ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَصَدُّوا۟ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ أَضَلَّ أَعْمَٰلَهُمْ
Kuwii gaaloobay oo jidka Alle na ka leexiyay dadka, Alle waa buriyay camalkooda.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَصَدُّوا۟ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ أَضَلَّ أَعْمَٰلَهُمْ
Kuwii gaaloobay oo jidka Alle na ka leexiyay dadka, Alle waa buriyay camalkooda.
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَءَامَنُوا۟ بِمَا نُزِّلَ عَلَىٰ مُحَمَّدٍ وَهُوَ ٱلْحَقُّ مِن رَّبِّهِمْ كَفَّرَ عَنْهُمْ سَيِّـَٔاتِهِمْ وَأَصْلَحَ بَالَهُمْ
Kuwa rumeeyay xaqase oo camal fiican falay oo rumeeyay quraanka lagu soo dajiyay (Nabiga) Muxammad ah ee xaqa ah Alle wuu asturi xumaantooda, xaalkoodana wuu wanaajin.
ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ٱتَّبَعُوا۟ ٱلْبَٰطِلَ وَأَنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱتَّبَعُوا۟ ٱلْحَقَّ مِن رَّبِّهِمْ كَذَٰلِكَ يَضْرِبُ ٱللَّهُ لِلنَّاسِ أَمْثَٰلَهُمْ
Saasna waxaa ugu wacan in kuwa gaaloobayna ay raaceen baadhil, kuwa rumeeyayna ay raaceen xaqa Alle, saasuuna Alle u yeelaa tusaale.
فَإِذَا لَقِيتُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فَضَرْبَ ٱلرِّقَابِ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَثْخَنتُمُوهُمْ فَشُدُّوا۟ ٱلْوَثَاقَ فَإِمَّا مَنًّۢا بَعْدُ وَإِمَّا فِدَآءً حَتَّىٰ تَضَعَ ٱلْحَرْبُ أَوْزَارَهَا ذَٰلِكَ وَلَوْ يَشَآءُ ٱللَّهُ لَٱنتَصَرَ مِنْهُمْ وَلَٰكِن لِّيَبْلُوَا۟ بَعْضَكُم بِبَعْضٍ وَٱلَّذِينَ قُتِلُوا۟ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ فَلَن يُضِلَّ أَعْمَٰلَهُمْ
Haddaad kula kulantaan gaalada dagaal luqunta ka garaaca, markaad sugtaanna ku adkeeya xidhidda, markaas ama iska sii daaya ama ha is furteen, inta dagaalku ka xasili, xaalku waa saas, hadduu Alle doonana wuu ka aarsan karaa, hase yeeshee wuxuu saas u falay inuu qaarkiin qaarka kale ku imtixaano, kuwa jidka Alle lagu dilana camalkooda Alle ma halleeyo.
سَيَهْدِيهِمْ وَيُصْلِحُ بَالَهُمْ
Alle na wuu toosin oo hanuunin kuwaas, wuuna wanaajin xaalkooda.
وَيُدْخِلُهُمُ ٱلْجَنَّةَ عَرَّفَهَا لَهُمْ
Wuxuuna galin janno (uu baray) u caddeeyay.
Gaaladii Nabiga ka gaalowday xaqana dadka u diidday camlkoodu wuu buri, sida kuwa Nabiga rumeeya camal fiicanna fala dambigooda loo dhaafo, maxaa yeelay isku mid ma noqon karaan ruux xaqa raacay oo dadka faray iyo mid gaaloobay dadkana xaqa ka reebay, tan kale wuxuu Alle farayaa mu’miniinta inay ku jihaadaan jidka Alle, gaaladana isaga caabbiyaan si daran, jahaadkuna waa imtixaan Alle, ciddii ku dhimatana waa ehlu-janno hadii kalana waxay heli guul iyo sharaf, saas daraaddeed yaa ciddii jahaadka ka tagta dulli iyo gumaysi u dulfuulaa.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِن تَنصُرُوا۟ ٱللَّهَ يَنصُرْكُمْ وَيُثَبِّتْ أَقْدَامَكُمْ
Kuwa xaqa rumeeyow haddaad u gargaartaan Alle (diintiisa) isna wuu idiin gargaari, gommadihiinnana wuu sugi (geesinnimo).
وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فَتَعْسًا لَّهُمْ وَأَضَلَّ أَعْمَٰلَهُمْ
Kuwa gaaloobayse halaag iyo (hoosu dhac) yaa u sugnaaday, camalkoodiina Alle wuu halleeyay.
