وَٱلذَّٰرِيَٰتِ ذَرْوًا
Alle wuxuu ku dhaartay dabaysha (carrada kicisa) kicin.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
وَٱلذَّٰرِيَٰتِ ذَرْوًا
Alle wuxuu ku dhaartay dabaysha (carrada kicisa) kicin.
فَٱلْحَٰمِلَٰتِ وِقْرًا
Iyo daruurta xambaarta culayska (roobka).
فَٱلْجَٰرِيَٰتِ يُسْرًا
Iyo doonnida sida fudud u socota.
فَٱلْمُقَسِّمَٰتِ أَمْرًا
Iyo malaa’igta amarka qaybisa.
إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَصَادِقٌ
Ee dadow waxa laydiinku goodin waa run.
وَإِنَّ ٱلدِّينَ لَوَٰقِعٌ
Abaalmarintuna waa sugan tahay.
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلْحُبُكِ
Samada yuu Alle ku dhaartay ee quruxda iyo waddooyinka leh.
إِنَّكُمْ لَفِى قَوْلٍ مُّخْتَلِفٍ
Ee dadow waxaad ku sugan tihiin hadal is khilaafsan.
يُؤْفَكُ عَنْهُ مَنْ أُفِكَ
Iimaankana waxaa laga iilaa ruux dhumay.
قُتِلَ ٱلْخَرَّٰصُونَ
Waxaana la nacladay beenaalayaasha.
ٱلَّذِينَ هُمْ فِى غَمْرَةٍ سَاهُونَ
Ee ah kuwa xumaantooda (baadinnimadooda) ku dhex hilmaansan.
يَسْـَٔلُونَ أَيَّانَ يَوْمُ ٱلدِّينِ
Waxay waydiin goorta abaalmarinta (qiyaamada).
يَوْمَ هُمْ عَلَى ٱلنَّارِ يُفْتَنُونَ
Waana maalinta naarta lagu gubi.
ذُوقُوا۟ فِتْنَتَكُمْ هَٰذَا ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تَسْتَعْجِلُونَ
Laguna dhihi dhadhamiya caddibaaddii aad dadajisanayseen.
Sida aayado badan sheegeen Alle wuxuu ku dhaartaa wax badan oo khalqigiisa ka mid ah. Xaqna wuu u leeyahay, waxayna ku tusin adkaynta waxa la sheegi, sida qiyaamada, xisaabta iyo abaalmarinta. Jidka toosanna waxaa ka leexda kuwa xaqa isu diida ee beenaalayaasha ah, xumaantana dhexdabaasha, qiyaamada iyo soo bixintana si xun u waydiiya, waxaase lagu abaalmarin naar daran, saas daraadeed waxaa waajib ah in jidka toosan la qaado ee jannada aadaya, jidka xunna laga leexdo ee jahannama u baxa.
إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى جَنَّٰتٍ وَعُيُونٍ
Kuwa dhawrsaday waxay ku sugnaan jannooyin iyo ilo.
ءَاخِذِينَ مَآ ءَاتَىٰهُمْ رَبُّهُمْ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَبْلَ ذَٰلِكَ مُحْسِنِينَ
Iyagoo qaadan waxa Alle siiyay, maxaa yeelay waxay ahaayeen horay kuwo wanaag fala.
كَانُوا۟ قَلِيلًا مِّنَ ٱلَّيْلِ مَا يَهْجَعُونَ
Waxayna ahaayeen kuwo wax yar habeenkii seexda.
وَبِٱلْأَسْحَارِ هُمْ يَسْتَغْفِرُونَ
Waagana way dambi dhaaf waydiisanayeen.
وَفِىٓ أَمْوَٰلِهِمْ حَقٌّ لِّلسَّآئِلِ وَٱلْمَحْرُومِ
Xoolohoodana xaq bay ku leeyihiin kuwa waydiista iyo ka dhibaataysan (ee rizqiga laga hoojiyay).
وَفِى ٱلْأَرْضِ ءَايَٰتٌ لِّلْمُوقِنِينَ
Dhulkana waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax yaqiinin.