إِنَّا فَتَحْنَا لَكَ فَتْحًا مُّبِينًا
Annagaa ku siinnay fatxi (gargaar) cad Nabiyow.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
إِنَّا فَتَحْنَا لَكَ فَتْحًا مُّبِينًا
Annagaa ku siinnay fatxi (gargaar) cad Nabiyow.
لِّيَغْفِرَ لَكَ ٱللَّهُ مَا تَقَدَّمَ مِن ذَنۢبِكَ وَمَا تَأَخَّرَ وَيُتِمَّ نِعْمَتَهُۥ عَلَيْكَ وَيَهْدِيَكَ صِرَٰطًا مُّسْتَقِيمًا
Si Alle kuugu dhaafo waxaad hormarsatay iyo wixii dib maray oo gaf ah, nicmadiisana kuugu taam yeelo, jidka toosanna kuugu hanuuniyo.
وَيَنصُرَكَ ٱللَّهُ نَصْرًا عَزِيزًا
Kuuna gargaaro Alle gargaar wayn.
هُوَ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ ٱلسَّكِينَةَ فِى قُلُوبِ ٱلْمُؤْمِنِينَ لِيَزْدَادُوٓا۟ إِيمَٰنًا مَّعَ إِيمَٰنِهِمْ وَلِلَّهِ جُنُودُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمًا
Alle waa kan ku dajiyay xasilloonida quluubta mu’miniinta si ay iimaan ugu siyaadsadaan iimaankoodii, Alle ayaana iska leh samaawaadka iyo dhulka junuudda ku sugan, Alle na waa wax walba oge falsan.
لِّيُدْخِلَ ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَٰتِ جَنَّٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا وَيُكَفِّرَ عَنْهُمْ سَيِّـَٔاتِهِمْ وَكَانَ ذَٰلِكَ عِندَ ٱللَّهِ فَوْزًا عَظِيمًا
Si uu u galiyo mu’miniinta rag iyo haweenba jannooyin ay dureereyso dhexdeeda wabiyaal iyagoo ku waari, dambigoodana wuu asturi, arrintaasuna Alle agtiisa waxay ku tahay liibaan wayn.
Suuraddan wanaagsani waxay ku soo dagtay markay Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee) iyo asaxaabtiisii ka soo laabteen heshiiskii xudeybiya, oo gaaladii Qureysheed u diideen Nabiga iyo asaxaabtiisa inay cumraystaan, fareenna inay madiina ku noqdaan, shuruudo adagna la dhigteen inkastooy xagga daahirka aad mooddo tabaryari muslimiinta, haddana waxaa ka dambeeyay khayr badan iyo fatxi, waxayna caddayn in Alle naasir iyo gargaare u yahay mu’miniinta, waxaa kale oy ku tusin in jidka toosan lagu sugnaado, xoogna Alle ayaa iska leh, cirka iyo dhulkuna awooddiisay ku hoos jiraan, liibaanta kama dambaysta ahse waa saamaxaad Alle oo la helo iyo jannadiisa siduu mu’miniinta u ballan qaaday.
وَيُعَذِّبَ ٱلْمُنَٰفِقِينَ وَٱلْمُنَٰفِقَٰتِ وَٱلْمُشْرِكِينَ وَٱلْمُشْرِكَٰتِ ٱلظَّآنِّينَ بِٱللَّهِ ظَنَّ ٱلسَّوْءِ عَلَيْهِمْ دَآئِرَةُ ٱلسَّوْءِ وَغَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيْهِمْ وَلَعَنَهُمْ وَأَعَدَّ لَهُمْ جَهَنَّمَ وَسَآءَتْ مَصِيرًا
Iyo inuu caddibo munaafiqiinta rag iyo haweenba, iyo mushrikiinta (gaalada) rag iyo haweenba, Alle na u maleeyey mala xun, xumaantu korkooda ha ku wareegto, Alle na ha u cadhoodo, hana lacnado, hana u darbo naarta jahannamo, meel loo ahaadana iyadaa u xun.
