooda iyagoon la dulmiyaynin.
Waalidka xaqiisa waxaa sheegay aayado badan, waxaana inoo soo hor maray ilmihii baarriga u ahaa waalidkii xaalkiisa, aayadahanna waxay caddayn xumaanta caaqnimada iyo caasiyidda waalidka, iyo in ruuxii waalidkiis caasiya, xumaan, Alle khilaafid, qiyaamo inkirid iyo baadinnimoba uu u dhaw yahay, kuwa saas yeelana waa kuwa naartu u waajibtay oo khasaarana ku dhacay, illeen ruux walba Alle wuxuu ka abaal marin wuxuu camal falay wanaag iyo xumaanba.
وَيَوْمَ يُعْرَضُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ عَلَى ٱلنَّارِ أَذْهَبْتُمْ طَيِّبَٰتِكُمْ فِى حَيَاتِكُمُ ٱلدُّنْيَا وَٱسْتَمْتَعْتُم بِهَا فَٱلْيَوْمَ تُجْزَوْنَ عَذَابَ ٱلْهُونِ بِمَا كُنتُمْ تَسْتَكْبِرُونَ فِى ٱلْأَرْضِ بِغَيْرِ ٱلْحَقِّ وَبِمَا كُنتُمْ تَفْسُقُونَ
(Xusuuso) maalinta kuwii gaaloobay loo bandhigi naarta, iyagoo lagu dhihi waxaad wanaaggiinnii ku dhammaysateen noloshiinnii dhawayd, waadna ku raaxaysateen, maantase waxaa laydinku abaal marin caddibaad dulli ah; iskibrintiinii aad xaq darro isula weeyneeydeen iyo faasiqnimadiinna darteed.