يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَوْفُوا۟ بِٱلْعُقُودِ أُحِلَّتْ لَكُم بَهِيمَةُ ٱلْأَنْعَٰمِ إِلَّا مَا يُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ غَيْرَ مُحِلِّى ٱلصَّيْدِ وَأَنتُمْ حُرُمٌ إِنَّ ٱللَّهَ يَحْكُمُ مَا يُرِيدُ
Kuwa (xaqa) rumeeyoow oofiya ballanka, waxaa laydiin banneeyey xoolaha nicmoolayda waxa laydinku akhrin korkiinna mooyee idinkoon bannaysanayn ugaadhsiga idinkoo xarman, Alle na wuxuu xukumaa wuxuu doono.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تُحِلُّوا۟ شَعَٰٓئِرَ ٱللَّهِ وَلَا ٱلشَّهْرَ ٱلْحَرَامَ وَلَا ٱلْهَدْىَ وَلَا ٱلْقَلَٰٓئِدَ وَلَآ ءَآمِّينَ ٱلْبَيْتَ ٱلْحَرَامَ يَبْتَغُونَ فَضْلًا مِّن رَّبِّهِمْ وَرِضْوَٰنًا وَإِذَا حَلَلْتُمْ فَٱصْطَادُوا۟ وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَـَٔانُ قَوْمٍ أَن صَدُّوكُمْ عَنِ ٱلْمَسْجِدِ ٱلْحَرَامِ أَن تَعْتَدُوا۟ وَتَعَاوَنُوا۟ عَلَى ٱلْبِرِّ وَٱلتَّقْوَىٰ وَلَا تَعَاوَنُوا۟ عَلَى ٱلْإِثْمِ وَٱلْعُدْوَٰنِ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ إِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ
Kuwa (xaqa) rumeeyow ha bannaysanina calaamooyinka Alle (waxa reebban) iyo bisha xurmaysan iyo hadyada iyo midda loo luqun xidhay (hadyada baydka) iyo kuwa u qasdi baydka xurmaysan, iyagoo dooni fadliga Rabbigood iyo raalli ahaanshihiisa, markaad xalaalowdaanna (dhammaysaan xajka iyo cumrada) ugaadhsada (haddaad doontaan), yeyna idin ku xambaarin cadhada qoom idinka celiyey masaajidka xurmaysan inaad xad gudubtaan, isugu kaalmeeya samaha iyo dhawrsiga hana isugu kaalmaynina dambi iyo colnimo, kana dhawrsada Alle, Ilaahay way daran tahay ciqaabtiisu.
Tafsiirka aayadaha 1–2
Suuraddan waxaa la dhahaa suuratul maa’ida, waxayna kulmisatay xukummo badan, aayadahanna wuxuu Alle fari dadka inay oofiyaan ballamada wuxuuna u caddeeyey in loo banneeyey cunnada xoolaha marka laga reebo waxa lagu akhriyey iyo ugaadhsiga iyagoo xarman, wuxuuna ku boorriyey inayna ku xad gudbin kuna dacatiyin, calaamadda Alle iyo waynaantiisa, iyo bisha xurmaysan, iyo hadyada la calaameeyey iyo kuwa ku socda guriga xurmaysan, iyagoo dooni khayrka Alle iyo raalli ahaanshihiisa, markay xalaaloobaanna way ugaadhsan karaan, mana habboona in caddaaladda sina looga tago, waase in khayrka laysugu kaalmeeyo oon xumaanta laysugu kaalmaynin, illeen waxaa daran ciqaabta Alle. Caa’isha waxay tidhi: suuraddan waa wixii u dagid dambeeyey ee waxay bannaysana cuna waxay reebtana daaya.
