ٱقْتَرَبَتِ ٱلسَّاعَةُ وَٱنشَقَّ ٱلْقَمَرُ
Waxaa dhawaatay saacaddii (qiyaame), dayixiina wuu dillaacay.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
ٱقْتَرَبَتِ ٱلسَّاعَةُ وَٱنشَقَّ ٱلْقَمَرُ
Waxaa dhawaatay saacaddii (qiyaame), dayixiina wuu dillaacay.
وَإِن يَرَوْا۟ ءَايَةً يُعْرِضُوا۟ وَيَقُولُوا۟ سِحْرٌ مُّسْتَمِرٌّ
Hadday gaaladu arkaan aayad way ka jeedsadaan waxayna dhahaan waa sixir tagi.
وَكَذَّبُوا۟ وَٱتَّبَعُوٓا۟ أَهْوَآءَهُمْ وَكُلُّ أَمْرٍ مُّسْتَقِرٌّ
Way beeniyeen (Nabiga iyo xaqa) waxayna raaceen hawadooda, amar kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado.
وَلَقَدْ جَآءَهُم مِّنَ ٱلْأَنۢبَآءِ مَا فِيهِ مُزْدَجَرٌ
Waxaana ugu yimid dhab ahaan warar ku dheehan waano.
حِكْمَةٌۢ بَٰلِغَةٌ فَمَا تُغْنِ ٱلنُّذُرُ
Waana xigmad xeel dheer, maxaysa tari udigidi.
فَتَوَلَّ عَنْهُمْ يَوْمَ يَدْعُ ٱلدَّاعِ إِلَىٰ شَىْءٍ نُّكُرٍ
Ee iskaga jeedso (sugna) maalinta mid dhawaaqaa uu ugu yeedhi wax daran.
خُشَّعًا أَبْصَٰرُهُمْ يَخْرُجُونَ مِنَ ٱلْأَجْدَاثِ كَأَنَّهُمْ جَرَادٌ مُّنتَشِرٌ
Araggooduna wuu dullaysnaan, waxayna ka soo bixi qubuurahooda iyagood moodid ayax faafay.
مُّهْطِعِينَ إِلَى ٱلدَّاعِ يَقُولُ ٱلْكَٰفِرُونَ هَٰذَا يَوْمٌ عَسِرٌ
Iyagoo u dagdagi dhawaaqaha xaggiisa, waxayna dhihi gaaladu kani waa maalin daran.
Calaamooyinka qiyaamada waxaa ka mid ah soo bixintii (Nabiga) (ammaan iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee). Gaaladuna wax kastoo ku tusin xaqnimada (Nabiga) «oy arkaanba way beeninayeen, iyagoo sixir iyo xumaanba ku sheegi, wax walbase meel uu ku dhammaaduu leeyahay, waase in la waana qaato lana raaco xigmada quraanku sheegi inta ka horraysa qiyaamada iyo abaalmarinta loona darbado maalintaas wayn. Waxaa laga wariyay Khaalid Binu Cumayr inuu yidhi: waxaa khudbad noo akhriyay Rasuulkii Alle (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) Alle ayuuna ku mahadiyay kor ahaaye, wuuna ammaanay waxuuna yidhi: (intaa ka dib adduunyadii waxay ogaysiisay goyn, wayna jeedsatay, kamana hadhin wax yar mooyee oo la mid ah weel wax ku hadhay oo ruuxu qaadanayo, waadna ka guuraysaan xaggeeda una guuraysaan daar aan tagaynin, ee ka guura idinkoo wata camalkiinna khayrka badan, waxaa naloo sheegay in dhagax lagu tuuray salka jahannamo uuna sii socon toddoobaatan sano isagoon salka gaadhin, wallaahi in la buuxin, ma la yaabteen? Wallaahi waxaa naloo sheegay in jannada labadeeda albaab loo kala socdo afartan sano, waxaana iman maalin ay cidhiidhi la buuxdo). Waxaa wariyay Imaam Axmad binu Xambal.
كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ فَكَذَّبُوا۟ عَبْدَنَا وَقَالُوا۟ مَجْنُونٌ وَٱزْدُجِرَ
Waxaa beeniyay (xaqa) iyaga hortood (Nabi) Nuux qoomkiisii, waxay beeniyeen addoonkannagii, waxayna dheheen wuu waalan yahay, waana la guulguulay, «oo la canaantay».
فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنِّى مَغْلُوبٌ فَٱنتَصِرْ
Rabbigiisna tuugay inuu tabar yahay oo u gargaaro.
فَفَتَحْنَآ أَبْوَٰبَ ٱلسَّمَآءِ بِمَآءٍ مُّنْهَمِرٍ
Markaasaan ku furray albaabbada samada (cirka) biyo badanna ka keennay.
وَفَجَّرْنَا ٱلْأَرْضَ عُيُونًا فَٱلْتَقَى ٱلْمَآءُ عَلَىٰٓ أَمْرٍ قَدْ قُدِرَ
Dhulkana Alle ka dillaaciyay ilo, wayna kulmeen biyihii amar la qadaray dartiis.
وَحَمَلْنَٰهُ عَلَىٰ ذَاتِ أَلْوَٰحٍ وَدُسُرٍ
Waxaanna ku xambaarray Nabi Nuux (doon) looxyo iyo musbaarro leh.
تَجْرِى بِأَعْيُنِنَا جَزَآءً لِّمَن كَانَ كُفِرَ
Kuna socota ilaalintannada si loo abaalmariyo (oo loogu gargaaro) kan lugu gaaloobay (oo nebi Nuux ah).
وَلَقَد تَّرَكْنَٰهَآ ءَايَةً فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
Waxaan uga tagnay (yuu Alle yidhi) calaamad (lagu waantoobo) ee ma jirtaa cid wacdoomi (oo wax xusuusan).
فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِى وَنُذُرِ
Seese yahay caddib Alle iyo digiddiisu.
وَلَقَدْ يَسَّرْنَا ٱلْقُرْءَانَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
Waan fududaynnay quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi.
Qisada (Nabi) Nuux iyo qoomkiisii wax badan buu quraanku sheegay, si loogu waana qaato, falkoodii xumaana looga leexdo, samaantana la falo, quraanka Alle fududeeyayna la raaco, laguna dhaqmo wanaaguu u yeedhi. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi: haddaan Alle u sahlin quraanka carrabka Aadamiga ruux khalqiga ka mid ah ma kareen inuu ku hadlo kalaamka Alle.
كَذَّبَتْ عَادٌ فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِى وَنُذُرِ
Caadna way beenisay (xaqii), seese noqotay caddibaaddii Alle iyo u digiddiisii.
إِنَّآ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ رِيحًا صَرْصَرًا فِى يَوْمِ نَحْسٍ مُّسْتَمِرٍّ
Waxaan ku dirray korkooda dabayl qabaw daran maalin baasaysan dhexdeed oo joogta ah.
تَنزِعُ ٱلنَّاسَ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍ مُّنقَعِرٍ
Oo dadka siibaysa sida geed timireed guntiisii la rujiyay.