وَلِلَّهِ جُنُودُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًا
Alle ayaa iska leh junuudda ku sugan samaawaadka iyo dhulka, Alle na waa adkaade falsan.
إِنَّآ أَرْسَلْنَٰكَ شَٰهِدًا وَمُبَشِّرًا وَنَذِيرًا
Annagaa ku dirray Nabiyow adigoo marag ah, bishaareeye digena ah.
لِّتُؤْمِنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَتُعَزِّرُوهُ وَتُوَقِّرُوهُ وَتُسَبِّحُوهُ بُكْرَةً وَأَصِيلًا
Si aad dadow Alle u rumaysaan iyo Rasuulkiisa uguna gargaartaan, una waynaysaan, Alle na ugu tasbiixsataan aroor iyo galabba.
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُبَايِعُونَكَ إِنَّمَا يُبَايِعُونَ ٱللَّهَ يَدُ ٱللَّهِ فَوْقَ أَيْدِيهِمْ فَمَن نَّكَثَ فَإِنَّمَا يَنكُثُ عَلَىٰ نَفْسِهِۦ وَمَنْ أَوْفَىٰ بِمَا عَٰهَدَ عَلَيْهُ ٱللَّهَ فَسَيُؤْتِيهِ أَجْرًا عَظِيمًا
Kuwa Nabiyow kula ballamaya waxay la ballamayaan uun Alle, ballanna ka qaadeen (maadaama ay Rasuulkuusii ballan la galeen), Allana waa la joogaa oo wax xaggooda ka qarsoon ma jiro ruuxiise burriya ballanka naftiisa umbuu ku burriyay, ruuxii oofiyana wuxuu Alle kula ballamay wuxuu siin ajri wayn.
Alle wuxuu ugu goodiyay munaafiqiinta iyo mushrikiintaba caddibaad daran, maxaa yeelay way ka gaaloobeen waxayna u maleeyeen male xun, ciddii saas yeeshana Alle wuu dullayn wuuna u cadhoon oo lacnadi, wuxuuna ku abaalmarin naarta jahannamo (Alle ha naga koriyee), Alle ayaana iska leh cirka iyo dhulka waxa ku sugan, Nabiga Muxammad ahna (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee) Alle ayaa soo diray si uu marag, bishaareeye, dige iyo gaadhsiiye ugu noqdo Alle ayaa soo, dadkana waxaa kuwaajib ah dhammaantood inay rumeeyaan, wayneeyaanna una gargaaraan, Alle na had iyo jeer, habeen iyo dharaar ku xidhnaadaan kana dhawrsadaan.
سَيَقُولُ لَكَ ٱلْمُخَلَّفُونَ مِنَ ٱلْأَعْرَابِ شَغَلَتْنَآ أَمْوَٰلُنَا وَأَهْلُونَا فَٱسْتَغْفِرْ لَنَا يَقُولُونَ بِأَلْسِنَتِهِم مَّا لَيْسَ فِى قُلُوبِهِمْ قُلْ فَمَن يَمْلِكُ لَكُم مِّنَ ٱللَّهِ شَيْـًٔا إِنْ أَرَادَ بِكُمْ ضَرًّا أَوْ أَرَادَ بِكُمْ نَفْعًۢا بَلْ كَانَ ٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرًۢا
Waxay kugu dhihi kuwii ka dib maray (jahaadka) ee reebaadiyaha (carbeed ahaa), waxaa na shuqliyay xoolahannagii, iyo ahalkannagii, ee Alle noo dambi dhaaf waydii, carrabkooda yay ka dhihi waxaan qalbigooda jirin, waxaad ku dhahdaa yaa Alle wax idiinka hanan kara hadduu dhib idinla doono, ama gargaar idinla doono, saas ma aha, ee Alle waa ogyahay waxaad camal falaysaan.