حُرِّمَتْ عَلَيْكُمُ ٱلْمَيْتَةُ وَٱلدَّمُ وَلَحْمُ ٱلْخِنزِيرِ وَمَآ أُهِلَّ لِغَيْرِ ٱللَّهِ بِهِۦ وَٱلْمُنْخَنِقَةُ وَٱلْمَوْقُوذَةُ وَٱلْمُتَرَدِّيَةُ وَٱلنَّطِيحَةُ وَمَآ أَكَلَ ٱلسَّبُعُ إِلَّا مَا ذَكَّيْتُمْ وَمَا ذُبِحَ عَلَى ٱلنُّصُبِ وَأَن تَسْتَقْسِمُوا۟ بِٱلْأَزْلَٰمِ ذَٰلِكُمْ فِسْقٌ ٱلْيَوْمَ يَئِسَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِن دِينِكُمْ فَلَا تَخْشَوْهُمْ وَٱخْشَوْنِ ٱلْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِى وَرَضِيتُ لَكُمُ ٱلْإِسْلَٰمَ دِينًا فَمَنِ ٱضْطُرَّ فِى مَخْمَصَةٍ غَيْرَ مُتَجَانِفٍ لِّإِثْمٍ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Waxaa laydinka xarrimay bakhtiga iyo dhiigga iyo hilibka doofaarka iyo wixii lagu xuso (lagu gawraco) waxaan magaca Alle ahayn, iyo tii la ceejiyo, iyo la ganac gooyo, iyo tan meel ku dhacda, iyo tii la hardiyo, iyo midduu cunay bahal, waxaad gawracdaan mooyee, (waxaa kaloo reebban) wixii lagu gawraco sanam, iyo inaad ku nasiib doontaan faal, kaasi waa fisqi, maantayna ka quusteen kuwii gaaloobay diintiinna, ee ha ka cabsannina ee iga cabsada, maantaan idiin kaamilay (dhammeeyey) diintiinna waxaana idiin taam yeelay korkiinna nicmadayda waxaana idiinka raalli noqday islaamka diin ahaan, ciddii loo dhibaateeyo baahi inay cunaan wixii laga xaaraameeyey oon u kaseyn dambi, Alle waa dambi dhaafe naxariista.
يَسْـَٔلُونَكَ مَاذَآ أُحِلَّ لَهُمْ قُلْ أُحِلَّ لَكُمُ ٱلطَّيِّبَٰتُ وَمَا عَلَّمْتُم مِّنَ ٱلْجَوَارِحِ مُكَلِّبِينَ تُعَلِّمُونَهُنَّ مِمَّا عَلَّمَكُمُ ٱللَّهُ فَكُلُوا۟ مِمَّآ أَمْسَكْنَ عَلَيْكُمْ وَٱذْكُرُوا۟ ٱسْمَ ٱللَّهِ عَلَيْهِ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ إِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلْحِسَابِ
Waxay ku warsan maxaa loo xalaaleeyey waxaad dhahdaa waxaa laydiin xallilay wanaagga (xalaasha) iyo waxaad wax barteen oo wax dhaawaca idinkoo ku ugaadhsan, ood baraysaan wuxuu idin baray Alle ee ka cuna waxay idiin qabtaan ku xusana magaca Alle kana dhawrsada Alle, Ilaahay waa deg degtaa xisaabtiisuye.
Tafsiirka aayadaha 3–4
Waxa wax dhiboo dhan Alle wuu reebay, sida bakhtiga, dhiigga, hilibka doofaarka iyo wixii magaca Alle waxaan ahayn lagu gawracay, waxaa si gaar ah loo sheegay inay reebban tahay tan la ceejiyo, tan la ganac gooyo, tan meel ka dhacda, tan hardida ku dhimata, tan bahal cuno oon la gawricin, waxaa kaloo reebban waxa sanamyada loo gawraco iyo waxyaalo la taagay, iyo wax lagu sameeyo faal, waxaasuna waa faasiqnimo, maalintaas yeyna ka quusteen gaaladu diinta islamka, mana mudna in laga cabsado ee waa in Alle uun laga cabsado, Alle na wuu taam yeelay diinta islaamka ah iyo nicmadiisa, wuxuuna inooga raalli noqday diinta islaamka waxa ka soo hadhayna waa wax kama jiraan, ciddiise baahata oon xadgudbin Alle waa u dhaafe naxariista.
