وَٱلطُّورِ
(Alle wuxuu ku dhaartay) duurisiina.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
وَٱلطُّورِ
(Alle wuxuu ku dhaartay) duurisiina.
وَكِتَٰبٍ مَّسْطُورٍ
Iyo kitaabka la dhigay.
فِى رَقٍّ مَّنشُورٍ
Oo ku qoran warqado la fidiyay.
وَٱلْبَيْتِ ٱلْمَعْمُورِ
Iyo gurigii cammirraa (beytulmacmuur).
وَٱلسَّقْفِ ٱلْمَرْفُوعِ
Iyo saanqaafka la koryeelay (cirka).
وَٱلْبَحْرِ ٱلْمَسْجُورِ
Iyo baddii la kululeeyay.
إِنَّ عَذَابَ رَبِّكَ لَوَٰقِعٌ
Ee caddibaadda Alle waa wax dhici (sugan).
مَّا لَهُۥ مِن دَافِعٍ
Wax celinna ma jiro.
يَوْمَ تَمُورُ ٱلسَّمَآءُ مَوْرًا
Waxay dhici caddibaaddaas maalinta samadu wareegi.
وَتَسِيرُ ٱلْجِبَالُ سَيْرًا
Buuruhuna socon.
فَوَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
Halaagna waxaa iska leh maalintaas kuwa xaqa beeniyay.
ٱلَّذِينَ هُمْ فِى خَوْضٍ يَلْعَبُونَ
Ee ah kuwa tiimbashada xumaanta ku dhex ciyaari.
يَوْمَ يُدَعُّونَ إِلَىٰ نَارِ جَهَنَّمَ دَعًّا
Maalinta naarta xoog loogu tuurina (waxaa lagu dhihi).
هَٰذِهِ ٱلنَّارُ ٱلَّتِى كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ
Waatan naartii aad beenin jirteen.
أَفَسِحْرٌ هَٰذَآ أَمْ أَنتُمْ لَا تُبْصِرُونَ
Ma sixirbaa, mase waxbaydaan arkayn.
ٱصْلَوْهَا فَٱصْبِرُوٓا۟ أَوْ لَا تَصْبِرُوا۟ سَوَآءٌ عَلَيْكُمْ إِنَّمَا تُجْزَوْنَ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Gala, ama samra ama ha samrinee, waa isugu kiin mid, waxaa uun laydinka abaalmarin waxaad camal falayseen.
Alle wuxuu ku dhaaran makhluuqaadkiisa ku tusin qudradiisa, sida buurta duurisiina; kitaabka la dhawray, quraanka, beytulmacmuur, cirka, dhulka, badda iyo wixii la mid ah, intaas oo dhanna waxaa lagu xoojin in ciqaabta Alle oo uu xumaanlowga u darbay sugan tahay, wax reebina uusan jirin, maalinta qiyaamana xaq diidayaasha lagu abaal marin ciqaab daran, maxaa yeelay waxay ku madax adkaadeen oo dabbaasheen wabigii xumaanta, Allena ma dulmiyine iyagaa is dulmiyay.
إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى جَنَّٰتٍ وَنَعِيمٍ
Kuwa Alle ka dhawrsaday waxay gali jannooyin iyo nicmo.
فَٰكِهِينَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمْ رَبُّهُمْ وَوَقَىٰهُمْ رَبُّهُمْ عَذَابَ ٱلْجَحِيمِ
Iyaga oo ku raaxaysan waxa Alle siiyay, Rabbigoodna wuxuu ka dhawray caddibaadda jaxiimo.
كُلُوا۟ وَٱشْرَبُوا۟ هَنِيٓـًٔۢا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
(Waxaana lagu dhihi) cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkiinnii dartiis.
مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ سُرُرٍ مَّصْفُوفَةٍ وَزَوَّجْنَٰهُم بِحُورٍ عِينٍ
Idinkoo ku dangiiga sariiro la safay, waxaanna la xiriirin haween janno (xuuralcayn).