بَلْ ظَنَنتُمْ أَن لَّن يَنقَلِبَ ٱلرَّسُولُ وَٱلْمُؤْمِنُونَ إِلَىٰٓ أَهْلِيهِمْ أَبَدًا وَزُيِّنَ ذَٰلِكَ فِى قُلُوبِكُمْ وَظَنَنتُمْ ظَنَّ ٱلسَّوْءِ وَكُنتُمْ قَوْمًۢا بُورًا
Waxaadse u malayseen inayan Rasuulka iyo mu’miniinta u soo noqonaynin ehelkooda waligood, saasaana lagu qurxiyay qalbigiinna, waxaadna ahaateen kuwo halaagsamay.
وَمَن لَّمْ يُؤْمِنۢ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ فَإِنَّآ أَعْتَدْنَا لِلْكَٰفِرِينَ سَعِيرًا
Ruuxaan Alle rumayn iyo Rasuulkiisa waxaan gaalo u darabnay naarta saciiro.
وَلِلَّهِ مُلْكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ يَغْفِرُ لِمَن يَشَآءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَآءُ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا
Alle ayaa iska leh xukunka waxa samaawaadka iyo dhulka ku sugan, wuxuuna u dambi dhaafi cidduu doono, wuxuu caddibi cidduu doono, waana dambi dhaafe naxariiste ah.
Ma habboona in waqtiga muslimiintu dagaal iyo jihaad ku jirto uu ruuxna cudur daar la’aan iska fadhiisto, isagoo ku marmarsoon in xoolihiisii iyo ehelkiisii shuqliyeen, siday faleen carabtii reer baadiyaha ahayd, oy haddana dambi dhaaf waydiistaan, arrintaasu waa carrab iyo qalbi is khilaafsan, Alle umbaana dhib iyo dheefba hanta wax walbana og, mana aha in rasuulka iyo mu’miniinta loo maleeyo xumaan iyo inay jabi ooyan guulaysanaynin iyagoo fayowna u soo noqonaynin ehelkoodii. Alle iyo Rasuulkiisa ciddaan rumaynin wuxuu Alle u darbay naarta saciira, cirka iyo dhulka xukunkooda Alle ayaa iska leh, ruuxuu doonana wuu u dambi dhaafaa, kuu doonana wuu caddibaa waana dambi dhaafe naxariiste ah.
سَيَقُولُ ٱلْمُخَلَّفُونَ إِذَا ٱنطَلَقْتُمْ إِلَىٰ مَغَانِمَ لِتَأْخُذُوهَا ذَرُونَا نَتَّبِعْكُمْ يُرِيدُونَ أَن يُبَدِّلُوا۟ كَلَٰمَ ٱللَّهِ قُل لَّن تَتَّبِعُونَا كَذَٰلِكُمْ قَالَ ٱللَّهُ مِن قَبْلُ فَسَيَقُولُونَ بَلْ تَحْسُدُونَنَا بَلْ كَانُوا۟ لَا يَفْقَهُونَ إِلَّا قَلِيلًا
Waxay idinku odhan kuwii dib maray markaad qaniimo aaddaan si aad u soo qaadataan na daaya aan idin raacnee, iyagoo dooni inay baddalaan hadalka Alle, waxaad dhahdaa na raaci maysaan Alle ayaana sidaa yidhi mar hore, waxayse dhihi waad na xasdaysaan,waase kuwo aan wax kasaynin in yar mooyeen.