ٱلْيَوْمَ أُحِلَّ لَكُمُ ٱلطَّيِّبَٰتُ وَطَعَامُ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَٰبَ حِلٌّ لَّكُمْ وَطَعَامُكُمْ حِلٌّ لَّهُمْ وَٱلْمُحْصَنَٰتُ مِنَ ٱلْمُؤْمِنَٰتِ وَٱلْمُحْصَنَٰتُ مِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَٰبَ مِن قَبْلِكُمْ إِذَآ ءَاتَيْتُمُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ مُحْصِنِينَ غَيْرَ مُسَٰفِحِينَ وَلَا مُتَّخِذِىٓ أَخْدَانٍ وَمَن يَكْفُرْ بِٱلْإِيمَٰنِ فَقَدْ حَبِطَ عَمَلُهُۥ وَهُوَ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ مِنَ ٱلْخَٰسِرِينَ
Maanta waxaa laydiin xalaaleeyey wanaagga, cunnada kuwa la siiyey kitaabna xalaal buu idiin yahay, cunnadiinnuna xalaal bay u tahay, iyo kuwa dhawrsoon oo mu’minaadka ah (guurkooda) iyo kuwa dhawrsoon oo ka mid ah kuwa la siiyey kitaabka oo idinka horreeyey haddaad siisaan ujuuradooda (meherkooda) idinkoo dhawrsoon oon xumaan (zino muuqata) samaynayn yeelanaynna saaxiibbo (aad qarsanaysaan) ciddii ka gaalowda iimaanka wuu hoobtay camalkiisu wuxuuna ka mid noqon aakhiro kuwa khasaaray.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِذَا قُمْتُمْ إِلَى ٱلصَّلَوٰةِ فَٱغْسِلُوا۟ وُجُوهَكُمْ وَأَيْدِيَكُمْ إِلَى ٱلْمَرَافِقِ وَٱمْسَحُوا۟ بِرُءُوسِكُمْ وَأَرْجُلَكُمْ إِلَى ٱلْكَعْبَيْنِ وَإِن كُنتُمْ جُنُبًا فَٱطَّهَّرُوا۟ وَإِن كُنتُم مَّرْضَىٰٓ أَوْ عَلَىٰ سَفَرٍ أَوْ جَآءَ أَحَدٌ مِّنكُم مِّنَ ٱلْغَآئِطِ أَوْ لَٰمَسْتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَلَمْ تَجِدُوا۟ مَآءً فَتَيَمَّمُوا۟ صَعِيدًا طَيِّبًا فَٱمْسَحُوا۟ بِوُجُوهِكُمْ وَأَيْدِيكُم مِّنْهُ مَا يُرِيدُ ٱللَّهُ لِيَجْعَلَ عَلَيْكُم مِّنْ حَرَجٍ وَلَٰكِن يُرِيدُ لِيُطَهِّرَكُمْ وَلِيُتِمَّ نِعْمَتَهُۥ عَلَيْكُمْ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ
Kuwa (xaqa) rumeeyow haddaad u kacdaan salaadda dhaqa wajiyadiinna, iyo gacmihiinna tan iyo jiqilka (xusulka) masaxana madaxiinna (dhaqana) lugihiina tan iyo anqawyada, haddaad janaabo qabtaan isdaahiriya, haddaad buktaan ama safar tihiin ama ka timaadaan kortag ama istaabataan haween oydaan helayn biyo ku gagabaysta dhul daahir ah kuna masaxa wajigiinna iyo gacmihiinna, idin lama doonayo Alle inuu idin yeelo korkiinna dhib wuxuuse dooni inuu idin daahiriyo idiin dhammeeyo nicmadiisa korkiinna inaad shugridaan darteed.