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ كَرِهُوا۟ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ فَأَحْبَطَ أَعْمَٰلَهُمْ
Saas waxaa ugu wacan inay neceen waxa Alle soo dajiyay oo xaqa ah, markaasuu hoobiyay camlkoodii.
أَفَلَمْ يَسِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَيَنظُرُوا۟ كَيْفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ دَمَّرَ ٱللَّهُ عَلَيْهِمْ وَلِلْكَٰفِرِينَ أَمْثَٰلُهَا
Miyayna ku soconnin dhulka oo markaas ay arkaan siday noqotay cidhibtii kuwii gaaloobay ee ree maka ka horreeyay, Alle ayaa halaagay, gaaladana waxaa u sugnaaday saasoo kale halaag.
ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ مَوْلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَأَنَّ ٱلْكَٰفِرِينَ لَا مَوْلَىٰ لَهُمْ
Saas waxaa ugu wacan in Alle yahay gargaaraha mu’miniinta, gaaladuna ayna gargaare lahayn.
إِنَّ ٱللَّهَ يُدْخِلُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ جَنَّٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ يَتَمَتَّعُونَ وَيَأْكُلُونَ كَمَا تَأْكُلُ ٱلْأَنْعَٰمُ وَٱلنَّارُ مَثْوًى لَّهُمْ
Alle wuxuu galin mu’miniinta camalka fiicanna falay jannooyin ay dureeri dhexdeeda wabiyaal, kuwa gaaloobayna way raaxaysan (adduunka) una cuni sida xooluhu wax u cunaan, naarna waa gurigay ku hoyan.
Alle dadka gargaar ugama baahna ee imtixaan dartiis yuu u falay saas, ciddiise diinta Alle difaacda wuu u gargaaraa, gaaladana dulli iyo halaag yaa u dambayn, maxaa yeelay waa xaq diidayaal, waana ruuxu dhulka inuu maraa kuna waanaqaato wixii dhacay, tan kale waa in mu’miniintu rumeeyaan in Alle u gargaari hadday la yimaaddaan niyad san, midnimo, toosni iyo xaq daaficid, taasina waxay ka muuqataa siduu Alle u gargaaray Nabigii (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee) iyo asxaabtiisii, mudda yar kadibna diinta islaamku meel walba ku faaftay kana talisay, intaas waxaa u dheer jannada aakharo, maxayse tari in sida xoolaha wax loo cuno mar hadday naaru ka dambayso.
وَكَأَيِّن مِّن قَرْيَةٍ هِىَ أَشَدُّ قُوَّةً مِّن قَرْيَتِكَ ٱلَّتِىٓ أَخْرَجَتْكَ أَهْلَكْنَٰهُمْ فَلَا نَاصِرَ لَهُمْ
Immisay jirtay magaalo ka xoog badan magaaladaadan ku bixisay (Maka) aanna hallignay, gargaarana aan helin.
أَفَمَن كَانَ عَلَىٰ بَيِّنَةٍ مِّن رَّبِّهِۦ كَمَن زُيِّنَ لَهُۥ سُوٓءُ عَمَلِهِۦ وَٱتَّبَعُوٓا۟ أَهْوَآءَهُم
Ruux xaqa cad ee Alle ku sugan ma la midbaa ruux loo qurxiyay camalkiisa xun oo haddana waxa naftiisu jeceshahay (ee xun) raaca.
مَّثَلُ ٱلْجَنَّةِ ٱلَّتِى وُعِدَ ٱلْمُتَّقُونَ فِيهَآ أَنْهَٰرٌ مِّن مَّآءٍ غَيْرِ ءَاسِنٍ وَأَنْهَٰرٌ مِّن لَّبَنٍ لَّمْ يَتَغَيَّرْ طَعْمُهُۥ وَأَنْهَٰرٌ مِّنْ خَمْرٍ لَّذَّةٍ لِّلشَّٰرِبِينَ وَأَنْهَٰرٌ مِّنْ عَسَلٍ مُّصَفًّى وَلَهُمْ فِيهَا مِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ وَمَغْفِرَةٌ مِّن رَّبِّهِمْ كَمَنْ هُوَ خَٰلِدٌ فِى ٱلنَّارِ وَسُقُوا۟ مَآءً حَمِيمًا فَقَطَّعَ أَمْعَآءَهُمْ
Tilmaanta jannada loogu yaboohay mu’miniinta waa in wabiyaal biya ah oon doorsoomaynin dhexdeeda yihiin, iyo wabiyaal caano ah oon iyana dhadhankoodu doorsoomaynin, iyo wabiyaal khamro (xalaal ah) oo u macaan dadka cabbi, iyo wabiyaal malab ah oo la sifeeyay, waxayna jannada ku leeyihiin nooc kasta oo midho ah, iyo dambidhaafka Alle. Ma la mid baa ruux naarta ku waari lagana waraabin biyo kulayl daran oo xiidmahooda gooya.
