قٓ وَٱلْقُرْءَانِ ٱلْمَجِيدِ
Alle wuxuu ku dhaartay quraanka sharafta leh (in dadka la soo bixin).
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
قٓ وَٱلْقُرْءَانِ ٱلْمَجِيدِ
Alle wuxuu ku dhaartay quraanka sharafta leh (in dadka la soo bixin).
بَلْ عَجِبُوٓا۟ أَن جَآءَهُم مُّنذِرٌ مِّنْهُمْ فَقَالَ ٱلْكَٰفِرُونَ هَٰذَا شَىْءٌ عَجِيبٌ
Waxayse la yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah oy markaas dheheen gaaladii kan waa wax la yaab leh.
أَءِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا ذَٰلِكَ رَجْعٌۢ بَعِيدٌ
Ma markaan dhimanno oon carro noqonno yaa nala soo celin, taas waa soo celin fog.
قَدْ عَلِمْنَا مَا تَنقُصُ ٱلْأَرْضُ مِنْهُمْ وَعِندَنَا كِتَٰبٌ حَفِيظٌۢ
Waan ognahay waxa dhulku ka cunay jidhkooda, agtannada waxaa yaalla kitaab koobay wax walba, oo ilaashan.
بَلْ كَذَّبُوا۟ بِٱلْحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمْ فَهُمْ فِىٓ أَمْرٍ مَّرِيجٍ
Waxaybase beeniyeen xaqii markuu u yimid, waxayna ku sugan yihiin xaal qasan.
أَفَلَمْ يَنظُرُوٓا۟ إِلَى ٱلسَّمَآءِ فَوْقَهُمْ كَيْفَ بَنَيْنَٰهَا وَزَيَّنَّٰهَا وَمَا لَهَا مِن فُرُوجٍ
Miyayna eegin samada korkooda ah sidaan u dhisnay una qurxinnay ayna duleella u lahayn.
وَٱلْأَرْضَ مَدَدْنَٰهَا وَأَلْقَيْنَا فِيهَا رَوَٰسِىَ وَأَنۢبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍۭ بَهِيجٍ
Dhulkana waan waasicinnay waxaanna ku sugnay buuro, waxaanna ka soo bixinnay dhexdiisa nooc kasta oo quruxsan.
تَبْصِرَةً وَذِكْرَىٰ لِكُلِّ عَبْدٍ مُّنِيبٍ
Inay garansiin iyo waano u noqoto ruux kasta oo addoon Alle oo toobad keen badane ah.
Suuraddani waa suurad la yaab leh oo kulmisay abuuridda khalqiga, soo bixinta, xisaabta, jannada, naarta, wanaag marinta, ciqaaabta, rajo galinta iyo cabsi galintaba. Alle na wuxuu quraanka ugu dhaartay in waxa suuraddu sheegeyso xaq yahay, Alle na wax kama cajiso, soo bixinta dadka iyo kulminta xubnohoodiina awood buu u leeyahay, maxaa yeelay wax walba waa ogyahay, waana kan inoogu nimceeyay cirka korkeenna ah ee quruxda badan iyo dhulka uu inoo waasiciyay ee aan ku dul noollahay wax kasta oo wanaagsanna inooga soo bixiyay, si ay waano, Alle aqoonsi iyo toobad keen innoogu noqoto, waana arrin Alle lugu mahadiyaa.
وَنَزَّلْنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً مُّبَٰرَكًا فَأَنۢبَتْنَا بِهِۦ جَنَّٰتٍ وَحَبَّ ٱلْحَصِيدِ
Waxaan ka soo dajinnay samada biyo barakaysan oon ku soo bixinnay beero iyo midho la goosto.
وَٱلنَّخْلَ بَاسِقَٰتٍ لَّهَا طَلْعٌ نَّضِيدٌ
Iyo geedtimireed dheer oo fidsan oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran.