Tafsiirka aayadaha 5–6
Halkan wuxuu Alle ku sheegay in loo banneeyey mu’miniinta cunnada xalaasha ah, iyo cunnada kuwa kitaabka leh, iyo haweenka dhawrsoon oo mu’miniinta ah, iyo kuwa kitaabka leh ee naga horreeyey marka la siiyo maherkooda ee dhawrsoon, ciddiise xaqa iyo iimaanka ka gaalowda waa mid uu buray camalkiisu oo khasaaray. Sayid Cumar waxaa laga sheegay: waxaan doonay inaanan u oggolaan ruux xumaan (zino) sameeyey inuu guursado haweenay dhawrsoon. Aayadda kale waxay ka warrami waysada iyo in la dhaqi wajiga, gacmaha tan iyo jiqillada, madaxana la masixi, lugahana la dhaqi tan iyo anqawyada, janaabadana laga maydhan, ciddii jirran ama safar ah ama kortag ka timid ama haween taabta oon biya helinna inuu carrada ku gagabaysan oo marin wajiga iyo gacmaha, waana fududayn Alle iyo inuu idiin muujiyo nicmadiisa iyo inaan ku mahdinno.
وَٱذْكُرُوا۟ نِعْمَةَ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ وَمِيثَٰقَهُ ٱلَّذِى وَاثَقَكُم بِهِۦٓ إِذْ قُلْتُمْ سَمِعْنَا وَأَطَعْنَا وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
Xusuusta nicmada Alle iyo ballankiisa uu idin kula ballamay markaad dhahdeen waan maqallay waana adeecnay, kana dhawrsada Alle illeen Ilaahay waa og yahay waxa laabta ku sugane.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ كُونُوا۟ قَوَّٰمِينَ لِلَّهِ شُهَدَآءَ بِٱلْقِسْطِ وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَـَٔانُ قَوْمٍ عَلَىٰٓ أَلَّا تَعْدِلُوا۟ ٱعْدِلُوا۟ هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَىٰ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ إِنَّ ٱللَّهَ خَبِيرٌۢ بِمَا تَعْمَلُونَ
Kuwa (xaqa) rumeeyow noqda kuwa istaaga (u darban) dar Alle oo ku marag kaca caddaalad, yeyna idinku xambaarin cadhada qoom inaydaan caddaalad falin, caddaalad fala iyadaa u dhaw dhawrsashada (Alle) kana dhawrsada ilaahay, Alle waa og yahay waxaad falaysaane.
وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَأَجْرٌ عَظِيمٌ
Wuxuu u yaboohay Alle kuwa rumeeyey (xaqa) oo falay camal fiican inuu u sugnaaday dambi dhaaf iyo ajir wayn.
وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَكَذَّبُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَآ أُو۟لَٰٓئِكَ أَصْحَٰبُ ٱلْجَحِيمِ
Kuwa gaaloobay oo beeniyey aayaadkannaga kuwaasu waa asaxaabta (ehelka) jaxiimo.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱذْكُرُوا۟ نِعْمَتَ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ هَمَّ قَوْمٌ أَن يَبْسُطُوٓا۟ إِلَيْكُمْ أَيْدِيَهُمْ فَكَفَّ أَيْدِيَهُمْ عَنكُمْ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ ٱلْمُؤْمِنُونَ
Kuwa (xaqa) rumeeyow xusuusta nicmada Alle korkiinna markay hammiyeen "dooneen" qoom inay idinku fidiyaan (xumaan) gacmahooda oo (Alle) idinka reebay gacmohooda xaggiinna, kana dhawrsada Alle, ilaahayna ha tala saarteen mu’miniintu.