وَمِنْهُم مَّن يَسْتَمِعُ إِلَيْكَ حَتَّىٰٓ إِذَا خَرَجُوا۟ مِنْ عِندِكَ قَالُوا۟ لِلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْعِلْمَ مَاذَا قَالَ ءَانِفًا أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ طَبَعَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ وَٱتَّبَعُوٓا۟ أَهْوَآءَهُمْ
Waxaa ka mid ah gaalada kuwo ku dhagaysan (Nabiyow), markay agtaada ka baxaanna ku dhihi kuwa cilmiga leh (asxaabta) muxuu lahaa dhawaan, kuwaasi waa kuwa Alle daabacay (ka dhigay midaan wax fahmayn) quluubtooda, waxay naftoodu jeclaydna (oo xunna) raacay.
Xoog Alle ayaa iska leh, xaq diide kastana Alle wax kuma aha inuu halligo sidii kuwii horeba uu ku falay, xaq iyo baadilna isku mid ma aha. Jannada Alle u darbay mu’miniinta ee wanaaggu ku dhanyahay iyo naar daranna ma sinna, Alleheenna dadka ma dulmiyo ee ruux walba wuxuu falo yuu ka abaal mariyaa, samaan iyo xumaanba, quraanka iyo xaqa oo lagu jeesjeeso waa ficilka gaalada iyo xumaanloowga ee waa in layska jiraa.
وَٱلَّذِينَ ٱهْتَدَوْا۟ زَادَهُمْ هُدًى وَءَاتَىٰهُمْ تَقْوَىٰهُمْ
Kuwa hanuunay (Alle) wuxuu u siyaadiyaa hanuun, wuxuuna waafajiyaa (Alle) kayaabiddiisa.
فَهَلْ يَنظُرُونَ إِلَّا ٱلسَّاعَةَ أَن تَأْتِيَهُم بَغْتَةً فَقَدْ جَآءَ أَشْرَاطُهَا فَأَنَّىٰ لَهُمْ إِذَا جَآءَتْهُمْ ذِكْرَىٰهُمْ
Gaaladu ma waxay sugi waxaan ahayn in qiyaamadu kado ugu timaaddo, waxaase yimidba calaamooyinkeedii, ee sideebay xusuus ugu sugnaan hadday qiyaamadu timaaddo.
فَٱعْلَمْ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱللَّهُ وَٱسْتَغْفِرْ لِذَنۢبِكَ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَٰتِ وَٱللَّهُ يَعْلَمُ مُتَقَلَّبَكُمْ وَمَثْوَىٰكُمْ
Ogow (kuna sugnow Nabiyow) inaan ku xaq lugu caabudaa jirin Allaah mooyee, una dambi dhaaf waydii naftaada iyo mu’miniinta rag iyo haweenba, Alle na waa ogyahay dhaqdhaqaaqiinna iyo nagaadigiinnaba.
وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَوْلَا نُزِّلَتْ سُورَةٌ فَإِذَآ أُنزِلَتْ سُورَةٌ مُّحْكَمَةٌ وَذُكِرَ فِيهَا ٱلْقِتَالُ رَأَيْتَ ٱلَّذِينَ فِى قُلُوبِهِم مَّرَضٌ يَنظُرُونَ إِلَيْكَ نَظَرَ ٱلْمَغْشِىِّ عَلَيْهِ مِنَ ٱلْمَوْتِ فَأَوْلَىٰ لَهُمْ
Waxay kuwa xaqa rumeeyay dhahaan maa la soo dejiyo suurad, markiise la soo dajiyo suurad sugan dagaalkana (jahaadkana) lagu sheego waxaad arkaysaa kuwa quluubta ka buka oo ku soo fiirin (Nabiyow) sida ruux sakaraad hayo oo kale, halaag bayna mutaan kuwaasi.