وَٱلنَّجْمِ إِذَا هَوَىٰ
Wuxuu ku dhaartay (Alle) xiddiggu markuu hoobto.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
وَٱلنَّجْمِ إِذَا هَوَىٰ
Wuxuu ku dhaartay (Alle) xiddiggu markuu hoobto.
مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمْ وَمَا غَوَىٰ
Ee saaxiibkiin (Nabigu) ma dhumin, xaqana kama leexan.
وَمَا يَنطِقُ عَنِ ٱلْهَوَىٰٓ
Kamana hadlo hawadiisa.
إِنْ هُوَ إِلَّا وَحْىٌ يُوحَىٰ
Quraankuna waxaan waxyi Alle ahayn ma aha.
عَلَّمَهُۥ شَدِيدُ ٱلْقُوَىٰ
Waxaana wax baray (oo xagga Alle ka soo gaadhsiiyay) ku xoog wayn, (malaku Jibriil).
ذُو مِرَّةٍ فَٱسْتَوَىٰ
Ee qurux iyo quwaba leh, wuuna ekaaday.
وَهُوَ بِٱلْأُفُقِ ٱلْأَعْلَىٰ
Wuxuuna joogay jihadii sare (Jibriil).
ثُمَّ دَنَا فَتَدَلَّىٰ
Kaddibna u soo dhawaaday kuna soo hoobtay (Nabiga).
فَكَانَ قَابَ قَوْسَيْنِ أَوْ أَدْنَىٰ
Intuu uga jirsado qaddarka laba qaanso ama ka dhaw.
فَأَوْحَىٰٓ إِلَىٰ عَبْدِهِۦ مَآ أَوْحَىٰ
Wuxuuna Alle u waxyooday addoonkiisa (Nabiga) wuxuu u waxyooday.
Alle wuxuu ku dhaartaa wuxuu doono oo khalqigiisa ka mid ah, addoomadiisuna kuma dhaartaan waxaan isaga ahayn, siduu sheegay imaam Shacbi. Alle na wuxuu halkan ku dhaartay xiddiggu markuu hooban, in Nabigu toosan yahay, xaqna ku hadlo wuxuu sheegina uu yahay wax Alle ku soo dajiyay uguna soo dhiibay malaku Jibriil, Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee) had iyo jeer marka waxyi soo dagi wuxuu la kulmi jiray malaku Jibriil, taasina waxay tummaato ku tahay gaalada iyo xaq diidayaasha diidi xaqnimada quraanka. Nabiguna (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee) wuxuu yidhi: «anugu kuma hadlo waxaan xaq ahayn». Waxaa wariyay imaam Axmad binu Xambal.
مَا كَذَبَ ٱلْفُؤَادُ مَا رَأَىٰٓ
Qalbiguna ma beenin wuxuu arkay (Nabigu).
أَفَتُمَٰرُونَهُۥ عَلَىٰ مَا يَرَىٰ
Ee ma idinkaa kula murmi «kana doodi» wuxuu arkay.
وَلَقَدْ رَءَاهُ نَزْلَةً أُخْرَىٰ
Dhabnimuu Nabigu u arkay jibriil mar kale
عِندَ سِدْرَةِ ٱلْمُنتَهَىٰ
Sidratul-muntaha agteeda.
عِندَهَا جَنَّةُ ٱلْمَأْوَىٰٓ
Agteedana waxaa ah jannatulma’waa.
إِذْ يَغْشَى ٱلسِّدْرَةَ مَا يَغْشَىٰ
(Wuxuu arkay) waqtiguu daboolayay sidrada wax daboola.
مَا زَاغَ ٱلْبَصَرُ وَمَا طَغَىٰ
Aragguna kama iilan wuxuu arkay (Nabigu) mana xadgudbin.
لَقَدْ رَأَىٰ مِنْ ءَايَٰتِ رَبِّهِ ٱلْكُبْرَىٰٓ
Dhabnimo yuuna u arkay (Nabigu) aayado Alle oo waawayn.
أَفَرَءَيْتُمُ ٱللَّٰتَ وَٱلْعُزَّىٰ
Ka warrama (sanamyada) Laata iyo Cuza.
وَمَنَوٰةَ ٱلثَّالِثَةَ ٱلْأُخْرَىٰٓ
Iya Manaatadii saddexaad ee kale.