Tafsiirka aayadaha 7–11
Aayadahan wuxuu Alle fari dadka mu’miniinta ah inay xusuustaan nicmadiisa oo ah inuu u soo dejiyey sharcigan toosan, una soo diray rasuul, iyo ballankii uu ka qaaday inay xaqa u gargaaraan oyna aqbaleen, iyo inay Allaha wax walba og ka dhawrsadaan, waxaa kale oo uu faray inay caddaaladda ku dadaalaan xaataa dadkay colka yihiin saasaana u dhaw xaqa iyo wanaagga, markaasuu Alle caddeeyey abaalka kuwa wanaagga fala iyo kuwa gaaloobay, iyo in Alle ka dhawray cadaw isku dayey inay xumaan ku falaan, oyna mudan yihiin inay Alle tala saartaan, waxaa sugnaatay inay muslimiinti la ballantemeen Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) si kastoo ay yihiinba inay xaqa u gargaaraan. Alle na waa kan ka dhawray Nabiga cadowgii isku dayey inuu wax yeelleeyo, yuhuud iyo kuwa kalaba.
وَلَقَدْ أَخَذَ ٱللَّهُ مِيثَٰقَ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ وَبَعَثْنَا مِنْهُمُ ٱثْنَىْ عَشَرَ نَقِيبًا وَقَالَ ٱللَّهُ إِنِّى مَعَكُمْ لَئِنْ أَقَمْتُمُ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَيْتُمُ ٱلزَّكَوٰةَ وَءَامَنتُم بِرُسُلِى وَعَزَّرْتُمُوهُمْ وَأَقْرَضْتُمُ ٱللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا لَّأُكَفِّرَنَّ عَنكُمْ سَيِّـَٔاتِكُمْ وَلَأُدْخِلَنَّكُمْ جَنَّٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ فَمَن كَفَرَ بَعْدَ ذَٰلِكَ مِنكُمْ فَقَدْ ضَلَّ سَوَآءَ ٱلسَّبِيلِ
Dhab ahaan buu u qaaday Alle ballanka banii’israa’iil, waxaana ka bixinnay xaggooda labo iyo toban madax ah, wuxuuna yidhi Alle anigu waan idin la jiraa haddaad oogtaan salaadda oo bixisaan zakada ood rumaysaan rasuulladayda, ood una gargaartaan oo amaah gashataan Alle amaah (sadaqo) fiican waxaan ka asturi xaggiinna xumaanta waxaanna idin galin jannooyin ay dureeri dhexdeeda wabiyaal, ruuxii gaalooba intaas ka dib oo idin ka mid ah wuxuu ka dhumay jidka toosan.
فَبِمَا نَقْضِهِم مِّيثَٰقَهُمْ لَعَنَّٰهُمْ وَجَعَلْنَا قُلُوبَهُمْ قَٰسِيَةً يُحَرِّفُونَ ٱلْكَلِمَ عَن مَّوَاضِعِهِۦ وَنَسُوا۟ حَظًّا مِّمَّا ذُكِّرُوا۟ بِهِۦ وَلَا تَزَالُ تَطَّلِعُ عَلَىٰ خَآئِنَةٍ مِّنْهُمْ إِلَّا قَلِيلًا مِّنْهُمْ فَٱعْفُ عَنْهُمْ وَٱصْفَحْ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلْمُحْسِنِينَ
Burintooda ballankooda (yuhuud) yaan u lacnadnay kana yeellay quluubtooda mid ingagan, iyagoo ka leexin kalimada meesheeda waxayna halmaameen qayb ka mid ah wixii lagu waaniyey kamana waydid xaggooda inaad ku aragtid khayaamo wax yar mooyee ee iska cafi iskana saamax Alle wuxuu jecel yahay samo falayaashee.