رِّزْقًا لِّلْعِبَادِ وَأَحْيَيْنَا بِهِۦ بَلْدَةً مَّيْتًا كَذَٰلِكَ ٱلْخُرُوجُ
Si addoommada Alle loogu irsaaqo, biyahaana waxaan ku noolaynay magaalo dhimatay, saasayna soo bixintu tahay.
كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَأَصْحَٰبُ ٱلرَّسِّ وَثَمُودُ
Kuwa reer makaad hortooda waxaa xaqii beeniyay qoomkii (Nabi) Nuux iyo Rasi dadkeedii iyo Thamuud.
وَعَادٌ وَفِرْعَوْنُ وَإِخْوَٰنُ لُوطٍ
Iyo ree Caad iyo Fircoon iyo (Nabi) Luud walaalihiis (qoomkiisii).
وَأَصْحَٰبُ ٱلْأَيْكَةِ وَقَوْمُ تُبَّعٍ كُلٌّ كَذَّبَ ٱلرُّسُلَ فَحَقَّ وَعِيدِ
Iyo kayntii dadkeedii (Nabi Shucayb qoomkiisii) iyo qoomkii Tubbac, dhammaantood waxay beeniyeen rasuulladdi, waxaana ku dhacay wixii Alle ugu goodiyay (ciqaabtii).
أَفَعَيِينَا بِٱلْخَلْقِ ٱلْأَوَّلِ بَلْ هُمْ فِى لَبْسٍ مِّنْ خَلْقٍ جَدِيدٍ
Ma waxaan ka noognay abuuriddii hore, waxayse shakisan yihiin abuuridda cusub (soo bixinta).
Ilaaheen nicmadiisu waa badan tahay, waxaana ka mid ah roobka uu ku soo bixiyo cunnada kala duwan, si khalqiga Alle ugu noolaadaan, una nooleeyo magaalo abaarowday oo dhimatay, si ay daliil ugu noqoto dadka soo bixinta qiyaame, maxaa yeelay kama darra abuuriddii hore siduu Alle ku yidhi hadalkiisa qudsiga ah: «waxay dhihi banii'aadamku iima soo celinayo Alle siduu igu billaabay, abuurka horana iigama fududa soo celinta». Bukhaari ayaa wariyey. Xaqdiidayaashu ma aha wax cusub iyo wax ku gaar ah kuwii Nabiga beeniyay, ee waxaa Nabiyadoodii iyo rasuulladoodii beeniyay gaalo badan oo hore, waxaase ku dhacday halaag, waxaana dhulkii u hadhay xaqii Alle ee Nabiyadu u yeedhayeen.
وَلَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَٰنَ وَنَعْلَمُ مَا تُوَسْوِسُ بِهِۦ نَفْسُهُۥ وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنْ حَبْلِ ٱلْوَرِيدِ
Dhab ahaan yaan u abuurray insaanka (dadka) waana ognahay waxay naftiisu ku waswaasin annagaana uga dhaw xididka dhuunta.
إِذْ يَتَلَقَّى ٱلْمُتَلَقِّيَانِ عَنِ ٱلْيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ قَعِيدٌ
Markay la kulmi (oo qori) malaa’igta ilaalinaysa qofka oo midigta iyo bidixda ka fadhida (hadalkiisa iyo falkiisa).
مَّا يَلْفِظُ مِن قَوْلٍ إِلَّا لَدَيْهِ رَقِيبٌ عَتِيدٌ
Wax kastoo uu ku hadlo waxaa la jooga raqiib (xaafida) iyo catiid xaadira (oo qori).
وَجَآءَتْ سَكْرَةُ ٱلْمَوْتِ بِٱلْحَقِّ ذَٰلِكَ مَا كُنتَ مِنْهُ تَحِيدُ
Waxaa u yimid sakaraadkii geerida si dhab ah waanataas geeridaad ka cararaysay.
وَنُفِخَ فِى ٱلصُّورِ ذَٰلِكَ يَوْمُ ٱلْوَعِيدِ
Suurkii (qiyaamana) waa la afuufi waana maalin laysu yaboohay (oo sugan).