قُل لِّلْمُخَلَّفِينَ مِنَ ٱلْأَعْرَابِ سَتُدْعَوْنَ إِلَىٰ قَوْمٍ أُو۟لِى بَأْسٍ شَدِيدٍ تُقَٰتِلُونَهُمْ أَوْ يُسْلِمُونَ فَإِن تُطِيعُوا۟ يُؤْتِكُمُ ٱللَّهُ أَجْرًا حَسَنًا وَإِن تَتَوَلَّوْا۟ كَمَا تَوَلَّيْتُم مِّن قَبْلُ يُعَذِّبْكُمْ عَذَابًا أَلِيمًا
Waxaad ku dhahdaa Nabiyow kuwa dib maray ee ree baadiyaha ah waxaa laydinku yeedhi kuwa xoog badan oo daran inaad la dagaallantaan intay ka islaamaan, haddaadse addeecdaan wuxuu Alle idin siin ajri fiican, haddaadse jeedsataan saad horayba ugu jeedsateen wuu idin caddibi caddibaad daran.
لَّيْسَ عَلَى ٱلْأَعْمَىٰ حَرَجٌ وَلَا عَلَى ٱلْأَعْرَجِ حَرَجٌ وَلَا عَلَى ٱلْمَرِيضِ حَرَجٌ وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ يُدْخِلْهُ جَنَّٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ وَمَن يَتَوَلَّ يُعَذِّبْهُ عَذَابًا أَلِيمًا
Ruux indha la’ korkiisa dhib ma saarra iyo ka naafada ah iyo kan buka, (hadday jihaadka ka haraan) ruuxiise Alle addeeca iyo Rasuulkiisa wuxuu galin jannooyin ay dhexdureeri wabiyaal, ruuxiise jeedsada wuu caddibi caddibaad daran.
Saas oo kale ma habboona in marka muslimiintu dagaal iyo duullaan ku jirto laga fadhiisto, marka xoolo iyo qaniimo gaalada laga helana la doono in wax laga helo. Saas waa inayan muslimiintu oggolaannin, maxaa yeelay Alle kama raalii aha, inkastooy dhihi waad na xasdaysaan, maxaa yeelay waa wax ma gartayaal, waase in la imtixaano kuwaas, lana faro inay la dagaallamaan kuwa daran oo xoog badan intay ka islaamaan, hadday saas yeelaan wanaag buu Alle siin, haddayse jeedsadaan siday horayba ugu jeedsadeen wuu caddibi. Ruuxna Alle kuma kallifo wuxuusan karin, saas daraadeed indhoole, naafo, iyo ruux buka midna dhibdagaal ma saarna.
لَّقَدْ رَضِىَ ٱللَّهُ عَنِ ٱلْمُؤْمِنِينَ إِذْ يُبَايِعُونَكَ تَحْتَ ٱلشَّجَرَةِ فَعَلِمَ مَا فِى قُلُوبِهِمْ فَأَنزَلَ ٱلسَّكِينَةَ عَلَيْهِمْ وَأَثَٰبَهُمْ فَتْحًا قَرِيبًا
Alle wuu ka raalli noqday mu’miniinta markay kugula ballantamayeen Nabiyow geedka hoostiisa, Alle na waa ogaaday waxa quluubtooda ku sugan,wuxuuna ku dajiyay xasillooni, wuxuuna ku abaal marin fatxi (nasri) dhaw.
وَمَغَانِمَ كَثِيرَةً يَأْخُذُونَهَا وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًا
Iyo qaniimooyin badan oy qaadan doonaan, Alle na waa adkaade falsan.
وَعَدَكُمُ ٱللَّهُ مَغَانِمَ كَثِيرَةً تَأْخُذُونَهَا فَعَجَّلَ لَكُمْ هَٰذِهِۦ وَكَفَّ أَيْدِىَ ٱلنَّاسِ عَنكُمْ وَلِتَكُونَ ءَايَةً لِّلْمُؤْمِنِينَ وَيَهْدِيَكُمْ صِرَٰطًا مُّسْتَقِيمًا
Alle na wuxuu idiin yaboohay qaniimooyin badan ood qaadanaysaan, tanna wuu idiin hormariyay (waa qaniimadii khaybar), wuuna idinka reebay gacmaha dadka (gaalada) si ay ugu noqoto mu’miniinta calaamo (runta Nabiga) idiinkuna hanuuniyo jidka toosan.