Tafsiirka aayadaha 12–13
Halkanna wuxuu Alle ka qisoon banii israa’iil iyo in Alle ka soo saaray labo iyo toban madax ah kuna yidhi waan idinla jiraa haddaad oogtaan salaadda, oo bixisaan zakada, ood rumaysaan rasuulladayda, ood u gargaartaan ood wanaag Alle amaahsataan, uuna asturi xumaantooda uuna galin jannooyin ay dureeri dhexdeeda wabiyaal, ciddiise ka dib gaalowda wuxuu ka dhumay jidka toosan. Waase la lacnaday qalbi ingeeggooda iyo ka leexinta hadalka meelihiisa, waxayna halmaameen wax badan oo lagu waaniyey, khayaamana lagama waayo badankooda, ee iska dhaaf hana ku dhibin naftaada Alle wuxuu jecel yahay samafaleyaashee. Waana taas dabeecadda yuhuud iyo wixii la mid ah, waxaase waajib ah in laga digtoonaadaa layskuna dayo in la toosiyo.
وَمِنَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓا۟ إِنَّا نَصَٰرَىٰٓ أَخَذْنَا مِيثَٰقَهُمْ فَنَسُوا۟ حَظًّا مِّمَّا ذُكِّرُوا۟ بِهِۦ فَأَغْرَيْنَا بَيْنَهُمُ ٱلْعَدَاوَةَ وَٱلْبَغْضَآءَ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَٰمَةِ وَسَوْفَ يُنَبِّئُهُمُ ٱللَّهُ بِمَا كَانُوا۟ يَصْنَعُونَ
Kuwa yidhi waxaan nahay nasaara waxaan ka qaadnay ballankooda waxayna halmaameen qayb wixii lagu waaniyey, markaasaan ku sii daynay dhexdooda colnimo iyo cadho tan iyo maalinta qiyaame, wuuna uga warrami Alle waxay samaynayeen.
يَٰٓأَهْلَ ٱلْكِتَٰبِ قَدْ جَآءَكُمْ رَسُولُنَا يُبَيِّنُ لَكُمْ كَثِيرًا مِّمَّا كُنتُمْ تُخْفُونَ مِنَ ٱلْكِتَٰبِ وَيَعْفُوا۟ عَن كَثِيرٍ قَدْ جَآءَكُم مِّنَ ٱللَّهِ نُورٌ وَكِتَٰبٌ مُّبِينٌ
Ehelu kitaabow waxaa idiin yimid Rasuulkannaga oo idiin caddayn wax badan ood ahaydeen kuwo ka qariya kitaabka (tawreed) wuxuuna idinka cafiyi wax badan, waxaana idiinka yimid xagga Alle nuur iyo kitaab cad.
يَهْدِى بِهِ ٱللَّهُ مَنِ ٱتَّبَعَ رِضْوَٰنَهُۥ سُبُلَ ٱلسَّلَٰمِ وَيُخْرِجُهُم مِّنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ بِإِذْنِهِۦ وَيَهْدِيهِمْ إِلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ
Uuna ku hanuuniyo Alle ruuxii raaca raalli ahaanshihiisa jidka nabadgalyada kana bixin mugdiyada una bixin xagga nuurka, idinkiisa, kuna hanuunin jidka toosan.
لَّقَدْ كَفَرَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓا۟ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْمَسِيحُ ٱبْنُ مَرْيَمَ قُلْ فَمَن يَمْلِكُ مِنَ ٱللَّهِ شَيْـًٔا إِنْ أَرَادَ أَن يُهْلِكَ ٱلْمَسِيحَ ٱبْنَ مَرْيَمَ وَأُمَّهُۥ وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًا وَلِلَّهِ مُلْكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا يَخْلُقُ مَا يَشَآءُ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
Waxaa gaaloobay kuwa yidhi Alle waa uun masiixi ibnu Maryama, yaa uga hanan Alle waxba hadduu doono inuu halaago masiixi ibnu Maryama iyo hooyadiis iyo waxa dhulka ku sugan dhammaan, Alle ayaa iska leh xukunka samooyinka iyo dhulka, iyo waxa u dhaxeeya, wuxuuna abuuraa wuxuu doono Alle na wax kasta wuu karaa.
