ٱلرَّحْمَٰنُ
(Allaha) Raxmaan ah.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
ٱلرَّحْمَٰنُ
(Allaha) Raxmaan ah.
عَلَّمَ ٱلْقُرْءَانَ
Wuxuu baray (Nabiga iyo dadka kalaba) quraanka.
خَلَقَ ٱلْإِنسَٰنَ
Dadkana wuu abuuray.
عَلَّمَهُ ٱلْبَيَانَ
Wuxuuna baray dadka (hadalka).
ٱلشَّمْسُ وَٱلْقَمَرُ بِحُسْبَانٍ
Qorraxda iyo dayaxuna waxay ku socdaan xisaab.
وَٱلنَّجْمُ وَٱلشَّجَرُ يَسْجُدَانِ
Xiddigga iyo geedkuba way sujuudaan (Alle dartiis).
وَٱلسَّمَآءَ رَفَعَهَا وَوَضَعَ ٱلْمِيزَانَ
Samadana Alle ayaa kor yeelay, garsoorna wuu dajiyay.
أَلَّا تَطْغَوْا۟ فِى ٱلْمِيزَانِ
Si aydaan uga gudbin caddaaladda.
وَأَقِيمُوا۟ ٱلْوَزْنَ بِٱلْقِسْطِ وَلَا تُخْسِرُوا۟ ٱلْمِيزَانَ
Miisaanka ku hagaajiya caddaalad, hana nusqaaminnina.
وَٱلْأَرْضَ وَضَعَهَا لِلْأَنَامِ
Dhulkana Alle wuxuu u dajiyay khalqiga.
فِيهَا فَٰكِهَةٌ وَٱلنَّخْلُ ذَاتُ ٱلْأَكْمَامِ
Dhexdiisa waxaa ah faakihad (khudaar) iyo timir fiido leh.
وَٱلْحَبُّ ذُو ٱلْعَصْفِ وَٱلرَّيْحَانُ
Xubuubna (midho) bal leh iyo udgoonna wuu abuuray.
فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
Nicmooyinka Alle teebaad beeninaysaan (insi iyo jinniyow).
خَلَقَ ٱلْإِنسَٰنَ مِن صَلْصَٰلٍ كَٱلْفَخَّارِ
Dadka Alle ayaa ka abuuray dhoobo jilay oo kale ah.
وَخَلَقَ ٱلْجَآنَّ مِن مَّارِجٍ مِّن نَّارٍ
Jaankana wuxuu ka abuuray ololka naarta.
فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
Nicmooyinka Alle teebaad beeninaysaan.
Alle wuxuu ku billaabay magaciisa Raxmaan ah, iyo nicmooyin badan oos ugu nicmeeyay khalqigiisa, sida quraanka uu baray addoommadiisa, abuuridda, hadalka, qorraxda, dayaxa, xiddigaha, geedaha, cirka, dhulka iyo caddaaladda uu soo dajiyay, saas daraaddeed yuu ku soo celceliyay suuraddan ka digidda beeninta nicmooyinkiisa. Jaabir waxaa laga wariyay Alle ha ka raalli noqdee inuu yidhi: waxaa u soo baxay Rasuulkii Alle (ammaan iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee) asaxaabtiisii, wuxuuna ku akhriyay suuratu-raxmaan billawgeeda ilaa dhammaadkeeda, markaasay aammuseen wuxuuna yidhi: (waxaan ku akhriyay suuraddan jinniga habeenkii jinniga, iyagaana idinka fiicnaa raddinta (jawaab), markastoon imaaddo hadalka Alle sarreeye: (nicmooyinka Alle teebaad beeninaysaan) waxay dhahaan: mid nicmadaada ka mid ahna Rabbigeenow beenin mayno, adaana mahad iska leh). Waxaa wariyay Tirmidi.
رَبُّ ٱلْمَشْرِقَيْنِ وَرَبُّ ٱلْمَغْرِبَيْنِ
Ilaaheen waa Rabbiga labada qorrax ka soo bax iyo labada qorrax u dhac.
فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
Nicmooyinka Rabbigiin teebaad beeninaysaan.
مَرَجَ ٱلْبَحْرَيْنِ يَلْتَقِيَانِ
Alle waa kan labada badood dariseeyey iyagoo kulmi.
بَيْنَهُمَا بَرْزَخٌ لَّا يَبْغِيَانِ
Dhexdoodana yeelay soohdin (kala reebta) iskumana xadgudbaan.