Tafsiirka aayadaha 14–17
Kuwa sheegta inay nasaara yihiin wuxuu Alle ka qaaday ballan inay rumeeyaan una gargaaraan Nabiga Muxamad ah (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) wayse halmaameen oo iska diideen arrintaas, markaasaa Alle dhex dhigay col iyo cadho tan iyo qiyaame, Alle na wuu uga warrami oo ka abaal marin waxay falayeen. Ehelu kitaabkow waxaa idiin yimid rasuulka Alle oo idiin caddayn wax badan ood qarinaysaan, idinka cafin wax badan, xagga Alle na waxaa idiinka yimid nuur iyo quraan cad kuna hanuuniyo Alle jidka nabadgalyo ciddii raacda raalli ahaanshihiisa, iyo jidka nuurka ah ee toosan. Waxaa dhab u gaaloobay kuwa yidhi Alle waa Ciise ibnu Maryama, yaase Alle ka celin hadduu halaago Ciise iyo hooyadiis iyo waxa dhulka ku sugan dhammaan. Xukunka samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeyana Alle ayaa iska leh, wuxuu doono yuu abuuraa, wax walbana wuu karaa, Alle na waa kali awood leh.
وَقَالَتِ ٱلْيَهُودُ وَٱلنَّصَٰرَىٰ نَحْنُ أَبْنَٰٓؤُا۟ ٱللَّهِ وَأَحِبَّٰٓؤُهُۥ قُلْ فَلِمَ يُعَذِّبُكُم بِذُنُوبِكُم بَلْ أَنتُم بَشَرٌ مِّمَّنْ خَلَقَ يَغْفِرُ لِمَن يَشَآءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَآءُ وَلِلَّهِ مُلْكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا وَإِلَيْهِ ٱلْمَصِيرُ
Waxay dheheen yuhuud iyo nasaaraba annagu waxaan nahay carruur Alle iyo kuwuu jecel yahay waxaad dhahdaa muxuu idiinku cadaabaa dambigiinna, saas ma aha ee waxaad tihiin dadka Alle abuuray kuwo ka mid ah, wuu u dhaafi cidduu doono wuuna cadaabi cidduu doono, Alle na waxaa u sugnaaday xukunka samooyinka, iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya, xaggiisaana loo ahaan.
يَٰٓأَهْلَ ٱلْكِتَٰبِ قَدْ جَآءَكُمْ رَسُولُنَا يُبَيِّنُ لَكُمْ عَلَىٰ فَتْرَةٍ مِّنَ ٱلرُّسُلِ أَن تَقُولُوا۟ مَا جَآءَنَا مِنۢ بَشِيرٍ وَلَا نَذِيرٍ فَقَدْ جَآءَكُم بَشِيرٌ وَنَذِيرٌ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
Ehelu kitaabow waxaa idiin yimid Rasuulkannagii isagoo idiin caddayn muddo (kadib) rasuullada inaydaan dhihin nooma imaan bishaareeye iyo dige, Allana wax kasta wuu karaa.
وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوْمِهِۦ يَٰقَوْمِ ٱذْكُرُوا۟ نِعْمَةَ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ جَعَلَ فِيكُمْ أَنۢبِيَآءَ وَجَعَلَكُم مُّلُوكًا وَءَاتَىٰكُم مَّا لَمْ يُؤْتِ أَحَدًا مِّنَ ٱلْعَٰلَمِينَ
(Xusuuso) markuu ku yidhi (Nabi) Muuse qoomkiisa, qoomkayow xusuusta nicmada Alle ee korkiinna markuu yeelay dhexdiinna Nabiyo idinkana yeelay xukaam idin siiyeyna waxaan la siin cid caalamka ah, (waqtigiinnii).